Waxa uu ku xusay Dr. Maxamed Aadan Shiikh, buuggiisa “Waa Inoo Muqdisho” mar uu ka waramayey qorshaha Leegada (SYL) intii u dhaxaysay 1950-1960 – waa xilligii maxmiyada’e, sida uu ahaa, wuxuu ku tilmaamay in aysan ujeedkoodu uu dhaafsiisaneyn sidii loo dhalin lahaa gobanimada Soomaaliya oo aysan jirin-ba “Mashruuc bulsheed oo qeexan” oo dalka iyo dadkaba lagu hagi karo madaxbanaanida kadib, taasoo mar waliba ka dhigaysay gobanimada mid khatar gudeed wajahaysa, inta ay wajahaysay mid dibadeed.
Marka taas laga soo tago, waxaa aanu arkeynaa sidii habqanka ah ee dhaqdhaqaaqyadii ka soo horjeeday taliskii Maxamed Siyaad Barre ay ugu fashilmeen in ay hiraal ay dadku ku hirtaan loo curiyo, dharaartii uu ka cararay Muqdisho, oo waxay taasina ina dhaxalsiisay qaranjab iyo bur-bur bulesheed oo ilaa iyo hadda aanu la daalaadhacayno, xalna loo hayn.
Nasiibxumo, markii aad u fiirsatid sida uu Madaxweyne Xasan Shiikh u maamulayo dagaalka ku wajahan argagixisada waa mid qorshe la’aan iyo laab-lakac aan la heyn istiraaajiitiyad dagaal oo taabigal noqon karta, taas oo aan horseedi karin guulo wax-ku-ool ah, waxayna qorshe-la’aantaasi salka ku haysa dhacdooyinkii ina soo maray tan iyo xilligii maxmiyada oo aan waxba laga baran, mar welibana aanu ku dhacayno dabin aanu horey u soomarnay, waxaanna madaxweynaha maanta jooga u dheer in uu labba xilli ku soo noqday madaxtinimada Dalka. Welina uu halkii ka miisayo, qorshe xumada lagu wajahayo dagaalka argagixisada.
Mudada sideed iyo tobanka sano ah ee dagaalkalagu lagula jirey maleeshiyada Al-Shbaab welina aan wax guul ah oo lagu ciribtirayo laga gaarin, miisaaniyad sanadeedka dowladdu ay ku kharashgarayso 25% ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab, waxay ka marag-kacaysaa sida hawlgalkaasi ballaaran ee naf iyo maalba ku baxay ay wax uga khaldanyihiin, una baahanyahay in dib-u-eegis dhan walba ah lagu sameeyo, oo aan kaliya lagu ekaan laab-lakac iyo xamaasad aan la heyn istiraatiijiyad dagaal oo dhaxal-reeb noqon karta.
Saddex sano ka hor, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya (CXDS) iyo xoogaga iskood isku abaabulay ee Macawisleydu ay dagaalkii naf hurka lahaa lagu lari lahaa qorshe dagaal oo la fulin karo, maanta iyadoo la joogo 2025-ka waxaanu arki laheyn Al-Shabaab oo la wiiqay, lagana saaray dhammaan goobaha ay ka joogaan Hirshabeelle iyo Galmudug-ba, balse taas badalkeeda waxaanu arkeynaa Aadan Yabaal oo dib al-Shabaab u qabsatay iyo deegaanada kala ah; Masjid Cali Gaduud, Aboorey iyo saldhiga Wargaadhi, oo ay dib u soo weerareen, lana wareegeen, muddo kooban kadibna laga saaray.
Haddaba, maxay yihiin cilladaha jira ee mar weliba Dowldu ay tallaabo qaado haddana ay dib u soo guranayso:
- Ugu horreyn, waxaa xilka hogaanka CXDS la baddalay labbo jeer iyadoo sanadkii ugu horay ee dagaalku uu socday xilkaas uu hayey Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, oo intabadan Ciidanku ay qirsanyihiin hoggaankiisa silloon ee Ciidanka, wuxuuna markale ku soo noqday hogaanka iyadoo laga dheehan karo, in laga fursan waayey hab-maamulkiisa tolmoon ee dagaalka, isbaddalkaas ku dhacaya hoggaanka sarre ee Ciidanka wuxuu saameen ku yaalanayaa hab-sami-socodka dagaalka, wuxuuna mar weliba keenayaa in uu ciidanku ku hawl-galo aragtiyo dagaal oo kala gadisan, maadaama aysan muuqaneyn Qorshe Qaran oo dagsan oo lagu wajihi karo Al-Shabaab.
- Mark labbaad, Maraykanku wuxuu joojiyey taageeridii ciidanka Danab kadib markii April, 2024-tii ay soo shaacbaxday in la lunsado agabka ciidanka iyadoo suuqa madow laga iibsado, waxay taas dharbaaxo ku aheyd qorshii luudaayey ee ladagaalanka Al-Shabaab, waxayna tuhun xoogleh galisay in ay jiraan xubno dowladda ka tirsan oo dhaqaale ka sameeya hawlgala la dagaalanka argagixisadda. Musuqa iyo maamul xumadu waxay wiiqeen awoodda dagaal ee ciidanka, welina waxaa muuqata in aan wax cashar ah laga baran khaladaadkii dhacay saddexdii sano ee xukuumadda hadda talada haysa.
- Marka saddexaad, kala qeybsanaanta siyaasadeed ee madaxda dowladda fadaraalka iyo maamul goboleedyada oo taagnaa labadii sano ee ugu danbeeyey, waxay ahayd awood siyaasadeed oo ka maqnayd fagaaraha lagu dhiso go’aanada la dagaalanka Al-Shabaab. Midowga madaxda Soomaalidu waxay keeni laheyd in uu jiro cudud siyaasadeed oo mideysan, kana dhan ah dagaalka argagixisada, kala qeybsanaantooduna waxay wiiqaysa dagaalka socda oo ah mid si buuxda ay tahay in ay uga wada qeyb-qaataan madaxda Soomaalidu.
- Ugu danbeyntii, sanadihii lasoo dhaafay CXDS waxay tabbabarro ka heleen 11 dal oo ay ka mid yihiin, Turkiga, Maraykanka, Imaaraadka Carabta, Midowga Yurub, iyo dalal Afrikaan ah, kala duwanaanta tabbabarrada ay ciidanku heleen, waxay saamayn ku yeelatay caqiidada militariga ee ciidanka, u hoggaansankooda, iyo qalabka dagaal ay ku hawl galayaan, taasoo ka dhigtay in ciidanka taageero ka helo waddamadaas siyaasad ahaan aan aragti mideysan ka laheyn arrimaha Soomaaliya, mid welibana uu dano isaga u gaar ah uu ka leeyahay ciidankaas uu tabbabarrayo, waxay saamayn tabban ku yeelatay ciidanka, oo hadda Madaxweynihii yimaada uu xoogga saarayo dalal isagu uu saaxiib dhow layahay, sida Ciidankii Eriteeriya oo dhawr kun gaarayey hadda aan meel lagu sheeki karin, iyagoo ku bur-buray kala duwanaanta siyaasadeed ee maamulkii hore iyo kan hadda jira. Taasina, ugu danbeyn waxay curyaamisay hawlgalada joogtadda ah ee lagula jiro Al-Shabaab, taasoo ka dhigaysa ciidanka in si fudud loo abuuri karo, loona kala diri karo.
Qorshe-xumadaas aan kor ku sheegnay waxaad si toos ah uga dheehan kartaa, Wasaaradda Gaashaandhigga oo saddex asbuuc gudahood loo magacaabay labbo Wasiir, waa xaruunta ay tahay in ay dejiso istiraatiijiyad waarta oo ka dhan ah dagaaalka muddadiisu dheeraaday ee Al-Shabaab lagula jiro, waxaanna si xoog ah isku soo taraysa in hawlgalka AUSSOM uu wajahayo dhaqaale la’aan baahsan, iyadoo aan la hayn dhaqaale gaaraya $96 milyan oo ah kharashka ilaa June sannadkan loo qorsheeyey, waxaanna laga hayaa keliya $16 milyan, mardhowna waxaa la arki doonaa isbadaladda siyaasadeed ee dalalka deeqda siin jirey Soomaaliya ay wajahayaan gudahooda iyo dhaqaala xumada baahsan ee Caalamka ka jirta in ay dhihi karaan “Soomaaliyeey isku tashta” taasinsa, hadda ayay saansaanteedii muuqataa, waanna in siyaasad gudeed oo mideysan laga yeeshaa.
Iskusoo duubo, sida uu sheegay Dr. Maxamed Aadan Shiikh, waxaa xalku noqon karaa in hiraal dheer laga yeesho arrimaha jiraalkeena taabanaya, oo aysan dhacdooyinka joogatda/maalinlaha ah aysan jiheyn dagaalka argagixisada aanu kula jirno, iyo in la daraaseeyo xaaladda hadda taagan oo la is waydiiyo, maxaynu 18 sano uga adkeen la’nahay Al-Shabaab, xagee ayey wax iska qabsan la’yihiin, ma heli waynay istiraatiijayad dagaal oo ka caagan danaha siyaasadda ee isbadalaya, sida la tijaabiyeyna haddii awooda dowlada iyo tan shacabku midoobaan waxaa la gaari karaa dhammaadka dagaalka argagixisadda.
Qoraaga: Maxamed Mire