Kanada iyo Gooni-goosadka Quebec: Maxay Soomaalidu Ka Baran Karaan?

1-da Luulyo, waa maalin ay dalalka Kanada iyo Soomaaliya xusaan maalmahooda qaran — Kanada waxay u dabbaaldegtey157 sano tan iyo aasaaskii 1867, halka Soomaaliya ay u dabbaaldegtey 65 sano tan iyo xorriyaddii 1960. Labaduba waa dalal federaal ah oo la tacaalayey — mid kasta si gaar ah — arrimaha midnimada qaran iyo gooni-u-goosadka.

Kanada, gaar ahaan gobolka Québec oo ay deggan yihiin inta badan dadka afka Faransiiska ku hadla — kuna abtirsada madhabta Kaatooligga — ayaa tan iyo 1960-kii u ololeynayay madax-bannaani ama ugu yaraan maamul iyo aqoonsi gaar ah. Soomaaliya, dhinaceeda, waxaa muddo dheer ka jiray dadaallo gooni-u-goosad ah oo ka imaanaya gobollada Waqooyi, gaar ahaan suyaasiyiin u badan beelaha Isaaq, kuwaas oo ku adkaysanayey ilaa 1991 in ay samaystaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Maqaalkani waa isku day aan ku eegi doono sida ay dowlado kala dambeeyey oo Kanada ah ay u wajahayeen tabashada Québec iyo sida ay ugu dedaaleen in ay dalka mideeyaan, iyadoo laga baran karo duruus la xiriirta sida Soomaalidu ay u maarayn karaan xaaladda wadajirka iyo kala go’a.

Aasaaska Kala-duwanaanta iyo Tabashada Québec

Markii Kanada la aasaasay 1867, Québec waxaa loo oggolaaday awoodo gaar ah oo la xiriira waxbarashada, diinta, luqadda, iyo sharciyada madaniga ah, si loo ilaaliyo jiritaanka dadka Faransiiska ku hadla. Laakiin laga soo bilaabo 1960-kii, waxaa kacay dareen gooni goosad ah  iyo cabashooyin la xiriira in Quebec ay hesho aqoonsi buuxa ama awood siyaasadeed oo ka badan intii dastuurku hore u oggolaaday.

Dareenkaas waxaa xigey in 1968 la aasaaso xisbiga Parti Québécois (PQ), oo ujeedkiisu ahaa doonista madax-bannaani buuxda.

Si loo dejiyo cabashadaas, Dowladda Federaalka ee Kanada waxay 1969-kii sharci ka dhigtay Xeerka Luqadaha Qaranka oo Faransiis iyo Ingiriis ka dhigay luqadaha rasmiga ah. Tani waxay keentay in adeegyada dowladda, sharciyada, maxkamadaha, iyo qoraallada rasmiga ah lagu bixiyo labada luqadood.

Inkastoo dadka Faransiiska ku hadla yihiin ku dhowaad 22%, halka dadka Ingiriisiga ku hadla yihiin 75%, dowladda Kanada waxay sannad kasta ku bixisaa in ka badan 1.5 bilyan oo dollar-ka Kanadiyaanka si luqadda Faransiisku u ahaato mid maqaam buuxa leh — taas oo ahayd dadaal istiraatiiji ah oo lagu doonayay in dadka Faransiiska ku hadla ay dalka iimaansadaan oo dareemaan xuquuq iyo ka mid ahaansho.

Isku-dayada Dastuurka iyo Qaraarada Siyaasadeed

1982-dii, Kanada waxay meel marisay qaybo dastuurka ka mid ah oo lama taabtaan laga dhigay oo lagu magacaabo Charter of Rights and Freedoms, ama ‘Axdiga Xuquuqaha iyo Xorriyadaha’ oo lagu xoojiyay xuquuqaha dastuurka ku qornaa ee luqadda iyo waxbarashada dadka laga tirada badan yahay. Laakiin Québec waa ay diiday in ay saxiixdo dastuurkaas, iyada oo ka biyo diiddey arrimo ay ka mid ahaayeen in aan si gaar ah dadka Faransiiska ku hadla loo aqoonsan.

Waxaa xigay labo heshiis siyaasadeed oo waaweyn oo Dowladda Federaalka ee Kanada iyo dowladaha xubnaha ka ah ay isla diyaariyeen ama ka tashadeen kuwaas oo kala ahaa Meech Lake Accord (1987) – heshiiskaas oo doonayay in Québec lagu aqoonsado “bulsho gaar ah” lagana siiyo saameyn dheeraad ah. Waxaa isna xigey Charlottetown Accord (1992) – oo lahaa qodobo dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqaha bulshooyinka iyo awood qeybsiga. Labada heshiisba way fashilmeen. Meech Lake waxaa diiday laba gobol oo aan Québec ahayn, halka Charlottetown ay shacabka Kanada oo dhan — Québec-na ay ku jirto — ay ku diideen afti guud.

Arrimahaasna waxa ay muujinayaan in isku dayo dastuuri ah, doodo siyaasadeed iyo afti-dadweynaba lagu dayey isku haynta dalkaasi Kanada.

