Hordhac
Ganacsigu waa laf-dhabarta dhaqaalaha oo door weyn ka ciyaara kobaca dhaqaalaha, shaqo-abuurka, iyo dakhli-soo-saarka bulshada. Waxa uu si toos ah u saameeyaa nolol-maalmeedka muwaadiniinta. Puntland, oo ka mid ah maamullada ugu waaweyn ee Soomaaliya ka jira, ganacsigu waxa uu laf-dhabar u yahay dakhliga deegaanka. Muddooyinkii u dambeeyey ganacsiga Puntland ayaa ku jiray mid ka mid ah xaaladihii ugu cuslaa ee soo mara. Mid ka mid ah maamulka shirkad ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Puntlanad ka jira ayaa ii xaqiijiyey in shirkaddoodu ay sannadkaan gaartay halkii ugu hoosaysay ee ay abid gaarto.
Haddaba; maqaalkaan waxaan ku eegi doonnaa sababaha keenay hoos u dhacaas, saamaynta uu reebay iyo talooyin la xiriira sida wax looga qaban karo.
Sababaha Hoos u Dhaca Ganacsiga Puntland
1. Istaagga Mashaariicdii Hay’adaha Caalamiga ah
Cilmibaaris cinwaankeedu yahay “Saameynta kaalmada shisheeye ay ku leedahay hormarka, dowlad-dhiska iyo deggenaanshaha Soomaaliya” oo uu qoray Ibraahim Cabdulaahi Maxamed (2025) ayaa muujinaysa in mashaariicda hay’adaha caalamiga ah ay door muhiim ah ka ciyaareen kobcinta ganacsiga gudaha, iyada oo ay xoojiyeen awoodda aadanaha (human capital), kordhiyeen isticmaalka adeegyada maxalliga ah, isla markaana sare u qaadeen wareegga lacagta gudaha.
Si kastaba ha ahaatee; sannadihii u dambeeyay mashaariic badan ayaa ka istaagay Puntland, iyadoo qayb weyn oo ka mid ah hoos u dhacaas ay sabab u yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mashaariic badan oo ka socda gobollada kale ee dalka ayaa si toos ah uga istaagay Puntland. Arrintaas ayaana loo aanaynayaa in ay qeyb ka tahay hoos u dhaca ganacsiga deegaanka.
2. Ganacsatada oo dalal kale u hayaamaysa
Ganacsato badan oo reer Puntland ah ayaa deegaanka ka hayaamay, iyaga oo ganacsigooda u wareejiyay dalal dibadda ah sida Congo, Sambia, Kenya, iyo suuqyo kale. Tillaabadan waxay keentay hoos u dhac weyn oo ku yimid ganacsiga gudaha, maadaama ganacsatadaasi ay ahaayeen laf-dhabarta dhaqaalaha deegaanka.
3. Geeddiga qoysaskii ladnaa ee Puntland
Qeybo badan oo ka mid ah dabaqadda dhexe iyo sare ee dadka reer Puntland oo ay ku jiraan qaar ka mid ah masuuliyiin dowladeed, ayaa qoysaskooda u raray Masar, Kenya iyo dalal kale. Arrintani waxay sababtay in:
- Lacagtii gudaha lagu kharash-gelin lahaa dibedda loo xawilo.
- Adeegyadii waxbarasho, caafimaad iyo nololeed ee gudaha laga qaadan lahaa dibedda loo wareejiyo.
- Ganacsiyada maxalliga ahna ay waayaan macaamiishii dakhligoodu sarreeyay.
4. Amni-darro iyo Annooyin Deegaannada Qaar
Amniga gudaha iyo aanooyinka deegaannada qaar ka jira ayaa iyaguna sabab u noqday in ay ganacsiyo badan xirmaan, ganacsato badanna deegaanka ka guurto. Mudug ayaa ah tusaalaha nool ee ay amni-darradu saamaynta ba’an ku reebtay taas oo keentay in dad badan deegaanka isaga guuraan xoolahoodana miciin la bidaan meelo amni dhaama! Qodobkaanna waa mid kale oo asna qeyb ka noqon kara hoos u dhaca dhaqaale ee jira.
5. Kororka Canshuurta
Mid ka mid ah ganacsatada lagu waraystay cilmibaaris ciwaankeedu yahay “Examining the Puntland Private Sector on Business Environment in Garowe: Challenges and Opportunities” ayna qoreen Axmed Abshir Maxamed & Maxamuud Ciise Yuusuf 2025 ayaa sheegay in canshuurta badan ee la saaro badeecadaha dibadda laga keeno ay ku qasabtay inuu yareeyo ganacsigiisa, ka dib markii ay bulshadu awoodi waayeen in ay gataan. Cilmibaaristu waxa kale oo ay tilmaantay in fulin la’aanta sharciyada canshuuraha iyo isku dhex yaaca nidaamka canshuur qaadista ay abuureen jawi ganacsatada ku keenaya cabsi, sidoo kale na hoos u dhigaya kalsoonida ganacsiga, caqabad weyna ku noqon kara helitaanka maalgelin cusub.
Maxaa ka dhashay?
