Hordhac
Cadadkii hore ee soo baxay bishii October, waxaan kaga hadalnay arrinta cinwaanka kore ku xusan, oo ahayd baahida loo qabo in mar walba dib-u-qaabayn lagu sameeyo nidaamka dowladnimada Puntland dhinac kasta. Waxaan kusoo bandhignay dib-u-habeynta nidaamka dowladeed ee loo baahanyahay, anagoo tixraacnay fikradaha iyo talooyinka khuburada arrimahaas ka faallooda, kuwa Islaamka iyo kuwa reer Galbeedka labadaba.
Cadadkii hore, waxaan xusnay baahida Puntland u qabto inay dib-u-qaabayso dastuurkeeda, maadaama dastuurku uu mar walba u baahanyahay inuu la jaanqaado duruufaha iyo xaaladaha waqtigu keenayo. Waxaan sidoo kale tooshka ku ifinay baahida loo qabo in dowlad-wanaag laga hirgeliyo Puntland, anagoo falanqaynay waxa dowlad-wanaagu yahay iyo mabaadii’da uu ku dhisan yahay, si loo fahmo saldhigga iyo jihada horumar ee dowladnimada Puntland.
Haddaba, qormadaan waxaan ku soo bandhigi doonaa dib-u-qaabaynta loo baahanyahay ee ku saabsan arrimaha dhaqaalaha, amniga, caddaaladda, iyo arrimaha bulshada, anagoo falanqeyn doona caqabadaha jira iyo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah horumar waara ee Puntland.
Arrimaha dhaqaalaha
Guud ahaan dhaqaalaha Soomaaliya waa mid aad u hooseeya warbixintii ugu damayasay 2024 waxay ku qiyaastay guud ahaan wax-soo-saarka iyo dhaqaalaha Soomaaliya oo dhan GDP 11.97 Billion (World bank 2024), guud ahaan dalka Soomaaliya oo Puntland ay qayb ka tahay waa dal ku tiirsanaa weligiis kaalmo dibadeed, kaalmadaas oo sanadkaan aan ku jirno laga bilaabo aad hoos ugu dhacday iyadoo la filayo inay saamayn xoog leh yeelan doonto, adduunkuna hadda uu galay marxalad dagaal dhaqaale iyo dagaale kale intaba.
Dhaqaalaha Puntland guud ahaan wuxuu ku tiirsanyahay xoolaha nool oo qayb weyn ka qaata wax-soo-saarka waxaa lagu qiyaasaa guud ahaan Soomaaliya oo dhan in wax-soo-saarka xooluhu ay kaalin weyn ku leeyihiin dhaqaalaha qiyaas gaaraysa ilaa 70%.
Dhaqaalaha dowalda Puntland ay cashuur ahaan uga qaado dadka oo bishii qiyaas ahaan ah 8 milyan oo doolar ah, waa qayb ka mid ah dhaqaalaha dalka loona baahanyahay in loo diyaariyo in lagu kobciyo wax-soo-saaraka Puntland, hase yeeshee taas badelkeeda dhaqaalahaas dowalada kharashkeeda iyo sugista hawlaha amniga ma soo dhaafto.
Waxaa jira abaaro xoog leh sanadkab roobkii Deyrta waa la waayey xaaladda dhaqaale ee dadka iyo dalku ku suganyihiin waa mid aad u adag sidaas darteed dowaldda waxaa looga fadhiyaa inay la timaado qorshe dhaqaale oo mustaqbalka lagu wajihi karo duruufaaha adag oo soo wajahan.
Arrimaha ay ka midyihiin abaarta, kaalmaddii dibadeed oo hoos u dhacday, dhaqaalihii adduunka oo guud ahaan xumaaday iyo iwm waxay muujinaysaa khatar badan oo soo wajahan mustaqbalka guud ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Tiirarakii dhaqaalaha oo dalku ku tiirsanaa sida beeraha, kalluumaysiga iyo xoolaha loogma faa’idaysan sidii la rabay, khayraadka kalluumaysiga dalkeena isaga boob dibadeed ayaa ku socda Soomaali badanina waa dulaaliin fududeeya in la boobo khayraadka badeheena.
Puntland dadkii dhaqaalaha haystay waa ay ka tageen taasoo dhibaato weyn ku keentay dhaqaalaha, dad badan oo dalka ka shaqaysta oo ay qeybtood xilal dowladeed hayaan ayaa qoysaskooda dalal kale ku biila oo mushaharkooda u xawila meelahaas taasoo macnaheedu tahay in cashuurtii dadka Puntland laga qaaday ay ka qayb qaadanayso kobcinta dhaqaalaha dalal kale halka ay dalka gudihiisa wax ka tari lahayd, taasina waa nasiib darro.
Sidoo kale, wareegii lacagta ama dhaqaalaha ayaa aad u yaraaday waxaana loo sababaynayaa dhowr arrimood; dhaqaalihii oo galay gacanta dad kooban, musuqmaasuqa oo aad u baahsan, shaqaalihii oo aan mushaharkooda joogto u qaadan ama aanba helin, taasoo keenaysa in ay dhici weydo in dadka dakhli soo galaa oo u sahlaya in ay awood u yeeshaan in ay wax iibsadaan. Mar haddii aan dadku dakhli ay wax ku iibsadaan aysan lahayn ganacsigiina ma helaayo cid wax ka iibsata, dowladda ruuxeedu ma helayso canshuur ay dadka ka qaado mar hadii dadkii aysan waxba gacanta ku hayn. Sidaas darteed bay dowaldda waajib ugu tahay inay ka fekerto shaqo abuurka dadkeeda, dakhligooda si iyaduna ay cashuur uga hesho.
Fursadaha iyo caqabadaha dhaqaale ee ka jira Puntland
Khayraadka badda, faleenka, iyo xoolaha nool waa ilaha dhaqaale ee Puntland ay si weyn ugu tiirsanaan karto, waana fursado dabiici ah oo Ilaahay ku mannaystay. Si kastaba ha ahaatee, si looga faa’iideysto khayraadkan waxaa loo baahanyahay farsamo, aqoon iyo hab-raac wax-soo-saar oo casri ah. Dal kasta oo doonaya inuu ka faa’iidaysto khayraadkiisa wuxuu u baahanyahay siyaasad xasiloon oo dhiirrigelisa horumar, hay’ado dowladeed oo nidaamsan, iyo maalgelin gudaha ama dibadda ah oo kor u qaadda wax-soo-saarka. Sidoo kale, kobcinta aqoonta iyo farsamada wax-soo-saarka ayaa door muhiim ah ka qaadata horumarinta dhaqaalaha, halka shaqo-abuurka iyo kordhinta dakhliga bulshada ay sare u qaadaan awoodda wax iibsiga iyo dhaqaalaha guud. Hagaajinta caafimaadka bulshada ayaa iyaduna muhiim ah, maadaama bulsho caafimaad qabta ay awood u leedahay wax-soo-saar iyo horumar waara.
Khayraadka badda weli sidii la rabay ugama faa’iidaysanno, inkastoo aan leenahay xeeb aad u dheer oo hodan ku ah noocyo badan oo khayraad ah. Sidoo kale, faleenka—oo ay ku jiraan maydiga, beeyada iyo xabkaha—waa ilo dhaqaale oo muhiim ah oo Puntland si weyn caan ugu tahay, balse aynu dayacnay. Si loo gaaro horumar waara, waxaa lagama maarmaan ah in khayraadkan dabiiciga ah loo helo maalgashi, farsamo iyo qorshe istaraatiiji ah oo u suurtageliya bulshada iyo dowladda inay ka helaan faa’iido dhaqaale oo dhab ah
Caqabadaha dhaqaalaha inaga haysta waa kuwo badan, waxaana ka mid ah xasilooni-darrada siyaasadeed, awoodda waxqabad ee hooseysa ee hay’adaha dowlada, iyo siyaasad dhaqaale oo aan jirin ama aan si dhab ah loo dhaqan gelin. Musuqu wuxuu noqday caqabad weyn oo wiiqaysa koboca dhaqaalaha, halka ilaha dhaqaalaha ee aynu leenahay ay yihiin kuwo aan si habaysan loo maareyn. Sidoo kale, suuq la’aanta ayaa saameyn xooggan ku leh wax-soo-saarkeenna, maadaama waxa yaryar ee aynu soo saarno aanu lahayn suuqyo diyaar u ah in lagu iibiyo ama oggolaanaya in la geeyo. Dhammaan caqabadahan iyo kuwo kale oo badan waxay si toos ah u curyaamiyaan dhaqaalaha Puntland, waxaana lagama maarmaan ah in loo helo xal waara oo mustaqbalka horseeda horumar iyo xasillooni dhaqaale.
