Saddex sano ayaa ka dhimman in Puntland ay 30 sano jirsato tan iyo markii la asaasay sanadkii 1998-dii. Muddo ku filnayd in dowladnimo sal adag lagu dhiso, marka laga soo tago yoolashii lagu aas-aasay: nabad waarta, maamul loo dhan yahay, iyo doorkii Puntland ee dib-u-dhiska Soomaaliya. Hase yeeshee, waxaa dhab ah in maanta inta ka nool dadkii yagleelay Puntland ay si aad ah u saluugsan yihiin amase aan la fahansanayn lana saadaalin kara sida Puntland ay ku socoto. Faalladaan kooban waxaan ku gorfeyn doonaa xaqiiqooyin dhawr ah oo Puntland ku sugantahay wakhtigaan, kuwaas oo ah ubucda jahwareerka mustaqbal ee Puntland.
Xaqiiqooyinka Puntland
- Kala furfurashada gobolladii lagu asaasay Puntland 1998: Puntland oo markii hore ku dhisnayd is-afgarad Gobollada Waqooyi-Bari ah, maanta waxaa soo ifbaxaysa kala fogaansho. Gobollada qaar sida Sool iyo Cayn waxa ay ka baxeen Puntland, iyada oo aysan jirin wax rasmi ah oo heshiis lagu yahay, qaar kalena waa ay guuxayaan hadda. Ilaa hadda ma muuqato siyaasad iyo qorshe arrintaas ku aaddan, talada iyo aragtidii Puntland waxa ay ku koobantahay aragtida hal qof oo ah madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni.
- Ka tanaasulka doorkii qaran: Puntland waxa ay hormuud u ahayd dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya, balse wixii ka dambeeyey 2012-kii waxa ay inta badan dibadjoog ka ahayd miiska siyaasadda dalka kadib khilaafaad u dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya mana laha saameyn muuqata oo qaran maanta.
- Hoos u dhac dhaqaale: Puntland oo ahaan jirtay xarun dhaqaale iyo ganacsi, maanta waxaa ka jirta shaqo la’aan baahsan, ganacsiyadii hoos ayay u dhacayaan, mashaariic horumarineed oo baaxad weynna kama jiraan. Waxaa muuqata niyad-jab, dadka intooda badan waxaa ku jira geeddi ay uga hayaamayaan Puntland.
- Adeegyada dowladeed oo liita: Ka hor asaaska Puntland iyo tobankii sano ee u horreeyey jiritaanka Puntland, adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashadu waxa ay ahaayeen kuwo kobcaya oo dadka rejo geliya, balse maanta xaaladdu si weyn ayay uga duwantahay. Waxaa lala daalaa dhacayaa helidda adeeg caafimaad oo asaasi ah, halka tayada waxbarashadu ay si weyn ay hoos ugu dhacday. Dhanka dowladnimada, inkasta oo xarumo dowladeed la dhisay, shaqo rasmi ah oo joogto ah kama socoto. Haddii aad booqato xarumaha dowladda, ma arkaysid shaqo micno leh oo ka socoto, Puntland waxa ay u muuqataa in ay ku socoto in ay lamid noqotay ama ka hoos martay dowlad-goboleedyada Federaalka ee ka dambeyey, marka la eego dhaqangelinta nidaamka dowladeed, ku dhaqanka sharciga, hufnaanta iyo adeeg bixinta.
Xaqiiqooyinka aan kor kusoo xusnay waxa ay si cad u muujinayaan in Puntland wajahayso caqabado ballaaran oo ku saabsan midnimada gobolladii lagu asaasay, doorkii ay ku lahayd siyaasadda dalka, hoos u dhaca dhaqaale, burburka adeegyada bulshada, iyo jahawareer ku yimid aragtidii dowladeed ee Puntland. Haddaba, su’aasha muhiimka ah ayaa ah: maxaa sal u ah dhammaan arrimahan? Jawaabtu waxa ay tahay hal eray: hoggaan-xumo. Ma jirto sabab ka weyn fashilka hoggaanka siyaasadeed ee Puntland oo horseeday kala daadsanaan, niyad-jab bulsho, iyo in ay mugdi gasho himiladii dowladnimo.
Tusaale ahaan, gobollada Sool iyo Cayn waxa ay muddo dheer ahaayeen kuwo ka maqan gacanta Puntland, balse sanadkii 2023-kii ayay ku soo noqdeen kadib kacdoon bulsho. Si kastaba, ma jirin wax qorshe ah oo ay Puntland la timid oo ku aaddan taageerista maamul ka dhisma deegaannadaas ama xoojinta midnimada gobolladaas ee Puntland. Arrintaas waxa ay si toos ah u muujisay in hoggaanka Puntland uusan lahayn aragti iyo qorshe siyaasadeed oo lagu wajahayo duruufaha cusub balse siyaasada goboladaas ku aadan ay noqotay mid un ku salaysan dano gaar ah oo madaxweynuhu leeyahay, taas oo ugu dambayn sababtay in la dhiso dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo iyada oo aysan Puntland wax dowr ah ku lahayn hannaankaas, lana diyaarin sidii loo kala guran lahaa.
Dhanka kale, tan iyo 2022-kii, Puntland waxaa ka curtay tabasho siyaasadeed oo salka ku haysa boobka doorashooyinka iyo awoodaha dowladnimo, iyada oo hoggaanka talada haya uu keligiis isku koobay go’aannadii siyaasadeed, dhaqaalihii, iyo matalaaddii dadweynaha. Arrintan ayaa si toos ah u dhaawacday kalsoonidii shacabka iyo sharaftii Puntland ku dhex lahayd bulshada Soomaaliyeed. Puntland maanta kama muuqato miiska siyaasadda dalka saamayn weynna kuma laha, taas oo muujinaysa in ay lumisay doorkii siyaasadeed ee ay horay u lahayd.
Si la mid ah, Puntland waxa ay lumisay mashaariicdii horumarineed iyo kaalmadii caalamiga ahayd oo muhiim u ahayd bulshada iyo dhaqaalaha deegaanka, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Dowladda Federaalka, mashaariic mug leh oo deegaanka ka socotana ma jirto. Guud ahaan isu-socodkii dhaqaale iyo fursadihii shaqadana waa ay yaraadeen. Dhammaan tusaalooyinkaan kooban waxa ay muujinayaan in ubucda dhibaatada dowladeed ee Puntland ka jirta ay tahay fashilka hoggaanka!.
Marka la eego xaaladda siyaasadeed ee Puntland, waxaa si cad u muuqata in aan xal kasoo muuqan hoggaanka talada haya ee isku koobay go’aankii iyo aragtidii dowladnimo, iyada oo aysan jirin wax istiraatijiyad ah oo muuqata oo uu ku wajahayo xaaladaha cakiran ee ka jira deegaanka. Isla mar ahaantaasna, ma jiraan xisbiyo siyaasadeed oo leh aragti iyo miisaaan, sidoo kale baarlamaanka hadda jira loogama fadhiyo in uu xilkasnimo ku wajahayo xaalka Puntland hadda marayso. Sidaas darteed, rajada kaliya ee Puntland dib la isugu qaabayn karo waxa ay ku jirtaa baraarug bulsho iyo dhaqdhaqaaq dadweyne oo dhab ah.
Baraaruggaan bulshada waa inuu noqdaa mid ay horkacayaan indheergaradka reer Puntland, aqoonyahannada, dhaqanka, culimada, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada—kuwaas oo si madax-bannaan ugu istaaga sidii loo heli lahaa jiho cusub. Dhaqdhaqaaqyadaas bulsho waa inay noqdaan kuwo ka fog dano gaar ah, kana madax-bannaan faragelin dibadeed, balse fura saaxad cusub oo wadatashi ah, kaas oo sal u noqon kara dib-u-heshiisiin, dib-u-eegis siyaasadeed, iyo dib-u-curasho dowladnimo oo cusub. Himillada ugu dambeysa waa in laga arrinsado mustaqbalka Puntland, lana sameeyo shirweyne bulsho oo iftiimin kara jiho cusub.
Waxaa durba muuqata in dhabbadaas la galay. Shirweynaha Horumarinta Gobolka Mudug ee lagu dhawaaqay bishaan Luulyo 2025 waa astaan cad oo muujinaysa in dareenkii bulsho uu dhaqaaqayo. Shirkaan waxa uu tusaale u noqon karaa ifafaale cusub iyo bar bilowga isbeddel laga dhaxlo. Sidaa darteed, waa in dadaalladaas laga hirgeliyaa dhammaan gobollada Puntland, iyada oo la abaabulayo shirar heer degmo ilaa heer gobol, kuwaas oo xoogga lagu saaro xaaladda horumarineed, nabadgelyada, iyo dowladnimada deegaanka. Puntland waxa ay u baahan tahay jiho cusub—mid ay dadkeedu abuuraan, kana dhalata garasho, wadahadal, iyo damiir ummadeed.
Faarax Cismaan