Cilmiga-juquraafi siyaasadeed (Geopolitics) waa cilmiga markii la soo koobo daraasadeeya awoodda siyaasadeed ee xayndaabka juquraafi oo ay dowlladi leedahay.
Si aan u fahanno hardanka maanta dunida ka jira waa in aynu akhrin karnaa sooyaalkii tagay, waa maxay sababaha dhabta ah ee dunidu u dagaalamayso.
Iyada oo aan ilaalinayno baaxadda la oggolyahay inuu qoraalkani xayndaabkiisu ahaado, ayaynu si dul mara u sharaxaynaa aragtiyada gundhigga u ah cilmiga juquraafi siyaasadeedka.
1- ” (Heartland Theory” waa aragtida qalbiga dhulka, waxaa aragtidaas horumariyay aqoonyahankii u dhashay dalka Ingiriiska ee lagu magacaabi jiray Halford Mackinder wuxuuna ula jeeday ruuxi wadnaha dhulka haystaa wuxuu gacanta ku hayaa dunida oo idil.
2- “World-Island Theory” aragtidaan waxay dhamaystir u tahay aragtidii hore ee “Mackinder” waxay tibaaxaysaa aragtidan awooddii qabsataa “Eurasia” waxay haysataa dunida oo idil, waa Europe iyo Asia oo laysku daray ayaa loo soo gaabiyay “Eurasia” waa jasiiraddii caalamka.
3- “Sea Power Theory” waa aragti uu curiyay caalimkii juquraafi-siyaasadeed Maraykanka ee lagu magacaabi jiray “Alfred Thayer Mahan” aragtidaan waxay soo ifbaxday qarnigii 19-Aad, waxay oranaysaa: awooddii qabsataa marinnada biyaha ee adduunku iyadaa ku gacan sarraynaysa hoggaanka dunida.
4- “Rimland Theory” waa aragti uu curiyay caalim dalka Ameerika ka soo jeedaa (Nicholas J. Spykman) aragtidiisu waxay ku qotontaa awoodaha ku teedsan xeebaha ayaa leh furaha xukun ee nidaamka awood qaybsiga dunida.
5- “Great Power Theory” waa aragti tibaaxaysa dunidaan ciddii awood lihi iyadaa ayaa majaraha siyaasadeed u haysa, tahayna in loo daba fariisto haggida halka loo jihaysanayo.
Juquraafi-siyaasadeedka dunida wuxuu guud ahaan u qaybsanyahay awoodaha badda iyo kuwa barriga, awoodaha badda oo ay calanka u sidaan reer Galbeedka Maraykanka, Yurub, Ustaraaliya.
Awooddaha barrigana waxaa calanka u siday waligeed Ruushka, waxaana dagaalka labada awoodood xaabo u ah dunida inteeda kale, dalalka Ruushka dariska la ihi waxay dhibbane u yihiin istiraatiijiyad juquraafi-siyaasadeed.
Waa halkii uu ka lahaa Dr. Jamaal Xamdaan (1928-1993) caalimkii dalka Masar u dhashay ee ku takhasusay Juquraafiga, wuxuu labada awoodood ee ku hardamaya dunida u kala bixiyay: awoodaha beeralayda oo uu ula jeeday kuwa badda, iyo kuwa bad-maaxda ah ee uu ula jeeday kuwa badda.
Dr. Jamaal Xamdaan aragtiyadii uu ku soo kordhiyay juquraafiyada-siyaasadeed waxaa ka mid ah: muhimmada gaarka ah ee dunida Islaamku u leeyihiin marinnada badda, oo ah awood ka dhigi karta dunida Islaamka kuwo ixtiraam iyo mudnaan gooni ah u leh dunida oo idil, go’aannadooda siyaasadeedna ka dhigi karta kuwo meel mar ah.
Soomaaliya iyo kaalinteeda Juquraafi-Siyaasadeed!
Soomaaliya waxay ku taal goob istiraatiiji ah oo marinnada dunidoo dhami u muhiim ah. Waa dal dhaca qaaradda Afrika cirifkeeda u shisheeya.
Waxaa Soomaaliya dhacdaa bad-weynta Hindiya iyo gacanka Khaliijka, waxay kutaalaa halka lagu tilmaamay inay ubuc u tahay dunida oo idil.
Soomaaliya haddaan dhinaca juquraafi-siyaasadeedka ka fiirinno waxay ku jirtaa dalalka loo yaqaan “Jasiiradda Caalamka” oo ka kooban qaaradda Afrika iyo Aasiya, dhinaca kalena waxay dhacdaa halka loo yaqaan “Crash Zone” oo ah halka hardanka ugu darani ka jiro.
Hardanka dunido ku jirto waxaa mooddaa Soomaaliya hoggaankeedu inuusan ku baraarugsanayn, mana jirto akhrin hillaadin huwan, kuna hubeysan fogaal-aragnimo in lagula tacaalo arrimaha murugsan ee ku gadaaman siyaadadda Soomaaliya dhinaceeda arrimaha dibadda.
Maxaa Soomaaliya la gudboon?
Hardanka awoodaha soo kobcaya, raba inay baal la baxaan oo ay foolaadka u yihiin dalka “Shiinaha” iyo kuwa iminka ku haysta majaraha dunida oo ah: Maraykanka iyo xulufadiisa awoodaha baddu, waxay Soomaaliya u baahantahay inay isu dheelitirto habsami-u-socotka siyaasadeed.
Sida ay cilmi-baarisyo qoto dheer tilmaamayaan Soomaaliya waxay dhexda kaga jirtaa halgan iyo loolan mug leh, waxaa ku dul dagaalamaya awoodo aysan la socon halka ay u jihayn doonaan mustaqbalka dhow.
Sannadkii 2018 Shiinuhu wuxuu maalgeliyay filim uu u bixiyay “ Hawlgalkii Badda Cas” waxaa filim-kaas maalgelisay wasaaradda gaashaandhigga Shiinaha, dhacdooyinka filim-kaas waxay ka warramayaan iska hor imaad dhex mari doonaa Shiinaha iyo Maraykanka.
Sida summadda filim-kuba sito, cidda maalgalisayna ay uga dan lahayd waa in Shiinaha loo sawiro inay noqotay awood kula hardami karta Ameerika badaha dushooda.
Markii laga yimaado ujeeddooyinka cad iyo kuwa dadban ee filim-ku, waxa aaan caad saarnayn in Soomaaliya tahay goob istiraatiiji ah, loona baahanyahay Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya (JFS) in ay la timaaddo qorshe siyaasadeed oo ay ku tibaaxayso mowqifkeeda Juquraafi-siyaasadeed.
Qoraaga
Latest entries
E-paperSeptember 25, 2025Cadadka 6-aad
FaalloSeptember 25, 2025Isbeddellada juquraafi- siyaasadeed ee gobolka iyo saamaynteeda Soomaadliya!
MaqaalloSeptember 25, 2025Aragtida Islaamka ee Siyaasadda
FikradSeptember 25, 2025Saamaynta Taban ee Isticmaalka Shabakadaha Bulshada ku Leeyihiin Guusha Waxbarashada Ardayda