Bulshooyinka dega Gobollada Sool, Saanag iyo Cayn (Buuhoodle) oo ku abtirsada Khaatumo iyo Maakhir ee Waqooyiga Soomaaliya waxa ka jiray muddo badan dhibaatooyin ay dadka degaankaasi kala kulmayeen maamulka Somaliland oo ku khasbaayey siyaasado aanay rabin, wuxuuna damac kaga jiray in dhulka ay deggen yihiin uu ka barabixiyo, iyaga oo ku celcelinaaya: “Dadka guuree dhulku ma guuro”.
Go’doon siyaasadeed, dib u dhac bulsho, horumar la’aan, dagaallo iyo faragelinno lagu doonaayey in lagu muquuniyo doonistooda, laguna boobo dhulkooda iyo dhibaatooyin kale oo fara badan ayey la kulmaayeen bulshooyinkaasi, iyaga oo dhankooda halgan kaga jiray sidii ay iskaga cabbin lahaayeen siyaasadahaas gurracan.
Loolan dheer kadib, 25-kii Agoosto, 2023-kii ayaa bulshada degaannada SSC-Khaatumo ku guulaysteen in ay iska kiciyaan nidaamkii xogga iyo xeeladda ku joogay degaannadooda inta badan, waxana ay xilligaa intii ka danbeysay u madax-bannaanadeen taladoodii iyo dhulkoodii. Inkasta oo ay weli jiraan culaysyo iyo dagaallo joogta ah oo kaga imanaayey nidaamka Somaliland oo aan weli ka tanaasulin damaciisii ahaa inuu mar kale maquuniyo bulshooyinkaas, haddana waxa ay ahayd fursad weyn oo uu suurtagelisay in ay wax badan doonistooda ku qabsadaan, iyagoona dhistay maamul la dhaho SSC-Khaatumo oo ku meel gaar ah, kuna midaysanyihiin dadka degaankaas.
12-kii April 2025, Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa safar taariikhi ah ku tegay magaalada Laascaanood, waxana la filayaa in safarkaasi uu saameyn weyn ku yeesho siyaasadda iyo nolosha bulshooyinka ku dhaqan degaannada SSC-Khaatumo iyo Maakhir oo isku duruuf ku jiray muddo badan, marka la eego siyaasadda iyo culeysyada kaga imanaya nidaamka Somaliland oo doonaya inuu khasab kula wareego dhulka labadaas bulsho.
Qiimaha safarka Raysulwasaaraha ee degaanadaas
Waxa la aaminsanyahay in booqashada Raysulwasaare Xamse iyo wefdiga kala duwan ee la socotay oo ka koobnaa ha’yadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ahaa talaabo weyn oo u adeegeysa marka laga eego:
- Dhanka siyaasadda: Bulshooyinkan ayaa ku ciillanaa masraxyada siyaasadda iyaga oo aan wax cod ah oo saameyn leh ku lahayn fagaarayaasha lagu gorfeeyo siyaasadda iyo danaha bulshooyinka kala duwan ee Soomaaliyeed, taas oo keentay in dhibka ka jiray gobolladan aan si saxan looga doodin, cabashada ay bulshadan qabteyna aan la gaarsiin masraxyada Soomaaliya. Sidaa darteed, safarkan iyo aqoonsiga xukuumada Somaaliya ay siisay maamulka SSC-Khaatumo waxa uu noqanayaa guul siyaasadeed oo weyn oo u suuraggelinaysa gobolladan in codkoodu gaaro masraxayada iyo golayaasha Soomaaliyeed, ugana sii gudbo kuwa gobolka iyo caalamka. Waxa la filayaa in bisha May, 2025-ka uu maamulka SSC-Khaatumo ku biiro shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo wax badan oo go’aanno muhiim ah lagu gaaro.
- Dhanka Dowladnimada: Muddo 30 sanno ka badan,ma jirin wax adeeg dowladeed oo weyn oo ka hirgalay degaannada ay ku nool yihiin bulshooyinka Khaatumo iyo Maakhir, mana heli jirin qoondoonyinka horumarineed ay helaan gobollada kale ee la midka ah,taasna waxa sabab u ah maamulka Somaliland oo kaashanaya beesha caalamka oo hirgeliyay borobagaando ah, “in dhulkaas yahay dhul la isku haysto (disputed area)”, markii dadka deggani uu iska diiday fikirkii goonigoosadka, sidaa darteedna, bulshooyinkaas waxa ay arrinkaas ku waayeen deeqaha gargaarka iyo kuwa horumarineed ee beesha caalamku siiso Soomaaliya iyo adeegyo badan oo dowladeed. Raysulwasaare Xamse wuxuu sheegay in degaanadda SSC-Khaatumo yihiin dhul Soomaaliyeed oo hoostaga Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), aysana ahayn degaanno la isku haysto, waxa kale oo Xamse ku amray hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa qaranka in ay si toos ah uga shaqa galaan dhulkaas, talaabadaas oo guul weyn oo siyaasadeed iyo mid bulsho u ah deegaanadaas. Waxa kale oo DFS magaaladda Laascaanood ka dhagaxdhigtay xarumo maamul iyo kuwa adeeg bixineed, waxaa xariga laga jaray hay’ada “Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha – NIRA” iyo mid waxbarasho oo bulshada u fududeynaya adeegyada ay u baahan yihiin.
- Adkeynta midnimada dalka iyo ka hortagidda kala jaridda: Bulshooyinka degaannada Khaatumo iyo Maakhir waxa ay udubdhaxaad u yihiin ilaalinta midnimada Soomaaliyeed iyo ka hortagga qaybinta, waxayna waqti badan iyo naf iyo maalba u hureen in aan mashruuca goonnigoosadku ka hirgelin degaannadooda. Dagaalkii Sool 2023-dii iyaga iyo bulshooyinkii kale ee u soo gurmaday ku waayeen dad badan, in kale oo badanna waa ay ku naafoobeen, barakac iyo burbur bandanna waxa uu ku dhacay dhulkaas, sidaas darteed safarkan waxa uu ka dhignaa in halgan kooda laga abaal mariyey, laguna taageeray qadiyadda ilaalinta midnimada dalka.
- Rajo gelinta xoogagga isbeddel-doonka ah: Safarkani wax uu yididiilo gelinayaa xoogagga doonaya isbeddelka iyo horumarka, wuxuuna dhiirri gelinayaa dhinacyada ku howlan ka hortagga mashruuca goonnigoosadka iyo wax kabeddelka bulshooyinka gobolladaas, sidaas oo kale waxa uu cashar u noqonaya bulshooyinka kale ee Soomaaliyeed ee doonaya inay wax qabsadaan.
- Xoojinta nabadda iyo wada noolaashaha bulshooyinka Soomaaliyeed: Xukuumadda Soomaaliya ayaa doonaysay in xal laga gaaro dagaallada joogtada ah, lana furo waddo lagu wada hadlayo si deris wanaag iyo Soomaalinnimo loogu noolaado degaannadaas, maamulka SSC-Khaatumo oo arinkaa ku waafaqayna waxa uu sii daayey 25 maxbuus oo ku xirnaa Laascaanood; si ay u noqdaan astaan muujinaysa in SSC-Khaatumo doonayso nabad iyo deris wanaag.
- Ka hortagidda faraggelinta Shisheeyaha: Waxa kale oo qodob weyn ahaa in safarkani uu dhabarjabin weyn ku ahaa faraggelinta quwadaha shisheeye ee doonaaya in dalka la kala qaybiyo si ay danahooda uga fushadaan. Waxa si cad safarkan u diidanaa qayb ka mid ah dalalkii hore u guumaysan jiray Soomaaliya oo dano amni iyo kuwo dhaqaale ka leh gobolladan.
Qoraaga: Maxamed Siciid Faarax