Doorashada dadban: halista kala qaybsanaanta iyo wadajirka bulshada

Laga soo bilaabo 2000 ilaa 2022-kii, Soomaaliya waxa la qabanayey doorashooyin dadban, waxaana dowladadaha lagu soo dhisayay hannaan dadban, taasoo marka ay soo dhawaato xilli-doorasheedka qaran ama kuwa dowlad goboleedyada uu yimaado walwel ku aadan natiijooyinka taban ee ka dhasha doorashada dadban oo saameyn weyn ku yeelata guud ahaan dalka iyo dadka.

In kasta oo aan la soo koobi karin saameynta iyo dhibka ay ku hayso doorashada dadbani bulshada Soomaaliyeed, haddana waxa jira kuwa si toos ah u taabtay hab- dhaqankii soo jireenka ahaa ee bulshada Soomaaliyeed isu maamuli jireen iyo wada noolaashahoodii.

Faaladan waxaan diiradda ku saari doonaa qayb ka mid ah raadadka iyo saameynta taban ee ay doorashada dadbani uga tagto qaab dhismeedka qabaa’ilka, wada noolanshaha iyo wadajirka bulshada guud ahaan.

Doorashada dadban

Doorashada dadbani waa in xilalka masuuliyiinta bulshada metelaysa lagu soo doorto qaab aan toos ahayn, oo u eg xulasho, ayna awooddeeda leeyihiin dad gaar ah sida oday-dhaqameed ama siyaasi gaar ahaan madaxda maamul goboleedyada sidii dhacday 2022-kii, taasoo inta badan ku astaamaysan u sinaan la’aan iyo doonis gaar ah, isla markaana dhalisa muran iyo khilaafyo daba dheraada, doodo badanina ay ka taagan yihiin sharciyaddeeda iyo waxtarkeeda, waxana dad badani u arkaan in ay asaas u tahay caddaalad darrada iyo musuqmaasuqa ku habsaday dalka.

Sooyaalka doorashada dadban

Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta iyo Nabadeynta Soomaaliya ee ay martigelisay dawladda Jabuuti sannadkii 2000, oo ay ka qayb galeen ergooyin ka kala socday beelaha Soomaaliyeed ayaa isku waafaqay in qoondeynta kuraasta baarlamaanka Ku-meel-gaarka ah ee dalka Soomaaliya saldhig looga dhigo hab saami qaybsi beeleed loogu magac daray habka 4.5 (Afar beelood iyo bar). Iyada oo la adeegsanayo habkan ayaa baarlamaankii ugu horreeyey ee Ku-meel gaarka ah, oo ka koobnaa 245 Xildhibaan xilka loo dhaariyey 13-kii Agoosto 2000. Waxana lagu soo dhisay xukuumad ay kamid ahayd qorshayaasheeda, in ay sameyso doorasho loo dhan yahay oo inta badan loo yaqaan doorasho HAL QOF IYO HAL COD (HQHC) si meesha looga saaro nidaamka 4.5.

Labadii xukuumadood ee ka danbeeyey Carta ee ku-meel-gaarka ahaa (2004-2008) iyo (2009- 2012-kii) kuma ay guulaysan in ay waddanka gaarsiiyaan doorasho toos ah, iyada oo lagu jiro dadaalladii dib u dhiska dowladnimada dalka, ayaa sannadkii 2012-kii la ansixiyey Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah (DFKMG), waxana wadanku ka baxay ku-meel-gaarnimadii, waxa kale oo “mudnaanta qaran noqday in Soomaaliya laga hirgeliyo doorasho guud oo ka madax-bannaan qaabka beelaha”, hasa-yeeshe, arrinkaasi ilaa iyo maanta ma hirgelin, waxana saddexdii xilli doorsho ee ka danbeysay 2012-kii lagu galay qaab dad ban oo ay ku heshiiyeen saamileyda siyaasadeed oo ay ugu horeeyaan Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka (MHQ).

Heshiiska doorashada dadban oo marba marka ka danbaysa wax yar laga bedelayey, waxa heshiiskii u horreeyey la siiyey oday dhaqameedkii qabaa’ilka Soomaaliyeed saxiixa xulista, taas oo dhalisay doodo badan iyo cabashooyin joogta ah oo bulsho weynta Soomaaliyeed ka qabto caddaaladda doorashadaas, qaabka qabaa’ilka iyo reeraha loogu qaybiyo iyo nidaamka (4.5)-ka iyo guud haan habka iyo natiijada doorashada dadban.

Saameynta doorshada iyo wadajirka bulshada

Doorashada dadban waxa ay saameyn weyn ku leedahay qaab nololeedka bulshada guud ahaan, waxaana ka dhashay khataro badan oo raad xun ku reebay guud ahaan nolosha bulshada iyo hab-maamulkii qabaa’ilka, wada-jirkii beelaha, nabad-gelyada iyo degenaanta bulshada guud ahaan, raadadka xun ee ay ka tagtay waxaa kamid ah burburka hab maamulkii qabaa’iilka, tusaalewaxa dhacda in badan oo kamid ah oday  dhaqameedka saxiixa leh ay doorteen shakhsiyaad iyaga la jifi ah ama qaraabo dhow la ah, waxa sidoo kale dhacda in marmarka qaar booska la siiyo nin lacag badan sita oo dadkii kale ee la tartami lahaa xulashada (murashaxnimada) laga saaro. Dhacdooyinkaas oo keena in qaybaha kale ee qab’iilka booska wadaaga ay ka soo hor jeestaan isla markaana ay mucaaradeen oday-dhaqameedkii falka ku kacay. Sidoo kale waxaadhacda in qabaa’ilada waaweyni aanay wax metelaad ah ku yeelan xubnaha golaha baalamaanka maamul-goboleedka iyo kan qaranka, waxaana arrinkaas keenay in oday-dhaqmeedyada saxiixa leh ay reero gaar ah u xiraan xubnihii iyaga oo aan ogolayn inay wareegto noqoto sida gobollada qaar kood ka dhacda.

Arrintaas waxa ay keentay in qaybaha bulshada ee helay booska iyo kuwa aan helin metelaadda ama tirsanaaya in caddaalad darro booska loo dhaafiyey ay soo kala dhexgasho cadaawad, isnac iyo is tuhun taas oo burbur ku keenta midnimadii iyo wadajirkii bulshadaas ama qabaa’ilkaas.

Sidoo kale waxaa dhacda in ay keento nabadgelyo daro sida in reerihii ama jifaydii waayey xilka ay ku kacaan falal danbiyeed iyaga oo ku xumeynaaya oday dhaqameedka ay ka tirsanayaan caddaalad darrada ama siyaasiga xilka loo boobay. Waxaa kale oo dhacda in oday dhaqameedkii reerkii magta ka soo ururin kari waayo ama haddii looga soo ergoodo uu awood ku yeelan kari waayo inuu khaladkooda wax ka qabto, taas oo ay ka sii dhalato garnaqsi la’aan, qaan bax la’aan, aanada qabaa’ilka dhexdooda ah oo badata iyo waxyaalo kale oo liddi ku ah nabadda iyo degenaanta.

Qoraaga: Maxamed Siciid Faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *