Iyadoo maanka lagu hayo hurgumihii iyo qaranjabkii uu dhaxalsiiyey Maxamed Siyaad Barre bulashada Soomalida, waxaa la isla qaatay in la raadiyo hannaan maamul oo isku soo celin kara dadkaan kala irdhoobay iyadoo “laab-xaarnaan” lagu eegayey dhibkii ka dhashay 26 Janaayo 1991, mana jirin sida waddamada qaar ka dhacaan dagaalada sokeeye in la raadiyo hannaanka Caddaaladda Kumeelgaarka ah “Transitional Justice” oo lagu soo afjaro xasaradaha hubaysan iyo saamaynta kalitaliska ku reebo bulshooyinka dhexdooda, waxaase ayaandarro noqotay, in aan la is waydiin-ba; side baynu u xallinaa dhibkii nafeed iyo boobkii hanti ee laga dhaxlay qaranjabkaas. Maxaa yeelay, waxaynu goob-joog u aheyn saamaynta ay ku yeelatay maxkamddii “Gacaca Courts” dowlad-dhiska Rwanda iyo sidii looga garnaqsaday dhibbaatadii dhacday 1994, taasoo dhaxalsiiyey inay dib-u-yagleelaan dowlad seeskeedu adagyahay, kala tabasho-na aysan jirin, mar qura ayay dib u istaagtay, hormurar dhan walba lehna ku tallaabsadeen.
Laabxaarnaatii lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya ayaa noqotay, mid saameynteedu soo ifbaxdo mar’allaale iyo markii dowladdu ka weecato dhabihii la isla qaatay inay ku shaqayso. Kala gurasho, cabbasho joogta ah, iyo tagtadii oo la faaqido, ayay qabaa’ilku la soo istaagaan fagaarayaasha, taasoo keenaysa, kalsoonidarro wayn oo lagu qabo, dadka markaa hoggaanka u haya dowladda, iyagoo awooda dowladda qofeynaya, kana weecanaya jidkii lagu wada heshiiyay iyo bulshada oo aan weli ka soo bogsan xasaradihii dhiigu ku daatay ee ka hor 2000 dhacay.
Haddaba, waxaan qormadaan ku faaqidayaa walwalka iyo walaahowga isasoo taraya ee keeni kara inay Jamhuuriyada Sadexaad alleysato, anagoo isweydiinayna: Maxaynu markale ugu nugulnahay in qaranjab dhaco soddon sano kadib, iyadoo weli dhaawacyadii innagu yaalaan, mase laga baaqsan karaa cabsidaan joogtada ah ee ku geedaaman Jamhuuriyadda Saddexaad.
Dhabihii Adkaa
Haddaan ku bilaabo, cabsidaan taagan hadda, maaha mid la kowsatay nidaamka dowladeed ee hadda jira, hase’ahaatee, waa mid bar-bar socotay geeddi socodka qaran dhiska Soomaliya, kasoo bilow dhabihii loo soomaray dowladdii saddexaad ayaa ahaa mid aad u qalafsan, waxaa lagu guuldaraystay 15 shirweyne oo dib-u-heshiisiin muddo 10 sano ah (1991-2000), taasoo gudaha iyo dibadda lagu qabtay.
Markii la qaatay tobban sano oo iska dabo wareeg ah, oo kala aamin bax’ ah, oo ay Soomaaliland gooni u istaagtay 1991, Puntand-na ay sameysatay maamul u gaar ah 1998, halka ay koonfurta Soomaliyana markaas aysan jirin hannaan maamul oo mideeya. Shirka Carta ee 2000 qabsoomay ayaa lagu yagleelay Jamhuuriyadda Saddexaad ee haatan cagaha adag aan ku taagneyn, waxaana lagu dhisay Axdi Qarameed kumeel-gaar-ah, wuxuuna qeexayey afar tiir oo udub dhexaad u noqonaya dowladda cusub; kow, maamul dimuqraadiyad ku dhisan oo loo marayo doorasho muddeysan, labbo, habka awood qaybsiga ee qabiilka ku saleysan 4.5, saddex, nidaam federaal ah, ugu danbeynna, nidaam baarlamaani ah. Haddaba, markii intaas la isla qaatay ayaa Ogoos 2000 waxaa baarlamaanku u doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan madaxweyne, sidaas ayayna dib ugu soo noqotay qaranimadii dhabaha adkaa loo soo maray.
