Puntland 27 Sano Kadib: Horumarka, Caqabadaha Siyaasadeed iyo Xalka Mustaqbalka

Hordhac

Horaantii bishaan Agoosto Puntland waxay xustay sannadguuradii 27-aad, waa muddo wax yar ka badan rubuc qarni, muddadaas Puntland jirtay waxay yeelatay 6 madaxweyne oo si nabad ah xilka isku wareejyey.  In kastoo madaxweynihii ugu horeeyey iyo madaxweynaha hadda joogaa uu mid weliba laba xilli xukunka qabtay ka dib khilaaf iyo muran siyaasadeed oo ugu dambayntii laga gudbay. 

 Agoosto 30, 2025, waxaa looga dhawaaqay Laascaanood maamuul goboleed la magac baxay Waqooyi Bari Somaaliya oo ay samaysteen gobolo ka mid ah kuwii wax ka dhistay Puntland, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhismaha maamulkaas garwadeen ka ah, sidoo kalena aqoonsatay halka xukuumadda Puntland ayaa iyadu aaminsantahay in goboladaas ay weli ka tirsan yihiin maamulka Puntland sifo sharci ahna aysan u kala bixin.  Xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa gaaray halkii ugu xumaa oo uu abid gaaro, Puntland waxay mustaqalka dhow la tacaali doontaa mowjado siyaasadeed iyo kuwo amni oo kaga imaan doona goboladaas ay hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maamulka ka dhistay.     

Puntland ayaa muddo sideed bilood ah dagaal culus kula jirta kooxda argagixisada ah ee Daacish, kuwaas oo ku sugan Buuraha Caalmiskaat ee gobolka Bari. Dagaalkan ayaa ilaa iyo hadda laga gaaray guulo muuqda. Guusha ugu weyn ee Puntland ku tallaabsatay ayaa ah inay si buuxda uga hortagtay in kooxdaasi qabsato dhulkeeda, taas oo ah arrin muujinaysa adkeysiga iyo is-kaashiga shacabka iyo dowladda. Puntland waxaa soo maray dagaallo dhowr ah oo ay si wadajir ah uga hortageen shacabka iyo ciidamada dowladda, taasoo keentay iskaashi xooggan oo ka dhashay difaaca deegaannada. Isku-duubnidaasi waxay si weyn uga hortagtay in kooxaha argagixisada ahi saldhigyo ka samaystaan gudaha Puntland. Arrintan ayaa si cad uga duwan xaaladda ka jirta qeybo kale oo dalka ka mid ah, gaar ahaan gobollada koonfureed ee Soomaaliya, halkaas oo argagixisadu fursado ku heleen inay ku baahaan.

Maqaalkan waxaan ku eegayaa horumarka laga sameeyay dhinaca siyaasadda, iyo sidoo kale caqabadaha iyo arrimaha laga gaabiyey ee u baahan in mustaqbalka si dhab ah loo wajaho. Arrimaha la xiriira amniga, bulshada iyo dhaqaalaha waxaan kaga hadli doonaa maqaallo kale, haddii Eebbe idmo.

Siyaasadda

 Puntland inta badan waxaa la dhihi karaa waxaa ka jiray xasilooni siyaasadeed. Doorashooyin aan toos ahayn (indirect elections) oo baarlamaani ah kuna salaysan xulasho odaayaasha qabiilka.  Nidaam dowladeed oo higsanaya Soomaliya federaal ah oo xukunku u qaybsan yahay dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka. Himiladaas federaalaynta ah in kastoo horumar laga sameeyey hadana weli waxaa jira caqabado waaweyn oo soo wajahay hirgelintiisa.

