Geeska Afrika: Goob Istiraatiiji ah oo Murugsan

Geeska Afrika waa gobol istiraatiiji ah oo qiime weyn u leh awoodaha waaweyn ee ka baxsan qaaradda, taasoo ku saleysan muhiimaddiisa juqraafiyeed iyo istiraatiijiyadeed. Gobolkani wuxuu isku xiraa qaaradaha Aasiya iyo Yurub iyada oo loo marayo Badda Cas, Kanaalka Suways, iyo Badda Mediterranean-ka.

Gobolku wuxuu leeyahay taariikh dheer oo ku saabsan khilaafaadka siyaasadeed, colaado ay dad badan ku dhinteeen, muranno xuduudeed, iyo khilaafaad ku saabsan qeybsiga iyo helitaanka kheyraadka sida muranka ku saabsan qeybsiga biyaha Webiga Nile ee bari, kaas oo u dhexeeya Masar, Itoobiya, iyo Suudaan. Caafimaadka bulshada, siyaasadda, iyo dhaqaalaha gobolka waxa sii murjiyey saameynta isbeddelka cimilada, oo ay ka mid yihiin abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda.

Gobolku wuxuu hoy u yahay dalal muhiim ah sida Soomaaliya, Itoobiya, Ereteriya, Jabuuti, Suudaan, Koonfurta Suudaan, iyo Kenya, kuwaasoo door weyn ku leh arrimaha siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha gobolka. Dalka Uganda ayaa isna ku milan duruufaha amni ee ka jira gobolka oo si dadban uga tirsan. Loolanka ka jira gobolku wuxuu saameyn ballaaran ku yeeshay xasilloonida iyo horumarka mandaqadda.

Maqaalkani wuxuu gorfaynayaa sababaha loolanka awoodaha, xasaradaha ka jira iyo danaha shisheeye, iyo sida lagu heli karo gobol xasilloon oo awood u leh maaraynta danaha shisheeye ee isdiidan.

Gobol Istaraatiiji ah, Dihin oo Nugul

Geeska Afrika wuxuu ka mid yahay gobollada juqraafi ahaan iyo istiraatiijiyad ahaan ugu saameynta badan caalamka. Waa gobol xuduud la leh Marinka Baabul-Mandab, oo ah marin-badeed istiraatiiji ah oo ay ku dhowaad 12% ganacsiga caalamiga ah uu maro sanadkii (The Economist, 2025), iskuna xira biyaha Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Kannaalka Suweys, dhanka kalena u furan Badweynta Hindiya, taasoo ka dhigaysa goob leh saamayn siyaasadeed, dhaqaale iyo mid amni.

Dhanka kale, waa gobol dihin oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah, sida macdanta, saliidda, gaaska dabiiciga ah, dhul beereed ballaaran, xoolaha iyo kalluunka, kuwaasoo aan weli si buuxda looga faa’iidaysan, waana mid ka mid ah sababaha ay quwadaha caalamka ugu loolamayaan.

Sidoo kale, Gobolka Geeska Africa waxaa ka jira is aaminaad la’aan iyo colaado ka shidaal qaadanaaya taariikh fac weyn, iyo hoggaamiyaal siyaasadeed oo ku caan baxay maamul xumo, aragti gaaban iyo keli-talisnimo. Waa gobol la il daran xasillooni-darro siyaasadeed, taasoo ay sababaan dagaallo sokeeye, khilaafaadyo qowmiyadeed, kuwo qabiil, caqabado la xiriira dowlad dhiska, argagixiso iyo muranno xuduudeed oo aan si rasmi ah xal looga gaarin. Caqabadahaas waxay gobolka ka dhigeen mid u nugul faragelinta shisheeye, iyada oo awoodaha ku hardamaaya ay mararka qaar ka faa’iidaystaan xaaladda is-mariwaaga ah ee gudaha dalalka gobolka ka jira, si ay danahooda u meelmariyaan.

Colaado Aloosan iyo Dano Isdiidan

“Arligaa la kala boobayaa, nin u itaal roone” Anwaan Faarax Nuur “Carab”.

Geeska Afrika waxa uu la daalaadhacayaa xasarado badan oo isugu jira colaado sokeeye oo daba dheeraaday, hawlgallo badan oo caalami ah oo nabad ilaalin (Dias, 2023). Dagaallada iyo khilaafaadka gobolku waa lakabyo is dulsaaran, oo ka shidaal qaata sooyaal taariikheed oo xanuun badan (Brenner, 2024). Xasaradaha taagan ayaa saameeyay dalal badan oo gobolka ah.

Itoobiya

Itoobiya waxay la daalaa dhacaysaa xasarado badan oo siyaasadeed iyo kuwo amni oo gudeheeda ka jira. Waxaa ugu weyn dagaalkii Tigray ee qarxay (2020-2022) oo weli saamayntiisa laga dareemaayo dalkaas. Sidoo kale, waxaa weli taagan colaadaha gobolka Amxaarada iyo Oromada, waxaana sii dheer isku dhacyada Canfarta iyo Soomaalida ee soo laalaabta, dhammanna waxa ay caqabad ku yihiin xasilloonida dalkaa iyo gobolka guud ahaan.

