Madaxweyne Deni: “Puntland waa barwaaqo” – Falanqeyn iyo xaqiiqo

“Puntland waa barwaaqo, nimco ay taallo, meelkastana looga soo shaqo tago”, waa hadal uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ka jeediyay xafladdii lagu soo xirayay tababar boolis cusub. Faalladan kooban waxaan ku eegayaa: hadalka madaxweynuhu ma leeyahay saldhig xaqiiqo ah mise waa gole-kafuul aan xaqiiqo ku salaysnayn?

Barwaaqada ummadeed ama waddan ma ahan oraah la iska yiraahdo; waa arrin caalami ah oo leh halbeegyo oo tusayaal cilmiyeed lagu cabbiro. Halbeegyadan ayaa ah tubaha lagu saleeyo hiigsiyada horumarineed. Sidaas darteed, aan dul istaago afar qodob oo muhiim u ah tusmada barwaaqo, anigoo mid kasta ku eegaya xaqiiqdiisa gudaha Puntland.

  1. Halbeegga Dhaqaale

Halbeegga ugu horreeya ee lagu cabbiro barwaaqada waa dhaqaalaha: wadarta wax-soosaarka gudaha (GDP), heerka shaqo-abuurka, maalgashiga gudaha iyo dibadda, sicir-bararka, iyo heerka saboolnimada bulshada. Qodobadan ayaa lagu saleeyaa daraasado cilmiyeed iyo tirooyin rasmi ah oo lagu cabbiro horumarka dhaqaale ee dal.

Warbixintii ugu dambaysay ee Hay’adda Tirakoobka Puntland (2022) waxay muujisay in wadarta wax-soosaarka gudaha uu gaaray USD 2.7 bilyan, kobac dhan 10.7% ah marka la eego qiimaha suuqa. Si kastaba, marka sicir-bararka laga saaro, koboca dhabta ahi wuxuu ahaa 1.3%, taas oo inta badan ka dhalatay kororka qiimaha halkii uu ka iman lahaa kordhinta wax-soo-saar kordhay. Isla warbixintaasi waxay tilmaamaysaa in heerka shaqo la’aanta dhallinyarada tahay 28.4%, halka sicir-bararku uu noqday –0.21%, taasoo ka tarjumaysa hoos u dhaca celceliska qiimaha badeecadaha la soo dejiyo, iyadoo dhaqaaluhu ku salaysanyahay doolarka, maadaama aysan jirin lacag maxalli ah oo jaangoysa sicirka.

Dhanka saboolnimada, inkastoo aan la hayn tiro rasmi ah oo cusub, haddana warbixinno bini’aadamnimo ayaa ku qiyaasay in ilaa 60% bulshada Puntland ay ku nool yihiin saboolnimo. Sidoo kale, xog rasmi ah oo ku saabsan heerka maalgashiga gudaha iyo dibadda lama hayo, si kastaba, marka guud loo eego, ma muuqdaan maalgelinno waaweyn marka laga reebo warshado yaryar, dekedda Garacad oo aan weli si buuxda u shaqo-gelin, iyo tiro kooban oo ganacsiyo heer dhexe ah.

Inkastoo xogtan rasmiga ahi ka timid saddex sano ka hor, haddana marka la isku daro wax-soosaarka, shaqo-abuurka, sicir-bararka, saboolnimada, iyo maalgashiga, lana indha-indheeyo xaaladda Puntland ee maanta, waxaa muuqata cakirnaan dhaqaale oo aad uga fog in lagu tilmaamo barwaaqo.

  • Halbeegga Bulshada

Si loo qiimeeyo heerka barwaaqo ee ummad leedahay, waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in la eego heerka adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada iyo heer nololeedka bulshada. Marka xaaladda Puntland loo dhabbagalo, adeegyada caafimaadka ee aasaasiga iyo kuwa heerka sareba aad bay u hooseeyaan. Ma jiro cisbitaal si buuxda u daboola ama bixin kara adeeg caafimaad oo tayo leh, xanuunnada faafa sida Malaariyada iyo Gawracatada waayadan dambe si weyn ayaa looga qeylo-dhaaminayaa. Adeegyada caafimaadka aasaasiga ahna waxay wajahayaan xaalad adag maadaama ay si weyn ugu tiirsanaayeen kaalmo hay’adeed. Tusaale, daraasad uu 2024-kii daabacay machadka SIDRA ayaa lagu ogaaday in muddo 30 maalmood gudahood magaalada Garoowe xog ay ka uruuriyeen 106 qof oo u safray dibadda si ay u helaan daryeel caafimaad, ay muujisay in cabashooyinka ugu waaweyn ee dadka caafimaadku raadsaday ay ahaayen xanuunnada lafaha iyo murqaha (17%), cudurrada kaadi-mareenka (16%), xanuunnada neerfaha (13%), cudurrada kansarka (8%) iyo dhibaatooyinka dheefshiidka (8%), iyadoo 18 ka mid ah dadka la wareystay ay sheegeen inay daryeel caafimaad u raadsadeen cudurro badan oo isku mar ah. Daraasadda SIDRA ayaa tilmaamtay in celceliska kharashka caafimaad ee dibadda loogu safro uu ahaa $8,543 doolar, iyadoo kharashka ugu sarreeya uu gaaray illaa $ 30,000 doolar, halka kharashyada daryeelka caafimaad qaarkoodna ay kor u dhaafeen $ 40,000 doolar, taasoo ku xiran muddada uu qofku halkaas joogo iyo nooca daryeel caafimaad ama qalliin ee loo baahan yahay.

Si guud, dayac baaxad leh ayaa ka muuqda heerarka kala duwan ee adeegyada caafimaadka Puntland, taas oo sababtay in dad badan ay adeeg caafimaad u raadsadaan meel ka baxsan deegaanadooda.

