Masuuliyadda dadwaynaha (1)

Arar

Mar haddii laga hadlaayo masuuliyad ama arrin uu ka dhalanayo qaan, ciqaab iyo masuuliyad cidi yeelanayso ama dhib la qaadanayo iyo sama lasoo jiidayo, waxaa lagama maarmaan ah in la is waydiiyo cida saartay dadka masuuliyadaas ama arinkaas ka lusha qoortooda oo ay tahay inay gudaan, maxaa yeelay arin kasta oo la saarayo dadka waa inuu yeeshaa il uu kasoo baxay oo sharci ah ama loo hayo tixgelin ah inay awood u leedahay soo saarista amaradaan oo kale.

Kala abla ablaynta xukunka iyo waajibaadka islaamka

Ka war celinta is waydiintaasi waxay noqonaysaa inaan dul istaagno xukunka iyo suu samaysmo islaamka dhexdiisa, iyo kala abla-ablaynta qaybihiisa kala duawan.

Salka fiqiga (أصول الفقه) cilmiga la yiraahdo waxaa qaybihiisa hore xeel-dheerayaashiisu kaga doodaan arima la xiriira xukunka (الحكم) ayagoo cadaynaya qeexidiisa iyo qaybihiisa.

Haddaba xukunka marka la joogo cilmigaan waxaa loola jeedaa xukunka sharciga waxaana lagu qeexaa inuu yahay: hadal sharciyeed la xiriira falka uu sameeyo qofka qaan qaadah ah ama waa hadalka sharciga ee wata faaiido sharciyeed[1].

Soo koobidaas ka dib waxaa looga kala qaybiyaa xukunka laba oo kala ah:

  1. Xukun takliifiga ah ama kan la xiriira wax la dul saaray qofka qaan qaadka ah[2].
  2. Xukunka wadciga ah ama la xiriira arin, arin shardi looga dhigay, sabab iyo mid lagu diidaba[3].

Qaybaha xukunka takliifiga ah

Waxaa inaka khuseeya arinkaasi waa inaan ogaano in xukunka takliifiga ahi uu  u kala baxo:

  1. Xukun keensada fulinta amaro la dalbayo ama ka haridda kuwa la reebayo[4].
  2. Iyo mid lakala dooransiiyey dadka oo ah xukun mubaax ah[5].

Qaybta hore ayaa ukla baxda dhowr xukun oo ah: waajib, sunne, xaaraan iyo mid makruuh ah (ama la necbe)[6].

Kala abla-ablaynta waajibka  

Haddaba qaybta waajibka ayaa loo kala abla-ablayaa dhowr siyaabood:

  1. Qayb loo eegayo waqtiga waxaana loo kala saara: mid waqti balaadhan haysta iyo mid waqti ciriiri ah  haysta[7].
  2. Qayb loo eegayo miqdaarka waajibka, waxaana loo qaybiyaa: mid la jaangooyey iyo mid aan la jaangoyn, kan hore waxaa loosoo qaataa salaada midka danbena waxaa loosoo qaataa arimaha ku saabsan waxay yeelanayso xaasku xaga nafaqada[8].
  3. Qayb loo eegayo waajibka naftiisa oo loo kala qaado qayb cayiman sida hadii lagu yiraahdo quudi miskaas laguuna cayimo, iyo qayb aan la cayimin ama loo daayey kala doorashada qofka gudanaya waajibkaas[9] sida kafaarada dhaarta.
  4. Qayb loo eegayo qofka waajibka gudanaya oo loo kala saarayo markaas mid qof walba u yaal (الواجب العيني) iyo mid dadwaynaha u yaal (الواجب الكفائي)[10].

Waxaan uga gol lahaa kala abla-ablaynta aan soo sheegay inaan fahano meesha ay kasoo unkanto ama ay cuskanayso masuuliyada dad waynaha saaran, saad aragtayna waa qayb ka mid ah waajibaadka Ilaahay saaray adoomadiisa[11].

Masuuliyad dadwayne, qeexideedii iyo daliilkeeda

Waxaan markale iswaydiin karnaa muxuu yahay waajibka dadwaynuhu ama waajibka kifaa’iga ahi? Maxaa saldhig looga dhigaa ama ku tusinaya in waajib noocaas ah jiro?  Goormuuse waajibkani isu bedelaa mid cayni ah ama shakhsi ku waajiba?

Qeexida waajibka dadwaynaha iyo yoolka laga leeyahay:

Waajibka dadwaynaha ama masuuliyadda dadwaynaha waxaa lagu qeexaa inuu yahay waajib hadii dadka qaar sameeyaan qaarka kale uu ka dhacayso canaanta, dhibka ama denbigu[12] ama waa arin sharcigu go’aamiyey fulintiisa ayadoo ayadoon la eegayn fuliyaha[13].

Yoolka laga leeyahay ayaa wuxuu yahay in falka lala yimaado muhiimadna lama siin cida fulinaysa saas buuna kaga duwanyahay kan qofka la tix geliyey ee qof walba laga rabo inuu la yimaado ee loo yaqaan waajib cayni ah.

Maxaa ina tusinaya in masuuliyad noocaan ah la iska rabo

Waxaa asaas u ah waajibkan ayaado quraanka ka mida haba ugu cadaatee ayada Towba 122 taasoo ilaahay ku sheegay inaysan muslimiinta dhamaantood jihaadka u wada baxayn laakiin laga rabo ama lagu boorriyey in qayb walba kooxa ka midihi jihaadka u baxaan kuwa Kalena cilmiga diinta sii bartaa dadkana ay ku waaniyaan.

