Kadib burburkii dowladdii Soomaaliya ee 1991-dii, Puntland waxay ka mid noqotay gobolladii ugu horreeyay ee dib u soo nooleeya waxbarashada. Inkasta oo horumar laga sameeyay, haddana waxay weli wajahaysaa caqabado badan.
Haddaba, qormadan waxaan ku eegayaa dhowr caqabadood oo si gaar ah u khuseeya ardayga ku jira fasalka ugu danbeeya ee marxaladda shahaadiga ah ee dugsiga sare. Caqabadahaas oo isugu jira mid ay keentay siyaasadaha kala duwan ee waxbarashada guud ahaan Soomaaliya, mid dhaqaale iyo mid qaabka waxbarista ah.
Culaysyada dhaqaale
Burburkii dowladda dhexe kadib, ma jirto waxbarasho lacag la’aan ah guud ahaan geyiga Soomaaliyeed, taasoo keentay in culayskaas uu ku dhaco waalidiinta oo dhammaan bixiya dhaqaalaha waxbarashada ee heerarka kala duwan.
Lacagta billaha ah oo ah $20 waxaa dheer kharashaad laga qaado imtixaanka billaha ah ee iskuulka $5, iibka buugaagta waxbarashada $33, sawirka iyo imtixaanka shahaadiga $35, shahaadada dugsiga sare ee dowladda Puntland $35, shahaadada federaalka haddii uu u baahdo $30, iyo tasdiiqinta Wasaaradda Arimaha Dibadda Federaalka $20, oo marka dhammaan kharashaadkaas la isku daro noqonaysa $393.
Lacagtaas waa kharashka ku baxaya hal arday sanadka ugu danbeeya ee shahaadiga ah. Marka shahaadada Federaalka laga reebona waxay isku noqonaysa $340. Haddaba sidee buu noqonayaa qoyska labo arday ay u dhiganayso ama ka badan! Waa culays aad u weyn oo dul saaran qoysaska Soomaaliyeeed oo xilligan kunool dal uu dhaqaalihiisu burbursan yahay, sicir barar jiro, Shilin Soomaaligii oo meesha ka baxay, shaqo la’aan baahsan. Waalidku waa in uu bixiyaa dhaqaalahaas oo ay u dheertahay noloshii kale, si uu ilmahiisa uga baaqsado tahriib, ka faa’iideysi amni xumo, waxaa se isweydiin mudan, xaggee ka keenayaa?.
Sidaas oo ay tahay, waxa dhacda mararka qaarkood in ardayda ay u baahato shahaadada federaalku aysan si fudud ku helin oo ay wakhti ku qaadato ama laga xanniboba. Kuwaas oo u badan ardayda geleysa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ama kuwa raba in ay dibadda waxbarasho u doontaan.
Kala duwanaanta siyaasadaha waxbarasho
Maadaama isu socodka bulshada Soomaaliyeed uu caadi yahay, lagana yaabo in qoys u guuraan degaan kale oo Soomaaliyeed, waxaa ardayda saamayn ku yeelata kala duwanaanta manhajka iyo siyaasadda waxbarasho.
Waxan tusaale u soo qaadanayaa sida ay siyaasadaha is khilaafsani saamaynta taban ugu leeyihiin hannaanka waxbarasho.
Federaalka oo shahaadada dugsiyada sare bixisa, waxay derejooyinka Imtixaanka shahaadiga ah u qaybisay sidan:-

Sida ka muuqata derejada “D” ardayga keena waa uu dhacay, waana inta u dhaxaysa 40-49. Dhanka Puntland, waxay u qaybisay derejada natiijada imtixaanka shahaadiga ah sidan:-

U fiirso derejada “D” ardayga keena waa uu gudbey, wuxuna keenay inta u dhaxaysa 56-52.99.
Ardaygaasi marka uu damco inuu shahaado federaal helo, ma helayo sababtuna waxay ka dhigan tahay arday dhacay oo shahaado gudbid ah raadinaya.
