Kaalinta dhallinyaradda ee isbedelka iyo horumarka bulshada

“Aasaasayaashii SYL waa Dhalinyaro ku Suntan Taariikhda Soomaaliya”

Hordhac

Dhalinyaradu waxa ay kaalin xooggan ka qaataan isbedelka iyo horumarka bulshada, taas oo ay sabab u tahay awoodda iyo hal-abuurka ay leeyihiin dhalinyaradu. Waxaa lagu tilmaamaa dhalinyaradu in ay yihiin laf-dhabarta iyo mustaqbalka bulshada, waayo bulsho kasta waxa uu mustaqbalkeedu ku xiran yahay heerka tacliinta, fekerka, hal-abuurka iyo hab-dhaqanka dhalinyarada. Firfircoonida, hamiga iyo xamaasadda dhalinyaradu waxa ay sabab u noqon kartaa in ay noqdaan mashiinka/matoorka dhaqaajiya isbedelka iyo horumarka bulshada, iyaga oo isbedelka bulshada uga qayb qaadan kara siyaabo kala duwan, sida toosinta dhaqanka, hal-abuurka, iyo ka-qayb-galka firfircoon ee arrimaha bulshada iyo siyaasadda. Qormadaan waxa aan si kooban uga hadlaynaa kaalinta ay dhalinyaradu ka qaadan karto isbedelka iyo horumarka bulshada, iyo caqabada haysta dhalinyarada Soomaaliyeed si ay kaalin mug leh oo muuqata uga qaataan horumarinta bulshada.

Dhalinyarada iyo Isbedelka

Sida uu qur’aanku tilmaamay(30:54), nolosha dadku waxa ay martaa saddex heer oo ay midda ugu horaysa ay tahay taagdaro, midda xigtana awoodda iyo tan ugu dambaysa oo ah gabow iyo taagdaro. Haddaba, dhalinyaradu waa heerka labaad ee ay nolasha aadamuhu ugu awooda badan tahay, jir ahaan iyo maskax ahaanba. In kasta oo aan laysku af garan d’ada dhalinyarada, haddana, inta badan da’ada dhalinyada waxaa lagu sheegaa inta u dhaxaysa 15 sanno ilaa iyo 35/40 sanno.

Isbedelka bulshadu waa doorsoon ku dhaca bulsho, kaas oo wax ka bedela sidii ay bulshadu horey u ahaan jirtay, gaar ahaan dhinacyada dhaqanka, xeerarka, qaab-dhismeedka, kaalinta hawl-gudashada, isku-xirnaanta, horumarka, dhaqaalaha, tiknoolijiyada, iyo dhinacyo kale, kaas oo noqon kara mid togan(+) iyo mid taban(-). Dhinaca kale, horumarku waa isbedelka wanaajiya tayada iyo bed-qabka nolosha bulshada, dhaqan-dhaqaalaha, tiknooliyada iyo mustaqbal bulshada.  Ibnu Khaldun waxa uu sheegay in bulshadu iyo duniduba ay joogto u tahay isbedel iyo doorsoon.Waxa macne u yeela isbedelka waa waxbarashada, sida uu tilmaamayo hal-kudhiga Mandela ee ahaa:” Waxbarashadu waa hubka ugu awoodda badan ee lagu bedeli karo dunida”.  Isbedelka bulshadu waxa uu noqon karaa mid soo dhutiya(gradual) oo marba marka ka dambeeya keena horumar la taaban karo, iyo mid si deg deg ah u dhaca (kacaan-Revolution-).

Sidoo kale waxa uu noqon karaa mid qorshaysan iyo mid aan qorshe lahayn.Isbedelka qorshaysan waxaa tusaale u ah Yoolasha Horumarka Waara (SDG), kaas oo ka kooban 17 qodob sida, ciribtirka faqriga, caafimaadka, waxbarasho tayo leh, kordhinta dhaqaalaha, sinaanta, tamarta iyo kuwo kale oo la xiriira hagaajinta nolosha aadamaha. Dhinaca kale, isbedelkii keenay maamulka Khaatumo, waxa uu  ahaa kacdoon bulsho oo aan qorshaysnayn. kacdoonkaas, waxaa garwadeen u ahaa dhalinyaro keentay in guul laga gaaro mideynta bulsho ay ku habsatay khilaaf balaaran iyo kala taageerida siyaasaddo ku hardamay maamulka dhulka Khaatumo. Mideynta bulshada khaatumo waxaa guul buuxda ka gaari waayey siyaasiyiin iyo hogaamiyaasha dhaqanka oo magac weyn ku leh Soomaaliya iyo gudaha deegaanada Khaatumo. Arrintaas waxa ay tulaase muuqda u tahay awoodda iyo kartida dhalinyarada, marka ay dhexdooda ka jirto midnimo, isku-duubni iyo yool la higsanayo. Kacdoonkaasi waxa sabab u ahaa dhacdooyin fool xun oo si isdaba joog ah uga dhacayey magaalada Laascaanood. Arrintaasi waxa ay u dhacday sidii uu sawiray gabyaagii Axmed Ismaaciil (Qaasin) oo tuduc ka mid ah gabay uu tiriyey ku yiri:” Maruun uun buu daboolka iska rogi doob la quudhsadaye”.

