“Jabinta garabka qalabka sida ee xagjirnimada hubaysan ma damaanad qaadi karto amni bulsho oo waara, inta ay jirto xagjirnimo siyaasadeed oo horseedaysa nuglaansho bulsho”
Sida uu qabo Gilles Kepel oo ah qoraaga buugga, The Holy War, fikradda xagjirnimadu, hadday tahay mid hubaysan oo dagaalamaysa ama mid dowladaysan (state extremisms), marnaba ma suusho inta ay jiraan cid mabda’ ahaan la dhacsan. Haddabada, in dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya ay cudud ahaan wiiqdo xagjirnimada hubaysan ma waxay ka dhigan tahay in xididdada loo siibay fikraddii xagjirnimada?
Inta aynan su’aashaas jawaab u helin, waxaa isweydiin mudan, Puntland maxay u taqaan fal xagjirnimo. Xeerka Argagixisada Puntland waxa uu Argagixiso ku qeexayaa “falka kasta oo lagu doonayo ujeeddo cabsi ama khalkhal galin bulsho ama ku qasbid dowlad, hay’ad caalami ah ama cid gaar ah sameeynta ama ka baaqsashada fal, iyadoo la adeegsanaayo handadaad, dil, afduub ama ficil waliba oo khatar ku ah badqabka qofka, dowladda ama ha’yadda caalamiga ah’. Marka la eego qeexitaankaas, aragtida xagjirnimadu maaha mid ku kooban dhaqdhaqaaq hubaysan oo kaliya balse waa fikir waliba oo cabburin, cabsi gelin ama burburin naf iyo maal ay ujeeddadiisu tahay.
Qoraalkaan kooban waxa aan ku guudmari doonnaa afar (4) dhinac oo laga eegi karo si loo qiyaaso waaritaanka ama suulidda fikradda xagjirnimada.
- Seeska Mabda’ Xagjirnimda
Fikrad waliba, ha ahaato mid madani ah oo aragti iyo cilmi ku dhisan ama mid hubaysan oo qori caaraddii adeegsanaysa, waxa ay leedahay bud-dhig ay ka shidaal qaadanayso. Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Puntland, waxa ay la ildaran tahay xagjirnimada ku dhisan marin habaabinta fahamka suubban ee diinta, siyaasadda iyo nabaad-guurinta dhaqanka. Fikradda xagjirnimo ee ku dhisan siyaasadda gurracan ama diinta la marin habaabiyey cudud ahaan in la wiiqo kuma suusho. Waa fikrad ay suurtagal tahay in lagu qanciyo dad badan iyadoo laga faa’iidaysanaayo hurgumooyinka ka dhex jira bulshada la rabo in lagu dhex faafiyo. Haddaba, inta ay jirto caddalad darro siyaasadeed, mid dhaqan-dhaqaale iyo hurgumo bulsho, kuma filna in la wiiqo garabka hubaysan si loo ciribtiro fikradda xagjirnimada.
- Baaxadda Ujeeddada Kooxda Xagjirka
Fikirka xagjinimo, inkastoo garabka qalabka sida ay ugu caansan yihiin, hadana waa ka guda ballaaran yihiin ujeeddo ahaan. Fikir waliba oo lagu curyaaminaayo isbaddal bulsho iyadoo la adeegsanaayo cabsi gelin ama cabburin waa fal xagjirnimo. Nooca xagjirnimo ee ay tahay in Puntland la dagaasho maaha kaliya mid hubaysan oo raba in uu dowladnimada meesha ka saaro, balse sidoo kale waa dhaqan siyaasadeed oo bulshada damiir ahaan wiiqaya. Waa fikir aysan ku filnayn in ciidan ahaan la jabiyo si deegaanka looga cirib tiro. Xaaladda dhaqan-dhaqaale, midda siyaasadeed iyo tan bulsho ee Puntland waa mid aan dagaal toos ah kula jirin fikradda xagjirnimada oo ah asalka khatartu ka imaanayso. Garabka hubaysan ee u dagaalamaya xagjirnimada, waxaa ka khatar badan garabka siyaasadeed ee horseedaya duruufaha dhiirigalinaaya argagixisada hubaysan.
- Xaaladda Dhaqaale:
Saamaynta xaaladda dhaqaale ee fikradda xagjirnimadu waxa ay noqon kartaa laba dhinac oo saamigal aan qumanayn isku leh.
- Dhinaca koowaad: heerka saboolnimo ee shacabka, oo sababi kara hurgumooyin iyo caddaalad darro bulshada dhexdeeda ku faafta, ayaa horseedi kara nacayb, kala tag bulsho iyo cuqdad laga qaado wax waliba oo dadku wada lahaa oo ay ugu horrayso dowladnimadu. Puntland waxaa heerkii ugu sarreeyey maraya cabburinta dhaqaale ee bulshada taas oo keeni karta in dad badan, iyagoo ka falcelinaaya hagrashada dhaqaale, ay cadgoosasho darteed u qaataan fikrad xagjirnimo oo hubaysan.
- Dhinaca labaad: xagjinimada hubaysan oo noqon karta wadiiqo lagu abuuri karo hodannimo dhaqaale oo degdeg ah. Haddii siyaasaddu, halkii ay ahaan lahayd meel dadka loogu shaqeeyo, ay noqoto shirkad dhaqaale degdeg ah laga tabco, dhanka kale, dad badan oo waayey fursaddaas siyaasadeed waxay ku qanci karaan in xagjirnimada hubaysan ay tahay waddo hodannimo degdeg ah suurtagalin karta. Inkasta oo aan Daacish xog badan laga hayn, haddana Al-Shabaab ayaa ah tusaale laga arki karo dhinaca labaad ee fikraddaan. Sida ku xusan buugga “Al-Shabab Mafia Inc.” Al-Shabaab waxa ay samaysay dhaqaale gaaraya $2.2B sanadkii 2022, halka 2023 dhakhligoodu noqday 20% dhaqaalaha guud ee dalka. Arrintaasi waxay muujinaysa in kooxaha hubaysan aysan furin dagaal oo kaliya ahayn, balse sidoo ay leeyihiin garab dhaqaale uruurin oo bushada ku dhex jira. Jabinta garabka qalabka sida ee xagjirnimada hubaysan ma damaanad qaadi karto amni bulsho oo waara, inta ay jirto xagjirnimo siyaasadeed oo horseedaysa nuglaansho bulsho.
- Nooca Nidaamka Xukunka Talinaya
Nidaamka dowladnimo ee deegaanka la tacaalaya xagjinimada hubaysan ayaa la aaminsan yahay in uu saamayn toos ah ku leeyahay waaritaanka ama suulidda fikradda xagjirnimada. Puntland labo (2) aragti oo halis ah ayaa ku hardamaaya.
- Aragtida koowaad: Danlay dowladnimada ka ganacsata. Kooxdaan dal iyo dad midna ma eegaan. Saaxiib gaar ah ma leh, cadaw gaar ah ma leh, balse waxa ay leeyihiin dan gaar ah. Ciddii ay u arkaan inay halis ku tahay qorshaha hanti abuuris waxaa lagu shaabadeeyaa xagjirnimo iyo shisheeye kalkaal. Nidaamkaan waxa uu sare u qaadaa saboolnimada bulshada isla markaana waxa uu hoos u dhigaa fursada koboca dhaqaale si loo hanjabiyo cod waliba oo ku baaqi lahaa isbeddel.
- Aragtida labaad: Askar in xukunka xoog lagu hanto aaminsan. Kooxdaan nabad xal kuma raadiyaan oo dabciga askariga ayaa amar qaadasho ku salaysan. Qolyahaas waxay aaminsan yihiin in ay dadka oo dhan ay ka mudan yihiin maadaama ay cudud ciidan haystaan. Gondohooda in ku filan oo gubi karta ayaa taal, dab baxaya in loo dhoweeyo uun baa ku filan.
Labadaas aragtiyood waxay u hiilinayaan waaritaanka fikirka xagjinimada hubaysan waana sababta keentay in wax ka badan 1000 dagaalyahan oo ajaanib ah Caal-Miskaad ay galaan iyadoon laga war hayn. Puntland waxay u baahan tahay aragti saddexaad (3) oo madani ah, aan hubaysnayn, dowladnimadana aan macaash ka raadinayn oo mar labaad aaminaadda dowladnimada ee shacabka soo noolaysa.
Xalku muxuu yahay?
Fikradda xagjirnimadu ma jiri karto haddii aysan helin deegaan ay si fudud ugu dhex baahi karto. Nuglaanshaha xagjirnimada hubaysan oo ka imaanaysa hurgumooyinka caddaalad darrada xagjirnimada siyaasadeed, midda dhaqaale ama cabburin ayaa noqon karta sabab caaqibo daran oo u adeegta ujeeddada gurracan ee kooxaha xagjirka hubaysan. Haddabada, si arrimahaas iyo kuwa la mid ah looga hortago, shacbka iyo dowladda Puntland waxaa la gudboon:
- Taabbagalinta siyaasad furfuran, loo siman yahay, cid gaar ah aan u adeegayn oo dhayda hurgumooyinka ka dhexjira bulshada.
- Abuuridda jawi dhaqan dhaqaale oo garbo siman looga wada faa’iidi karo. Suurtagal ma ahan in bulshada qaar awoodda dowladnimada ku naaxaan, qaarna ku boglaalmaan oo lagu dulmiyo, isla markaana si isku mid ah loo wada ilaashado amniga iyo jiritaanka Puntland.
- Amniga Puntland laguma sugi karo cudud ciidan iyo qori caaraddii. Sidaa darted, Puntland waxaa la gudboon xoojinta iyo tayaynta hay’adaha sirdoonka iyo booliiska si looga hortago iskuday waliba oo xagjirnimo hubaysan ah.
- Ka hortaggidda qulqulka muhaajiriinta sharci darrada ah iyo la dagaalanka daabulka iyo ka ganacsiga dadka ayaa sidoo kale ay tahay in mudnaan gooni ah la siiyo si amniga deegaanka loo dhawro.
- Hirgelinta nidaam tiiraanyo bixin bulsho oo daadagsan ayaa sidoo kale door weyn ka ciyaari kara isku soo dhaweynta dadka iyo laab xaarnida guud ee bulshada Puntland.
- Mansabka siyaasadeed ee Puntland waa in uusan noqon jaranjaro lagu gaaro dano gaar ah ama jago siyaasadeed oo sare. Damaca ah in dhaqaalaha iyo saamaynta siyaasadeed ee Puntland loo adeegsado si loo gaaro dano aan ahayn kuwii loogu tala galay ayaa dhalin kara aaminaad la’aan iyo dayac ku yimaada badqabka guud ee Puntland.
Cabdiweli Waaberi