Hannaanka waxbarashada Puntland arday noocee ah ayuu soo saaraa? Su’aashan si qeexan oo cilmiyeysan loogama jawaabi karo, maadaama aysan hirgelin siyaasad waxbarasho oo aan qeexin nooca arday ee lasoo saarayo. Dhanka kale, sida ku cad warbixinada waxbarashada Puntland, heerka diiwaangelinta waxbarashada aasaasiga ah waa kaliya 33%, halka dugsi sare uu yahay 13.9%. Dhanka kale, heerka akhris-qoraal ee bulshada Puntland ayaa lagu qiyaasay 51.2%. Inkastoo tiradani aysan ka hooseyn celceliska guud ee Soomaaliya inteeda kale, haddana waa arrin aan munaasib ahayn in bulsho heerkeeda waxbarasho iyo caafimaad uu sidaan u hooseeyo in lagu tilmaamo bulsho gaartay heer barwaaqo.

  • Halbeegga Maamulka iyo Hay’adaha

Heerka nidaamka siyaasadeed iyo hay’adaha dowladeed ayaa bud-dhig u ah qiimaynta heerka barwaaqo ee bulsho ama dowlad gaarsiisan tahay. Sarraynta sharciga iyo garsoorka, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyo xasilloonida iyo nabadgalyada ayaa ka mid ah halbeegyada aasaaska u ah nidaamka siyaasadeed iyo hay’adaha dowladeed.

Haddaba, inkasta oo inta badan la dhisay hay’adihii dowliga ahaa ee heerarka kala duwan, haddana dhaqangalka hannaanka dowladnimo ee Puntland weli ma aha mid si buuxda u saldhigtay. Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, halkaas oo waddanku uu galay kaalinta 179-aad ee 180 dal ee adduunka ku jira warbixinta qiimaynta dowladnimada ee Bangiga Adduunka (2024). Qiimayntaas ayaa ku dhisan lix tiir oo kala ah: isla-xisaabtanka, sarraynta sharciga, xasilloonida siyaasadeed, waxtarka dowladda, dhaqangalka xeerarka, iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.

Waa shaki la’aan in haddii Puntland si gaar ah loo qiimeeyo, natiijada soo baxda aysan ka duwanaan doonin midda guud ee Soomaaliya.

  • Kaabayaasha Dhaqaalaha

Marka laga hadlayo kaabayaasha dhaqaalaha, inta badan bulshada Soomaaliyeed fahamkoodu wuxuu kusoo koobmaa waddooyinka, garoomada iyo dekedaha. Si kastaba ha ahaatee, kaabayaasha dhaqaalaha waa ka ballaaranyihiin intaas. Helitaanka koronto iyo biyo jaban oo bulshada si siman u gaarta waa aasaas muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaas oo halbeeg u ah in bulsho ama dal loo aqoonsado inuu tallaabo barwaaqo qaaday. Sidoo kale, heerka adeegsiga tiknoolajiyadda iyo sida bulshada ugu guurtay casriyaynta tiknoolajiyadda ayaa leh micne weyn oo lagu cabbiro horumar iyo barwaaqo.

Haddii aan Soomaaliya tusaale u soo qaadanno, Puntland waa mid ka mid ah meelaha ugu horreeya dhanka jidadka, dekedaha iyo garoomada. Balse dhanka biyaha iyo korontada, Puntland waa meelaha ugu qaalisan guud ahaan Soomaaliya, adeegyadaasna inta badan waa kuwo ku jira gacanta ganacsato gaar u leh. Dhowaanahan, cabashooyinka ugu badan ee bulshada, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo ah xarunta gobolka Bari iyo halbowlaha ganacsiga Puntland, waxay ku saabsan yihiin qiimaha sare ee korontada. Dhanka kale, bulshada ku nool gobollada Mudug, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu waxay inta badan ka cawdaan waddo la’aanta iyo kala go’a isu socodka.

Haddaba, hadalka Madaxweynaha wuxuu u muuqdaa farriin ka fog xaqiiqada, isla markaana u dhigma in dowladdu ay iska indho-tirayso cabashooyinka shacabka. Xaaladda ka jirta Puntland marka loo eego dhanka kaabayaasha dhaqaalaha waa masuuliyad-darro in lagu tilmaamo barwaaqo.

Gunaanad

Dowladnimada casriga ahi waxay ku dhisan tahay in hadal-jeedinta rasmiga ah ee madaxweynuhu ku qotonto xigasho dastuur, xeer ama siyaasad dowladeed oo rasmi ah, isla markaana ay ahaato mid ku saleysan xaqiiqo iyo caddayn (fact-based leadership).

Hase yeeshee, Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, waxa uu shaaciyey in Puntland tahay barwaaqo, isagoo saldhig uga dhigay khayraadka dabiiciga ah sida kalluunka, xoolaha iyo macdanta. Si kastaba ha ahaatee, khayraadkan oo keliya looma adeegsan karo halbeeg lagu cabbiro barwaaqada ummadeed, maadaama barwaaqo lagu qiimeeyo tilmaamayaal kale oo la taaban karo sida adeegyada bulshada, horumarinta kaabayaasha, dhaqaalaha iyo tayada hay’adaha dowladeed.

Ugu dambayn, hadal-jeedinta ku dhisan gole-kafuulnimo waxa ay dhaawacdaa sumcadda dowladnimada, waxa ay bulshada ka tirtaa kalsoonida, isla markaana waxa ay muujinaysaa sida hadallada hoggaanka siyaasadeed ay u noqon karaan kuwo xaqiiqada ka fog oo aan bulshadu si dhab ah u rumaysan karin.

Qoraaga
Marag Magazine

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link