Is caawinta Soomaaliyeed: Asal, Awood iyo Aayatiin Wanaagsan

Xilli dunidu sii kala fogaanayso, bulshooyin badanna ay la daalaa dhacayaan nolol ku saleysan danaysi iyo kali talisnimo, waxaa muhiim ah baahida loo qabo in aan dib u soo nooleyno dhaqanka qiimaha leh ee is caawinta Soomaaliyeed. Waa waqti aynu u baahanahay in aan si dhab ah isu garab istaagno, si aan u badbaadno, una horumarno.

1. Asalka is caawinta Soomaaliyeed: Dhaqan Taariikhi ah

Is caawintu ma aha arrin cusub oo laga soo dhoofiyey meel kale. Waa dhaqan soo jireen ah oo ka mid ah astaamaha ugu weyn ee lagu yaqaan bulshada Soomaaliyeed. Qarniyo ka hor ayay Soomaalidu si dabiici ah u lahaayeen habab ay isku garab istaagaan, xilliyada lagu jiro dhibaatooyinka ama xafladaha farxadda leh.

  • Marka ay abaartu dhacdo, beeluhu waxay si wadajir ah ugu gurman jireen qoysaska ay saameysay abaarta, iyagoo u dira biyo, raashiin iyo xoolo.
  • Guur doonku wuxuu ahaa hawl bulsheed; beel dhan ayaa ka qeyb qaadan jirtay ururinta maherka ama qalabka guriga ee arooska.
  • Marka qof dhaawacmo ama dhib qabsado, si dhaqso ah ayaa loo abaabuli jiray qaaraan dhaqameed lagu caawinayo.

Is caawintaasi waxay ahayd nidaam nololeed ay dadku isku halleeyaan, iyadoo aysan jirin wax hay’ado rasmi ah ama dowlad awood buuxda leh.

2. Diinta Islaamka: Tiirka is gacan qabashada

Diinta Islaamka, oo ah tiirka nolosha dadka Soomaaliyeed, waxay si cad oo joogto ah u faraysaa is caawin, isku naxariis, iyo isu gargaarid.

Quraanka Kariimka ah iyo Xadiisyada Nabiga (NNKH) waxay si toos ah u tilmaamayaan muhiimadda ay leedahay in Muslimku u gacan qabto walaalkiis Muslimka ah.

Sakada, sadaqada, kafaaleynta agoonta, daryeelka masaakiinta, iyo gurmadka dadka dhibaataysan, dhammaan waa amarro diini ah oo saldhig u ah is caawinta Soomaaliyeed.

3. Xaaladda maanta: Maxaan ugu baahanahay is caawin?

Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad dib u kabasho ah oo adag. Waxaa jiray burbur siyaasadeed, colaado sokeeye, abaaro, fatahaado, sicir barar, iyo dhibaatooyin caafimaad oo baahsan. Inta badan shacabka waxay la daalaa dhacayaan duruufo culus.

  • Kumannaan qoys ayaa ku barakacay xerooyin aan lahayn biyo nadiif ah, adeeg caafimaad, ama waxbarasho.
  • Caruur badan ayaa ka haray iskuullada sababo la xiriira dhaqaale xumo.
  • Waayeel iyo hooyooyin uur leh ayaa la daalaa dhacaya nolol aan cunto iyo daawo joogto ah lahayn.

Xaaladahan waxay na tusinayaan in is caawintu aysan ahayn doorasho, balse ay tahay waajib bulsho iyo mid diini ah. Haddii aan maanta isu gurman wayno, berri waxay noqon doontaa mid mugdi ah oo aan rajo lahayn.

4. Doorka qurbojoogta iyo hay’adaha samafalka

Qurbajoogta Soomaaliyeed waxay si weyn oo kaalin muuqata ah ka qaataan is caawinta. Lacagaha ay u diraan ehelkooda, maalgelinta mashaariicda samafalka, iyo abuurista ururo gargaara bulshada ayaa badbaadiyay kumannaan qoys.

Sidoo kale, hay’ado sida Yasmin Foundation iyo kuwa kale ayaa si joogto ah u fuliya barnaamijyo kala duwan sida:

  • Waxbarasho bilaash ah oo lagu taageerayo caruurta agoonta ah
  • Caawinta dadka naafada ah iyo kuwa danyarta ah
  • Biyo dhaamin iyo raashiin qaybin gobollada abaartu saameysay
  • Dhismaha iskuullo, masaajidyo iyo xarumo caafimaad oo bulshada u adeegaya

Mashaariicdaasi waxay tusaale u yihiin in is caawinta la nidaamin karo, lana horumarin karo haddii loo hoggaansamo daahfurnaan iyo hufnaan.

5. Mustaqbalka: Maxaa la gudboon bulshada Soomaaliyeed?

Si is caawintu u noqoto nidaam joogto ah oo wax ku ool ah, waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo:

  • Wacyigelin bulsheed: Warbaahinta, culimada, dhalinyarada, iyo bulshada rayidka ah waa inay kor u qaadaan baraarugga ku saabsan qiimaha is caawinta.
  • Isu xilqaamid iyo tabarucaad: Qof walba wuxuu leeyahay wax uu ku caawin karo bulshada, ha noqoto lacag, waqti, ama xirfad.
  • Hay’ado hufan iyo nidaamsan: Waxaa loo baahan yahay in hay’adaha samafalka lagu dhiso kalsooni, daahfurnaan, iyo isla xisaabtan.
  • Kor u qaadidda fursadaha maxalliga ah: Waa in bulshada la baro xirfado, lana abuuro barnaamijyo shaqo abuur ah si dadka looga saaro ku tiirsanaanta gargaar joogto ah.

Gunaanad:

Is caawintu waa lafdhabarka bulshadeenna. Waa astaanta dadnimadeenna, waa tiirka guusheena, waana waddada kaliya ee aan ku gaari karno horumar waara.

“Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan.”

Aan noqono bulsho is jecel, is daryeesha, is garab taagan, si aan u dhisno Soomaaliya la isku hallayn karo, laguna faano.

Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)

Aasaasaha ahna maamulaha hay’adda samafalka ee Yaasmiin

www.yasminfoundation.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link