Himiladii labaad ee Puntland loo aas-aasay waxay ahayd in la bixiyo adeegyo bulsho sida amniga, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta siyaasadda, iyo shaqo-abuurka. Hase yeeshee, waqtigan Puntland waxay wajahaysaa duruufo adag oo ay ka mid yihiin dhaqaale-xumo, shaqo-la’aan baahsan, dhalinyaradii oo si weyn u tahriibaysa, qoysas badan oo u guuraya dalalka deriska ah, ganacsatadii oo maalgelintoodii u wareejiyey meel kale, kalsoonidii iyo midnimadii bulshada oo hoos u dhacday, iyo tabasho ballaaran oo bulshada ka qabto waxqabadka iyo horumarka dowladooda—dhammaantoodna waa xaqiiqooyin dhab ah oo maanta ka jira Puntland.

 Baahsanaanta Xukunka

Baahinta xukunka waxay ka dhigan tahay in talada lagu dhoweeyo shacabka, adeegyada dowladda la horumariyo, isla xisaabtanka la xoojiyo, dadka fursad loo siiyo inay la xisaabtamaan masuuliyiintooda, awoodda shacabka kor loo qaado, isla markaana bulshada loo jiheeyo laguna wacyigeliyo inay ka shaqeeyaan danahooda. Si kastaba ha ahaatee, bilowgii horeba shacabka ayaa maamulka ku dhaliilay inuu yahay mid talada iyo awoodduba ku urureen hal meel, oo ay gacanta madaxweynaha kaliya ku jiraan, halka go’aannada masiiriga ah aan lagu samayn wada-tashi dhex mara golayaasha dowladda iyo mid shacabka toona.

Dadku waxay u bixiyeen naanaysta “Madax ka nool,” taas oo noqotay magac caan ah oo si weyn ugu dhex faafay dowladnimada Puntland. Arrintaas waxay muujinaysaa in tan iyo bilowgii ilaa maanta aan si dhab ah loo hirgelin baahinta iyo wadaagga talada Puntland. Inkasta oo maamulka Puntland ku salaysan yahay mabda’a xukun baahinta iyo federaalaynta, haddana waxaa muuqata in gudaha Puntland awoodda dowladnimo aanay si siman ugu qaybsanayn hay’adaha dowladda sida baarlamaanka, garsoorka, iyo kuwo kale, isla markaana isla xisaabtanka iyo is-dheelitirka awoodaha dowladeed uu aad u hooseeyo.

Nidaamka qof iyo cod iyo abuurista xisbiyo siyaasadeed

Puntland waxay hirgelisay nidaamka doorashada qof iyo cod oo laga fuliyey 36 degmo, taas oo ahayd tallaabadii ugu horreysay ee Puntland u qaaddo dhinaca xukun-baahinta. Inkasta oo ay jireen caqabado iyo ceebaha ka muuqday habraaca, haddana waxay ahayd tallaabo muhiim ah oo kor u qaaday ka qaybgalka bulshada ee siyaasadda. Sannadkii 2021-kii, markii ugu horreysay ayay shacabka codkooda ku doorteen golayaal deegaan, iyadoo nidaamka lagu tijaabiyey saddex degmo ka hor inta aan loo gudbin degmooyinka intooda kale.

In kasta oo taladii is-xukunka gacanta loo geliyey dadka deegaanka, haddana sida ay golayaasha deegaanku u hawlgaleen iyo qorshaha qabyada ah ee ku saabsan xukun-baahinta, waxaa durba muuqday in hab-dhaqanka golayaashaasi uu bulshada ka niyad-jabin karo barnaamijka qof iyo cod, sida ay hore ugu dhacday intii u dhexeysay 1960–1969.

