Soomaaliya waa dal hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah iyo xoolaha, ka kooban dad isku mid ah dhinac kasta, kuna yaal meel adduunka istiraatiiji ka ah. Dalka Soomaaliya wuxuu leeyahay xeebta labaad ee ugu dheer qaaradda Afrika, taasoo hodan ku ah kheyraadka badda, iyo hanti dhinaca xoolaha ah ku dhawaad konton milyan oo neef. Intaas waxaa dheer, Soomaaliya waxay leedahay tirada ugu badan ee geela adduunka, waxaana laga helaa noocyo naadir ah oo faleenka iyo maydiga adduunka ugu qaalisan. Faleenka si gaar ah waxaa loogu isticmaalaa barafuunadda, daawooyinka, iyo munaasabadaha diimeed ee adduunka oo dhan. Sidoo kale, Soomaaliya waxay ka weyn tahay dalka Faransiiska laba jeer, dalka Rwanda-na ugu yaraan labaatan jeer.
Taliyihii Ingiriiska ahaa ee lagu magacaabi jirey Gerald Hanley wuxuu 1974 buuggiisa lagu magacaabo “Dagaalyahannada: Qaabka Nolosha iyo dhimashada Soomaalida Dhexdeeda”, ku iftiimiyay sifooyinka la yaabka leh ee dadka Soomaalida ah, isaga oo sheegay in ay yihiin dad qadarrin mudan xataa haddaan la jeclaan karin. Taliyuhu wuxuu tilmaamey in aysan qabin dareen ama cuqdad hooseyn (inferiority complex), aysana si gaar ah u qaddarin hab-dhaqanka Galbeedka iyo ilbaxninmadooda. Intaas waxaa dheer, ayuu yiri Col. Hanley in dadka Soomaalida ah uu caqligoodu iyo fahamkoodu aad uga sarreeyo Afrikada madow, wuxuuna ku soo gabagabeeyey qoraalkiisa “Soomaaligu waligiis wuxuu isu arkaa inuu caddaanka ama san-ku-neefle oo dhan uu laba jeer ka fiicanyahay, xataa markii uu khaldan yahay”. Wuxuu intaas raaciyey in “Caqligooda iyo maskaxdoodu ay si dabiici ah uga sarreyso cid walba, marka warshadaha waxbarashada loo furana ay ka yaabsan doonaan Afrika inteeda kale”.
Taliye Hanley isagoo hadalkiisii sii wata wuxuu intaa ku daray in “Dhammaan Afrika oo dhan aysan jirin dad ka wanaagsan in lagu dhex-noolaado, iyagoo ah kuwa ugu dhaadheer, ugu fikirka badan, ugu geesinimada badan, ugu dookha sarreeya, ugu naxariista badan, ugu saaxiibtinimada wanaagsan, waana dadka Soomaalida ah”.
Aabayaashii iyo asaasayaashii xornimadeena ee dhallinyarada ahaa waxay ku haminayeen inay abuuraan qaran u abaabulan ilaalinta xoriyadda iyo sharaftii dadkooda oo ay si adag ugu soo dagaallameen. Waxay ku riyoonayeen dal dimuqraadi ah oo dadaal u gala in uu nolol fiican siiyo shacabkiisa, korna u qaado wada noolaanshaha nabadeed bulshada dhexdeeda, iyo in ay kuwa weli ku jira gacanta gumeysiga ay ka dhigayaan qayb ka mid ah. Halgame Maxamed Cawaale Liibaan oo ahaa dhallinyardii SYL iyo xubin Golihii Dhexe wuxuu allifey calankeena quruxda badan ee buluuga saafiga ah oo samada la midab ah, oo ay xiddigta shanta-gees lihi dhexda uga xardhan tahay ay matalayaan qiyamka iyo mabaadi’dan aasaasiga ah ee qofka Soomaaliga ah, oo si qoto dheer ugu xiran DNA-geena, kuna duugan dastuurkeena.