Afti-dii Quebec ee 1995

Sanadkii 1995-dii, Québec waxay qabatay afti dadweyne si loogu kala doorto in ay Kanada ka sii mid ahaadaan  ama in ay ka go’aan. Waxaa kasoo baxay natiijo aad isugu dhaw oo 49.4% waxay u codeeyeen in gobalku uu madax-bannaani helo, halka 50.6% ay u codeeyeen midnimo. Taasi waxay noqotay darsin lama ilaawaan ah, oo dowladda iyo Kanadiyaanka midnimada doonaya ay ugu caddaado, in Quebec ay go’id qarka u saaran tahay.

Si taas looga daba tagana, baarlamaanka Kanada ayaa qaraar ku soosaaray in Quebec loo aqoonsaday in ay tahay “bulsho gaar ah” ama distinct society — sida dadka Faransiiska ku hadla ay dalbanayeen.

Waxaa isna baarlamaanka Kanada ansixiyey sharci dhigaya isbeddel kasta oo dastuur-ka ah in uu u baahan yahay oggolaanshaha gobollada muhiimka ah — oo ay ku jirto Québec.

1998-dii, Maxkamadda Sare ee Kanada waxay iyana go’aamisay in gobolna aanu kaligii uga bixi karin qaranka Kanada, balse haddii afti dadweyne oo hufan ay dhacdo (oo gooni isutaag) ku salaysan oo dadka doonayaan madax-bannaani, in  dowlada federaalka ay waajib ku tahay wadahal kala gurasho keeni kara in ay furto.

Kanada waxaa kale oo dhaqan siyaasadeed ka noqday — wixii loo soo gaarey 1970-yadii intii doodda gooni isu taaggu bilaabatay — in siyaasiyiinta ra’iisul Wasaaraha raadinaya ay noqdaan kuwo afka Faransiiska ku hadla — oo 10-kii ra’iisul wasaare ee u danbeeyey 5 ayaa asal ahaan ahaa Faransiis; midna Quebec ayuu ka soo jeedey luuqadda Faransiiskana wuu ku hadli jirey— in kasta oo asal ahaan aanu Faransis ahayn.

Dhanka, dhaqaalaha Québec waxay sannad kasta heshaa gargaar dhaqaale oo ka badan 13 bilyan dollar, oo ka yimaada barnaamijka equalization payments — ama lacag dowladda dhexe ka soo uruuriso gobollada dhaqaalaha fiican si loogu caawiyo kuwa liita.

Québec waxaa kale oo ay leedahay oo aysan gobolada kale haysan, qorshe hawlgab u gaar ah (Quebec Pension Plan); canshuur dakhli u gaar ah; xaq u gaar ah in ay doorato muhaajiriinta imanaya gobolka. Dowladda Kanada waxay sidoo kale u oggolaatay Québec in ay ka madax-bannaanaato barnaamijyo qaran ama gobol kasta dowladda federalku ay ka fuliso — sida daryeelka carruurta ama caafimaadka — iyada oo Quebec ay weli helaysey lacagtii federaalka.

Dhammaan dadaaladaas dowladda dhexe ee Kanada waxay muujinayaan sida 50 sano ku dhawaad ay Kanada ugu dadaalayso in ay dalkeeda midnimadiisa ka mira dhaliso iyada daawada ugu weyn ee ay isticmaalayso ay ahayd in Quebec tanasul loo sameeyo.

Maxay Soomaalidu Ka Baran Kartaa?

Maaddaama ay Soomaaliya ka jirto deegaan ama beel siyaasiyiintoodu ay doonayaan in ay ka go’aan jamhuuriyadda inteeda kale, su’aashu waxay noqonaysaa sidee arrinta gooni isu taagga ay Soomaali xal ugu heli kartaa, maxayse Soomaalidu ka baran kartaa Kanada iyo Quebec.

Sida muuqata, xaaladaha Soomaaliya iyo Kanada waa kala duwan yihiin. Kanada waa dal xasilloon oo hodan ah oo awood u leh in ay siiso gobol tabasho qaba ama gadoodsan , arrimo ay ka mid yihiin: aqoonsi sharci ah, maamul gaar ah, gargaar dhaqaale, wada hadal joogto ah.

Sida dad badani ay dareemeen, Soomaaliya waxay ka gaabisay in ay xal u hesho gooni goosadka  Somaliland ama in ay ka shaqayso kala-gurasho ama xitaa ay wada hadallo dhab ah la galo — meeshii ay doonaan ha ku dhamaadaane.

Haddaba, casharka ugu weyn ee laga qaadan karo arrimaha Kanada iyo Quebec waa in ay muhiim tahay in madaxda qaran aysan inkirin, iskana indha tirin tabashooyinka qaybo qaranka ka mid ah — taasina ay keeneyso  in lagu dhawaado raadinta xalka — sida ay muujinayaan tallaaboyinka ay Kanada u qaadday qancinta Quebec.

Sidaas darteen, siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee midnimada aaminsan waxaa la gudboon in ay ubbo u biyeystaan fahamka dareenka iyo doonista siyaasiyiinta iyo dadka Somaliland ee kala go’a doonaya — kaddibna ay is weydiiyaan waxa ay doonayaan in ay u huraan ama ku gataan midnimada. Laakiin, ma shaqyn karto doodda ah: iga go’imeysid kuna qancin maayo.

Cabdirashiid Khaliif Xaashi;

Qoruhu waa Wasiir hore; fallanqeeye arrimaha  Soomaaliya — waxna ku bartay kuna noolaa Canada muddo 35 ka badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link