Maxay yihiin caqabadaha laga gudbi La’ yahay ee Doorashooyinka Soomaaliya?

Hordhac

Horaanta sannadka 2026, waxa lagu wada in ay Soomaaliya ka dhacdo doorashooyinka madaxweynaha iyo golayaasha baarlamaanka ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya. Hase yeeshee, waxa aan jirin hannaan dooroasho oo lagu mideynsan yahay, taas oo ay sabab u tahay hindisaha cusub ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu ku doonayo in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Arrintaas waxaa ka biyo-diiday siyaasiyiinta mucaaradka ah, iyo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland. In kasta oo hannaanka doorashada ee qof iyo cod ay Soomaaliya ka bilaabatay xilli hore oo ay hurmuud u ahayd Afrika, haddana waxaa jirey caqabado markasta dhici jirey. Taas waxaa sii dheer, tan iyo curashadii Jamhuuriyada Saddexaad ee Soomaaliya (Carta 2000), waxa jiray doorasho ay udub dhexaad u yihiin erago ama xildhibaanada golaha baarlamaanka oo lagu soo xulo, habka wax-qaybsiga ee beelaha Soomaaliyeed (4.5). Sannadadii ugu dambeeyey waxaa jirtay in isbedel lagu sameeyey habka xulashada xubnaha golayaasha baarlamaanka, hase yeeshee ma noqon mid la mahadiyo, kolkii ay gacanta u gashay madaxda dowlad-goboleedyada oo iyagu dantooda ku jaan-gooyey. Qormadaan waxa ay diiradda saaraysaa taariikh kooban oo ku saabsan doorashooyinkii Soomaaliya ka hanaqaaday, si cashar looga barto, caqabadaha jira imminka iyo sida looga gudbi karo.

Raad-Raaca Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya

Markii ugu horreysay, waxa ay doorashooyinku ka bilowdeen geyiga Soomaaliyeed xilligii lagu jiray xukun-hoosaadka (trusteeship). Ugu horreyna waxaa lagu bilaabay abaabul hannaan doorasho oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka, si ay bulshada Soomaaliyeed ugu diyaar garoobaan xoriyadda iyo doorashooyin ka dhaca dalka marka la gaaro xorriyada. Waxaa la qorey xeerarka doorashooyinka ee Soomaaliyeed (The Electoral legislations of Somalia, 1953-1969) oo tifaftirey Maarten Halff.

Mudadii u dhexaysay 1953-1969, waxaa dalka Soomaaliya ka qabsoomay 10 doorashoo oo lix ka mid ah la doortay golayaasha sharci-dejinta (Legislative councils), halka afar jeerna la soo doortay golayaasha deegaanka (Municipal councils). Markii ugu horreysay ee la qabto doorasho ay haweenku codkooda ka dhiibtaan waxa ay ahayd 20-kii Oktoober 1958-dii, taas oo ka dhacday goballada koonfurta ee Soomaaliya ee uu Talyaanigu gumeysan jiray. Horraantii 1954-tii, waxaa dalka ka dhacay doorashadii ugu horraysay ee lagu dooranayo golayaasha deegaanka, taasoo kuraastii ugu badnayd uu ku guulaystay Xisbiga Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL). Arrintaasi waxa ay dadka Soomaaliyeed ku abuurtay kalsooni ah in Maamulkii Xukun-hoosaadka (Trusteeship administration) uu fulinayo go’aankii Qaramada Midoobay ay gaareen sannadkii 1955-tii, kaas oo ahaa  in Soomaaliya la gaarsiiyo xoriyad buuxada bartamana Sannadka 1960-ka. Sidoo kale waxa ay bedeshay siyaasaddii ururka SYL ee ka soo horjeeday dowlada Talyaaniga ee garwadeenka ka ahayd xukun-hoosaaska, isagoo caddeeyey in ay la shaqayn doonaan Talyaaniga, maadaama ay muuqato inuu hayo tubtii uu dalku gobannimo iyo madaxbannaani ku gaari laha, sida uu ku qoray Liiqliiqato buuggiisa (Taariikhda Soomaaliya).

Doorashadii ugu horreysay ee golaha baarlamaanku waxa ay Soomaaliya ka qabsoontay bishii Maarso 1956-kii, taas oo lagu soo doortay 70 xildhibaan oo 10 ka mid ah laga soo magacaabay Jaaliyadaha shisheeye ee dalka degganaa. Xisbiga SYL ayaa helay 43 kursi, halka uu xisbiga Digil iyo Mirifle ka helay 13 kursi. Xubnaha soo haray waxaa helay dhowr xisbi oo yar yar. Cabdullaahi Ciise oo ka tirsanaa xisbiga SYL ayaa loo doortay inuu soo dhiso dowlad Soomaaliyeed oo maamusha arrimaha gudaha dalka. Inkasta oo ay doorashadaasi ku dhacday hannaan dimuqraadi ah oo ku salaysan qof iyo cod, haddana dad fara badan ayaan ka dhex muuqan dowladii ay SYL soo dhistay, taas oo abuurtay in laga niyad-jabo hab-dhaqanka madaxdii SYL. Arrintaasi waxa ay keentay in uu kala qaybsamo xisbigii oo uu samaysmo xisbi kale oo la baxay Xisbiga Soomaliweyn (GSL) sida lagu qoray buugga Taariikhda Soomaaliya ee Liiqliiqato.

Durbadii waxaa la dareemay in xisbigii SYL uu talada dalka marooqsaday, taas oo keentay in ay kalsooni daro ka dhex abuuranto xisbiyadii Soomaaliyeed. Dhacdadaasi waa meeshii ugu horreysay ee uu ka bilowday qallooca doorashooyinka Soomaaliya galay oo ilaa iyo maanta la saxi la’yahay. Sannadkii 1959-kii oo ay dhacday doorashadii ugu dambaysay intii ay dowladda Talyaanigu dalka maamulaysay, xisbiga SYL waxa uu helay 83 ka mid ah 90-kii kursi ee loo tartamayey, natiijadaas oo ay sabab u ahayd maamulka SYL oo xirxiray boqollaal ka tirsanaa xisbiyadii ka soo horjeeday ee uu ugu weynaa xisbiga Soomaaliweyn (GSL).

Xukuumadii Cabdullaahi Ciise muddo kooban ayay ku socotay dardar, iyo xamaasad ay qiiro ku dheehan tahay, waxaase durbadiiba soo food saaray dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho. Xisbigii SLY waxa uu ka weecday himiladii ahayd gobannimadoonka iyo midaynta Qaranka Soomaaliyeed oo uu muddo 15 sanno ah u soo halgamayay. Sidoo kale waxaa xisbigii SYL ka dhex dhashay muran iyo awood-marooqsi beelaysan, taas oo keentay in ay taageerayaashii xisbigu u kala leexdaan jilibyo. Arrintaasi waxa ay wiiqday midnimadii halganka gobonimodoonka, waxayna yaraysay kalsoonidii bulshadu u qabtay ururka SYL. Hogaanka ururka oo lagu heshiin waayey, ayaa ugu dambeyntii la doortay Maxamed Xaaji Xuseen oo dalka Masar waxbarasho ugu maqnaa.

Dhinaca kale, gobollada Waqooyi ee Ingiriisku maamulayay lagama ogolayn xisbiyada siyaasadda iyo doorashooyinka intii ka horeysay sannadkii 1959-kii. Dadka maamulka ka qayb galaya, dowlada Ingiriiska ayaa qaabiillada ka soo xulan jirtay. Doorashadii ugu horreysay waxa ay gobollada waqooyi ka dhacday sanadkii 1959-kii, taasoo uu qaadacay Xisbigii SNL, waxaana xigtay doorashadii bishii Febraayo 1960-kii, oo loo tartamay 33 xubnood oo baarlamaanku ka koobnaa. Xisbiga SNL oo uu hoggaaminayay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa ku guulaystay 20 ka mid ah 33-da xubnood oo baarlamaanku ka koobnaa, isla doorashadaas Xisbigii la oran jiray USP-na uu helay 12 xubnood, halka xisbigii NUF uu ka helay 1 xubin oo keliya.

Kadib dilkii madaxweynihii Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmarke bishii Oktoobar 1969, ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa afgambi ku qabsaday talada dalka, waxaana hoggaanka la wareegay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Afgambigaas wuxuu meesha ka saaray nidaamkii dimuqraadiga ahaa ee xisbiyada badan ku salaysnaa, wuxuuna billaabay xukun milatari oo keli-talis ah.

Sannadkii 1976, Siyaad Barre wuxuu si rasmi ah u dhisay Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS), wuxuuna noqday xisbiga keliya ee dalka ka jira, taasoo meesha ka saartay suurtagalnimada tartan siyaasadeed oo furan. Dhammaan hay’adihii dowladeed waxaa laga dhigay kuwo hoos yimaada xisbigaas, waxaana la xakameeyay xorriyadda hadalka, ururrada bulshada, iyo saxaafadda.

