Doorka cilmi-baarista ee waxbarashada sare ee Soomaaliya

Hordhac

Cilmi-baaristu waa tiirka ugu muhiimsan ee horumarinta waxbarashada sare, kobcinta aqoonta, iyo soo saarista xalal waara oo bulshada u adeegaya. Soomaaliya, oo muddo dheer wajahaysay colaado sokeeye, barakac, iyo dhaqaale xumo, waxay weli ku jirtaa marxalad dib-u-dhis ah. Waxbarashada sare, gaar ahaan jaamacadaha, waxay ka mid yihiin awoodaha ka qayb qaadan kara dib-udhiska dalka iyo soo saarista cilmi-baarisyo jihayn kara mustaqbalka dalka. Hase yeeshee; xaqiiqda maanta waxay muujinaysaa in cilmi-baarista dalka ay tahay mid hoosaysa si buuxdana aan kaalin uga qaadan karin horumarka bulshada iyo siyaasadaba.

Waxaa muhiim ah in la fahmo in cilmi-baarista goobaha waxbarashada sare aysan keliya ku koobnayn qorista buugaag ama maqaal cilmiyeed, balse ay tahay hab wax ku ool ah oo lagu ogaado baahiyaha dhabta ah ee bulshada, laguna soo saaro xalal waara oo ka jawaabaya arrimaha caafimaadka, waxbarashada, amniga, dhaqaalaha, iyo deegaanka.

Maqaalkaan wuxuu diiradda saarayaa heerka cilmi-baarista ee Soomaaliya iyo xaaladda guud, saamaynta cilmi-baaristu ku leedahay jaamacadaha, caqabadaha haysta cilmi-baarista Soomaaliya iyo fursadaha lagu horumarin karo cilmi-baarista Soomaaliya,

Heerka cilmi-baarista ee Soomaaliya iyo caaladda guud

Heerka cilmi-baarista ee Soomaaliya waxay weli ku jirtaa marxalad soo kabasho, waxaana si cad u muuqata in wax-soo-saarka cilmiyeed iyo maalgelinta cilmi-baarista iyo horumarinta ay aad u hooseeyaan marka loo eego wadamada kale ee adduunka iyo gobolkaba. Sida lagu sheegay warbixinno kasoo baxday “UNESCO” iyo “Our World in Data”, Soomaaliya waxay leedahay qiyaastii 0.1–0.5 cilmi-baare halkii milyan oo qof, halka wadammada Afrika ee horumarsan sida South Africa ay gaaraan ~900 cilmi-baarayaal halkii milyan oo qof, adduunka oo dhanna celceliskiisu yahay 1,200 cilmi-baare halkii milyan qof (UNESCO, 2022; Our World in Data, 2023). Tani waxay muujinaysaa farqi aad u weyn oo u dhexeeya Soomaaliya iyo wadammada kale, taasoo saameyn toos ah ku leh awoodda dalka ee wax-soo-saarka aqooneed iyo cilmiyeed ee caalamiga ah.

Inta badan cilmi-baarisyada Soomaaliya laga sameeyo waxaa sameeya hay’ado caalami ah, waxaana daabacaadaha ugu badan ee laga helo PubMed iyo PMC ku saabsan yihiin caafimaad, iyadoo in ka badan 80% qoraaga koowaad (First Author) ay yihiin cilmi-baarayaal aan Soomaali ahayn. Tirada maqaalada la daabacay ee Soomaaliya ee PubMed iyo joornaalada caalamiga ah sanadkii 2023 waxay gaarayaan kaliya tobaneeyo, halka wadammada gobolka sida Kenya iyo Ethiopia ay leeyihiin boqolaal maqaal oo sanadkii la daabaco.

