Hirgelinta Xasillooni Waarta: Deegaannada laga Sifeeyay Daacish

Ciidamada Puntland ayaa sanadkan 2025-ka  bilowgiisii guluf culus oo muddo la diyaarinayay ku qaaday maleeshiyada Daacish oo qiyaastii toban sanno saldhigyo ku lahaa buuraha Caalmiskaat ee gobolka Bari. Ciidamada ayaa dagaalo kala duwan ay la galeen Daacish ku jabiyay, taasoo u suurtagelisay in ay gacanta ku dhigaan deegaano istaraatiiji ah oo muddo gacanta ugu jiray maleeshiyada.

Inkastoo ay ciidamadu guulweyn  ka gaareen Daacish ayna ka xoreeyeen deegaano badan, bilihii u dambeeyay, ma uusan dhicin dagaal toos ah marka laga reebo iska horimaadyo yaryar, taasoo muujinaysa tabar darada kooxda, oo hadda intii hartay ay ku jirtaa dhuumaalaysi, iyadoona dowladda sheegtay in wajiga afraad ee howlgalka Caalmiskaat uu soo gabogaboobay.

Taliyaha ciidaanka Daraawiishta Puntland Janaraal Aadan Cabdi Xaashi ayaa horey u sheegay in qorshaha dagaalkan ay ugu talogaleen uu yahay qiyaastii sanad iyo bar in uu socdo si loo soo afjaro kooxda, balse marka la fiirsho guulaha ay ciidamadu gaareen ayaa muujinaya in intii qorshuhu ahaa ka yar ay qaadan karto.

Haddaba, si loo gaaro xal waara oo lagaga hortago in kooxda Daacish ay dib ugu soo laabtaan deegaanada laga xoreeyay, waxaa lagama maarmaan ah in aan lagu koobnaan howlgalada milatari oo keliya, balse la xoojiyo wax ka qabashada caqabadaha sababay in kooxdan ay deegaanadaas ay saldhigyo ka samaysato, iyadoo la adeegsanayo hab xal waara ah (durable solution) oo isugu dhafan dhinacyada amniga, maamulka, horumarinta dhaqaalaha, iyo baahinta adeegyada bulshada.

Marka la eego deegaannadii laga saaray Daacish tusaale ahaan Tuurmasaale, Dhaadaar, Dhasaan, waxaa xal waara u noqon kara in laga hirgeliyo adeegyada asaasiga ah sida xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho, iyo sidoo kale in laga hirgeliyo hay’adaha dowlada qeybtood sida saldhigyo booliis, si ay dadka deegaanku u dareemaan dowladnimada.

Dhanka kale, dhismaha kaabayaal dhaqaale sida waddooyinka gaar ahaan wadada isku xirta Ballidhidin, Tuurmasaale illaa Dhasaan waa tiir kale oo muhiim ah oo kobcinaya isku socodka dadka deegaanka, ganacsiga iyo adeegyada bulshada.

Waxa kale oo  xal waara noqon kara in dib u dejin loo sameeyo dadka reer guuraaga ah ee ku barakacay howlgalada ciidamada iyo duqeymaha ka dhanka ah kooxda Daacish, iyadoo loo dhisayo ceelal biyoodyo iyo adeegyo la jaanqaadi kara nolol maalmeedkooda.

Dib u dejintaas waa in lagu lifaaqaa xalal siyaasadeed oo ballaaran sida ballaarinta maamulka, maamul-wanaagga, iyo awood qeybsi ku salaysan cadaalad oo ku dhisan kalsooni iyo matalaad dhab ah oo ay helaan dhammaan dad deegaanka, oo muujiyay cabashooyin la xiriira in la iska indhatiray baahiyahooda maamul iyo dowladnimo. Dadka deegaanka ayaa qaba tabashooyin ku saabsan sida ay u dareemayaan in dowladdu ay diiradda saarto keliya deegaannada laamiga weyn ku teedsan, halka deegaannada wadada laamiga ka baxsan la dayacay.

Ugu dambeyn, waxaa muhiim ah in dowladda Puntland ay ka faa’iidaysato guulaha ay ka gaartay howlgalka ka dhanka ah Daacish si ay u dhisto xasilooni waarta oo aan dib loogu noqon marxaladihii hore. Taasina waxay u baahan tahay qorshe ballaaran oo isugu jira xalal degdeg ah iyo kuwa waqti-dheer, iyadoo lagu saleynayo baahinta nidaamka dawladnimo, fulinta mashaariic horumarineed, matalaad siyaasadeed iyo is dhexgal bulsho. Xalku ma noqon karo keliya in lagu guuleysto dagaalka milatari, balse waa in lagu guuleysto oo la hanto qalbiyada dadka si mar dambe deegaanadoodu aysan u noqon meel kooxo argagixiso ah hoy u noqda.

Qoraaga: Mustafe Cismaan Faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link