ISBEDDELKU HEBEL MA AHANE WAA HABDHAQANKA

Rubuc qarni ayaa laga joogaa markii jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya lagu yagleelay degmada Carta ee dalka Jabuuti. Tan iyo waagaas, himilada ugu weyn ee ay shacabka Soomaaliyeed lahaayeen waxay aheyd hanashada dowlad Soomaaliyeed oo u xaqsoorta, isl markaana soo celin karta qarannimada, qowmiyadnimada iyo qabka Soomaalida. Lix doorasho ayaa dhacday tan iyo waagaas, mid walbana waxay abuureysay yididiilo horleh oo ay shacabku u hammuun qabeen hannaan dowladeed oo la jaanqaadi kara qarniga 21-aad. 

25 sano kaddib, wali waxaan baadi goobeynaa dowlad aan ku naalloon karno. Ha yeeshee, baadi goobkaas wuxuu nagu noqday dhaan dabagaalle. Su’aashu waxay tahay: maxaan u xaqiijin la’anahay hadafkaas? Jawaabtu waxay tahay: waxa aan raadineyno, iyo meesha aan ka raadineyno ayaa kaaf iyo kala dheeri ah. Rubuc qarnigaas, waxaan isku beddelnay lix madaxweyne (marka la tiriyo Xasan Shiikh oo laba goor la doortay). Waayeelka, waxgaradka iyo warbaahinta dalku waxay si mala’awaal ah nooga dhaadhiciyeen in xalka Soomaaliya uu ku jiro Faarax oo Feysal lagu beddelo. Lix goor oo aan tubtaas tijaabinnayna, waxaa noo muuqaneysa in jamhuuriyaddii saddexaad ay halis ugu jirto iney burburto. Marka kasta oo doorasha dhacdana, xoogaa qandho-jab ah ayaa la dareemaa, balse dhowr bilood kaddib, waxaa soo ifbaxda inuu cudurkii dhabta ahaa ee kolkii horeba horseeday qaran-jabka Soomaaliya, inuu sii xoogeystay, qandhadii iyo quficiina ay soo laba kacleeyeen.

Haddaba, waxaan ku doodayaa in isbeddelka aan u baahannahay uusan aheyn hebel iyo hebel oo la isku beddelo, balse inuu yahay isbeddel dhammeystiran oo lagu sameeyo habdhaqanka gurracan ee ay ku sifoobeen inta badan haldoorka siyaasadda dalka. Nuxurka habdhaqankaas wuxuu ku qotomaa waxa aan ugu yeero T6:

  1. Tuugeysiga xoolaha qaranka
  2. Toleysiga xigtada beesha
  3. Takrifalka xoogga dowladda
  4. Tuugsiga xoolaha shisheeye
  5. Tayo xumada la taliyayaasha
  6. Tiiro gaabnimada xikmadeed ee madaxda

Habdhaqankaas waa mid gaamuray, wuxuuna noqday mid ay si maalinle ah ugu macaamileen haldoorka dalka. Habdhaqankaas wuxuu noqday mid lagu faano, halkii uu ka ahaan lahaa mid laga faano oo la isku ceebeeyo.

Saameynta ugu xun ee uu reebay habdhaqanka T6 waxay tahay inuu muwaadinka Soomaaliyeed nacsiiyey qiimaha iyo qaayaha muwaannimada. Maadaama uu habdhaqanka T6 ku qotomo caddaalad darro, wuxuu abuuray waxa aan ugu yeero “muwaadinnimo dadban.” Tusaale ahaan, ma jiro muwaadin Soomaaliyeed oo maanta xuquuqdiisa aasaasiga ah, sida waxbarashada, caafimaadka, fursadaha shaqada iyo qandaraasyada, si xor iyo xalaal ah kusoo heli kara. Muwaadinku waa inuu xuquuqdiisa u maraa kafiil ama magafe siyaasadeed oo xaqiisa usoo dhiciya, maxaa yeelay hannaanka dowladnimada ku dhisan habdhaqanka T6 wuxuu muwaadinka u arkaa mid dadban. Haddii uu habdhaqanka T6 lahaan lahaa halkudhig, wuxuu noqon lahaa: “dheefta anigaa leh; dhibkana adigaa leh.”

Sidee loo beddeli karaa habdhaqanka T6?

Caadi ahaan, wax la beddelo waxaa ugu adag habdhaqan soo jireen ah. Xitaa nabiyadii uu Rabbi SWT soo saarayay, farriinta ugu muhiimsan ee ay xambaarsanaayeen waxay aheyd isbeddel dhammeystiran oo lagu sameeyo habdhaqankii qowmkii loo soo saaray.

Muddo 20 sano ka badan ayaan ka shaqeynayay Somaaliya, anigoo nasiib u yeeshay inaan ka shaqeeyo dhinacyada saxaafadda, cilmibaarista, dowladnimada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Anigoo kaashanaya waaya aragnimadaas baaxadda weyn, waxaan kusoo qancay iney lagama maarmaan tahay in lala halgamo habdhaqanka gurracan ee T6.

Sida ugu habboon ee loola halgami karo habdhaqankaas waa in la qaado saddex tallaabo oo iskaabaya:

  1. In aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee aan ku milmin habdhaqanka T6, iney  shacabweynaha aamusan (silent majority) ku abaabulaan, kuna jiheeyaan unkidda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo waddani ah, soona bandhigi kara aragti togan oo ku qotonta himilada koobaad ee shacabka Soomaaliyeed, taas oo ah caddaalad siyaasadeed, mid dhaqan-dhaqaale iyo mid bulsho.
  2. In dhaqdhaqaaqyadaas ay u midoobaan, isla markaana u diyaar garoobaan halgan siyaasadeed oo tiiro dheer oo yoolkiisu yahay in shacabka Soomaaliyeed laga kor qaado heeryada T6 iyo inta ku qaraabata. Halgankaas wuxuu u baahan yahay adkeysi iyo abaabul ballaaran, waxaase hubaal ah inuu miradhal noqon doono, maxaa yeelay habdhaqanka T6 waa mid ay ku shaqeystaan fulayaal tiiro gaaban.
  3. In, iyadoo la adeegsanayo warbaahinta iyo goobaha kale lagala hadlo bulshada, in la sameeyo wacyigalin ballaaran oo shacabka la marin habaabiyey lagu hoga tusaaleynaayo halka ay sartu ka qurunsan tahay oo ah habdhaqanka T6 iyo magafayaasha ku shaqeysta.

Gunaanadkii, sooyaalka siyaasadda dunida wuxuu na barayaa in haddii isbeddel muuqda (reform) lagu sameyn waayo xaaladda bulsho sideennoo kale bukootay, in tallaabada dabiiciga ah ee xigta ay noqoneyso kacdoon bulsho (revolution). Waxaan rumeysanahay inaan taagannahay isgoyska u dhaxeeya isbeddel dhammeystiran iyo kacdooon bulsho. Waxaan wali heysannaa fursad aan isbeddel ku sameyn karno, haddii kale, waxaa hubaal ah inuu kacdoon bulsho oo aan la xakameyn karin uu qarxi doono.

Soomaalidu waxay tiraahdaa: “balaayo, af la qabto ayay leedahaye, dabo la qabto ma lahan.” Isbeddel dhammeystiran waa la xakameyn karaa, waana la jiheyn karaa, balse kacdoon bulsho lama xakameyn karo. Horena waan u soo aragnay sanadihii 1991 iyo 2006; labadaas goorba natiijada kacdoonnadaas waxay noqdeen kuw aan la mahdin.

Qoraaga: C/raxman Sh. Yusuf Cali Caynte waa Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Aasaasihii Machadka Cilmibaarista Heritaga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link