Barbardhigga gobolka, Soomaaliya waxay ka hooseysaa dalalka deriska ah marka la eego tirada jaamacadaha, xarumaha cilmi, iyo maalgelinta cilmibarista iyo horumarinta. Tusaale ahaan, Kenya waxay leedahay in ka badan 70 jaamacadood oo leh xarumo cilmi-baaris oo qalabaysan iyo nidaamyo horumarineed oo shaqeynaya, halka Ethiopia ay sanadkii 2022 daabacday in ka badan 1,200 maqaal oo cilmiyeed (Nature Index, 2023). Marka loo eego adduunka, wadammada sida Maraykanka, Jarmalka iyo Japan waxay maalgeliyaan cilmi-baarista iyo horumarita qiyaastii 2–3% GDP, halka Soomaaliya aysan weli lahayn xog rasmi ah oo muujinaysa maalgelinta cilmi-baarista iyo horumarita (UNESCO, 2022).

Si kastaba ha ahaatee; waxaa jira koror yar oo cilmi-baaris gudaha ah oo sanadihii u dambeeyay muuqday, gaar ahaan daraasadaha caafimaadka iyo arrimaha bulshada, waxaaa kale oo jiray shirarka cilmiyeed ee ay jaamacadaha iyo hay’adaha caalamiga ah qabteen (UNICEF Somalia, 2024; SoDMA, 2023). Xog-ururinta iyo nidaamka cilmi-baarista Soomaaliya waxaa weli loo baahanyahay in la xoojiyo, iyadoo muhiim ay tahay in la helo maalgelin joogto ah, tababaro xirfadeed, xarumo cilmi oo qalabaysan, iyo hannaan qaran oo xog-ururin ah, si dalka uu ula jaanqaado heerarka gobolka iyo caalamka.

Saamaynta cilmi-baaristu ku leedahay jaamacadaha

Jaamacaduhu waxay leeyihiin door aas-aasi ah, sida waxbarid, cilmi-baaris iyo soo saarista aragtiyo iyo aqoon cusub, hal-abuur iyo curin, faham iyo ka-qaybgal bulsho, iyo adeeg bulsho. Inkastoo waxbaristu ay tahay tan ugu muhiimsan, haddana dad badan oo ka baxsan jaamacadaha si fiican uma fahmaan doorka cilmi-baarista. Arrintani waxay keentay faham-darro ku saabsan sida jaamacaduhu uga gaabiyaan dhiirigelinta cilmi-baarista. Jaamacadaha qaarkood waxay lumiyaan qoondada lacageed ee cilmi-baarista, iyagoo u arka waxbaridda inay tahay shaqada keliya ee jaamacaddu leedahay. Taasi waxay keentay hoos u dhac ku yimaadda wax soosaarka iyo hal-abuurka jaamacadaha, kalsoonida iyo taageerada loo hayo jaamacadaha.

Iyadoo taasi jirto haddana waxaa jira jaamacado dadaal dheeraad ah ku bixiya cilmi-baarista, iyadoo ay jiraan suaalo jawaab u baahan: maxay jaamacaduhu ugu hawlan yihiin cilmi-baaris aan lagu dhaqmayn natiijooyinka kasoo baxa? Yaa ka faa’iideysta? Maxayse muhiim u tahay? Dhammaantood waa su’aalo macquul ah, jawaabahooduna ma adka. Runtu waxay tahay in nidaamka cilmi-baarista jaamacaduhu uu yahay mid si fudud loo fahmi karo, isla markaana leh saameyn aad u weyn.

Ujeeddadu waa in la caddeeyo oo la sharraxo cilmi-baarista jaamacadaha, si loo abuuro faham wanaagsan iyo xiriir xooggan oo u dhexeeya bulshada iyo waxbarashada sare. Arrintani waa mid lama huraan u ah mustaqbalka jaamacadaha.

Jaamacaduhu cilmi-baaris ayay sameeyaan maadaama ay qayb ka tahay himiladooda waxbarasho iyo helidda aqoon cusub, waxaase muhiim ah in la adeegsado oo dowladda iyo ha’yadaha gaarka ahba ku go’aan qaataan xog. Cilmi-baaristu si toos ah iyo si dadbanba waxay u taageertaa waxbaridda, jaamacado badan waxay u arkaan cilmi-baarista iyo aqoon-kororsiga inay yihiin waajibaad muhiim ah, in ay dareemaanna waxy qayb ka noqonaysaa in la hormariyo cilmi-baarista. Xuduudaha u dhexeeya noocyadan cilmi-baariseed way sii baaba’ayaan, taasoo faa’iido u leh fahamka dhibaatooyinka adag ee casriga ah iyo horumarinta culuum isku dhafan, Horumarinta aqoonta, hal-abuurnimada, iyo curinta cusub waa laf-dhabarta horumarka ilbaxnimada iyadoo aan ognahay in jaamacaduhu hoy u yihiin aqoonyahanno, khuburo, iyo dad si wadajir ah uga shaqeeya soo saaridda aqoon cusub.

Doorka Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ee cilmi-Baarista

Dowladda Soomaaliya waxay leedahay mas’uuliyad ku aaddan horumarinta cilmi-baarista waxbarashada sare, hase yeeshee taageeradu waa mid aad u hoosaysa amaba ma jirto. Go’aannada la xiriira waxbarashada, caafimaadka, iyo horumarinta bulshada ayaa weli ku saleysan qiyaas iyo aragtiyo hore, halkii ay ku saleysan lahaayeen xog iyo cilmi sugan (Data-driven decisions).

Heerka Dowladda Federaalka, wasaaradaha sida Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Qorsheynta, iyo wasaarado kale oo farsamo, waxaa laga filayay inay hoggaan u noqdaan dejinta siyaasad qaran oo cilmi-baaris, samaynta xog-ururin rasmi ah, iyo dhiirrigelinta go’aan-qaadasho ku saleysan caddeyn (evidence-based policy). Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqadu waxay tahay in wasaaradaha badankoodu aysan lahayn waaxyo cilmi-baaris oo si buuxda u shaqeeya, cilmi-baareyaal joogto ah, ama miisaaniyad u gaar ah cilmi-baarista. Xogta la adeegsado inta badan waa mid kooban, mararka qaarna waxay ku xiran tahay warbixinno ay diyaariyaan hay’ado caalami ah ama la-taliyayaal dibadeed, taas oo yareyneysa lahaanshaha iyo ku habboonaanta natiijooyinka cilmi-baarista.

Dib-u-furista Jaamacadda umadda Soomaaliyeed (Somali National University) sanadkii 2014 waxay ahayd tillaabo muhiim ah oo muujinaysa rabitaanka dowladda ee soo celinta kaalinteedii tacliinta sare iyo cilmi-baarista. Hase yeeshee, jaamacaddu weli waxay wajahaysaa caqabado la xiriira maalgelin, kaabayaal cilmi-baariseed, iyo awoodda macallimiinta, taas oo xaddidaysa doorkeeda cilmi-baariseed.

Dhanka dowlad-goboleedyada, doorku wuxuu u egyahay kan Dowladda Federaalka, balse mararka qaar wuu ka sii xaddidan yahay. Dowlad-goboleedyadu guud ahaan waxay diiradda saaraan arrimo degdeg ah sida amniga, adeegyada aasaasiga ah, iyo maamulka, halka cilmi-baaristu aysan ka mid ahayn mudnaanta koowaad. Wasaaradaha heer maamul-goboleed badankoodu ma laha nidaam xog-ururin rasmi ah, mana jiraan hay’ado cilmi-baaris oo ay dowlad-goboleedyadu si toos ah u maamulaan ama u maalgelinayaan. Cilmi-baarista laga sameeyo gobollada inta badan waxaa fuliya hay’ado aan dowli ahayn (NGOs), xarumo cilmi-baaris oo madaxbannaan, ama jaamacado gaar loo leeyahay, kuwaas oo inta badan ku shaqeeya ajendayaal deeq-bixiye.

Caqabadaha haysta cilmi-baarista Soomaaliya

Caqabadaha ugu waaweyn ee cilmi-baarista waxbarashada sare ee Soomaaliya inkasta oo ay aad u badanyihiin waxaase ku soo koobi karnaa: b) dhaqaale-xumo, t) kaabayaasha cilmi-baarista oo aad u hooseeya, j) ma jiraan laabab lagu sameeyo cilmi-baarisyada u baahan laabka (experimental studies), x) iskaashi la’aanta ururada cilmi-baarisyada ee ka jira dalka kh) kaadirka Soomaaliyeed ee waqtigiisa geliyay wabarashada iyo cilmi-barista oo kooban marka loo eego wadammada gobolka iyo caalamka, d) tababar la’aan dhinaca xirfadaha cilmi-baarista ee macallimiinta iyo ardayda, r) dhaqan cilmiyeed oo aan si buuxda u dhisnayn iyo s) in mudnaanta la siiyo waxbarid buugta ku saleysan halkii cilmi-baaris dhab ah laga horumarin lahaa.