Durbadiiba dowladaas cusbayd waxay la kowsatay culaysyo siyaasadeed iyo taageeradda ay gudaha ka heshay oo yaraa, waxaa laga fursan waayey in la qabto shirweyne kale oo uu garwadeen ka ahaa Urur Goboleedka IGAD, kaasoo natiijadii kasoo baxday dhashay hishiis siyaasadeedkii lagu askumay, Axdiga Federaalka Ku Meel Gaarka ah (TFC)—2004. Xilligii madaxweyne Shariif Shiikh Axmed (2009-2012), ayaa la hirgaliyey Dastuurka Federaalka Ku-meel-gaarka ah, waxaanna halkaas looga baxay xilligii kala guurka.
Isku soo duuboo, waxaa laga soo bilaabo 2004 meesha ka baxay qabqablayaashii joogay caasimadda Muqdisho iyagoo dowladda ku soo biiray intooda badan, sidoo kalena waxaa soo siyaaday maleeshiyada Al-Shabaab oo laf dhuungashay ku noqotay dowlad-dhiska Soomaaliya ilaa iyo laga soo bilaabo 2006, halka ay Islaamiyiinta qunyar-socodka ahaa ay qeyb ka noqdeen hannaanka dawladnimo 2008, waxaana dhanka kalena, Soomaaliland sii xoojisatay mawqifkeedii ahaa inay ka madax banaantahay Soomaliya, mudadaas ay isbadaladaas waaweyn ku dhaceen qaab dhismeedka dowladnimo ee Soomaliya, waxaana 2012 qeyb ka noqday hannaanka federaalka maamulka Galmudug, dhabahaas dheer oo hadba waayo joogay ayaa soo maray Jamhuuriyadii Saddexaad ee Soomaaliya, oo noqonaysa tan ugu wakhtiga dheer marka loo eego labbadii kale ee ka horeeyey.
Dowladnimo Nugul
Marka aad eegtid xilliga rubac-qarniga ah ee ay jirtay Jamhuuriyadda Saddexaad iyo sida ay fadhiidka u tahay oo wax horumar ah oo la taaban karo aysan uga samayn dhanka taaba-galinta hay’addo dowladeed oo awood leh oo shaqadooda ay ka madax-banaantahay saamayta siyaasadeed ee marwaliba ku xiran qofka jooga Villa Soomaaliya, waanna meesha ay u dhutinayso dowladnimadu oo u diidan inay soo kabato.
Labo iyo tobankii sano ee ugu danbeeyey waxaa soo maray madaxtinimada Soomaaliya saddex madaxweyne, waxay si jiitan ku jiro u dhisayeen hab-dhaqan dowladeed oo aan weli gaarin heer isku filaanasho ah ama lala barbardhigo karo waddamada dariskeenna ah, waxaana nasiibdarro noqotay, in May 2022 qarka loo saarmay in dagaal sokeeyo dib-uga-qaraxo Muqdisho, kadib markii Madaxweyne Maxamed CabadilaahI Farmaajo labo sano ku darsaday, hub uruursi iyo qabaa’ilka oo kacay ayay dhalisay, waanna natiijada laga dhaxlo markii aysan jirin awood sharci oo hagaysa damac siyaasiga maroorsanaya awood dowladeed.
Nuglaanta dowladnimada waxaa ubuc u ah qabyada ku jirta Dastuurka Soomaaliya oo 13-kii sano ee uu qabyada yahay, aan wax qorshe ah oo wadar-ogol ah aan la isla qaadan, inta badan foolaadka siyaasada si bareer ah ayay uga talaabsadaan ku dhaqankiisa, waxaana jira qodobo gaaraya 15 oo isdabraya, una baahan in dib u eegis sal balaaran lagu sameeyo, iskudayga uu sameeyey Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyadoo qaar ka mid ah Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Faderaalka Soomaliya ay meesha ka maqnaayeen, wuxuu ahaa mid loogu yeeri karo “dib-u-qoris Dastuur” aysan ahayn mid la qabyo tirayo, hannaanka loo marayna wuxuu sii kicinayay xasiloonidarada siyaasadeed ee dal ku jirey.
Halista ay leedahay nuglaanta qaranimada Soomaaliya waa mid laga dheehan karo, sida ay tabarta dowladu ay u tahay mid hooseysa, aan la heyn awood ay isku filaan karto dhan dhaqaale, ciiddan, iyo fulinta mashaariic hormarineed. Taasoo ka dhigaysa in go’aannada masiiriga ah ay la qaataan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya.