Muddadaas, ma jirin wax doorasho ah oo dadweynuhu si xor ah ugu codeeyaan musharraxiin siyaasadeed oo kala aragti duwan. Siyaad Barre ayaa muddo dheer xilka hayay iyadoo aan la qaban wax doorasho dadweyne ah oo xor ah, hufan, lana tartamo. Xataa xilalka baarlamaanka iyo kuwa golaha wasiirrada waxaa lagu magacaabi jiray si aan loo marin hab doorasho.

Sanadihii dambe ee xukunkiisa, gaar ahaan dabayaaqadii 1980-meeyadii, kacdoonno hubeysan oo mucaarad ah ayaa ka billowday gudaha dalka, taasoo ugu dambeyn sababtay in xukunkiisii uu burburo 1991-kii, markaas oo uu dalka galay fowdo iyo dagaallo sokeeye.

Curashadii Jamhuuriyada Saddexaad ee Soomaaliya:

Curashadii Jamhuuriyada saddexaad ee bartamihii sannadkii 2000, ayaa bilowday nidaamka awood-qaybsiga ee beelaha Soomaalyeed ee 4.5 oo lagu soo xulo xubnaha golaha baarlamaanka oo doorta madaxweynaha dalka. Lix doorosho madaxweyne iyo gole baarlamaan oo dhacday tan iyo 2000 ayaa saddex ka mid ah waxa ay ka dhaceen dalka dibaddiisa, halka saddexdii doorosho ee ugu dambeeyey ay ka dhaceen dalka gudihiisa. Dhammaan doorashooyinkaas, waxaa madaxweynaha dalka soo dooranayey xubnaha baarlamaanka ee hab-beeleedka lagu soo xulay. Afartii doorasho ee ugu horreeyey, odayaasha dhaqanka ayaa soo xulayey xubnaha baarlamaanka, halka labadii doorashoo ee ugu dambeyey, xubnaha golaha baarlamaanka lagu soo xulay habka doorasho dadban ah oo ay maamul-goboleedyada awood weyn ku lahaayeen, kadib markii la wiiqay awooddii odayaasha dhaqanka. Waxa kale oo labadii doorasho ee ugu dambeeyey soo kordhay aqalka sare oo lagu soo xulo habka doorashada dadban. In kasta oo nidaamka doorashada dadban loo keenay in wax laga beddelo habkii xulashada odayaasha dhaqanka, si kor loogu qaadado hufnaanta iyo cadaaladda xulashada xubnaha baarlamaanka, hase yeeshee waxa uu noqday mid ka hooseeya xulashadii ay hogaaminayeen odayaasha dhaqanka.

Dhinca kalena, Somaliland ayaa bilowday nidaam xisbiyo iyo doorashao sannadkii 2002-dii, oo markii ugu horreysay lagu doortay golaha deegaanka (district council). Sannadkii 2003-dii, ayay Somaliland ka dhacday doorasho madaxweyne lagu dooranayo codka shacabka, waxaana ka dambeeyey saddex doorasho oo ay shacabka Somaliland ku doorteen madaxweynaha. In kasta oo muddo ka badan 20 sanno ay doorashooyin ka dhacayeen Somaliland, haddana waxa jiray saluug ku aaddan awood-qaybsiga, iyo doorashada oo xilligeedii dhaafta. Mugdi kasta oo ku jira doorashooyinka Somaliland, haddana waxa ay abuurtay tartan furan, dood-siyaasadeed iyo xisbiyo siyaasadeed oo si adag ugu beratama hogaaminta majaraha siyaasadda ee Somaliland.  Sidoo kale, waxaa dhowaan laga bilaabay maamulka Puntland nidaamka xisbiyada badan iyo in lagu doortay dhammaan golayaasha deegaan ee degmooyinka dowladda Puntland. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga dhaxlay doorashooyinka golaha deegaanka, waa in ay golayaashaas ka mid noqdeen dad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda gobollada kale ee dalka, kuwaas oo aan horey ugu jirin waxqaybsiga ku salaysan hab beeleedka. Dhinaca kale, waxa la aqoonsaday nidaamka doorashada duqa degmada oo ku soo baxa heshiis dhexmara xisbiyada hela tirada aqlabiyada xubnaha golaha.

Maxay yihiin caqabadaha ku xeeran doorashooyinka Soomaaliya?

Waxaa jira caqabado badan oo ku xeeran doorashooyinka Soomaaliya, waxaase  ugu weyn qodobada soo socda:

  1. Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya hogaamiyayaasha Soomaalida: Hoggaanka siyaasadda Soomaalidu waxa uu  ku fashilmay inuu la yimaado qaab doorasho la wada oggol yahay, iyadoo cid walba ay ku adkaysanayso hannaanka doorasho ee ay maslaxadeeda ka aragto. Qodobbada siyaasadeed ee laysku mari la’yahay waxaa ka mid ah: (i) Waxka-beddelka dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, (ii) Khilaafka dhexyaal dowlad goboleedyada iyo Dawladda Federaalka iyo (iii) maamulka doorashada marxaladda kala-guurka ah
  2. Muran sharci:  Soomaaliya oo doorashooyinku ka bilowdeen sannadkii 1953-dii, ayna ka dhaceen doorashooyin badan, waxaa mar walba jiray muran sharci oo inta badan lagu eedeeyo madaxda xukunka haysa oo iyagu sharciga doorashada ku jaangoynaya masaalixdooda iyo hadba qaabka u sahlaya in ay xukunka sii joogaan ama kusoo laaban karaan.
  3. Musuqmaasuq:  Sida caadada noqotay horeyna u soo jirtay, waxaa  doorashooyinka lagu bixiyaa lacag aad u fara badan si loo helo codadka xildhibaanada. Tusaale ahaan, Amb. Maxamed Cismaan waxa uu ku qoray buuggiisa (The Road to Zero) in markii la dilay madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke, uu xisbiga SYL ee talada hayay uu ku heshiiyay in Madaxweyne loo sharraxo Muuse Boqor, cid kasta oo codaynaysa waxaa loo balan qaaday in la siinayo  lacag dhan 15 kun oo doolar. Tan kale, doorashada xubnaha baarlamaanka ee sannadkii 2022-kii, waxaa lagu tilmaamaa inay ahayd midii ugu xumaday ee lagu soo xulo xubnaha baarlamaanka. Madaxda dowlad goboleedyadu waxa ay soo xuleen xildhibaanno lagu soo doortay hannaanka la baxay malxiiska, iyaga oo si cad u baal maray dhammaan hab-raacyadii iyo sharciyadii doorashooyinka iyo iyaga oo aan xeerin kaalintii odayaasha dhaqanka. Taasi waxa ay keentay in xuquuqdoodii la duudsiiyo xubno badan oo beelahooda ka haystay kalsooni.

Xalalka Lama Huraanka ah

Marka diirada la saaro caqabadaha ugu waaweyn ee ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya, waxa ay qormadani soo gudbinaysaa xalal dhowr ah:

  1. In la helo hannan doorasho oo heshiis lagu yahay: helitaanka hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay ayaa xal u ah qabsoomidda doorasho la mahadiyo natiijadeeda, taas oo keeni karta degenaan siyaasaadeed iyo maamul horumar ku tilaabsan kara. Si ay arrintaas u hirgasho waa in xal laga gaaro doodda ku saabsan wax ka bedelka dastuurka si loo gaaro xal waara. Xalinta khilaafka u dhexeeya dowlada goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ayaa isna keeni kara in xal laga gaaro hannaanka doorashada ee sannadka 2026-ka.
  2. Sharci doorasho oo heshiis lagu yahay: In la helo sharci doorasho oo heshiis lagu yahay, diyaarintiisana lagala tashaday bulshada qaybaheeda kala duwan, lehna damaanaad ilaalisa oo aan cidna ku xad-gubdi karin.
  3. Guddi doorasho oo madax-bannaan: Maamulka doorashada waa inay gacanta ku hayaan guddi doorasho oo madax-bannaan, oo ku sifaysan hufnaan iyo karti, aqoon iyo xirfad fiicanna u leh shaqada loo xilsaaray.
  4. Hannaan doorasho oo wanaagsan: Hannaan kasta oo doorasho oo la qaadanayo waa in uu noqdaa mid aan uga darin xaalka Soomaaliya sida doorashadii ku dhacday hannaanka loo bixiyey “malxiiska” ee 2022-kii. Sidoo kale, waa in hannaanka doorashadu uusan noqon mid horseeda qalalaaso siyaasadeed.

Gabagabo

Ugu dambayntii, inta badan xasillooni darrada siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya, waxay ka dhalataa muran doorasho, taasoo horseedda xasaradaha iyo colaadaha sokeeye oo dalku ku burburo. Waxa aan madaxda Soomaalida ugu baaqayaa inay u damqadaan ummadda Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwan la daalaa-dhacaysa muddada dheer, ogaadaana xilka ka saaran dalka iyo dadka, gaar ahaan dhalinyarada maydkoodu daadsan yahay saxaraha iyo xeebaha badda medetereeriyaanka.

Dr. Maxamed Cali Faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link