Waxa jira gobollo Puntland ah oo Somaliland saamayn ku leedahay dhanka waxbarashada tusaale ahaan gobollada Sanaag iyo Haylaan, oo arday badani labo imtixaan oo shahaadi ah galaan, dhaqaalena kaga sii kordhayo. Sidaas darteedna ay saamayn toos ah ku leeyihiin federaalka, Puntland iyo Somaliland.
Waxa jira kala duwanaansho maaddooyinka Juqraafiga iyo Taariikhda oo laga yaabo in maamul walba si gaar ah u akhriyo taariikhda Soomaalida ama uu si gaar ah u yaqaan qeexidda kelmedda “DALKA”. Waxbarashadana waxa ugu weyn ee yoolkeedu yahay xaqiijinta arimaha ay ka mid yihiin xoojinta aqoonsiga wadaniyadeed, xoojinta taariikhda iyo dareenka wadan jacayl iyo ilaalinta midnimadiisa.
Dhibbaatooyinka qaabka waxbarista
Waxbarashadu waa shaqo baaxad weyn oo u baahan maamul iyo hagid fiican, bare tababaran oo si habboon u fulin kara yoolalka waxbarashada, manhaj daabacan oo lagu saleeyey baahida la qabo iyo wakhtiga, kaas oo wata hageyaashii macallinka.
Dhibaatooyinka waxbarasho oo Puntland ka jira waxaa kamid ah tababar la’aan bareyaasha haysata, manhajka oo ka badan xilli dugsiyeedka, manhajka oo aanu la socon hagaha macallinku, iyo agab yarida dugsiyada. Sidoo kale waxaan la qarin karin in xarumaha waxbarashada aysan siin macalimiinta mushahaar ku filan taasoo keenaysa in macalimiinta leh xirfado waxbarid, aqoon xagga maaddada, iyo waayo-aragnimo la xiriirta baridda, ay ka door bidaan macalinimada shaqooyin kale oo dhaqaale ahaan ka wanaagsan.
Sanadihii u dambeeyay, qoysas badan gaar ahaan dadka dakhligoodu dheex-dhexaadka yahay iyo kuwa sareba, ayaa ka guuray Puntland una wareegay dalal ay kamidyihiin Kiinya, Ugaandha iyo Masar si ay carruurtooda ugu helaan waxbarasho tayo leh. Arrintani waxay salka ku haysaa baahida loo qabo iskuullo tayo sare leh oo soo saari kara jiil leh aqoon la jaanqaadi karta nidaamyada waxbarasho ee dalalka deriska la ah Soomaaliya, maadaama aysan Puntland ka jirin iskuullo buuxiya shuruudahaas.
Warqad-cilmiyeed uu qoray Dr. Maxamuud Hoori oo uu daabacay machadka cilmi-baarista SIDRA ee fadhigiisu yahay Garoowe sanadkii 2024-ka ayaa soo jeedinaysa in gabi ahaanba wax laga bedelo falsafada ay ku dhisan tahay waxbarashada Soomaaliya iyo qaabka wax loo dhigo, wax loo barto, ama lagu qiimeeyo aqoonta iyo barashada ardayda.
Dr. Maxamuud Hoori wuxuu ku sheegay warqad-cilmiyeedkiisa in horumarka baaxadda leh ee tiknoolajiyada iyo aqoonta ee dunida oo dhan maasheeyey ay khasbayso in isbedel qoto-dheer lagu sameeyo hab-ka fikirka, kobcinta garaadka, iyo xirfadaha jiilka soo koraya si loogu diyaariyo in ay yeeshaan aqoonta iyo xirfadaha baahida weyn loo qabo ee la jaanqaadi kara isbedelka tiknoolajiya iyo suuqa shaqada. Isbedelkaasi wuxuu keenayaa in laga guuro manhajkii iyo nidaamkii waxbarasho ee qadiimka ahaa, loona guuro nidaam hor leh oo ku dhisan karti-aqooneed iyo kasbasho xirfadaha daruuriga u ah nolosha iyo suuqa shaqada.
Qoraaga: Maxamuud Ciyoon