Guusha laga gaari karo nidaamka qof iyo cod waxay ku xirnaan doontaa afar arrimood oo waaweyn.
Kow, waa dejinta sharciyo dhamaystiran oo lagu maamulo doorashooyinka kala duwan, sida shuruucda xisbiyada, doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka, iyo dib-u-eegista dastuurka.
Labaad, waa abuurista xisbiyo ka madax-bannaan qof-jecleysi iyo musuq-maasuq, isla markaana si hufan uga shaqeeya nidaamka is-doorashada iyo tartanka siyaasadeed (Institutionalization of political parties).
Saddexaad, waa ka fogaanshaha danaysiga gaarka ah ee lagu dhex qariyo danaha guud, si loo dhiso dowlad ku salaysan nidaamka xisbiyada badan. Afraad, waa wacyigelinta bulshada oo si dhab ah loo hirgeliyo, loona kordhiyo garaadka iyo aqoonta dadweynaha ee ku saabsan barnaamijka qof iyo cod, laguna baraarujiyo khaladaadka ay sameyn karaan ee wax u dhimi kara hirgelinta nidaamkan.

Xukuumad kooban oo tayo leh

Xukuumad kooban waxay leedahay faa’iidooyin badan oo muhiim u ah maamulka wanaagsan. Waxaa ka mid ah yaraanta kharashka mushahaarooyinka iyo dhaqaalaha maamulka guud, taasoo suurtagelinaysa in dowladdu wax keydsato. Sidoo kale, waxay awood u leedahay inay si degdeg ah oo hufan u gaarto go’aamo waxtar leh, isla markaana ay si sahlan u la xisaabtanto masuuliyiinteeda.

Xukuumadda noocan ah waa mid si fudud loo kormeeri karo, lana ogaan karo hawlaha ay wado iyo sida ay u qabsoomayaan. Is qabqabsiga iyo khilaafaadka ka dhex dhaca golaha wasiirrada ayaa sidoo kale aad u yaraada, taasoo horseedaysa xasillooni iyo wadashaqeyn wanaagsan. Dhammaan arrimahan waxay keeni karaan in dowladdaasi noqoto mid leh karti, hufnaan iyo waxqabad muuqda.

Bilowgii dowladdii la aas-aasay, waxay ka koobnayd sagaal wasiir oo keliya. Koobnaantaas golaha wasiirrada waxay ahayd fursad dahabi ah oo haddii la joogteyn lahaa, suurta gelin lahayd in si wanaagsan loo dhiso hay’ado dowladeed oo leh xirfad, karti iyo waxtar dhab ah.

Sababta ku kalliftay madaxweynayaashii soo maray inay si xad-dhaaf ah u kordhiyaan tirada golaha wasiirrada waxay ahayd hal arrin oo keliya: qancinta qabiilka. Waxaa caan baxay oraahda ah “Qabaa’ilku ha iska dhex arkaan”, taasoo ka tarjumaysa siyaasad ku dhisan raadinta raalli-gelinta beelaha halkii laga eegi lahaa tayada iyo waxtarka dowladda.

Nidaamkan ku dhisan qancinta qabiilka wuxuu sababay in tayada wasiirrada, hadday ahaan lahayd mid shaqsi ah ama mid guud, ay hoos u dhacdo si aan horay loo arag. Lama is weydiin in ay suurtagal tahay in maamul-goboleed uu qaado culayska ka dhasha 70 wasiir, wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal, iyo sidoo kale 47 hay’adood oo dowladeed, weliba iyadoo kharashka ku baxa intaas looga faa’iidaysan karo meelaha muhiimka u ah bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha nadiifta ah, iyo dhismaha wadooyinka.

Qabiilku qof xil loo dhiibay waxba uma tarayo haddii aanu jirin adeeg bulsho oo noloshiisa wax ka beddelaya. Waxa kaliya ee bulshada wax u taraya waa helitaanka adeegyo tayo leh, hufnaan dowladeed, iyo maamulka xukuumad karti leh oo lagu dhisay aqoon, waayo-aragnimo, iyo daacadnimo.

