Waxaan soo sheegnay in marar badan uu waajibka dadwaynuhu isu rogo mid qofeed ayadoo la tixgelinayo duruufaha ku hareeraysan, sidoo kale waxaan si dheer isu dul taagnay tusayaasha sharciga ah ee ku tusinaya inay masuuliyadaan jidho.
Qormadaan ayaan ku faahfaahinaynaa asaasyada ama qaacidooyin sharci ee masuuliyadaan iyo tusaalayaal aan ka bixin doono meelaha ay ka muuqato masuuliyada dadwaynuhu.
Asaasyada ama qawaacida ay ku dhisantahay masuuliyada dadwaynuhu:
Masuuuliyada dadwaynuhu waxay ku dhisantahay ama soo ururinaya arimeheeda kala firdhisan qaacidooyin badan oo fiqi ah laakiin halkan waxaan rabnaa inaan kusoo gaabsano laba asaas ama saldhig oo aad muhiim u ah ayna ka muuqato in qawaacida fiqiga iyo masuuliyada dadwaynuhu ay isugu xiranyihiin:
- Asaaska ama qaacidaada 1-aad waa tan ah in ay arimaha qaar ku waajibaan dadka ayagoo fangalsan arin kale oo aan looga maarmin si uu u dhamaystirmo kan la fangalsanayay (قاعدة الوجوب بالتبعية), tusaale ahaan waxaan u qaadan karnaa jihaadka oo umada Islaamka waajib lagaga dhigay si loo difaaco diinta Islaamka haddaba si waajibka jihaadka loo guto waxaa waajib fangalsan jihaadka noqonaya wax kasta oo jihaadku u baahanyahay sida hubka iyo warshadaha lagu sameeyo[1].
- Asaaska ama qaacidada 2-aad waa saldhiga sheegaya in wixii maslaxad ah la hanto wixii shar ah ama fasaad ahna la dheerayo (جلب المصالح ودرء المفاسد), tusaale ahaan: hadii ay maslaxad tahay in la beero dhulka lana soo boxo dalag kala duwan waxaan waajib noqonaysa wax kasta oo maslaxadaas lagu hanan karo sida barashada cilmiga beeraha iyo wixii la mida[2].
Asaasyo ama qaacidooyin kale oo badan bay leedahay masuuliyada dadwaynuhu kuwaas oo soo ururinaya darfaha baahsan ee masuuliyadaas.
Laamaha ay leedahay masuuliyada dadwaynaha iyo tusaalayaasheeda:
- Laanta arimaha diinta si guud: masuuliyadda wadareed ee 1-aad dadka waxay ka saarantahay arimaha diinta iyo difaacideeda iyo barashadeeda iyo barideeda.
- La dagaalanka kuwa u gafaya diinta Islaamka
Hadaan tusaale ka bixino qaybtan waxaa tusaale u noqon kara in lala diriro kuwa amniga umada Muslimka ah dhibaataya sida la dagaalanka nimanka maanta ciidanka Puntland kula diriraya buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari, haddaba in lala diriro dadkaas fool xumayn Islaamka iyo wejigiisa qurxan waxay noqonaysa waajib u yaal dadwaynaha, masuuliyada noocan ahna cida ay u wakiilatay umadu waxay noqonaysaa dowlada markaas ka arimisa haday u kicin waysona cidii awooda bay dusha ka fuulaysaa ilaa ay umada dhan denbi ku noqoto hadii ay ka gaabiyaan, arinkaas marka waa masuuliyad dadwayne ka gaabinteedana denbi lagu mudanayo.
- Barida Quraanka iyo diinta si guud iyo barashadeedaba: waa tusaale kale oo muujinaya masuuliyada si guud uga saaran dadka barida iyo barashada diinta iyo Quraanka, hada haddii ay si guud uga wada haraan dadku waxay noqonaysaa in denbigu wada gaaro[3].
- Dacwadda iyo faridda wanaaga iyo ka reebidda xumaanta: waa qayb kale oo ka mida masuuliyad wadareeda u taal umada waxaana laga rabaa inay u kacaan ugu yeerida dadyowga kale diinta ilaahay sidoo kale inay is faraan dhexdooda wanaaga iskana reebaan xumaanta[4].
- Laanta labaad waa qaybta la xiriidha cibaadada: si guud dadku waxay u garanayaan in arimaba badan oo la xiriira cibaadada ay tahay masuuliyad dadwayne inagoo aan kale qaadin ama sii faahfaahina waxaan tusaale u qaadan karnaa kuwan:
- Salaada wadar ahaan loo tukado ama salaada jamaacada, waxaa ku jira aragtiyo kala duwan inay tahay salaada jamaacadu mid qofeed ama sune la adkeeye ama mid wadareed oo hadii qaybi samayso dadka inta kale ka dhacaysa laakiin waxaa muhiima in mid ka mid aragtiyadaas ay dhahayso waa masuuliyada wadareed ama guud in la oogo salaada jamaacada[5].