Si kastaba ha ahaatee, 65 sano kadib madax-bannaanidii dalka, Soomaaliya waxay u muuqataa inay la halgamayso madax hogaamin xun, siyaasiyiin aan anshax lahayn, hay’ado maamul oo taag daran, daciifna ah iyo musuqmaasuq baahsan oo xargihii goostey. Dhibaatooyinkan waxay noqdeen culays iyo ceeb dul saran dadkeena, gudaha dalka iyo dibaddaba. Kheyraadkeena badan ayaa noqday mid baylah ah, halka baddaheena ay isu beddeleen meel lagu duugo qashinka Yurub iyo walxaha sunta ah. Sidoo kale, kheyraadkii baddaheena ayaa ku dhammaaday magafayaal-baddeed lagu taageerayo doonyo caalami ah oo jarriif ah, kuwaas oo si ula kac ah u burburinaya riifyada qadiimiga ah ee badda iyo deegaanada kalluunka.
Kalluumeysiga aan sharciga ahayn (IUU) ee biyaha Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa inay Soomaaliya ka khasaarto adduun dhan ilaa $300 milyan sanadkiiba, taasoo ay si gaar ah u sameeyaan maraakiibta kalluumeysiga caalamiga ah ee reer Yurub, gaar ahaan Isbaanishka, iyo dalal kale oo ay ka mid yihiin Iiraan, Shiinaha, Baakistaan iyo Yemen, kuwaas oo loo oggol yahay inay ka howlgalaan 24 ilaa 200 nautical miles ee aagga gaarka ah ee dhaqaale Soomaaliya (EEZ).
Su’aasha inta badan la is-weydiiyo waxay tahay maxaa ku dhacay Soomaalidii adduunka miisaanka ku laheyd iyo maxay thaay sababta ay hadda hoos ugu dhacday dhamaan dhinacyada nolosha? Dalka Soomaaliya waxaa loo yiqiin “quruxdii ama caruusadii Afrika”, waxaana ka hanaqaadey dimuqraadiyaddii ugu horreysay ee qaaradda Afrika, waxayna saldhig u aheyd halyeeyadii xorriyadda ee ka soo jeeday dalaka Kenya illaa Koonfur Afrika, iyo Angola illaa Zimbabwe. Ciidamadeenna ayaa ku dhexgalay khilaafkii u dhexeeya Tanzania iyo Uganda, waxayna ka caawiyeen heshiisyo nabadeed in laga dhaqangeliyo goobo kala duwan oo Afrika ah. Halyeeyada xoriyadda ee ka soo horjeeda Boqortooyadii Itoobiya, oo ay ku jiraan Meles Zenawi & Isaias Afwerki, ayaa muddo badan deganaa Soomaaliya iyagoo ku safraya baasaboor diblomaasiyadeed oo Soomaali ah, iyadoo ay weheliyeen halyeeyada xorriyadda ee dalal badan oo ka mid ah Afrika.
Jawaabta ugu kooban ee su’aasha ayaa ah hoggaamin la’aan (Leadership). Sida la wada ogyahay, hoggaamintu waa muhiim xilliyada adag ee ku suntan khilaafka siyaasadeed, rabshadaha, iyo masiibooyinka qaran, sida dagaalka sokeeye iyo khilaafaadka siyaasadeed ee muddo dheer jiitama, sida uu noqdey xaalka Soomaaliya maanta. Sida uu sheegay Neeley Kayn oo ka tirsan Jaamacadda Charleston Southern, isagoo ka hadlaya muhiimadda hoggaaminta, gaar ahaan dhinaca arrimaha bulshada, wuxuu yiri “asal ahaan, dhibaatooyinka lagama fakan karo, waa qeyb ka mid ah nolosha, laakiin guushu waxay ku xiran tahay sida dhibaatooyinkaas loo maammulo iyo sida hogaamintu u maareyso xaaladdaas.”
Hogaamiyaha wanaagsan ayaa kor u qaadi kara xaaladda xilliyada ay jiraan arrimo degdeg ama khatar ah (emergency), halka hogaamiyaha xun uu horseedo burbur marka uu wajaho masiibo ama khatar. “Kartida hogaamiyaha ee la qabsan la’aanta xaaladaha aan caadiga aheyn ayaa sidoo kale saameyn taban ku yeesha dadka la shaqeynaya sidoo kale. Guusha ama burburka waxa go’aamiya sida ay uga jawaabaan hogaamiyaashu dhibaatooyinka iyo xaaladaha adag.”