Dhowaan (22-kii June 2025) waxaa magaalada Muqdishu lagu qabtay shir ay ka soo qayb galeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka kala yimi inta badan gobolada dalka iyo dibadiisa. Shirku waxa uu diirada saaray dhibaatada tahriibka iyo xalkeeda, taas oo ah ayaan-darada ugu badan ee maanta haysata dhalinta Soomaaliyeed (mid ku haminaya, mid ku hawlan, mid ku hungoobay iyo mid ku haligmay). Shirka waxa soo qaban qaabiyey Golaha Muwaadin oo ah gole dhalinyaro oo ka jira Muqdisho. Halku-dhiga shirweynaha qaran ee dhalinyaradu waxa uu ahaa “Safarka Geerida iyo Sahayda Dhalinyarada”. Shirka waxa lagu gorfeeyey doodo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, dhibaatada tahriibka, yagleelida hayb-qaran, shaqo-abuurka, mideynta dhalinyarada, ka-qayb-qaadasha siyaasadda iyo waxbarista iyo wacyi-gelinta dhalinta. Arrintani waa hindise bilow ah oo u baahan gardaadin, garab-is-taag iyo horumarin. Shirka waxa ka soo baxay talooyin dhowr ah oo ku aadan dhibaatada tahriibka, qabyaalada, shaqo la’aanta, joojinta hadalada xanafta leh ee bulshada kala dilaya, helida hogaamiye aragti iyo karti leh, iyo dhalinyarada oo si xooggan uga qayb qaadata jihaynta ayaaha iyo sidyaasadda dalka. Qodobada shirka looga dooday waxa ay ka mid yihiin istiraajiyadaha siyaasadda qaran ee dhalinyara ee   dawlada Soomaaliya. Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay in la dhaqan geliyo siyaasadda qaran ee dhlinyarada oo aysan noqon erayo macaan oo ku qoran warqado qurux badan. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa oranaysa:”Dhalaanka dhunkasho kuma filnee, dhiil baa caano loogu shubaa”.

Bishii May 2025, waxaa magaalada Gaalkacyo ka curtay kacaan dhalinyaro oo u qaareemayey horumarinta magaalada Gaalkacyo iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jirta Gaalkacyo oo ay ugu horeyso dhibaatada xilli roobaadka ka dhalata biyaha roobka, horumartina garoonka diyaaradaha iyo wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Bacaadweyn. Arrintaas waxa ay keentay in wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlad-goboleedka Puntland ay tagaan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo dejiyey kacdoonkii dhalinyarada. Dhinaca Kalena, waxa ay sameeyeen balan-qaado wax looga qabanayo dhibaatada keentay cabashada. Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo, taas oo ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee cabashada keenay, gaar ahaan is-fahan la’aanta u dhexaysa Dowlada Federalka iyo Puntland oo sababay u noqotay in uu fuli-waayo  mushruuc uu bixiyey Bangiga Horumarinta Africa oo loogu talogalay in lagu dhiso wadada u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Bacaadweyn. Taasina waa tusaale ku saabsan isbedelka ay dhalinyaradu horseedka u tahay. Xaaji Aadan Af-qalooc, waxa uu dhalinyarada kula dardaarmay:

Umaddaan shabaabkeedu hanan waa u ayaan xuma e

Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye

Itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane

Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye ”