Hase yeeshee fursadaas waa la dayacay, nasiib darro dariiqaas waa laga leexday wax yar ka dib isla muddo xileedkii Madaxweynihii kowaad dhexdiisa iyadoo marba marka ka dambaysa la ballaarinayey xubnaha golaha wasiirrada, la abuurayey wasaarado badan, wasiir ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal, tirada golaha xukuumadda ayaa gaartay halkii ugu sarreysay, hadda xukuumadda jirtaana waxay ka kooban tahay tiro ku dhow 70 xubnood, hay’ado dowladeed oo tiradoodu dhan tahay 47 hay’adood (eeg Qoonadada Miisaaniyadda 2025, bogga 22, Shaxda Soo Koobidda Miisaaniyadda Kharashka 2025), kharashka bilaha ah ee ku baxa hay’adaha dowladda oo ka kooban 47, sida ku cad miisaaniyadda, waa USD 10,378,509 (Toban milyan, saddex boqol toddobaatan iyo sideed kun, shan boqol iyo sagaal doollar), dhammaan qoondadaasuna waa mushahar iyo adeegga bilaha ah ee dowladda.

Dakhliga ay dowladda Puntland filayso inay sanadkan soo xareyso waxa uu dhan yahay USD 8,500,035 (Sideed milyan, shan boqol kun iyo shan iyo soddon doollar) sida ku cad guud ahaan Miisaaniyadda 2025, macluumaadkaas ku xusan miisaaniyadda ayaa si cad u muujinaya in kharashka iyo dakhliga dowladda Puntland aanay is daboolayn, hase yeeshee arrintaas si furan looguma sheego shacabka, iyadoo sanad walba ugu yaraan lix bilood oo ka mid ah mushaharka iyo adeega wasaaradaha dowladda ay ku baaqato.

Dowlad wanaaga

Calaamadaha lagu garto dowlad wanaaga waxaa ka mid ah isla xisaabtan (Accountability), taasoo ah in hoggaamiyayaasha iyo saraakiisha dowladda ay qaataan masuuliyadda dhammaan waxa ka dhasha ficiladooda. Hay’adaha dowladda waa inay yeeshaan habab lagu baaro laguna ciqaabo qaladaadka iyo xadgudubyada madaxda dowladda, tusaale ahaan: abuurista hay’adda la dagaallanka musuqmaasuqa, hantidhowr karti leh oo awood u leh ilaalinta hantida dadweynaha, iyo hay’adda u xilsaaran iibka iyo qandaraasyada dowladda.

Maqaalkan kuma soo koobi karo dhammaan tilmaamaha dowlad wanaaga, hase yeeshee kuwo ugu waaweyn waxaa ka mid ah: in go’aanada loo qaato si waadax ah, furan, oo aan qarsoonayn; ku dhaqanka sharciga; ka qaybgelinta muwaadiniinta go’aanada saamaynaya masiirkooda si ay talo ugu yeeshaan; hogaamiyayaasha iyo hay’adaha dowladu inay u adeegsadaan bulshada, isla markaasna ka jawaabaan baahida bulshada ee aan ka adeegan; bulshada oo dareemaysa inay talo ku leedahay dowladnimadeeda; iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Akhristaha ayaan u dhaafayaa inuu qiyaaso heerka aan ka joogno arrimaha kor ku xusan ee lagu qiyaaso dowlad wanaaga. Bal qiyaas inta heshiisyo dibadeed ay gashay xukuumadda Puntland sida Dekedaha, ciidamo, macdan baarista iyo kuwo kale, oo aan intaba baarlamaanka Puntland ka doodin, falanqayn, ama ansixin? Tani waxay muujinaysaa in dowladnimada Puntland aysan weli ku dhaqmin isla xisaabtanka iyo hufnaanta loo baahan yahay si loo gaaro dowlad wanaag dhab ah.

Maamulka cusub ee gobolda Waqooyi Bari

Dowladda Federaalka waxay dadaal badan gelisay si ay maamul u samayso gobollo horay uga tirsanaa Puntland, sida Sool, Sanaag, iyo Ceyn, kuwaas oo weli aan si sharci ah uga bixin nidaamka dowladnimada iyo dastuurka Puntland oo ay horay uga tirsanaayeen. Dowladda Federaalka waxay ka faa’iidaysatay fursad Puntland ay dayacday, ka dib markii Puntland ay siyaasad cad ka yeelan weyday oo ay kula jaanqaadi waayday dareenka iyo kacdoonka bulshada ee ka soo if baxay shacab weynaha gobolladaas, khaas ahaan gobolka Sool iyo Ceyn. Dareenkaas ayaa ku saabsanaa inay helaan maamul goboleed gaar u ah oo ka shaqeeya danahooda.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si wanaagsan u soo dhoweeyey go’aankii reer Khaatumo ee 6-dii Febraayo 2023. Si kastaba ha ahaatee, wixii markaas ka dambeeyey, Maamulka Puntland wuxuu u muuqday mid doortay siyaasad ku saleysan “sug oo dhawr” (wait and see), halkii ay ahayd in ay si firfircoon uga falceliyaan xaaladda taagan.

Dhanka kale, siyaasiyiinta Dowladda Federaalka ayaa si dhaqso ah uga falceliyey dareenka bulshada gobolladaas, inkastoo ay u muuqato in danaha ugu waaweyn ee ay halkaas ka leeyihiin ay la xiriiraan doorashada 2026. Haddana, xaqiiqdu waxay tahay in Dowladda Federaalka si xeel dheer ula jaanqaadday dareenka bulshada, taas oo uu door muhiim ah ka ciyaaray hoggaamiyihii ku meel gaarka ahaa ee maamulka SSC-Khaatumo.

Waxaa jiray hadallo iyo ballanqaadyo badan oo ay dowladda dhexe ku kasbatay quluubta shacabka gobolladaas, kuwaas oo ay kamid yihiin dhismaha waddooyin iyo dekedo waaweyn oo maamulka Waqooyi Bari yeelan doono. Si kastaba ha ahaatee, ballanqaadyadaasi waxay u muuqdaan kuwo afka un ah, oo aan wali u gudbin waxqabad muuqda—taas oo dadka deegaanka lagu kasbanayey.

