Puntland: Muruqii iyo Maalkii oo Ka Tagaya

Dhoofinta dhaqaalaha waxaa lagu qeexaa tahriibinta hantida muuqata iyo midda aan muuqan ee ay leeyihiin muwaadiniinta dal ama maamul u dhashay. Ujeedka loo tahriibinayo uu yahay sababo ka jira maamulkaas, sida degenaansho la’aan siyaasadeed, dhaqaale, qiimo dhac lacageed iyo hanjabaado kaga imaanaya kooxo abaabulan. Muwaadinku inuu dhaqaalihiisa uu kala baxo dalkiisa sharci u diidaya ma jiro. Isagoo u aaneynaya inuu ka tahriibayo sababaha ay ka midka yihiin, qiima-dhaca lacageed, hubanti la’aanta amni iyo amar ku taagleynta dowladeed. Sida canshuuraha aan xadeysneyn.

Hay’ada Dhaqaalaha Adduunku cilmi-baaris ay sameysay ayay ku sheegtay in Soomaaliya ay ka jirto tahriibin hantiyeed aad u kordhaysay toddobadii sano u dambeysay. Waxay cilmi-baaaristaas ay ku xustay in Soomaaliya dibedda looga saarey hanti gaaraysa hal dhibic afar bilyan oo Dollar. Hantidaas meelaha loo tahriibiyay waxa ay ku sheegtay waddamada Kenya, Turkey iyo Afrikada dhexe. Tahriibkaas dhaqaale meelaha uu sida weyn u saameeyay waxaa ugu horeysa Puntland, sida madallo furan ay ka qirteen madaxda sare ee heer  wasiirro ilaa madaxweyne.

Puntland waxa ay sidoo kale la daalaa dhacaysaa nooc tahriib/dhoofid ah, oo aynu ku tilmaami karno inuu yahay “abaar muruq iyo maskaxeed” bulshada ku habsata marka inta xirfadda iyo aqoonta leh ay dalka iskaga dhoofaan amaba tahriibaan una dal doorsanaya meel fursad dhaanta deegaanadooda.

Wasiirka Howlaha Guud Gaddiidka iyo Guriyeynta Puntland Faarax Cawad Jaamac waxa uu baarlamaanka hortooda ka sheegay “in xirfadlayaashii ay wasaaraddu iyadu tacabka gelisay ay ka tageen kolkii wasaaraddu ku fashilantay daboolidda xuquuqdooda”, sidoo kale heerka shaqo la’aanta waxa ay maraysaa halkii ugu sareysay. Ardayda waxbarashada sare dhamaynaysa way kordhayaan sannadba sannadka ka dambeeya, iyadoo dufcadba tan ay ka dambeyso ay ka rajo xun tahay. Saddexdii sano ee la soo dhaafay ardayda waxbarashada sare ku biiraysa waa ay sii yaraaneysay halka uu sare u kacayey dhallinyarada aqoonta iyo xirfad ku hubeysan ee badaha ku dhimanaysa iyagoo raadinaya fursadda ay ka waayeen deegaanadooda Puntland. Markii dhallinyaradu ay madaxda sare ee dowladda weydiiyeen arrinkan sidii wax looga qaban lahaa waxaa madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ugu jawaabay “dhallinyaradu dabaasha ha bartaan”.

Sababaha keenay tahriibka dhaqaale iyo dhallinyaro

Sababaha ugu waa-weyn ee keenay tahriibka dhaqaale iyo dhallinyaro Puntland waxaa kamid ah:

