Dagaalkii sokeeye ee muddada dheer socday, burburkii dawladnimada Soomaaliyeed iyo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee ka dhalatay markii xukunka laga tuuray xukunkii militariga waxay si weyn u saameeyeen adeegyada bulshada aasaasiga ah, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarka guud ee dalka. Inkastoo horumar laga sameeyay dib-u-dhiska hay’adaha Soomaaliya, haddana nidaamka caafimaadka Soomaaliya wuxuu weli ku jiraa xaalad liidata oo uu la daalaa dhacayo caqabado waaweyn oo la xiriira dhismaha xarumaha, agabka iyo awoodaha dhamaan qaybaha nidaamka caafimaad ee wax-ku-oolka ah.
Ka hor intii aanu bilaaban dagaalkii sokeeye, adeegyada caafimaadka aasaasiga ah dadka shacabka ah ayaa si bilaash ah uga heli jiray goobaha caafimaadka ee ay dowladdu maamusho. Sidoo kale dalka waxaa ka jiray adeegyo caafimaad gaar loo leeyahay oo xadidan balse sii kordhayay, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho. Tan iyo sanadkii 1991-dii, adeegyada caafimaadka ee dadweynaha waxay si weyn ugu tiirsanaayeen maalgelin toos ah oo dibadda ah, waxaana lagu bixiyaa barnaamijyo ay hirgeliyaan Qaramada Midoobay iyo hay’adaha samafalka sida Barnaamijka Xirmada Adeegyada Caafimaadka Aasaasiga ah (EPHS).
Barnaamijyadan waxay ujeedadoodu tahay in la gaarsiiyo bulshada danyarta ah iyo dadka nugul adeegyada caafimaad ee muhiimka ah sida daryeelka hooyada iyo dhallaanka, tallaalka, nafaqada, iyo daaweynta cudurrada faafa. Si kastaba ha ahaatee, baaxadda iyo daboolka adeegyada EPHS waa kooban yihiin, waxaana ka maqan qaybaha muhiimka ah sida cudurrada aan faafin, xaaladaha neerfaha iyo lafaha, qalliimada waaweyn, kansarka iyo cudurrada daba-dheeraada ee u baahan daaweyn iyo daryeel khaas ah.
Tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-dii, waxaa guud ahaan gobollada dalka si xawli ah uga hirgalay xarumo caafimaad oo gaar loo leeyahay. In kasta oo xarumahani la daalaa dhacayaan caqabado la xiriira tayada adeegga iyo awoodda bixinta adeegyada caafimaadka, haddana waxay noqdeen ilaha ugu waaweyn ee laga helo adeegyada caafimaad ee dalka. Sida uu sheegay Bankiga Adduunka, arrintani waxay keentay in 75% ilaa 80% bulshada Soomaaliyeed ay adeegyada caafimaadka ka bixiyaan jeebkooda, taasoo ka dhigtay in daryeelka caafimaad uusan qof walba si siman u helin, balse uu noqdo adeeg uu heli karo kaliya qofka haysta awood dhaqaale oo iskiis isku daaweyn kara.
Marka laga tago adeegyada caafimaadka ee dalka gudihiisa, dad badan oo awooda ayaa adeegyo caafimaad u doonta dalka dibadiisa. Tusaale, daraasad ay daabacday ha’yadda cilmi-baarista SIDRA 2024-kii ayaa sheegaysa in 31% dadka reer Puntland ee dibada caafimaadka u doonta ay yihiin kuwo ka waayay adeegii ay rabeen gudaha Soomaaliya, halka 41% dadka dibada caafimaadka u raadsada ay yihiin kuwo aan ku qanacsanayn adeegyada caafimaad ee dalka ka jira. Daraasadda SIDRA ayaa xustay in wadamada Hindiya, Malaysiya iyo Turkiga ay u badanyihiin wadamada ay dadka Soomaaliyeed u doontaan daaweynta caafimaad ee dibada, iyadoo ay soo raacaan wadamada deriska ah sida Itoobiya iyo Kiinya.
Walaaca ugu weyn ee xilligan taagan Soomaaliya oo dhan waa ku-tiirsanaanta adeegyada ee kaalmooyinka dibadda. Waxaa isa soo taraya walaac iyo niyadjab ay muujiyeen deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, iyadoo qaar ka mid ah dalalka sida Mareykanka uu si rasmi ah u joojiyay deeqihii caalamiga ahaa ee horay loo marin jiray hay’adda USAID. Hay’addan ayaa ahayd mid laf-dhabar u ahayd taageerada adeegyada caafimaad ee dalka, gaar ahaan la tacaalidda cudurrada sida HIV/AIDS-ka iyo qaaxada.