Hab-dhaqankan waa mid aad u khuseeya dalalka jilicsan (fragile states) sida Soomaaliya, halkaas oo hogaaminta wax-ku-oolka ah ay noqoto mid aad u muhiim ah. In kasta oo hogaamintu ay muhiim tahay waqtiyada oo dhan, waxayse aad muhiim u sii noqoneysaa xilliyada kacdoonka bulshadeed iyo khilaafaadka. Sidoo kale, Abhishek oo ka socda “Engagedly” wuxuu adkeynayaa in “tijaabada dhabta ah ee hogaamintu aysan dhicin marka wax walba si habsami leh u socdaan.” Hogaaminta runta ah marar badan waxaa la tijaabiyaa ama ay soo shaac-baxdaa xilliyada dhibaatooyinka iyo duruufaha adag. Sida hogaamiyuhu u dhaqmo ama ula falgalo xilliga dhibaatooyinka ayaa go’aamisa aqoonsiga uu ku helayo inuu yahay hogaamiye wanaagsan ama liita.
Kadib afgembigii milatarigu hogaaminayeen ee 1969, wuxuu ahaa mid aan dhiig ku daadan, rajo badana laga qabey, hase yeeshee baabi’intii dastuurka dalka, xayiraaddii dimuqraadiyadda, iyo xoriyadda hadalka, iyo mamnuucidda xaqa isu-soo-baxa ayaa si daran loo dhaqangeliyay, iyadoo isla markaasna la mamnuucay xisbiyadii siyaasadda dalka. Xaaladaas adag ee dalka soo waajahdey inqilaabka kadib iyo xukun-maroorsigii ba’naa, hogaamiyeyaashii kacaanku waxay maamuleen cadaalad-darro baahsan oo ku wajahan ciddii ay u arkayeen inay mashruucooda ka hor iman karto, iyagoo mudnaanta siiyay ajendayaashoodii gaarka ahaa ee ay ugu weynayd in aysan xukunka dib ugu celin dadkii rayidka ahaa sidii ay hore u ballanqaadeen, intii ay ka fikiri lahaayeen baahiyaha bulshada iyo rajooyinkii muwaadiniinta.
Muddo ayay qaadatey in arrintaas saameynteedu ay soo shaac-baxdo, hase yeeshee dalku wuxuu si dhab ah u kala furfurmey ama u kala daatey kadib dagaalkii 1977, ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaan aad u xusuustaa sida xishood la’aanta ah ee loo dhunsanayey hantidii dadweynaha oo in yar uun u gacan galey, musuqmaasuqii baaxadda lahaa ee kheyraadka dalka, qaraabo-kiilka, hanti-boobka iyo ku-cayiliddii musuqa aan xisaabi-xil-ma-leh ka dambeyn. Dhiig-miiratadii ayaa dalka lagu fasaxey, halka ay hogaamiyayaashu ku cayileen hantidii ummadda xisaab la’aan. Xaaladda runta ah ee dalku galay waxaa si fiican loogu cabiri karaa odhaah ka timid suugaan-yahankii Soomaaliyeed ee la oran jirey Aadan Carab, ee la xiriirey waqtigii xornimadda la qaatey:
Sidii baan macaash ugu gataa, harag miciinkiise,
Sidii baan midhaha uga gurtaa, madaxa toomoode,
Sidii baan u macaluushanahay, oo mud dhuubanahay,
Sidii baan mawaashiga hayaan, ugu maqiiqaaye,
Sidii baan martida caana qudha, ugu macsuumaaye,
Sidii baan tacliin uga madhnahay, machadkii diimeede,
Sidii baan madow ugu jiraa, maato iyo ruuxe,
Sidii baan xafiis meel fog jira, ugu muctaadaaye,
Sidii buu kiniin ugu mutaa, maralka jiifaaye,
Sidii buu dalkii naga maqnaa, muran u joogaaye,
bal muxuu macnaayoo i tarey ministarkaan doortey?
Dareenkaas adag oo ah in aan dowladnimadii waxba lagu faa’iidin iyo duruufihii ka dhashey oo aan kor ku soo tilmaaney ayaa ugu dambeyntii gacan ka geystay burburkii dalka iyo dagaalkii sokeeye, waxaana halkaas ka dhacey qaran-jabkii Soomaaliya.
Anigoo ka mid ahaa dadkii goobjooga u ahaa bilowgii dagaalka sokeeye, waxaan waqtigaas aaminsanaa in isbedel kasta oo hoggaamineed oo ka dhaca Villa Soomaaliya uusan iiga dareyn ama si toos ah u khuseyn amnigeyga maadaama ninkii guursada hooyaday uu noqonayo adeerkay.
Marnaba kuma fikirin in aan la kulmi khatar weyn oo gaarsiisan in aan ku waayi karo nafteyda iyo nolosheyda, sababtoo ah waxaan u dhashey qabiil hebel. Qabiilka aan u dhashey ma aheyn doorasho aniga xageyga ka timid ee waxay aheyd xukun Alle, inay dembi noqotana waa la-dirir xukunkii Alle. Waa kii lahaa abwaan Abshir Bacadle: “qaddarkeyga hiishee wallee qolo ma sheegteene”. Dareenkaas xooga leh waxaan dhowaan ku diiwaangeliyey qormooyin taxane ah oo aan ugu magac-darey “Safarka Laba Kun ee Kiilomitir: Casharrada Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya“, oo laga heli karo qaybihii 1aad, 2aad, 3aad, iyo 4aad wargeyska caanka ah ee WardheerNews.
Markii dalka uu bilaabay inuu ka soo bogsado dagaalkii sokeeye iyo inuu dib u aasaaso dowladnimadiisa shirkii Carta ee Djibouti sanadkii 2000, hogaamiyayashii waqtigaas ayaan xor ka aheyn fikir qabiilka, iyagoo awoodi waayey inay si dhab ah u fahmaan xaalada culus iyo khatarta uu qarankeenu wajahayo. Nidaamkii awood-qabiileed ee 4.5 ayaa la qaatay oo la hirgeliyay si uu aasaas ugu noqdo qeybsiga kuraasta cusub ee baarlamaanka Soomaaliya. Ku tiirsanaanta qabiilka ayaa keentay in Dowladdii Kumeelgaarka Qaranka (TNG) ay noqoto mid ku kooban Muqdisho oo aan tallaabin.
Sannadkii 2004, markii la hirgeliyey nidaamka federaalka inta lagu guda jiray dhismaha Dowladdii Federaalka Ku-meel-gaarka ahyed (TFG) ee lagu soo dhisey Mbagathi, Kenya, waxaa ka dhashey nidaamka hab-maamulka hoos-ka-dhiska dalka. Nidaamka federaalku wuxuu tixgelin siinayaa xaaladda dhabta ah ee dalku marayey, maadaama Soomaalidu ay dib u kala guurtey, sida keliya ee lagu heli karo ammaan, xasillooni, arrimo-bulsho sida waxbarasho iyo caafimaad waxay noqotey in degaanaddu yeeshaan maamul baahsan oo ka jawaabi kara baahiyaha jira.
Dhammeystirkii Dastuurka KMG ah ee 2011/12 waxaa loo qorsheeyay in uu horseedo heshiis bulsho oo bilow u noqda dowlad dib-u-heshisiin waarta, waxaana loo qaabeeyey hab-macquul ah oo awood-wadaag iyo xal-cadaaladeed ku dhisan, kaasoo caawinaya dib-u-dhiska dowladnimo casri ah. Taas bedelkeeda, Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) waxay u dhaqmeysaa sidii inay tahay awooda-sharci ee keliya ee dalka ka jirta (sole legitimate authority) si ka soo horjeeda Dastuurka KMG, iyada oo u dhaqmeysa sidii dowlad awooddu u mideysan tahay, kuna caan baxdey oraahda in aan “cidna aan u joojineyn”. Dhaqankan wuxuu ku soo koobaa awooda dowladda dhexe, iyadoo markaas u qeybisa awoodda xukunka sidii iyo dhinicii ay doonto.
Intaas waxaa sii dheer, FGS waxay si xun u isticmaaleysay xakameynta hawada Soomaaliya, markii ay kala soo wareegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Duulimaadka Madaniga (ICAO), iyadoo awooddaas u isticmaashey si ay u xaddido xoriyadda safarka muwaadiniinta iyo dhaq-dhaqaaqooda, taasoo inta badan keenta dhibaato qof kasta oo safar u aadaya gobollada aanu xiriirka togan kala dhexayn Villa Soomaaliya, iyadoo ku tumaneysa xuquuqdii dastuuriga ahayd ee qofka Soomaaliyeed.