Taariikhda Soomaaliya waxaa baal dahab ah kaga jira dhaqdhaqaaqii dhalinyarada  ee SYC/SYL, kaas oo ku bilowday gole (club) dhalinyaro oo la aasaasay 15 May 1943 (Somali Youth Club-SYC), ka dibna isku rogay xisbi siyaasaddeed April 1947 (Somali Youth League-SYL). Maalintaas oo noqotay maalin taariikh leh oo ku jirta taariikhda Soomaaliya, sida uu Trunji ku qoray buuggiisa (Somalia: The Untold History). Arrimaha  uu qoraalkani ka soo dheeganayo SYL ee ugu muhiimsan waa in ay aasaasayaashii ururka SYL ay ahaayeen dhalinyaro, gaar ahaan maskaxdii ka dambaysay dhisida ururka Yaasiin Xaaji Cali Sharmaarke oo da’diisu ahayd 26 sanno jir. Sidoo kale, in ay SYC lahayd labo ujeeddo oo ahaa mideynta Soomaalida iyo waxbarista iyo wacyigelinta dhalinyarada ee waxbarashada casriga ah oo ku salaysan dhaqanka Soomaalida, si loo gaaro xoriyad. Waxaa kale oo xusid mudan, in aasaasayaasha ururka SYL ay ahaayeen dad aragti fog, oo leh hogo-tusaaleyn(coaching skills) ay dadka si fudud wax ugu fahansiiyaan. Tusaale ahan, dhawaaqa eragya “Club” ayaa  u ekaaday erayga “Kilaab” oo Carabi ah, kaas oo macno ahaan ah “Eey”. Arrintaasi waxa ay u cuntami weyday dadka Soomaaliyeed oo xilligaas ahaa dad dhaqankooda ku adag. Yaasiin Xaaji markii uu fahmay dhibaatada ka dhalan karta adeegsiga eraygaas (club) ee  laga gilgishay, waxa uu adeegsaday erayga “Naadi” oo af Carabi ah, kaas oo la macno ah erayga “Club” si looga hortago xasaasiyadda dhaqanka (Cultural sensitivity) ee ka dhalatay adeegsiga erayga “club”.  Sida uu tilmaamay Trunji (Somalia: The Untold History), Yaasiin waxa uu ahaa nin leh wacyi/garasho siyaasaddeed, sidoo kale waxa uu fahmay in aan la inkiri karin  in qaabiilku uu arrin kasta u yahay xudun. Sidaas darteed ayuu Yaasiin uga telinayey mus-dambeedka. Aasaasayaashii  ururka SYL ma lahayn aqoon waxbarasho oo toos ah (formal education), hase yeeshee waxa ay lahaayeen karti iyo hoogaamin uu rabi geliy, taas oo ay ku gaareen ujeeddadoodii ahayd xoriyada dalka. Sida uu yiri Abwaan Cali Sugule:”

“Af qalaad aqoontu, Miyaa?

Maya, Maya

Ma ahee waa intuu qof ba Eebbe geshaa

Ayey nala tahay annagee”

Ka qayb-qaadashada isbedelka iyo horumarinta bulshadu ma aha in aad hesho mansab siyasaasadeed ama aad gurato miraha isbedelka. Sakhaawa-diin, Yaasiin iyo rag kale oo ka mid ahaa aasaasayaashii ma guran mirihii xoriyada, hase yeeshee waxa ay gundhig u ahaayeen aasaaskii ururkii SYL iyo xoriyadii ka dhalatay dalka Soomaaliya. Dhinaca kale, Sida uu Jimcaale ku qoray buuggiisa (Dhacdooyinka Ma Deganayaasha Geeska Afrika) caqabadaha soo wajahay ururkii SYL waxaa ugu weynaa in uu gumaysigu sameeyey urur lagu kala qaybinayo midnimada dhalinyardii Soomaaliyeed. Sidoo kale Trunji waxaa uu ku sheegay buuggiisa (Somalia: The Untold History) in mid ka mid ah aasaasayaashii SYC ay ka baxeen xayndaabkii ururka, oo ay ka soo dhex muuqdeen ururo kale.

Maxay Yihiin Caqabadaha Haysta Dhalinyarada Soomaaliyeed?

Waxaa jira caqabado badan oo haysta dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo hortaagan inay dhalinyarada Soomaaliyeed isku-xirmaan oo ay ka qayb qaataan isbedelka iyo horumarinta dalka. Isbedelka hab-fekerka ayaa raad taban ku yeeshay dhalinyarada Soomaaliya (Xagjir iyo ilxaad), waana tan sababtay in qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed lagu qanciyo in ay is-qarxiyaan ama dilaan qof Soomaaliyeed ama dhinaca kale inkiraan jiritaanka Alle ama aaminaan aragtiyo kale oo falsafadaysan oo ka fog diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee lagu soo barbaariyey. Daroogada ayaa ka mid ah waxyaabaha saameeyay mustaqbalka dhalinyarada.