Talo soo jeedin

  • Ku dhowaad 30-sanno oo Puntland jirtay wax badana u qabsoomeen caqabado badan oo kuwa aan kor ku soo sheegay iyo kuwo kaleba ay jiraan, waxaa lagama maarmaan ah in Puntland qabsato shirweyne dib u eegis ah oo lagu falaanqeeyo wixii la soo maray isla markaasna lagu jaangooyo qorshayaasha siyaasadeed, dhaqaale , amni iyo bulsho 30-sanno ee soo socda, dib u qaabaynta siyaasadda (political reform), dib u qaabaynta iyo tayayenta Hay’adaha dowladda (institutional reform), dejinta fikrado cusub oo lagu kobcinayo dhaqaalaha, isku tashi bulsho waa lagama maarmaan maadaama isbedel weyn uu ku yimid siyaasadaha caalamka, cid kastaana maanta ay ka fekerayso danteeda gaarka ah.
  • Sii wadista barnaamihka qof iyo cod, 2029 waxaa looga fadhiyaa Puntland doorashooyin isku dhafan oo ay ka mid yihiin; doorashada deegaanka ama dowladaha hoose, baarlamaanka iyo madaxtooyada, waxay u egtahay in sadexdaas doorasho isku soo beegmi doonaan isku waqti. Waxaana lagama marmaan ah in la dhammaystiro shuruucda doorashooyinkaas khaas ahaan shuruucda doorashada baarlamaanka iyo madaxtooyada. Haddii hawshaas aan dhaqso loogu diyaar garoobin oo ay noqoto in si boobsiis ah loo qabto marka waqtigu soo dhowaado sidii dhacday 2023, waxaa dhici karta in ay abuurmaan carqalado siyaasadeed iyo amni oo dib u dhac ku keena jiritaanka Puntland.
  • Waxaa lagama maarmaan ah Puntland inay la timaado siyaasado cusub oo ay kula dhaqmayso Dowladda Federaalka, xal maaha siyaasada ku salaysan goynta xirrirka iyo wada shaqaynta, waa in laga fekeraa siyaasad taas ka duwan oo Puntland ku ilaalin karto danaheeda siyaasadeed iyo dhaqaale iskagana yarayn karto colaada kaga imaan karto khilaafka Dowladda Federaalka, siyaasad ku dhisan iska ilaali oo isku ilaali, marna haka maqnaan miiska danta Soomaliyeed lagu go’aaminayo, dantaada si xirfadaysan u dhacso, kasbo saaxiibo siyaasadeed marna xal maaha Puntland inay go’doon ka noqoto talada ay wax ku leedahay oo lagu maaraynayo arrimaha Soomaaliya, ha sugin inaad la tacaasho mawjadaha siyaasadeed oo ku wajahan Puntland marka ay kadinka kuu yimaadaan, daadku uu guriga kuugu soo galo (reactive) taas bedelkeeda la imow qorshahaaga xilli fiican, samayso barnaamij aad kula falgalayso mawjadaha socda oo aad khatarta ka imaan karto ku wajahayso (proactive). Ka hortaga ayaa ki fiican ka dabataga.
  • Puntland waxay wajihi doontaa mustaqbalka dhow caqabado siyaasadeed iyo kuwa amni oo kaga imaan doona gobolada dastuurkeeda ka tirsan oo hadda looga dhawaaqay dhsimaha maamulka Waqooyi Bari,  laba arrimood ayaa horyaal Puntland inay kala doorato, tan kowaad waa qorshe ku salaysan inay muran geliso dhismaha maamulkaas, sheegato deeganadaas, taasoo ay kaga imaan karto caqbado siyaasadeed,  amni iyo xasilooni darro, sii kala fogeyn karta dadka walaalaha ah oo Puntland wada dhistay 1998, waxaa suurtagal ah inay taasi faa’iido u noqon karto daneeyayaal siyaasdeed oo ka baxsan Puntland, qiimo weyn bay ugu kici doontaa Puntland iyo maamulka hadda ka go’ay labadaba haddii ay jidkaas qaado. Arrinta labaad waxa weeye jid kaas ka duwan oo ah in wixii qaldamay la saxo, Puntland ay shir iclaamiso, shirkaas oo ay ku casunto madaxda maamulka halkaas lagaga dhawaaqay, isimada goboladaas, waxgarad iyo isimo laga soo xulay inta kale oo Puntland, shirkaas oo looga tashanayo mustaqbalka iyo dib u qaabaynta Puntland, sida wax loo wadaagi karo waxna loo kala yeelan karo mustaqbalka. Waxaa muuqata in Puntland mar horeba dooratay arrinta hore oo ah inay muran siyaasadeed iyo sharci geliso maamulkaas, xoog iyo xeeladna geliso sidii ay uga hortegi lahayd inuu maamulkaasu hirgalo.
  • Musuqmaasuqu waxuu dhibaato weyn ku hayaa dowladnimada Puntland, siyaasadu waxay ku shaqaysaa laaluush iyo lacago la kala qaato si madax loo noqdo, horumarka dhaqaalaha waxaa curyaamiyey musuqa, lunsashada hantida dadweynuhu waxay iska noqotay wax caadi ah, dadku waaba ku bogaadiyaan qofkii hantida daweynaha lunsada, musuqmaasuqa wuxuu dhex qaaday dhiiga iyo dhuuxa dadka reer Puntland badankooda, dowladnimo iyo musqmaasuqna meel ma wada galaan. Hadaba dowladda Puntland iyo dadkeeda waxaa laga rabaa inay la yimaadaan barnaamijyo wax tar leh oo musuqmaasuqa lagula dagaalamo haddi kale dowladnimo macne leh ha ka samraan.

Axmed Siciid Nuur

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link