  • Deganaanshiyo la’aan dhaqaale: Puntland waxa hadda ku socda hoos u dhac aad u weyn ee dhanka dhaqaalaha. Puntland ma lahan lacag rasmi ah oo bulshadu wax ku kala iibsato, taasina waxa ay dhaxal siisay sicir barar ku dhaca dhaqaalaha iyo in wax walba lagu jaangooyo doolar (dollarization), taasoo saamaysay suuqa siiba ganacsiyada yaryar.
  • Habacsanaan maamul: Maamul xumada iyo musuqa, waxa ay saamayn xooggan ku leeyihiin dhaqaalaha. Haddii aysan jirin siyaasad taabbo-gal ah oo ka degsan dhaqaalaha amaba aysan si toos u hawlgelin haayadaha u xilsaaran.
  • Isbeddelka Cimilada: Isbeddelka cimiladu waxa uu saamayn muuqata ku leeyahay dhaqaalaha. Abaaraha soo noqnoqda waxa ay aad u saameeyeen dhaqaalaha dadka ku dhaqan Puntland iyadoo qoysas badan oo reer guuraa ah oo xoolihii ka dhammaadeen ay magaalooyinka waa-weyn u haajireen, kuwaasoo ku tiirsanaa xoolaha oo kamid ah wax soosaarka ugu weyn ee dhaqaalaha Puntland.
  • Fursadaha shaqo ee aan dowliga aheyn: Puntland aad bay u yaryihiin xarumaha shaqo ee aan dowliga aheyn, ee bixiya fursado shaqo gaar ahaan ganacisyada gaarka loo leeyahay. Sidoo kale ma jiraan warshado waa-weyn oo ay dadku u shaqo tagaan, kuwaasoo gacan ka geysan lahaa fursadaha shaqo gaar ahaan dhallinyarada oo ah jiilka mustaqbalka.
  • Lacagta baada ee argagixisada: Kooxaha argagixisada gaar ahaan Daacish ayaa sanadihii u dambeeyay lacago badan oo baad ah ku soo rogtay ganacstada Puntland gaar ahaan kuwa jooga magaalada Boosaaso, taasoo keentay in ganacsato badan ay hantidooda kala baxaan dalka.
  • Gargaarka oo yaraaday: Boqolaal dad ah oo kala duwan ayaa ku tiirsanaa shaqooyinka ay fuliyaan haayadaha caalamiga ah ee gargaarka, kuwaasoo sanadihii u dambeeyay yaraanayay. Joojintii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee hay’addii USAID bilowga sanadkan ayaa saamayn weyn u geysatay qaar kamid ah haayadaha gargaarka oo sababtay in boqolaal shaqaale kala duwan ah la fasaxo, kuwaasoo maanta shaqo la’aan ah.
  • Aqoon aan suuqa la jaanqaadeyn: Ardayda jaamacadaha ku biiraya wey sii siyaadayaan, iyadoo xarumaha waxbarashada sare lagu eedayn karo in aysan ardayda ku hubeyn aqoon iyo xirfado looga baahanyahay suuqa shaqada. Cilmibaaris uu soo saaray Machadka Cilmi-baarista Heritage 2021-kii, waxay sheegtay in nidaamkeenna waxbarashada sare uusan soo saarayn arday leh xirfadaha suuqa looga baahanyahay. Ardayda waxbaratay waxa ay ula sinnaanayaan fursadaha kooban ee waddanka ka jira kuwa aan waxbaran marka aysan lahayn farsamada iyo aqoonta loo baahanyahay.
  • Eex iyo qabiil: Dhallinyarada badankood waxa niyadjabka iyo quusta solansiiya waxaa door weyn ka ciyaara qabiil iyo eex. Shaqooyinka dowliga ah iyo kuwa gaarka ah, inta badan waxaa lagu bixiyaa qabiil halkii loo mari lahaa hanaan ku salaysan kartida, aqoonta iyo xirfada qofka.

Sida lagu yarayn karo tahriibka dhaqaale iyo dhallinyaro

Dowladda Puntland waxaa la gudboon si ay wax uga qabato dhiig baxa muruq iyo maalba leh ee ku socda dadkeeda iyo dalkeeda inay tixgelin siiso qoddobadan:

  • Dib u kalsooni siin: Dowladda waxaa la gudboon inay dib u abuurto jawi ganacsi. Dagaalka lagula jiro kooxda Daacish ee ka socda Buuraha Caal-Miskaat waa tilaabo fiican oo dowladda lagu bogaadin karo, taasoo keenaysa in ganacsatada reer Puntland aysan bixin lacago baad ah oo ay siin jireen kooxdaas argagixisada ah. Ganacsatada waxaa la gudboon in ay ku kalsoonaadaan dalkooda oo ay maalgelin sameeyaan maadaama la ciribtiray khatartii argagixisada Daacish.
  • Siyaasad dhaqaale: Dowladda waxaa laga doonayaa inay si dhab ah u wajahdo caqabadaha dhaqaale ee Puntland, maadaama xaaladda dhaqaale ee liidata ay saamayn ku leedahay dhinacyo badan. Waa in dowladdu sameysaa qiimeyn xeel dheer iyo siyaasad dhaqaale oo wax ku ool ah, taasoo gaari karta meelaha hoos u dhaca ku yimid, isla markaana dhiirrigelisa hal-abuurka, maalgelinta, iyo fursadaha shaqo ee dhallinyarada.
  • Dib u qaabeynta nidaamka waxbarashada: Shaqo la’aantu waxa ay welwel aad u weyn ku haysaa dadka reer Puntland. Caqabadaha shaqo la’aanta waxyaabaha keenay qeyb waxaa ka ah nidaam waxbarasho oo aan soo saarayn arday wajihi kara suuqa shaqada, oo aan ku qalabeysneyn aqoontii iyo xirfaddii loo baahnaa. Nidaamka waxbarashada waa inuu sameeyaa cilmibaaris suuqa shaqada kadibna qaabeeyaa qofka suuqa looga baahan yahay.
  • Dhiirrigelinta hal-abuurka iyo dhalinyarada: Dowladda Puntland waa inay dhiirrigelisaa hal-abuurka dhallinyarada iyadoo ku taageeraysa maalgalin. Hal-abuurka dhallinyaradu hadii tixgelin la siiyo iyadoo dowladdu kaashanayso ganacsiyada waaweyn iyo saaxiibada caalamiga ah, taasi waxay hoos u dhigi kartaa tahriibka waxaana abuurmi doona fursado shaqo.
Qoraaga
Marag Magazine

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link