Arar
In badan waxaan maqalnaa, soo noqnoqoshada erayo ay ka mid yihiin (nidaam, hab, qaab dhismeed dowladeed, yagleelida aayaha iyo ka tashiga hab dhismeedka nolol wanaagsan), waxaa kuwaas ka soo hor jeeda (fowdo, qas iyo qalalaase, iska soo horjeed, kala tag iyo kala qubad, ummad kala qoqoban iyo qalbiyo kala jeeda, is hayn, kala yaac); hadaba maxaa Islaamku ka qabaa in wax la habeeyo? Ama la sameeyo nidaam kala danbeyneed ama kala amar qaadasho oo loo aayo xilliyada is haynta iyo is maandhaafka? Koonkiisa Ilaahay ma waxa asaas u ah nidaam iyo hab kala sarayn maamul iyo is adeecid mase waxaa ka jira fowdo iyo kala tagsanaan iyo isku dhex yaac?.
Haddaba innagoo ka duulayna is waydiimahaas, aan isku dul-taag yar oo kooban ku samayno falsafada ama aragtida uu ka qabo Islaamku qaabaynta ama nidaaminta arrimaha nolosha dhinac kasta oo ay tahayba.
Keliyeelida Eebe weyne
Keliyeelidda Eebe wayne waxay tusaale cad oo hor tebin leh u tahay sida Eebe u nidaamiyey koonka si guud, asagoo ka dhigay jihada keli ah ee iska leh maamulka iyo tasarufka koonka oo dhan.
Sidii taas laguu tusana, waxaa si cad oo aan har saarnayn Kitaabka Quraanka ahi meesha ka saaray jirrida ilaahyo kale oo koonka la wadaaga ama la maamula. Eebe weyne wuxuu Quraanku ku leeyahay sidatan:
- Waxaa tiraahdaa (Nebi Muxamadow) haddii ilaahyo la jiri lahaayeen sida ay leeyihiin; markaas kan carshiga iska leh bay wado ay kaga adkaadaan u raadsanlahaayeen.
قال تعالى: { قُل لَّوْ كَانَ مَعَهُ آلِهَةٌ كَمَا يَقُولُونَ إِذًا لَّابْتَغَوْا إِلَىٰ ذِي الْعَرْشِ سَبِيلًا} الإسراء 42.
- Haddii ilaahyo kale ka jiri lahaayeen cirka iyo dhulka, way fasahaadin lahaayeen, ee Ilaahay baa ka nasahan oo kan carshiga rabigiis ah waxay sheegayaan.
قال تعالى: { لَوْ كَانَ فِيهِمَا آلِهَةٌ إِلَّا اللَّهُ لَفَسَدَتَا ۚ فَسُبْحَانَ اللَّهِ رَبِّ الْعَرْشِ عَمَّا يَصِفُونَ} الأنبياء 22.
- Eebe ilmo maleh, ilaah kalena la jirkiisa maaha, haddii saas ay jiri lahaydna, mid walba wixii uu abuuray buu la tegi lahaa, qaarba qaarka kale bay ka sarrayn dalbi lahaayeen, ee Ilaahay baa ka hufan waxa ay tilmaamayaan.
Sadexdaas aayadood waxay si cad u diideen in ilaahyo badan ay jiraan; cillada lagu saleeyey jiritaan la’aantoodana waxa laga dhigay inaan koonku sii jireen, oo baabi’in lahaa, is xoogidooda iyo is hayntooda daraadeed, taasina waxay noo sheegaysaa in koonka hal maamul ka jiro, oo uu Eebe weyne bes iska leeyahay gacan ku haynta, maamulida iyo ku tasarufidda koonka.
Malaa’igta iyo hab maamulkooda
Malaa’ig Eebe waxa uu u sameeyey hab ay isu hoostagaan oo shaqooyinka u gutaan, mid kastana shaqada uu maamulo kuwa hoos tagaa asaga hor-imaad, isku taag iyo fadqalalo kuma furaan, taasina – inkastoo malaa’igtu Eebe caabudidiisa ay ku abuuranyihiin–haddana arinka is garab yaac lagama dhigo ee madax qaybeedyo baa loo sameeyay laga amar qaato, waxyaabaha ku tusinaya waxaa ka mid ah in Eebe markuu qof aadanaha ka mid ah uu u muujinayo jacayl waxaa la amraa Jibriil inuu jeclaado cida samada joogtana uu amarkaas siiyo, sidaas buuna sameeyaa.
Malaa’igtu shaqada ay kala leeyihiin ee loo kala asteeyey cidina iskuma qalado ama cidi cid kale shaqadeeda faraha lama gasho, oo malagga geerida tiisaas lalama gacgacmeeyo, kuwa naarta iyo jannadana sidoo kale, wixii awaamir soo baxaya ama waxyigana Jibriilka u sarreeya lalama qaybsado, kii wax loo diro maahee.
Habka khilaafada loogu dhiibay aadanaha
Koonka oo dhan waxa uu ku siganayaa inuu ku dhawaaqo (wax aan hab maamul lahayni waa iba furka habka burburka), oo waxaa markhaanti uga dhigan kartaa adoo aan danbaabayn, habka Eebe ugu wareejiyey aadanaha maamulka dhulka iyo ka noqoshada khaliif halkan, waxaa laga dhex doortay noolayaasha, waxaana tartan la dhex mariyey asaga iyo cidda ugu dhow ee dhulka maamuli kadhay, doodaasna waxaa guushu ku raacday aadanaha oo aabbohood markaas matalayey, sida aad aragtidna Eebe ma maqnaado mana dhinto, iyadoo ay saas tahayna dhulka cid camirta oo maamusha ayuu u sameeyey.
Nebiyada iyo khilaafada aadanaha
Wax kasta waxay ku socdaan hab quman oo toosan, waxaaba mooddaa in koonka dhan hal silsilad oo is haysata uu ku taaganyahay, oo aadanaha markii loo gardaadin dhiibay dhulka uu ku sugnaa loogama tegin ciyaar iyo jaantaa rogan ee hab uu baraare ku gaaro ayaa loogu soo dhiibay, kuwo iyaga ka mida lana yiri maamula oo barwaaqo aduun iyo mid aakhiraba gaarsiiya, nidaam ku dhisan cadaalad iyo garsoor sharci bayna nebiyadu ama ergayda Eebe gardaadinayeen.
Waxaa la yaab leh xitaa nebiyadaas ama ergaydaas Eebbe haday isku soo gaaraan xilli oo laba nebi ama ka badan hal mar soo wada baxaan, mid labadaas ka mida baa iska leh maamulka meeshaas, mana aha wax is garab yaac ah ama anna nebi baan ahay adna nebi, waxaana tusaale cad aad ka dhigan kartaa, Nebi Muuse iyo Nebi Haaruun, nabadgelyo korkooda ha ahaatee.
Tusaalooyin kookooban
Iyadoo faahfaahinta fikrada aysan ku filnayn hal qormo, haddana bal tusaale ahaan aan u soo qaadano sida Islaamku u xoojiyey nidaamka iyo habaynta wax walba oo kooxi wadaagayso.
Islaamku waxa uu amray in dowladda oo ah habka ugu wayn oo koox aadanaha ka midihi ku bahoobi karaan inay ahaato mid hal meel arrinkeedu ka soo fulo, markii laga reebo wixii wadatashi ah oo dhex mari kara kooxdaas isku danta ah, mararka qaar waxaa la amray ninkii fadqalalo iyo foodo aan xaq ku dhisnayn la yimaada, dadkana habkoodii ay ku midoobeen ka kharribaya in meesha laga saaro ama laba dilo.
Taas hore waa kooxda aadana ah ee ugu wayn ee wada noole, tan ugu yarna waxaa la amray in ay maamul samaystaan ama nidaam lagu wada socdo; xataa hadii safar la yahay oo sadex qof la yahay, arinkaasi waa arrin la yaab leh oo dhigaya in Islaamku uusan hallayn arrin yar iyo mid weynba.
Waxaa taas sii adkaynaya in qoyska oo waxa ugu yar oo uu ka koobmaa ay tahay labo qof, loo sameeyey cid laga qaato maamulka qoyskaas, maxaa yeelay koonka dhan baa nidaamsan oo ku taagan hal silsilad xaga kala danbaynta iyo ka fogaanshaha fowdada iyo madax taaga.
Waxaa si cad loo sheegay in fowdada, isqabqabsiga iyo is maandhaafku yahay wadada burburka iyo fashilka, taasina waxay cadayn u tahay in qoloda kala tagsan maan ahaan iyo maamul ahaanba ay yihiin qolo garab martay silsiladii koonka dhan ku taxnaa ee habaysnaanta, nidaamsanaanta iyo kala danbaynta ahayd taasina ay tahay jawaabta ay kala kulmeen Eebihii dejiyey nidaamkaas, oo ka dhigay kuwo uu bubur la derso fashilna agtooda markasta yaal.
Intaad soo akhrisid intaas kore; haddaba u kaalay Soomaaliya. Maxay uga bixi la’dahay farsamo xumada maamul, kala qoqobnaanta, fashilka, iyo damacyada shisheeye mudo soddon sano ka badan?
Ma kula tahay in aan nidaamkii koonka dhan ka jiray garab marnay oo meel cidla ah Soomaalida bes heehaabayaan, rabaanna inay wax koonka dhan ku ah gurrac ama qariib (odd) ku kabaan ama ku dhejiyaan, laakiin uu ku dhegi la’yahay?
Waxaan kusoo koobayaa Islaamku waa diinta ugu badan oo ka hadasha nidaamka iyo isku habaynta arrimaha maamulka iyo ka arriminta maslaxadda dadka iyo noolaha oo dhanba, iimana muuqato in aan intaas sharraxo laakiin waxaan inagu baraarujinayaa bal inaan hoos u fiirinno waxa aan rabno markaan reer reer u hadlayno iyo qaabka lagu gaaro hab iyo nidaam dowladeed.
Qoraaga

Latest entries
FaalloNovember 27, 2025Nidaaminta nolosha iyo aragtida Islaamka
MaqaalloJune 21, 2025Masuuliyadda dadwaynaha (Qaybtii 2-aad)
MaqaalloMay 11, 2025Masuuliyadda dadwaynaha (1)