Tahriibta ayaa ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ku habsaday dhalinyarada. kala qobqobnaanta dalka iyo hab-dhaqanka taban ee siyaasiyiinta oo aan kobcinayn garaadka iyo kartida dhalinyarada, ayaa iyana ka mid ah caqabadaha haysta dhalinta. Baraha bulshada oo loo adeegsaday si aan waxtar lahayn ayaa lumiyey qiyamka, iyo kartidii dhalinyada ku walaftay adeegsiga baraha bulshadada. Dhalinyarada oo lagu kiciyo dhibaatooyin horey u dhacay oo xal laga soo gaaray ama la alifay, ayaa cuqdad iyo xanuun ku reebta maskaxda dhalinyarada. Taas oo ay inta badan ay siyaasiyiintu u adeegsadaan in ay mansab ku helaan kicinta dhalinyarada.

Dhalinyarada oo aan fursad loo siin ka qayb-galka siyaasada ayaa ka mid ah waxyaabaha ragaadiyey hamigga iyo hanka dhalinyarada Soomaaliyeed. Sannadkii 1994-tii ayaa doorasho lagu qabtay magaalada Qardho, taas oo u dhexaysay Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo Maxamed Abshir Muuse oo ku loolamayey xilka guddoomiyaha SSDF. Nin ka mid ahaa ergadii shirka, ayaa sheegay in lixdameeyadii (1960-dii), iyagoo   dhalinyaro da’ yar ah ay maalin arkeen General Maxamed Abshir (Taliyihii ugu horeeyey ee booliska Soomaaliya) oo keligii gaari  ku dhex maraya magaalada Muqdisho, ka dibna ayey ugu yeeraan: “General Aguiyi”, oo ahaa jeneraal caan ah  oo dalka Nayjeeri ku qabsaday inqilab sannadkii 1966-kii. Genreal Abshir, inta uu soo noqday, oo u yimi dhalinyaradii ayuu ku yiri: “Madaxdii berito ayaad tihiin eee joojiya gardarada”. Ninka sheekadan ka sheekeeyey 30 sanno ka dib, oo xilligaas ahaa nin weyn oo aan  madaxa tin ugu harin ayaa yiri:” Ilaa iyo lixdankii waxaan ku jirnaa waxaad tihiin madaxdii beri, beri ma dhamaato miyaa?”. Ka warama siyaasiyiinta tan iyo shirkii Carta ku jiray ganoonka siyaasadda oo aan ilaa iyo maanta ogolayn in uu baneeyo booska siyaasadda, si ay dhalinyaradu u hesho kaalin ay uga qayb qaataan isbedelka siyaasadda iyo horumarka. Dhalinyada Soomaaliyeed waa ciyaaryahano firfircoon oo ka tirsan kooxaha siyaasadda, laakiin nasiib daro marna lama soo safo ciyaarta siyaasadda oo ciyaar kasta oo waxa ay dhammaataa iyaga oo sugaya bedel. Haddaba, oraahda ah “dhalinyaradu waa madaxdii beri” waxa ay la mid tahay, halku-dhig berigii hore lagu qori jiray goobaha ganacsiga oo ahaa:” Maanta deyn ma leh, beri haa”, taas oo  beri ka dhigaysa maalin aan la gaari karin.

Gunaanudka

Dhalinyaradu waa laf-dhabarta, iyo astaanta muujinaysa mustaqbalka bulsho kasta, gaar ahaan bulsho ay dhalinyaradeedu ka kooban tahay 70% tirada dadka,  sida Soomaaliya oo kale. Waa arrin aan la inkiri karin cududda, kartida iyo hal-abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed. Haddaba, si looga faa’iidaysto awoodda iyo maskaxda dhalinyarada, waa in xal loo helo dhibaatooyinka kor lagu soo sheegay iyo kuwo kale. Sidoo kale, shirarka iyo isku-xirnaanta dhalinyarada ayaa lama huraan u ah in ay  dhaalinyaradu mideeyaan maskaxdooda iyo muruqooda. Dhalinyaradu waa in ay ogaadaan in isbedelkoodu uu noqodo mid leh ujeeddo  oo ay hagayso fikrad ka fog fudeyd iyo laab-la-kac oo aan rabshad ku dhisnayn. Nin dhalinyaro ahaa oo ka mid ahaa dadkii gumeysidiidka ahaa ee dalka Hindiya, ayaa yiri:” Qaraxa iyo bistooladu ma keenaan kacaan. Seefta kacaanka waxaa afeeya fikrad adag”.  Sidaas darteed ayaa loo bahan yahay isbedel iyo horumar ku curta si nabad iyo xasilooni ah oo ay dhalinyaradu horseed u tahay.  

Cabdiraxmaan Shiikhdoon

Sheikhdon4@yahoo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link