Shirkii dhawaan Garoowe ay ku qabatay wasaaradda caafimaadka Puntland waxa uu ahaa shir muhiim ah wallow ay ahayd in mar hore uu baraarugaan bilaabmo. Wasiirka Caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel waxaa uu shirka ka sheegay in 60% maanta aan la hayn taageerada dhaqaale ee caafimaadka oo dibada ka imaan jiray, taasoo keeni karta in adeegii uu istaago, saamayna ku yeesho kumanaan dad ah.
Haddaba si loo helo adeeg caafimaad oo loo simanyahay, si fudud oo joogta ahna lagu heli karo, lehna tayo u qalanta muwaadinka, waxaan isleeyahay dhawrkan arimood oo waddanka si sahlan looga hirgalin karo ayaa noqon kara ilo dhaqaale:
1. Canshuurta caafimaadka: waa madaxyo canshuureed oo si gaar ah loogu maalgaliyo caafimaadka waddanka sida canshuur dheeri ah oo la saaro walxaha caafimaadka wax u dhima tusaale qaadka, tubaakada, sigaarka iwm, canshuurta ka soo xeroota ganacsiga caafimaadka iwm, lana kordhiyo qoondada wasaaradda caafimaadku ka hesho miisaaniyadda guud ee Puntland si loo gaaro hiigsiga SDG ee 15% miisaaniyadda dowladda in lagu bixiyo adeega caafimaadka sida ku xusan ballantii Midowga Afrika ee Abuja declaration 2001-dii. Taasi waxay keenaysaa in dowladdu ay bixiso dhaqaalaha looga baahanyahay adeega caafimaadka asaasiga ah si muwaadinku uu u helo xuquuqdiisa caafimaad oo bilaash ah, oo markasta iyo meelkasta laga heli karo.
2. Iskaashi u dhexeeya dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay: in ganacsatada iyo dowladdu wada maalgashadaan isbitaallada gobollada, dowladduna saamigeeda qiima dhimis u siiso muwaadiniinteeda iyadoo ay wada maamulayaan guddiga isgu jira dowladda iyo ganacsatada si loo helo adeeg caafimaad oo heerka 2-aad iyo -3aad ah.
3. Hirgelinta caymiska caafimaadka: kaasoo noqonaya mid bulsho oo dowladdu leedahay iyo mid gaar loo leeyahay iyadoo la hirgelinayo shuruucdii iyo nidaamkii lagu maamuli lahaa, taasoo keenaysa in muwaadinku awood u yeesho inuu helo adeeg caafimaad oo aan ku cuslayn jeebkiisa, ganacsadihii isbitaalka maalgaliyayna uu helo faa’iido dhaqaale si uu u sii huromariyo adeega loo xilsaaray.
4. Qaaraan bulsho: sida sakooyinka, waqafka iyo sadaqooyink kale taas oo lagu taageerayo dadka aadka u tabarta daran oo aan awoodin inay bixiyaan caymiska caafimaad.
5. Dhiirigelinta maalgashiga: in adeegyo caafimaad oo gaar loo leeyahay la dhiirigeliyo lana fududeeyo shuruucda iyo nidaamka ay u baahanyihiin si loo helo maalgashi iyo khibrad dibadeed taas oo muwaadiniinta dakhligoodu meel-dhexaadka yahay iyo kuwa dakhligoodu sareeyo u fududaynaysa inay helaan adeeg caafimaad oo u qalma heerkooda dhaqaale, ayna kaga maarmi karaan safarka dibada.
Si loo gaaro himiladaas, waxaa lagama maarmaan ah in la helo doonis iyo go’aan siyaasadeed oo ka yimaada madaxda sare ee dalka. Sidoo kale, waxaa muhiim ah in la dejiyo shuruuc iyo hannaan cad oo lagu maareeyo ilaha dhaqaale ee la xiriira adeegyada caafimaadka. Intaas waxaa barbar socda baahi loo qabo in bulshada lagu wacyigeliyo muhiimadda ilaalinta iyo adeegsigooda hufan ee ilaha dhaqaale ee loogu talagalay horumarinta adeegyada caafimaad.
Tixraac
SIDRA Institute. (2024, December 26). Bridging gaps in healthcare: The case for a tertiary hospital in Puntland. https://sidrainstitute.org/bridging-gaps-in-healthcare-the-case-for-a-tertiary-hospital-in-puntland/
Nidaamka maamulka dhaqaalaha ee WHO 2010: ISBN 978 92 4 0684805
World Bank report 2021: https://data.worldbank.org/indicator/SH.XPD.OOPC.CH.ZS?locations=SO
World Nank report 2024: https://data.worldbank.org/indicator/SH.XPD.EHEX.CH.ZS?locations=SO
Qoraaga: Dr. Cabdisamad Dhuunkaal