﴿  وَمَا كَانَ الْمُؤْمِنُونَ لِيَنفِرُوا كَافَّةً ۚ فَلَوْلَا نَفَرَ مِن كُلِّ فِرْقَةٍ مِّنْهُمْ طَائِفَةٌ لِّيَتَفَقَّهُوا فِي الدِّينِ وَلِيُنذِرُوا قَوْمَهُمْ إِذَا رَجَعُوا إِلَيْهِمْ لَعَلَّهُمْ يَحْذَرُونَ﴾[14]

Sidoo kale aayada 104 ee suurada Aala cimraan ilaahay waxa uu muslimiinta faray inay ka mid ahaadaan ayaga dad diinta dadka fara oo dacwada faafiya.

﴿ وَلۡتَكُن مِّنكُمۡ أُمَّةٞ يَدۡعُونَ إِلَى ٱلۡخَيۡرِ وَيَأۡمُرُونَ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَيَنۡهَوۡنَ عَنِ ٱلۡمُنكَرِۚ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ ﴾[15]

Labadaas ayaayadood ayaa waxay noqonaya asaaska uu ku taaganyahay waajibka kifaa’iga oo aan ku sheegay inuu yahay mid dadwayne, gaar ahaan markii aayada danbe xarafka  (من) ee ku jira lagu macneeyo inuu yahay mid sheegaya qayb ee uusan ahayn mid loola jeedo cadayn.

Goormuu mid cayni ah qof u yaal isu bedelaa.

Asal ahaan saan soo sheegay masuuliyada waajibkaan waa mid dadwaynaha u taal, laakiin waxaa jiraysa marar uu qof dusha ka fuulayo ama isu bedelaayo mid qofeed meeshii uu ka ahaa mid dadwayne.

Waxaan si kooban ugu sheegayaa hoos dhowr jeer oo uu isu rogo mid qofeed meeshii uu ka ahaa mid dadwayne.

  1. Waxa uu noqdaa mid qofeed marka cida xukunka haysaa ay u diraan qof dadka ka mid ah wax dadwaynaha u yaalay , tusaale ahaan in wadooyinka la hagaajiyo oo dadka loo furo wadooyin ay maraan wixii dadka dhibayana laga qaado waxay qofkaas loo igmaday ku noqonaysaa waajib qofeed oo asaga u yaal ayna tahay inuu fuliyo ka gaabintiisuna ay noqonayso denbi uu keligii qaadayo, arinkaas waxaa ku tusaaya tusiyaal badan oo diinta ka mida waxaase inakaga filan hadalka suubanaha -nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- ee uu dadka farayo hadii jihaadka la idiiku yeero usoo baxa [16](وإذَا اسْتُنْفِرْتُمْ فَانْفِرُوا) maxaa yeelay waajibka jihaadku waxa uu ahaa mid dadwayne ama kifaa’i ah laakiin marka uu qofka ugu yeero masuulka sare ee dowladu waxa uu ku noqon asaga mid waajib si gaara ugu ah.
  2. Markii uu qofku nadro inuu wax daacad ah oo masuuliyad dadwayne ah inuu sameeyo sida asagoo yiri agoon baan wax u qaban waana nadray inaan saa sameeyo.
  3. Inuu bilaabo arin waajib dadwayne ahaa, sida asagoo dhex galay inuu qof aaso am kafmo marka bilaabida uu bilaabay bay culimada qaar ku tagsanyihiin inay waajib kaga dhigayso inuu dhameeyo mar haddii xaq dadwayne u ku dhex jiro arinka uu wado.
  4. Waxaa qofka waajib kaga dhigaya sidoo kale haddii uu u maleeyo inaan waajibkaan ama masuuliyadaan cidina qaban.
  5. Sidoo kale wuxuu waajib qofeed noqonayaa marka aan cid kale meesha joogin ama aan cilmi loo lahayn asaga mooyee markaas waxaa waajib ku noqonaysa qofkaas inuu fuliyo arikaas[17].

Intaas aan soo sheegnay oo dhan denbigii dadwaynaha loo haysan lahaa waxaa qaadaya qofka u ku waajibay dadwanahana wuu ka dhacayaa danbiga iyo masuuliyaduba.

Qormadaan mida xigta baan kusoo qaadan doonaa meelaha ugu badan oo masuuliyada dadwaynaha ama waajibka kifaa’iga ahi uu gelayo ama lagu dhaqayo, waxaad sugtaan si aan u dabaqno masuuliyadaas waa qormada danbe insha allah.


[1] – Aamidi  –  Al-ixkaam fii usuulil axkaam

[2] – القرافي – نفائس الأصول في شرح المحصول ج/1 ص: 234 والأرموي – التحصيل من المحصول ج/1 ص: 172

[3] – المرجع السابق بنفس الصفحات

[4] – السابق بنفس الصفحات

[5] – السابق بنفس الصفحات

[6] – السابق بنفس الصفحات

[7] – د. عياض السلمي – أصول الفقه الذي لا يسع الفقيه جهله ص: 32

[8] – زحيلي – الوجيز في أصول الفقه الإسلامي ج/1 ص: 321 – 322 و الشاطبي – الموافقات ج/1 ص: 115

[9] – أبو الحسين المعتزلي -المعتمد في أصول الفقه ج/1. ص: 234

[10] – صفي الدين الأرموي – الفائق في أصول الفقه ج/1 ص: 144

[11] – نفس المرجع السابق والصفحات

[12] – الزركشي – تنشيف المسامع بجمع الجوامع – ج/1 ص: 251

[13] – نفس المرجع والصفحات

[14] – Al towba 122

[15] – Aala cimraan.  104

[16] – ج/1 .ص: 14 .رقم االحديث: 183 البخاري – الجامع الصحيح

[17] – راجع المراجع السابقة

Qoraaga: Maxamed Nadiif Showkaani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *