Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 7-dii Maarso heshiis la saxiixatay Dowladda Turkiga, kaasoo shirkadda Turkish Petroleum Corporation (TPAO) si gaar ah ugu xeeraya xuquuqda sahminta, qodista iyo soo saarista shidaalka ku jira saddex qaybood oo ka mid ah badda Soomaaliya, oo dhul ahaan gaaraya 16,000km². Qaybahani waxay ku yaallaan gunta badweynta Soomaaliyeed, waxaana la rumeysan yahay in ay ku jiraan kheyraad dabiici ah oo ballaaran, gaar ahaan shidaal iyo gaas dabiici ah. Waa heshiis si gaar ah u ahmiyad u leh marka la eego dadaallada socda ee lagu xoojinayo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Heshiiskan, oo ah kii ugu baaxadda weynaa ee noociisa ah tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991-dii, wuxuu kusoo beegmay xilli Soomaaliya ay raadineyso maalgeshi dibadeed iyo fursado dhaqaale oo horumarineed. Waxaa laga filan karaa in uu albaab u furo dhaqaalaha dalka, koboca shaqo abuurka, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Si kastaba, heshiiska wuxuu sidoo kale keenay doodo ku saabsan hufnaanta, waafaqsanaanta sharciga, iyo kaalinta ay leeyihiin hay’adaha dastuuriga ah sida Baarlamaanka.
Maqaalkan waxaan ku falanqaynayaa fursadaha iyo caqabadaha heshiiskan ku xeeran aniga oo iftiimin doono faa’iidooyinka waawayn iyo caqabadaha haysta heshiiska ee u baahan in lagu baraarugo.
Fursadaha laga filan karo Heshiiska
Abuurista fursado Maalgashi
Soomaaliya diiwaan fiican kuma leh gelista heshiisyada maalgashiga ee laba geesoodka ah (Bilateral Investment Treaties) Sida ku xusan mareegta UNCTAD (2024), Soomaaliya waxay saxiixday oo keliya afar heshiis maalgashi laba-geesood ah, kuwaas oo ay la gashay Jarmalka (1981), Masar (1982), Turkiga (2016), iyo Qadar (2018), waxayna badankoodu raacayaan noocyadii hore ee heshiisyada, isla markaana aan si buuxda ula jaanqaadin heerarka casriga ah ee maalgashiga. Marka lagu daro heshiiska hadda ee shidaal sahminta iyo qodista ee Turkiga ay lagashay wuxuu ku biirayaa heshiisyadaa tirada yar ee maalgashi. Haddaba heshiiska Turkiga uu ku sahminayo, kuna soo sarayo qayb ka mida shidaalka badda ee Soomaaliya waa mid albaabada u furi kara soo jiidashada shirkado iyo dowlado waawayn oo ku dhiirada maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan shidaalka.
Marka la eego heshiiska cusub ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan sahaminta iyo soo saarista shidaalka badaha Soomaaliya, wuxuu noqon karaa dariiq u furma Soomaaliya si loo helo dalal kale iyo shirkado caalami ah oo danaynaya in ay maalgashi ka sameeyaan Soomaaliya, gaar ahaan shidaalka. Saddexda ceel shidaal ee Soomaaliya u xirtay Turkida ayaa ka mid ah in ka badan 200 ceel oo shidaal oo Soomaaliya ku yaala. Haddii heshiiska Turkiga uu noqdo mid guuleysta, lagana dhaxlo wax-soo-saar la taaban karo oo shidaal ah, waxay u badantahay in shirkado kale oo waawayn oo caalami ah saf u soo galaan sida TotalEnergies, ExxonMobil ama ENI oo ay si dhab ah diyaar ugu noqdaan in ay maalgashtaan shidaal soo saaridda Soomaaliya. Sidoo kale, dowlado ayaa laga yaabaa inay dan ka yeeshaan ka faa’iidaysiga kheyraadka Soomaaliyeed, taasoo kor u qaadi karta dhaqaalaha dalka haddii si daahfuran oo sharciyeysan loo maareeyo.