Aragti cusub
Baryhaan waxaa si xoog ah u soo baxayay dood ku aadan in habacsanaanta geeddi-socodka doladnimada iyo fashilka jiraa uu sabab u yahay hannaanka/aragtida Federaalka ah ee dowladu ku dhisantahay, taasoo haldoorka siyaasiyiinta Puntland ay ku soo ceshaan in loo baahanyahay in la qaato hannaan kan “Fedaraalka” ka duwan, maadaama uu noqday mid fadhiid ah oo aan u shaqaynayn sidii lagu heshiiyay.
Xaqiiqada aanu wada qirsannahay waxa weeye, in aragtida siyaasadeed ee asal ahaanteedu cillad ahayn, waxaase micne u yeela ama micne tira heerka uu gaarsiisan yahay ku dhaqankeeda iyo fulinteedu, haddaba, aragtida fedaraalku maaha meesha ay wax-iska-qabsan la’ yihiin, oo ay u dhutinayso qaranimada Soomaaliya, balse waxa weeye: Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ma dhaqan gelinayaa mabaadi’da dastuuriga ah ee uu ku dhisanyahay fedaraalku, mise waxaa loo isticmaalayaa dano siyaasadeed oo marka Dowladda Federaalku ay ka dhex aragto danaheeda gaarka ah, sida aanu in badan ka aragnay dowlada u hoggaaminayo Xasan Shiikh Maxamuud.
Doodda ku dhisan in qaab-dismeedka dowladda la baddalo waa mid cuskanaysa in aysan ka jirin Muqdisho hay’addo dowladeed oo is dheeli tiri kara, xooganna, ku dhaqanka sharciga oo hooseeya, isla xisaabtan aan jirin, intaas la’aantood waxay xoojinaysaa in miiska la soo saaro aragtiyo cusub oo xal loo arki karo, taariikhdu-se waxay ina baraysaa, in haddii wadar-ogol aan lagu xallin kala duwanaanta siyaasadeed in markale aanu ku dhici karno halkii shalay lagu kufay oo qaranjab hor leh uu imaan karo.
Xagee ku danben!
Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya waxay wajahaysaa caqabado waawayn oo keeni kara in xasarado siyaasadeed ka qarxaan dalka, waxaana loollanka taagan sii hurinaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh oo ku shaqaynaya, istiraatiijiyada “Guulaystaha ayaa qaadanaya wax waliba” isagoo isku-kali-yeelay awoodda fulineed ee dowladda, wuxuuna bedelay dastuurkii lagu heshiiyay, iyo sharcigii doorashada si uu ugu adeego damaciisa gaarka ah, waxaanna ayaandarro ah in Xasan mar labaad loo doortay madaxtinimadda Soomaaliya oo uu leeyahay waayo-aragnimo ku filan oo uu ku badbaadin karo qaranka tabarta yar ee ku tiirsan kaalmada joogtada ah ee Beesha Caalamka, hase ahaate, wuxuu doonayaa in uu u xusulduubto sidii mar saddexaad u noqon lahaa “Madaxweyne” wax waliba oo dhacayana ha dhaceene!
Xaqiiqada dhabta ah ee ay tahay in la weeleeyo waxaa weeye; ma nihin dad kasoo kabtay burburkii taliskii Maxamed Siyaad Barre, xusuusihii laga dhaxlay qaranjabkii oo weli muuqanaya, bulshaduna waxay ku kalsoontahay qabiilka inta ay ku kalsoontahay dowladnimada, mar’alaalle iyo markii la damco in la muquuniyo waxaa la galayaa cabsi hor leh oo keeni karta in dib loogu laabto bartii 91-dii, qaranimadii soo celinteeda loo soo maray dhabihii adkaana ay burburto, waxaanna dhab ah, bur-bur kale hadduu dhaco, in la waayayo dal la dhaho Soomaaliya, oo gobol waliba iskiis u tashan doono, waxaanna tusaale nool u noqonaynaa “Anarchism” bulsho iska nool oo aan la hayn hannaan dowladeed oo shaqeeya bixiyana adeegyada dowladeed.
Si loo soo celiyo rajada Jamhuuriyada Saddexaad oo ay uga badbaadno caqabadaha jira, waa in Dowladda Federaalka ku soo laabataa dhabihii wadashaqaynta oo dastuurka la bedelay joojisaa, iyadoo talada wax ka bedelka ka dhigaysa mid loo dhan yahay, sidoo kale, waxaa daruuri ah in la gaaro heshiis siyaasi ah, oo lagu xallinayo kala duwanaata saamileyda siyaasadeed, iyadoo maamulada Puntland iyo Jubbaland tabashadooda labada dhan ba ah wada haddal lagu xallinayo, markaas ayay soo noqon kartaa rajada Jamhuuriyadda Saddexaad.
Maxamed Mire