Fursadaha lagu horumarinkaro cilmi-baarista Soomaaliya

Inkasta oo xaaladda cilmi-baarista ay hoosayso, haddana waxaa jira fursado dhowr ah oo la adeegsan karo: b) Tirada dhalinyarada oo badan waxay ka dhigan tahay awood cilmiyeed cusub oo la horumarin karo, t) tiknoolajiyadda waxay fursad u yihiin jaamacadaha si ay u sameeyaan cilmi-baaris tayo leh.

Shirar cilmi-baaris oo la qabtay ayaa muujiyay in inkastoo caqabado jiraan, haddana ay jiraan dadaallo wax ku ool ah oo lagu horumarin karo cilmi-baarista Soomaaliya. Mashruucyo ku saleysan baahida bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo deegaanka ayaa fursad siinaya jaamacadaha inay noqdaan xarumo aqoon-soo-saar oo wax ku ool ah. Iskaashiga jaamacadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah ayaa sidoo kale dhiirrigelin kara daabacaad cilmiyeed iyo tababarro xirfadeed oo joogto ah.

Talo soo jeedin

Si cilmi-baaristu u noqoto mid wax ku ool ah; maqaalkaan waxa ku soo jeedinayaa tallooyin lagu hormarinkaro cilmi-baarista Soomaaliya: b) jaamacaduhu waa in ay yeeshaan siyaasado cad oo cilmi-baaris, dhisaan joornaallo maxalli ah oo daabaca cilmi-baarista, maalgeliyaan tababarro xirfadeed, dhiirrigeliyaan cilmi-baaris ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee bulshada, isla markaana abuuraan iskaashi u dhexeeya jaamacadaha, dowladda, iyo warshadaha gaarka loo leeyahay. t) in la xoojiyo awoodda dhalinyarada, la adeegsado tiknoolajiyadda casriga ah, lana dhiso xarumo cilmi-baaris oo tayo leh si ay u noqdaan meel lagu ururiyo xogta, tababarradana lagu bixiyo. j) Dowladda Soomaaliya heer federal iyo heer maamul goboleedba waa inay cilmi-baarista dhiirigeliyaan siyaasad qaranna ka yeelatao, waana inay go’aamadeeda ku salaysaa cilmi-baarisyada dhalinyarada iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed samaynayaan.

Gunaanad

Cilmi-baaristu waa mid ka hoosaysa waxbarashada sare ee Soomaaliya sidii la rabay inay ahaato. Iyadoo aan la eegin dadaallada jira, waxaa muhiim ah in la aqoonsado baahida loo qabo maalgelin joogto ah, tababarro xirfadeed, iyo dhisidda kaabayaal cilmiyeed oo tayo leh. Haddii tillaabooyinkan la qaado, cilmi-baaristu waxay noqon kartaa mid wax ku ool ah oo lagu horumarin karo jaamacadaha, bulshada, iyo guud ahaan dalka, waxayna ka dhigi kartaa jaamacadaha hormuudka isbeddelka aqooneed iyo horumarinta bulshada.

Qoraaga
Cabdiraxmaan Maxamuud Saciid
Cabdiraxmaan Maxamuud Saciidwaa Madaxa Waaxda Cilmi-baarista ee Jaamacadda Boosaaso. Sidoo kalena ah bare sare oo leh khibrad ballaaran oo macallinimo. Cabdiraxmaan wuxuu daabacay maqaallo cilmiyeedyo caalami ah, isagoo diiradda saaraya xanuunka (cancer) ka, wacyigelinta talaalka carruurta, iyo iscaabinta bakteeiya samayso oo Soomaaliya ku soo badanaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link