Haddaba, Soomaaliya, iyada oo ka duulaysa fursaddaan, waxay daw u leedahay in ay xilliga bilawga ah ay gasho heshiisyo maalgashi oo ay dhulka is dhigto ama ka tanaasusho shuruudaha qaar si ay usoo jiidato maalgashi caalami ah oo xilligaan maalgeliyaal badan oo shishiyee u arkaan mid aan lagu degdegi karin xaaladaha amni iyo siyaasaded ee dalka ka jira awdgood.
Dakhli Abuur
Marka shirkadda Turkida ay si buuxda u ceshato kharashaadka kaga baxaya sahaminta iyo soosaarka shidaalka oo soo bixintiisa la dhameeyo iyadoo u qaadanaysa 90% waxsoosaarka ceelasha ay diyaariso, waxa haray ee la soo saaro oo loo yaqaan “faa’iidada shidaalka” (Profit Petroleum) si wadaag ah ay u qeybsanayaan Soomaaliya iyo shirkadda waxay dakhli wayn u soo xeraynaysa dowladda Soomaaliya. Waxaa intaas dheer, Soomaaliya waxa ay heli doontaa illaa 5% gunno ah laga bilaabo maalinta ugu horreysa ee waxsoosaarka iyadoo wali lagu jiro marxaladda kharash-ceshiga (cost petroleum).
Xoojinta xiriirka iskaashi ee Turkiga iyo Soomaaliya
Turkigu wuxuu Soomaaliya la leeyahay xiriir wayn oo iskaashi oo dhinaco badan taabanaya sida mid ciidan, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Heshiiska shidaal qodistuna wuxuu fursad siinayaa sii xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan midka ciidanka iyo amniga xilli reer Galbeedku ay u muuqdaan inay ka daaleen baqti afuufka dowladnimada Soomaaliya oo aan samayn horumarkii laga filayay dhanka amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Waxa kale oo heshiiska shidaalku ka tarjumayaa fulinta heshiiskii isfahanka ee labda dal kala saxiideen Febaraayo 2024-kii kaas oo lagu qeexay iskashi dhanka difaaca iyo cidanka ah iyo in Turkidu ay helaan mudnaanta maalgashiga shidaalka iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah. Taas bedelkeed, isfaahnkaas waxaa ku xusan in Turkiga uu ilaaliyo badda Soomaaliya oo baylah u noqotay ku shubista qashinka ka soo hara warshadaha iyo jarriifka khayraadka badeed iyo in Turkigu ay dhisaan ciidan badeed ugu damayn awood u yeesha ilaalinta badda Soomaaliya.
Dabcan arrintaan kama dhigna in Soomaaliya ay Turkigu khayraadkeeda bililiqaystaan ee waa dood ku dhisan in heshiiska shidaalku fure u noqdo iskaashi ballaaran oo labada dal dhexmara oo ku dhisan “adna faa’iid, ana aan kaa faa’iido” maadaama aanay Turkiga laftigooda ahayn jimciyad samafal oo dano ay ka leyihiin Soomaaliya.
Caqabadaha
Daahfurnaan La’aan
Guud ahaaan heshiisyada ay galayso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku jiro heshiiskan waxaa ku hareeraysan daahfurnaan, iyada oo mabaadiida dastuuriga ee Soomaaliya iyo shuruucda degsan ay farayaan dowladda in heshiisyada ay galayso noqdaan kuwa daahfuran. Heshiiska hadda looma soo bandhigin bulshada, lama gayn baarlamanka sida Turkigu uu sameeyay waana arrin dhibteeda leh, shaki wayna ku kala abuuraysa dowladda iyo shacabka. Soomaalidu waxay dhahdaa xalaal barqaa la qashaa oo ay ula jeedaan wixii wax tuhun ku jiro ayaa lala dhuuntaa.