- Salaada janaasada iyo kafmidda maydka iyo aasidiisa waa cibaadooyin Alle inoo diray oo si guud inoo saaran[6].
- Laanta mucaamalaadka iyo nolosha guud ahaan: qaybtaan ama laantaan waxaa hoos yimaada tusaalayaal badan oo tira beel ah cadaynayana in Islaamku wax kasta oo maslaxada guud taabanaya uu u sameeyey qaab lagusoo hanto ama lagu keensan karo, qaybtaan waxaan tusaale uga dhigi karnaa;
- Dhaqaalaha, kala iibsashada iyo kala gadashada waa qaybo laantaas hoos imanaya oo u si guud ugu yaal dadwaynaha, waxaa kasii mid noqon kara sidoo kale barshada arimahaas.
- Arimaha bulshada qaybtaan waxaan tusaale uga dhigi karnaa: qaadida salaanta marka lagu salaamo oo si guud ugu taal dadka la salaamay inay qaadaan, sidoo kale waxaa ka mida heshiisiinta dadka isku dhacsan ama is haya iyo dawaynta iyo tolida dharka iyo adeegyada la mida ee bulshada si guud noloshooda taabanaya[7].
- Arimaha aqoonta iyo ogaalka guud; waxaa si guud dadka u saaran inay soo saaraan dadkii fatwada diinta bixin lahaa ama u kala garsoori lahaa dadka sidoo kale dhinac kasta oo aqoon ahaan loo baahanyahay waa inay dadku soo saaraan dadkii ka awdin lahaa dhinacaas, taasina waa masuuliyad wadareed u wada taal gaar ahaan dadkii ay u dirsadeena adeega guudna gooni u koraysa ayna tahay in lagula xisaabtamo diin ahaan iyo dowlad ahaanba[8].
- Arimaha farsamada iyo warshadaynta; sida ka muuqata cinwaanka qaybtaan waxaan masuuliyad wadareed ah in la helo wixii farsamo loo baahdo ama warshadayn maxaa yeelay waxay taaban maslaxad guud sidaan horay ku xusnayna maslaxada guud wixii ay ku jidho waa in la hantaa ama la keensado meel walba ha jidhee.
- Si guud nolosha casriga ah waxay u waajibanaysaa waxyaaba badan sida:
- Sida samaynta xarumo, meelo ama kanaalo lagu dhiso wacyi dadka looguna sheego xuquuqdooda diin ahaan iyo dowlad ahaanba, sidoo kale loogu qeexo masuuliyada naftooda, mustaqbalka umadooda iyo dowlad dhisidaba ka saaran.
- Sidoo kale waxaa lama dhaafaaan ah farsamooyinka madaniga iyo warshadaynta iyo wax soo saarka si guud waa masuuliyad saaran dadwaynaha aana laga aqbalayn inayn ka gaabiyaan, haddii ay dhacdo cid ay u wakiisheen inay arimahaas qabato ay ka gaabisona ay la xisaabtamaan ama ay xilkaba ku waydo.
- Waxaa ka mid ah dhisida laamiyada, buundooyinka, garoomada, dekedaha iyo wax kasta oo umada nolosheedu baahi u qabto.
Si guud masuuliyada dadwaynuhu waa mid taabanaysa dhamaan qaybaha nolosha ee aysan fududayn qof keli ah inuu u koco ama uusan daboolin karo sida barashada xirfadaha kala duwan ee aan qof keli ah uusan dadka ka daboolin karin, markaan si guud bay dadwaynaha ugu taalaa daboolida baahiyahaas hadayan daboolina waxay ku mudanayaan cara alle, denbi iyo ciqaab.
[1] – الزحيلي – الوجيز في أصول الفقه – ج/1 ص: 330
[2] – العز بن عبدالسلام – قواعد الأحكام في مصالح الأنام – ج/1 ص: 4
[3] – الزرقاني – مناهل العرفان في علوم القرءان – ج/1 ص: 15
[4] – ابن تيمية – الأمر بالمعروف والنهي عن المنكر – ص: 9
[5] – ابن الرشد الحفيذ – بداية المجتهد ونهاية المقتصد – ج/1 ص: 150
[6] – البهوتي – شرح منتهى الإرادات – ج/1 ص: 157
[7] – الزركشي – تشنيف المسامع بجمع الجوامع. ج/1 .ص: 252
[8] – أنظر: الغزالي، االمستصفى. ص: 372 .وانظر أيضا: الغزالي- إحياء علوم
Qoraaga: Maxamed Nadiif Showkaani