Mustaqbalka Tiknooloojiyadda & Waxbarashada

Iyadoo aan ku jirno qarnigan 21-aad, waxaa si weyn u soo muuqanaya isku xirnaanta Tiknooloojiyadda iyo waxbarashada. Waxaana tusaale ah, markii aan ka baxay dugsiga sare, qeybo badan oo waxbarashada ah xiriirka xooggan lama lahayn Tiknooloojiyadda. Waxa aan xusuustaa in manhajka waxbarashadeenna aanu ku jirin wax ku saabsan tiknoloojiyad, taasoo si kooban noogu iftiiminaysa halkii ay wax marayeen. Fasalladayadu waxa ay ahayeen kuwo ayba ku cusubtahay sabuuradda cad iyo qalinka khadka leh, waxaana suureysanaynay in aannu tillaabo horey u qaadnay. 20 sano kadib dib haddii aan maanta barbardhigo, fasallada ay wax ku bartaan carruurteyda, waa isla kuwii aan anigu wax kusoo bartay, waxaana ku soo kordhay un maaddo “computer” ku saabsan oo iskuulku uu ardeyda siinayo maadadii oo aanan lahayn “itus oo itaabsii.”

Haddaba, qormadaan waxa aan rabaa in aan ku iftiimiyo in gabbalkii waxbarashadii noocaa ahayd uu dhacay, loona baahanyahay in aan la jaanqaadno casriga aannu joogno iyo sida aqoontu ugu tiirsantahay Tiknooloojiyadda.

Dalalka horumaray ayaa horraantiiba fahmay in waxbarashadu aanu ahayn “qofwalba ku jin” balse ay tahay in loo eego ardeyga awooddiisa maskexeed iyo hibooyinkiisa. Taas oo fursad weyn siinaysa in uu soo boxo arday si xiiso leh wax usoo bartay, bulshadiisana uga faa’iideya hibooyinkiisa. Soomaaliya oo ah dal burburay, fursadda caynkan ah ma aysan helin, waxaana loo aaneynayaa sida uu qabo Dr. Cabdiqani Dalla’aan in 14% oo keli ah ay imtixaanka iskuulka sare u fariistaan ardaydii kasoo billaabay dugsiga hoose, ayna kamid tahay sababaha in ardaygu aanu helin fursadda waxbarasho oo ku filan, halkii macallinna uu celcelis ahaan 40 arday wax baro, taas oo muujinaysa hooseynta tayada aqooneed ee ardey walba uu heli karo.

Saamaynta ugu weyn ee horumar la’aanta tiknoolajiyada ee waxbarashada waxaa la arkay xilligii caabuqa Covid-19 oo la xiray inta badan xarumaha waxbarashada hoose ee kuyaala dalka, taasoo keentay sida dunida kale in loo wareejiyay fasallo fogaan arag ah (virtual classes), si loo hubiyo in ardaydu ay sii wataan waxbarashadooda xitaa iyadoo ay jiraan xayiraado iyo xaalado caafimaad oo adag, balse taasi waxay ahayd mid adag marka la fiirsho xaalada Soomaaliya, oo aan lahayn kaabayaal dijitaal ah oo buuxa.

Warbixinta ugu weyn ee dunida ee hay’adda UNICEF oo ugu dambeysay oo ay soo saartay oo ciwaankeedu yahay “Carruurnimada Dunida Dijitaalka ah” ayaa muujinaysa in 1.3 bilyan oo caruur ah dunida aysan haysan internet-caruurtaas oo intooda badan kunool qaaradaha Africa iyo Aasiya. Waxaa warbixinta lagu ogaaday in caruurta oo aan haysan adeega internet-ka ay keenayso in ay hooseyso xirfadooda dijitaalka, taasoo keenaysa in ay saamayn weyn oo taban ku yeelato waxbrashadooda iyo shaqaalyasiinta mustaqbalka.

Maadaama xaalkeennu sidaa u adagyahay, qormadan waxa aan doonayaa in aan soo jeediyo sida waxbarashadeenna aan u tayeyn lahayn, innaga oo ka faa’iideysanayna tiknoolajiyada casriga ah.

Waxbarasho qofka lagu jaangooyey iyada oo la’isticmaalayo Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence)

Garaadka Macmalka ah (AI) waa hoggaamiyaha waxbarashada maanta. Iyada oo ardeyga laga qaadayo xog-ururin ku saabsan heerka fahankiisa, aqoontiisa, da’diisa iyo waxyaabaha uu xiiseeyo, ayaa loo abuuri karaa waxbarasho ku aaddan awooddihiisa kala duwan iyo hibooyinkiisa. Dhanka kale waxaa loo diyaarinayaa hannaan la jaanqaadaya fursadda qofku heli karo iyo heerka fahankiisa inta uu le’egyahay. Waxaana horey u sameeyey madalaha Khan Acadmey, Duolingo oo afafka lagu barto.

Waxbarashada xaqiiqada macmalka ah (Virtual & Augmented Reality VR/AR)

Waxbarashada badankeed, waxa aannu ku qaadan jirnay qaab xog ah, balse marka la isticmaalayo nidaamkaan, waxa ay noqoneysaa waxbarashadii mid ka xiise badan marka kale. Ardeygu waxa uu helayaa fahan xeel dheer oo lamid noqonayo sida qof indhihiisa kusoo arkay waxa la barayo, sida casharrada la xiriira taariikhda iwm. Waxa ayna ku abuureysaa ardeyga xusuus xeel dheer oo ballaarinaysa fahanka uu ka haysto waxa uu baranayo.

Fasalka caalamiga ah!

Waxaa jira muuqaal ku jira barta YouTube oo uu Dr. Roy Casagranda kaga hadlayo Saxaabigii Halyeyga ahaa Khaalid Binu Waliid iyo habkii uu dagaallada ugu guuleysan jiray. Muqaalkaas faallo aan ka bixiyey 3 sano ka hor ayaan kaga hadlay in fasalka Dr. Casagranda ay fadhiyeen arday ka yar 20 qof, balse markaa ay daawadeen nus-milyan, haatanna muuqaalkii ay daawadeen in ka badan 3 milyan, faalladeydiina ay like saareen illaa 4.6K oo qof. Waxbarashada maantay waxa ay noqotay mid caalami ah, waana sababta keentay jaamacadaha dunida ugu waaweyn in duruustooda ku soo bandhigaan baraha ay kamid tahay YouTube.

Ciyaarsiinta waxbarashada

Waxbarashada oo loo dhigo qaab ciyaar ah, waa hannaan kamid ah kuwa sida weyn u bedeley habkii wax loo baran jiray. Iyada oo waxbarashadii la dhexgelinayo dhibco lagu tartamo, billado lagu guuleysto, dhibco-tirsi lagu baratamo, waxa ay waxbarashadii noqotay madadaalo illowsiisa ardayga in uu waxbarasho ku jiray. Dalalka arrintaas hirgeliyey waxaa kamid ah Norway, waxaana eegi kartaa platform-ka Kahoot.

Dhallan-roganka kaalinta macallinka

Maadaama kaalintii macallinku ay sii shiiqinayso Tiknooloojiyadda, horeyna macallinku u ahaa halka keliya ee aqoonta haya, hadda macallinka kaalintiisii waxa ay isugu biyo shubatay in uu noqdo hage. Xogta  ku dhisan ee laga ururinayo ardayga iyo hadba heerka uu marayo, macallinku waxa uu garan karaa ardayga culeyska ka cabanaya, waxa uuna u diyaarin karaa hannaan uu la jaanqaadi karo. Horumarka xirfadeed waxa uu u guurayaa dhanka , tababarrada online-ka ah iyo iskaashiyada kala duwan waxa ay kor u qaadayaan caawimaadda macallinka.

Waxbarashada joogtada ah ee koorsooyinka kooban

Dhanka kale, dadka xirfadleyaasha ah ayaa waxaa ku socda isbeddel ka imanaya suuqyada fursadaha shaqo, taas oo khasbeysa in qofku uu si joogto ah u kororsado xirfado si joogto ah.  ayaa kaalin weyn ka ciyaareysa halkan, iyada oo sahashay in qofku helo koorsooyin iyo tababarro leh shahadooyin xirfadeed oo kaabaya kartidiisa shaqo. Waxayna  fursad u siinaysaa in qofku isaga oo shaqooyinkiisa ku jira uu si tartiib ah bil walba uu dhammayn karo xirfad cusub oo uu ku darsado keydkiisa xirfadeed iyo aqooneed.

Fududeynta waxbarashada

Maadaama ay tiknoloojiyaddii ay sii noqonayso laf-dhabarta waxbarashada, waxaa soo kordhaysa ahmiyadda ay leedahay in la helo qaab si siman loo wada heli karo qalab iyo internet sahlaya in waxbarashadii loo sinnaado, mustaqbalkana aan gaarno in qof walbaa uu helo waxbarasho u gaar ah oo ku aaddan xirfaddiisa iyo hibadiisa

Gunaanad

Ugu dambeyn, mustaqbalka dhow, waxaa jiheyn doona waxbarashada horumarka xooggan ee ay tiknoloojiyaddu ku socoto, iyada oo ay jiraan caqabado, misana waxaa mar walba jira fursado lagu keeni karo hal-abuur ka jawaaba caqabadaha iyo baahiyaha jira. Innaga oo Tiknooloojiyadda si buuxda u adeegsana, waxa aannu awood u yeelan karnaa in aan dhisno nidaam waxbarasho oo horumarsan, xiiso leh, dadkeenuna u simanyahay.

Engineer Cabdullaahi Bootaan

Agaasimaha Garaad Academy

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link