- Shaqo la’aan:
Daraasadda sare ku xusan ee ay qoreen Axmed Abshir Maxamed & Maxamuud Ciise Yuusuf 2025, ayaa muujisay in qiyaastii 90% shaqooyinka Puntland ay bixiyaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay.Ganacsiyo badan oo xirmay iyo kuwa hoos u dhac ku yimid ayaa fasaxay in badan oo shaqaalahoodii ka mid ah. Ganacsiga keliya ma ahane waxaa ayana shaqo la’aan noqday dad badan oo u shaqayn jiray hay’adaha caalamiga ah.
“Intii aan caqlisaday isma oran sidaan ayaad shaqo la’aan u noqonaysaa” waa oraah aan ka diiwaangeliyey nin saaxiibkay ah oo muddo u shaqaynayey hay’adaha caalamiga ee deegaanka ka shaqeeya kaas oo lagu wargeliyey in uu fasax shaqada ka yahay!
- Saamaynta adeegyada bulshada
Inta badan jaamacadaha Puntland ayaa sanadkaan aad looga dareemayaa hoos u dhaca ku yimid is qoridda ardayda ku biiraysa waxbarashada sare, taas oo loo aanaynayo dhaqaal yarida soo wajahday qoysaska Puntland!
3. Kordhinta saboolnimada iyo nuglaanta bulshada
Shaqo la’aanta baahsan iyo hoos u dhaca ku yimid dakhliga qoysaska ayaa horseeday in heerka saboolnimadu si weyn u kordho. Sidoo kale waxay dhaawac culus ku tahay mustaqbalka bulshada, maadaama ay wiiqayso awoodda dhaqaale ee qoysaska.
4. Kororka tahriibka dhallinyarada
Is biirsashada shaqo la’aanta, rajo la’aanta iyo dhaqaale-xumadu waxay dhallinyarada ku riixday in ay tahriibka ama ka guurista dalka u arkaan ikhtiyaarka keliya ee haray. Hoos u dhaca ganacsigu wuxuu si gaar ah u yareeyey fursadihii shaqo iyo hal-abuur ee dhallinyarada, taas oo keentay in ay tiro badan oo ka mid ah awooddii shaqo iyo maskaxdii wax-soo-saarka lahayd ay dalka ka baxaan (brain drain).
Xalalka macquulka ah ee arrinta wax looga qaban karo
Sii socoshada dhiig-baxa ku socda ganacsiga Puntland waxa uu halis weyn ku yahay mustaqbalka dhaqaalaha deegaanka. Waxa uuna horseedi karaa saboolnimo baahsan oo saameysa gobolka oo dhan. Haddaba, waxa aan soo jeedin doonaa tillaabooyin qeyb ka noqon kara in arrintaas wax laga qabto waxaana ka mid ah:
- In aan la siyaasadayn deeqaha caalamiga ah ee deegaanka u danaynaya
Si loo yareeyo saameynta istaagga mashaariicda hay’adaha caalamiga ah, waxaa lama huraan ah in aan la siyaasadayn kaalmada hay’adaha caalamiga ee danta u ah dadka iyo deegaankaba, dib-u-soo-celinta mashaariicdaasi waxay fure u noqon kartaa kobcinta awoodda aadanaha, dhaqaajinta adeegyada maxalliga ah, iyo sare u qaadidda wareegga lacagta gudaha.
2. Dhisidda istiraatijiyad dhaqaale
Dowladda Puntland waa in ay dejisaa istiraatijiyad dhaqaale oo cad oo waqti-gaaban, dhexdhexaad iyo mid fogba leh, taas oo si gaar ah diiradda u saaraysa xasilinta ganacsiga iyo soo jiidashada maalgashiga. Istiraatijiyaddani waa in ay ku salaysnaataa daraasado cilmiyeysan, xog sugan, iyo la-tashi ballaaran oo ay ka qeyb qaataan ganacsatada, aqoonyahannada iyo bulshada rayidka ah.
3. Xasillinta amniga iyo adkeynta wada-noolaanshaha bulshada
Amnigu waa mid ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee aas-aaska u ah jiritaanka iyo koboca ganacsiga. Sidaa awgeed, waa in la xoojiyo dadaallada amni, dib-u-heshiisiinta bulshada, iyo xalinta khilaafaadka bulshada deegaanka.
Gunaanad
Si guud waxaa hoos u dhac ballaaran ku imaanayay ganacsiga Puntland sannadihii la soo dhaafay. Hoos u dhacaasna waxa uu reebay saamayn aan la dhayalsankarin. Haddaba; arrintaasi waxa ay u baahantahay in si dhab ah loo wajaho ee aan la dhowran. Haddii aan si degdeg ah wax looga qabanna saameynta dhaqaale, bulsho iyo mid mustaqbaleed ee ay reebayso waxa ay noqon doontaa mid aan la mahadin doonin.
Qoraaga

Latest entries
FaalloDecember 29, 2025Hoos u Dhaca Ganacsiga Puntland: Sababaha, Saameynta iyo Talooyin Wax-ku-ool ah
FaalloNovember 27, 2025Tahriibka Dhallinyarada Puntland: Da’yar La Dayacay
FaalloSeptember 25, 2025Sidee u Kala Saarista Sayniska iyo Aartiska u Saamaysaa Ardayda Dugsiyada Sare ee Puntland?
FaalloAugust 16, 2025Shumacii La Shiiqiyey: Shirkii Hormarinta Gobolka Mudug