Amniga
In kasta oo falal dambiyeedyo ka dhacaan, Puntland waxay weli ka mid tahay meelaha ugu ammaanka wanaagsan Soomaaliya. Khataraha amni ee la xiriira argagixisada, sida dagaalada ka socda Calmiskaad iyo buuraha Galgala, waxay muujinayaan in Puntland ay mararka qaar bartilmaameed u tahay kooxaha argagixisada. Amniga gudaha iyo kan dibadaba labadaba wuxuu u baahanyahay siyaasad amni oo cad, maalgashi dhaqaale, iyo iskaashi bulsho oo lagu xakameeyo khataraha amni ee iman kara. Sidoo kale, isticmaalka maandooriyaha iyo isku-qabsashada dhulka iyo deegaamada miyiga ah ayaa ka mid ah meelaha ay khataraha amni ka jiraan, kuwaas oo u baahan in si wadajir ah loo maareeyo.
Ciidamada ammaanka Puntland waa geesiyaal ku fiican dagaalka furimaha, hase yeeshee sugidda amniga magaalooyinka, sida la-dagaalanka maandooriyayaasha iyo dambiyada culus ee ka dhaca gudaha Puntland, waxay u baahanyihiin ciidamo si gaar ah loogu tababaray hawlahaas khaaska ah. Ciidamadan waxaa laga doonayaa inay bulshada la falgalaan isla markaana wax ka qabtaan dhibaatooyinka amni ee magaalooyinka waaweyn ka dhaca. Dib-u-eegis ballaaran ayaa amniga Puntland u baahanyahay, ha ahaato xakameynta socdaalka iyo soo gelitaanka ama wax ka qabashada dambiyada culus ee bulshada dhexdeeda ka dhaca, kuwaas oo u baahan ciidamo leh aqoon, farsamo iyo xirfad gaar ah. Guud ahaan, amnigu wuxuu u baahanyahay siyaasad cad, aqoon sare, iyo maalgelin joogto ah si wax looga qabto dhibaatooyinka amni-xumada ah.
Arrimaha garsoorka
Garsoorku waa mid ka mid ah tiirarka dowladnimada Puntland, iyadoo Golaha Garsoorku yahay gole madax-bannaan oo shaqadiisa u fuliya si madaxbannaan. Hase yeeshee, kalsoonida dadka ay ku qabaan nidaamka garsoorka ayaa aad u hooseysa, waxaana inta badan dadku ka caga-jiidaan in ay arrimahooda cadaaladda u baahan u geeyaan maxkamadaha rasmiga ah. Taas bedelkeeda, waxay door bidaan in ay u aadaan culumada iyo xafiisyada gaarka ah ee u furan in ay shareecadda Islaamka ku garnaqaan.
Kalsooni xumada dadka ay ku qabaan garsoorka ayaa si buuxda u muujinaysa heerka uu garsoorka Puntland maanta ku suganyahay. Waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo dib-u-eegis siyaasadeed oo cusub, taasoo diirada saaraysa aqoonta, maalgelin, iyo dejinta nidaam iyo siyaasad cusub oo saldhig u noqota garsoorka.
Arrimaha bulshada
Caafimaadka iyo waxbarashadu waa labada tiir ee ugu muhiimsan bulshada, labaduna waxay aad ugu tiirsanyihiin kaalmooyinka hay’adaha caalamiga ah. Waxbarashada, gaar ahaan, waxay ku tiirsantahay khidmadaha ardayda laga qaado, kuwaas oo lagu daboolo mushahaarka macalimiinta iyo baahiyaha kale ee iskuulka. Kharashkaas waxaa bixiya waalidiinta, hase yeeshee duruufaha dhaqaale ee hadda ka jira Puntland ayaa ka dhigaya mid ay adagtahay in waalidiintu awoodaan inay bixiyaan kharashaadka iskuulka. Intaa waxaa dheer, kaalmooyinkii hay’adaha ee waxbarashada sida dhismaha iskuulada, tababarada macalimiinta, iyo agabka waxbarashada ayaa mustaqbalka laga yaabaa inay yaraadaan, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta tayada waxbarashada iyo helitaankeeda Puntland.
Sidoo kale, caafimaadka aasaasiga ah oo ku tiirsanaa kaalmooyinka dibadda ayaa wajahaya xaalad khatar ah, taasoo saameyn ku yeelan doonta boqolaal xarumaha dhallaanka iyo hooyada iyo goobo caafimaad oo kale. Mar horeba, xarumaha qaar ayaa la kulmay duruufo dhaqaale oo ay ka mid yihiin mushaharka shaqaalaha iyo daawooyin iyo agab kale oo la waayay ama yaraaday.
Weli ma muuqato qorshe dowladeed oo la soo bandhigay oo si rasmi ah looga hadlayo arrimahan, ama talo la iska weydiiyo xal u helidooda. Qorshe ku dhisan isku-tashi ayaa lagama maarmaan ah si loo daboolo firaaqa banaan ee ka dhashay duruufaha adag ee saameeyay waxbarashada iyo adeegyada caafimaadka.
Gabagabo
Dal kastaa wuxuu leeyahay khayraad dabiici ah oo Ilaahay ku mannaystay, hase yeeshee Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, weli kama faa’iideysan hab wax ku ool ah khayraadkaas. Arrintan waxaa saameeya xasilooni-darro amni iyo siyaasadeed, tayada hoose ee hay’adaha dowliga ah, aqoon la’aan, musuqa iyo maamul xumo joogto ah.
Amnigu waa furaha horumarka, wuxuuna u baahanyahay siyaasad cad, maalgelin, aqoon iyo hab-dhaqan si khataraha gudaha iyo dibaddaba looga hortago, iyadoo khatar kasta u baahantahay qorshe gaar ah. Garsoorka iyo cadaaladda ayaa ah tiirarka siyaasadda iyo dhaqaalaha, maadaama maalgashadayaashu ka baaqsadaan dal aan nidaam sharci oo hufan lahayn. Sidoo kale, waxbarashada iyo caafimaadka, oo ah asaaska bulshada, ayaa wajahaya khatar weyn sababtoo ah hoos u dhaca dhaqaalaha iyo kaalmada dibadda, taasoo muujinaysa baahida loo qabo qorshe wadajir ah oo dowladda iyo bulshada ay ka qayb qaataan si caqabadaha loo xalliyo loona xaqiijiyo horumar waara.
Qoraaga

- waa khabiir muddo ka badan 30 sano ka soo shaqeynayay hay’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Waxa uu soo noqday Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Dekadaha ee Puntland. Sidoo kale, waxa uu madax ka noqday hay’ado caalami ah.
Latest entries
FaalloDecember 29, 2025Soomaaliya 25 Sano Ka Dib: Dhismaha Dowladnimada Saddexaad, Doorasho iyo Dastuur lagu muransan yahay – Maxaa Xal u ah 2026 iyo Ka Dib? Qaybta 1-aad
FaalloNovember 27, 2025Qaybtii 2-aad: 27 Sano Kadib: Puntland ma u baahan tahay dib-u-habayn siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo arrimaha bulshada?
MaqaalloOctober 29, 2025Qaybtii 1-aad: 27 Sano Kadib: Puntland ma u baahan tahay dib-u-habayn siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo arrimaha bulshada?
MaqaalloSeptember 25, 2025Soomaaliya: Maxay siyaasadu u saldhigan weyday, xagee iska qaban la’dahay?