Dhanka kale, Itoobiya badda qaybna kuma laha, hase ahaatee waxay leedahay damac marin badeed oo ay ganacsi iyo dagaalba u adeegsan karto. Taasi waxay dhalisay iska hor imaadyo siyaasadeed oo waaweyn, sida khilaafkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay is-afgaradkii ay Itoobiya la gashay Somaliland (Maamul Gooni Goosad ah) ee Janaayo 2024-kii oo sheegayay in ay hesho 20 Km oo ka mid ah badda Soomaaliya. Is-afgaradkaasi sidoo kale waxaa ka dhashay isbahaysiga Masar, Soomaaliya, iyo Eriteeriya oo loo asaasay ka hortagga damaca Itoobiya ee la xiriira helitaanka marin badeed gaarsiisan biyaha Badda Cas.

Damaca Itoobiya sidoo kale waxa uu dareen weyn geliyay dalka Eriteeriya. Xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Eriteeriya ayaa sii kordhaysa, iyadoo laga cabsi qabo dagaal baahsan inuu qarxo. Gobolka Tigray oo ah goob xasaasi ah ayaa hurin kara colaad ballaaran oo labada dal u dhexeysa, taasoo ay weheliso damaca Itoobiya ee ah inay gaaraan biyaha Badda Cas (Čok, 2024).

Suudaan

Dalka Suudaan, waxaa ka qarxay 15 April 2023-kii dagaal u dhexeeya Dowladda Suudaan iyo maleeshiyaadka hubeysan ee Janjaweed, oo hadda loo yaqaan Ciidamada Taageerada Degdega ah (RSF). Colaadda ka socota Suudaan ma aha dagaal sokeeye oo u dhexeeya qaybo kala duwan oo bulshada ah, mana aha oo keliya loollan awoodeed u dhexeeya ciidamo hubeysan oo iska soo horjeeda. Balse, waa dagaal wakiilo adeegsi (Proxy War) iyadoo faragelinta dibadda ay door weyn ka ciyaarayso sii hurinta colaadda. Dalka Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa lagu eedeeyay inuu si xoog leh u taageerayo maleeshiyada RSF (Sudan Facts, 2025), ilaa heer Dawladda Suudaan ay dacwad u gudbisay Maxkamadda Denbiyada Adduunka, taasoo weli dhageysigeedu socdo. Siyaasadda arrimaha debedda ee Imaaraadka Carabta (UAE) ee gobolku waa mid murugsan oo ay ku taageerto jilayaal aan dawli ahayn, sidoo kale waxay caqabad ku tahay hannaanka diblomaasiyadeed ee caalamku isticmaalo, badanaana waxa ay ka hor imaanaysa xeerarka caalamiga ah (The Economist, 2025).

Suudaan waxay noqotay goob loollan adag oo u dhexeeya quwado shisheeye oo leh dano istiraatiiji ah oo isdiidan; Turkiga iyo Qatar waxay hiigsanayaan saameyn dhaqaale iyagoo maalgelinaya dekedaha, Imaaraadka Carabtu wuxuu si qoto dheer ugu lug leeyahay dagaalka, isagoo u heelan dano la xiriira macdanta iyo sidii xulafadiisu ula wareegi lahaayeen talada Suudaan, Ruushku wuxuu si adag u doonayaa saldhig ciidan oo danihiisa gobolka ku waardiyeysto, halka Iiraan ay waddo dedaal ay kula tartamayso saamaynta Sucuudiga (The Economist, 2024). Masar iyo Sucuudiga ayaa si weyn uga shaqeynaya sidii xasilloonida Suudaan loo soo celin lahaa, iyagoo danaynaaya xasilloonida marinada ganacsiga Badda Cas oo ay ku yaaliin Kannaalka Suweys iyo degadaha muhiimka ah ee Boqortooyada Sucuudiga.

Koonfur Suudaan

Xasillooni-darrada ka jirta dalka Koonfur Suudaan waa qayb ka mid ah colaadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan gobolka Geeska Afrika. Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa Riek Machar waxa uu qayb ka yahay xiisadaha waaweyn ee saameynaya xasilloonida gobolka, iyada oo dagaallo culus ay ka socdaan qaybo ka mid ah dalkaa. Uganda ayaa ciidamo u dirtay si ay u taageerto Salva Kiir, taasoo sii hurisay xaaladda. Dhanka kale, Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhexeeya tartan lagu qaabaynaayo mustaqbalka dalkaas. Koonfurta Suudaan waa dal hodon ku ah kheyraadka dabiiciga ah, gaar ahaan shidaalka, taasoo ka dhigaysa in uu noqdo goob uu loolan xooggan ka jiro, awoodo badan oo kala dano ahna ay isha ku wada hayaan.