Sidaas oo kale, dowlad-goboleedyadii ku koobnaa magaalooyinka caasimadaha u ah ayaa iyaguna doortay inay xoogga saaraan sidii ay awoodda dowlada ugu soo koobi lahaayeen xarumaha dowlad-goboleedyada, iyagoo ka hor-imanaya nidaamka federaalka saxda ah, kaas oo ka kooban saddex heer oo maamul: dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada, iyo dowladdaha hoose ee heer deegaan. Si kastaba ha ahaatee taas bedelkeeda, waxaa awooddii dowladnimo lagu koobay xarumaha dhexe ee dowlad-goboleedyada, taas oo keentay nooc qaldan oo nidaamkii federaalka ah oo aan si weyn looga aqoon caalamka intiisa kale.
Waa muhiim in la ogaado in hogaamiyeyaasha heerarka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyaduba ay si joogto ah u fashilmeen inay wax ka qabtaan arrimaha hab-maamul dowladnimo (governance), taas oo keentay heerar aan hore loo arag taariikhda Soomaaliya, oo ah musuqmaasuq iyo isticmaalka khaldan ee hantida dadweynaha. Natiijada boobkaas ka dhalatey waxay noqotey Soomaaliya ku fashillantey inay ka gudubto xayndaabka dowlad daciif ah (fragile state), iyadoo si joogto ah u muujisay heerka waxqabad-dowladnimo ee ugu liita adduunka marka laga eego hufnaanta (transparency), isla-xisaabtanka (accountability) iyo maamul-wanaaga (good governance) adduunka oo dhan.
Sida lagu xusay warbixintii ugu dambeysay ee qiimeynta heerka musuqmaasuqa (corruption index) ee ay soo saarto Transparency International sannad kasta (CPI), Soomaaliya waxay heshay 9 dhibcood marka loo eego 100-kii dhibcood. Tani waxay ka dhigeysaa in ay ku jirto kaalinta 179-aad oo ugu hooseysa 180-ka dal ee la qiimeeyey, iyadoo loo aqoonsadey waddanka ugu musuqmaasuqa badan caalamka. Tan iyo sanadka 2000, madaxweyne kasta oo la doortay wuxuu diiradda saaray tartanka dib-u- soo-doorashadiisa maalintiisii ugu horreysay ee uu xafiiska yimaado, wuxuuna si cad isu illowsiinayey ballankii iyo dhaartii dastuuriga aheyd ee uu xafiiska ku yimid, taas oo ahayd in uu u shaqeeyo dadka iyo dalka. Runtii, dhamaan madaxweynayaashii soo marey midna ma sixin qaladkaas (almost every president got it wrong).
Sida uu u dhigey Ismaaciil Xaaji Warsame ee Warsame Digital Media (WDM) “Masiibada Soomaaliya ma ahan keliya jiritaanka Al-Shabaab, laakiin waa xasuus-guurka bulshada oo ogolaanaya in dambiilayaashii shalay ay maanta u dhalan-rogtaan badbaadiyayaasha maanta. Dagaal-oogayaashii waxay noqdaan wasiirro, xagjirkii waxay noqdaan isbedel-doon, kuwii taageersanaa maleeshiyaadkuna waxay noqdaan “mudanayaal maamus leh“. Haddii Soomaaliya aysan soo saarin hogaamiyayaal sida Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo kale ah, oo u dhigma liiska Nakruuma, Naasir, iyo Nelson Mandela.
Waxaa aad u sii yaraaneysa fursadda ah in dalku uu ka baxo xaaladda joogtada ah ee jilicsanaanta (fragility status), innagoo ku guuldarreysanay difaacidda madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalkeena, innagoo awoodi kari wayney in aan dalkeena ka difaacno waraabayaasha meydkiisa sugaya.
Qoraaga

- Waa siyaasi, ganacsade, bare jaamacadeed, iyo khabiir ku takhasusay Maareynta Maaliyadda Guud (PFM). Waxa uu hore u soo noqday wasiir ka tirsan Puntland, wuxuuna sidoo kale yahay xisaabiye shahaado haysta (Certified Accountant).