Arrinta daahfurnaanta waxay keentay in dadka Soomaaliyeed badankood ay heshiiska diidaan oo u qataan mid lagu bannaysanayo khayraadkooda, waana arrin xitaa nacayb in ay ay bulshada Soomaaliyeed u qaadaan Turkiga keeni karta.
Sharciyad kala dhiman
Inkastoo guud ahaan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya haysato awood sharci oo ay ku gasho heshiiska shidaalka iyo kuwa la mid ka ah sida dowladaha dhigeeda ah, haddana heshiiska waxaa ku gadaaman cilado sharci oo dhawr ah oo ka imaanaya in aanu waafaqsanayn sharciga bartoolka qaranka, gaar ahaan qodobka 10 (3) oo dhigaya in heshiisyada shidaalka maraan ansixinta baarlamanka, qodobka 14 oo dhigaya in heshiiska ay maamusho hay’adda qaran ee batroolka oo aanay muuqan in ay qayb ka ahayd iyo qodobka 8 (1) oo dalbanaya in qandaraasyada shidaalka maraan hab qandraas oo daahfuran oo tartan furan ah.
Gorgortan hooseeya
Inkastoo khubarada shidaalka oo ay ku jiraan kuwa Soomaaliyeed sida Injineer Cumar Kanoko ay caddeeyeen in duruufaha amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku jirto iyo ka caga taaglaynta shirkadaha dunida ee shidaal soo saarista Soomaaliya awgeed ay Soomaaliya ku saxantahay in ay heshiiskaan shuruudaha qaar khafiifiso, haddana waxaa muuqata in awoodda gorgortanka (Bargaining Power) ee Soomaaliya uu ka hooseeyo midka Turkiga. Tusaale, qodobka 4.7 ee qeexaya in 90% shidaalka soo baxa ay Turkigu u qaataan kharash ka galaya hawsha sahaminta iyo soosaarista shidaalka (cost petroleum) waa mid aan ka tarjumayn baahida degdega ah ee Soomaaliya u qabto in ay markaba hesho faa’iidada shidaalka. Sida khubarada batroolka sheegeen badi heshiisyada noocaan ah waxay shirkaduhu kharash ceshiga u qaatan ugu badnaan 70%.
Qodobada kale ee muujinaya in Soomaaliya tanaasul aan loo baahanayn ka samaysay waxaa ka mid ah qodobka 10-aad oo qeexaya in haddii khilaaf yimaado taxkiimka uu ka dhacayo dalka Turkiga iyada oo xeerarka caalamiga ee garnaqsiga (taxkiimka) sida UNCITRAL ay soo jeedinayaan in goobta ay labada dhinac ee heshiisyada noocaan ah wada gala ay ku kala baxayaan haddii khilaaf yimaado noqoto goob saddexaad oo dhex dhexaad ah.
Gabagabo
Inkastoo uu jiro mad-madow sharci iyo daldaloolo ku gadaaman heshiiska shidaalka ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, haddana waxaa loo arki karaa inuu yahay billow istaraatiiji ah oo u furaya dalka albaabada maalgeshiga caalamiga ah ee khayraadka dabiiciga ah. Marka la eego halista dhaqaale, farsamo iyo siyaasadeed ee Turkigu qaadayaan si loo sahamiyo loona soo saaro shidaalka, waxaa loo fahmi karaa in qodobada qaar ee heshiiska ay u muuqdaan sadbursi, balse ay qeyb ka tahay is-waafajinta khatarta iyo faa’iidada. Si kastaba, muhiimaddu waxay tahay in heshiisyada dambe ee Soomaalia ay galayso lagu saleeyo hufnaan, wadatashi qaran, iyo ilaalinta danaha dalka ee muddada fog.
Qoraaga: Saalim Siciid Saalim