Soomaaliya

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka ugu nugul Geeska Afrika, uguna hardan badan markii la eego danaha is-diidan ee awoodaha dibadda. Waa dal ku yaala goob istaraatiiji ah, islamarkaana ay ka jiraan khilaaf siyaasadeed oo ragaadiyey, taasoo saameyn ku yeelatay xasilloonida siyaasadeed iyo wada-shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda. Khilaafku waxa uu salka ku hayaa arrimo ay ka mid yihiin dastuurka, maamulka kheyraadka, iyo habka doorashooyinka dalka, taasoo mararka qaar keenta is-mariwaa siyaasadeed iyo muran sharciyeed.

Dhanka amniga, kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish ayaa weli khatar ku ah xasilloonida dalka, iyagoo lagula jiro dagaal joogta ah. Waxaa sii dheer hardanka awoodaha gobolka iyo dunida. Imaaraadka Carabtu (UAE) waxay horumarisay deked kontiiner (Berbera) oo $400 milyan ah, iyadoo Puntland ka samaysatay saldhigyo milateri (The Economist, 2025), lana saxiixatay heshiisyo lagu horumarinayo dekadda Bosaaaso. Turkigu wuxuu taageeraa Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo saldhig ciidan ku leh Muqdisho. Waxa uu la saxiixday Dowladda Soomaaliya heshiis shidaal oo muran weyn dhaliyey oo faa’iidada u badan loo saxiixay dalka Turkey, waxaa intaa dheer in Turkidu qorshaynayaan in ay Soomaaliya ka samaystaan xarun laga diro Dayax-Gacmeed.

Maraykanka ayaa isna waxa uu qorsheynayaa inuu dhisto saldhigyo ciidan oo heshiisyo is-afgrad oo aan la soo bandhigin la galay Dowladda Soomaaliya. Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u fidisay Maraykanka hawlgalinta dekedaha Berbera iyo Boosaaso, iyadoo ugu baaqday shirkadaha shidaalka ee Mareekanka inay ka hawlgalaan SSC-Khaatumo.  Maamulka Trump waxa uu wadaa siyaasad ku aaddan Afrika oo diiradda saaraysa tartan xooggan oo uu la galo Shiinaha dhanka ganacsiga, maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha, iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Afrika. Waxay si gaar ah isha ugu hayaan gobolka Geeska Afrika, maadaama uu xiriir dhow la leeyahay danahooda Bariga Dhexe, isla markaana ay suurtagal tahay in danahooda iyo kuwa Imaaraadka Carabta (UAE) ay is waafaqaan (Foreign Affairs, 2024)

Mustaqbalka Geeska Afrika

Waxaan shaki ku jirin in xasilloonidu ay muhiim u tahay horumarka bulshada, dhaqaalaha, iyo siyaasadda ee Geeska Afrika. Si taa loo gaaro waa in la helaa isbeddello ku yimaadda qaab-dhismeedyada siyaasadeed iyo hannaanka dawladnimo. Geeska Afrika wuxuu u baahan yahay hannaan dhammaystiran oo istiraatiijiyad ku salaysan, kaas oo saldhig u noqonaya dhismaha dowladnimo loo dhan yahay oo waarta. Istiraatiijiyaddan waa in ay ku tiirsanaataa wadahadallo joogto ah oo ku salaysan is-faham qoto dheer, iskaashi lagu kalsoonaan karo, iyo xoojinta xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale ee gobolka.

Danaha is-diidan ee awoodaha caalamku waa jiri doonaan, hase yeeshee, xasillooni siyaasadeed iyo horumar waara waxaa lagu gaari karaa iyada oo la hirgeliyo maamul wanaag, daah-furnaan, iyo hannaan nabadayn oo waxtar leh. Dawladaha Geeska Afrika waa in ay xoogga saaraan iskaashi lagu soo afjaro colaadaha gudaha iyo kuwa ka dhex jira dowladaha gobolka. Sidoo kale, halganka wadajirka ah ee ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah waa in la xoojiyo, si loo gaaro gobol xasiloon oo kaalin muuqata ku leh horumarka caalamiga ah.

Tixraac

  1. Brenner, A. (2024). The prolonging Abyssinian Crisis. Contemporary conflict politics of the Ethiopian government.
  2. Čok, C. (2024, May 29). Back from the brink: Avoiding a new Ethiopia-Eritrea war. European Council on Foreign Relations. https://ecfr.eu/article/back-from-the-brink-avoiding-a-new-ethiopia-eritrea-war.
  3. The Economist: The UAE preaches unity at home but pursues division abroad, April 2025. 
  4. The Economist: A new smash and grab for Red Sea ports, April 2025. 
  5. Foreign Affairs: A Trumpian Policy for Africa, December 2024 
  6. Dias, A. M. (2023). State and societal challenges in the Horn of Africa. East African University Press.
  7. MOFAS, 2025. UAE’s Proxy War in Sudan: Exploiting Natural Resources and Committing Genocide

Qoraaga: Xildh. Cabdullaahi Faarax Mire

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *