Dhibaatada shaqo la’aanta ee dhallinyarada Puntland: Ma Maamul-xumo mise moogaan siyaasadeed?

Shaqo la’aanta dhallinyaradu waa arrin adag oo laga eegi karo dhinacyo kala duwan, waxaana dalal kala duwan ay u sameeyeen qeexitaanno ku saleysan baahiyahooda. Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) wuxuu shaqo la’aanta dhallinyarada ku qeexay inay tahay boqolkiiba dadka da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 29 jir ee diyaar u ah inay shaqeeyaan, balse aan helin shaqo. Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarka (OECD) wuxuu ku xaddiday shaqo la’aanta dhallinyarada inay tahay dadka 24 sano jira iyo wixii ka yar ee muddo afar toddobaad ah si firfircoon shaqo u raadinayay.

Erayga “dhallinyaro” guud ahaan wuxuu tilmaamayaa xilliga qofka uu ka soo baxayo carruurnimada kuna socdo qof wayn. Qeexitaankan waa lagu kala duwanaan karaa iyadoo ku saleysan dhaqammada, siyaasadaha, iyo xaaladaha dhaqaale ee dalalka, taasoo ka dhigaysa mid adag in la helo qeexitaan guud oo si joogto ah loogu isticmaalo. Tusaale ahaan, Axdiga Dhallinyarada Afrika wuxuu qaadanayaa qeexitaan ballaaran, isagoo dhallinyarnimada ku koobaya dadka da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 34 sano.

Puntland oo ah maamul goboleed katirsan dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo la asaasay sanadkii 1998-dii ayaa leh bulso badan oo dhallinyaro ah, iyadoo ay da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 35-sanno jir, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday UNDP 2021-kii. Walow kumanaan dhallinyaro ah ay ka baxeen jaamacadaha maxaliga ah iyo kuwa dibada, intooda badan ayaa wajahaya caqabad ah sidii ay u heli lahaayeen shaqo.

Daraasado kala duwan oo Puntland laga sameeyay intii u dhaxaysay 2019-kii ilaa 2022-kii ayaa muujinaya in heerka shaqo la’aanta haysata dhallinyarada Puntland ay gaarsiisantahay qiyaastii 50%, taasoo muujinaysa in kala bar dhallinyarada ay shaqo la’aan yihiin. Sidoo kale sahanka shaqaalaha oo markii ugu horeysay Wasaaradda Qorshaynta Puntland samaysay oo la daabacay sanadkii 2020-kii, ayaa lagu sheegay in 22% dhallinyarada da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 29-sanno oo ku sugan magaalooyinka Puntland ay shaqo la’aan yihiin.

Maxaa sabab u ah shaqo la’aanta dhallinyarada Puntland

Inkastoo daraasadaha laga sameeyay shaqo la’aanta dhallinyarada Puntland ay is-khilaafsan yihiin marka la eego heerka boqolkiiba ee la xusay, haddana waxaa jirta xaqiiqo ah in xaalado dhaqaale xumo oo soo wajahday gobolka sanadihii u dambeeyay sida caabuqii Covid-19 uu sababay in fursado shaqo oo badan meesha ka baxaan. Sidoo kale, dhimashada Shillin Soomaaliga ayaa la aaminsan yahay inay gacan ka geysatay hoos u dhac dhaqaale oo saameyn ku yeeshay suuqyada iyo nolosha dadka.

Sida ay muujinayaan daraasado kala duwan, shaqo la’aanta dhallinyarada Puntland waxa ay salka ku haysaa sababo dhowr ah, kuwaas oo ay kamid yihiin fursadaha shaqo ee kooban iyo maamulka Puntland oo weli aan hirgelin qorshe cad oo ku aaddan shaqo abuurka dhallinyarada. Tusaale ahaan, ma jiraan barnaamijyo dowladeed oo si gaar ah loogu talagalay shaqo gelinta dhallinyarada.

Puntland kama jiraan xarumo ganacsi oo waaweyn sida warshado, kuwaas oo fursado shaqo u abuuri lahaa dhallinyarada. Tani waxay si toos ah sabab ugu tahay fursadaha shaqo ee xaddidan iyo tirada kooban ee shaqooyinka la heli karo, taasoo ka dhigaysa helitaanka shaqo mid aad u adag. Intaa waxaa dheer, goobaha yar ee shaqada laga helo ee Puntland ka jira ayaa badankood aan shaqaalaha ku xulan aqoontooda iyo khibradooda, balse lagu saleeyaa dano kale oo aan xirfad ku dhisnayn sida eex iyo qabyaalad. Arrintan ayaa horseeday in dhallinyaro badan ay ka niyad jabaaan nolosha gudaha, isla markaana ay u hayaamaan deegaanada kale sida Muqdsiho ama dibadda si ay u raadsadaan nolol dhaanta.

Hay’adaha dowladda Puntland weli ma aysan samayn dadaallo muuqda oo ballaaran oo lagu abuuro shaqooyin rasmi ah oo dhallinyarada u gaar ah. Inta badan hay’adahaasi ma lahan barnaamijyo qorshaysan oo si toos ah shaqo-abuur ugu sameeya dhallinyarada, taasoo keentay in kororka shaqo la’aanta uu si joogto ah u sii bato.

Maamul-xumada iyo musuqmaasuqa baahsan ee ka jira Puntland ayaa ah caqabad weyn oo hortaagan abuurista shaqooyin dhallinyarada. Siyaasiyiin aan dan ka lahayn danta guud ayaa si xun u maamulay khayraadka deegaanka, taasoo curyaamisay horumarka dhaqaale iyo koboca fursadaha shaqo. Natiijada arrintan ayaa ah in dhallinyaradii soo qalinjabisay ay la kulmaan shaqo la’aan baahsan, iyadoo musuqmaasuqa iyo ku takrifalka hantida dadweynuhu ay si toos ah u saameeyeen suuqii shaqada.

Is-bedel la’aantii madaxtinimada Puntland ka dhacday ayaa qeyb weyn ka ah shaqo la’aanta dhallinyarada haysata, sababtoo ah isbedelku waxa uu keenaa qorshayaal cusub iyo jihada siyaasadeed ee horumarinta bulshada, taasoo si toos ah u saameysa fursadaha shaqo ee dhallinyarada, iyadoo haddii aan la helin qorshe joogto ah iyo hogaamin xasilloon, horumarinta shaqooyinka aysan suurto gal ahayn. Sidoo kale, xukuumadda Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ay soo saartay 2024-kii ku sheegtay in ilaa amar dambe ha’yadaha dowladda aysan shaqaale qori Karin, iyadoo aan la sheegin sababta.

Sidoo kale, nidaamka waxbarashada ee ka jira Puntland ayaa door weyn ku leh shaqo la’aanta dhallinyarada. Waxbarashadu inta badan waxay diiradda saartaa barashada xirfado xafiiseed, halka ay si aad u yar u tixgeliso xirfadaha farsamada gacanta iyo hal-abuurka shaqo. Daraasado kala duwan ayaa muujinaya in ay jirto is-waafaq la’aan u dhaxaysa xirfadaha ay ardaydu bartaan iyo baahiyaha dhabta ah ee suuqa shaqada, gaar ahaan waaxyaha wax-soo-saarka dhaqaalaha. Kala fogaanshahan ayaa noqday caqabad weyn oo si toos ah u sababta shaqo la’aanta dhallinyarada Puntland.

Sababaha suuragalka ah ee keena jahwareerkan waxaa ka mid ah in dhallinyarada Puntland ay aragti khaldan ka haystaan beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, iyo waaxaha kale ee wax-soosaarka. Sidoo kale, nidaamka waxbarashada Puntland ayaa si joogto ah ugu guuldarraystay inuu diyaariyo dhallinyaro leh xirfado aqooneed oo ku habboon shaqooyin faa’iido leh. Waxaana la yaab leh in dhallinyarada yar ee soo barta culuumtan aysan ka faa’iidayn cilmiga ay barteen, balse badankood ay ka doorbidaan shaqooyinka xafiisyada dowladeed iyo ha’yadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.

Ugu dambeyn, joojintii Madaxweyne Donald Trump ee gargaarka dibadda ee Maraykanku bixiyo waxay sababtay in ha’yado badan oo caalami ah oo kuyaala Puntland ay xirmaan ama yareeyaan shaqaalahooda. Arrintan waxay si toos ah u saameysay boqolaal dhallinyaro ah oo ka shaqeyn jiray ha’yadahaas, taasoo sii kordhisay dhallinyarada shaqo la’aanta ah.

Sidee loo xallin karaa shaqo la’aanta dhallinyarada?

Xaaladda shaqo la’aanta dhallinyarada Puntland ayaa haatan maraysa heer sare oo walaac leh, taasoo keentay in dhallinyaro badan oo wax soo bartay ka hayaamaan Puntland, sidaas darteed, waxaa muhiim ah in madaxda Puntland ee maanta xilka haya ay si dhab ah uga fikiraan sidii dhallinyarada loogu abuuri lahaa shqo iyadoo loo marayo qorsheyaal wax ku ool ah oo degdeg ah.

Waxaana muhiim ah in degdeg loo sameeyo qodobadan hoose si wax looga qabto arrintan:

  1. Waxaa muhiim ah in la xoojiyo maalgashiga gudaha si loo abuuro fursado shaqo. Dowladda iyo hay’adaha maaliyadeed waa in ay sameeyaan dhiirrigelin ganacsi oo loogu talagalay inay dhallinyaradu ku maalgeliso mashaariicda iyo ganacsiyada cusub.
  2. Waa in la kobciyo fursado xirfadeed iyo tababaro la xiriira suuqa shaqada si dhallinyarada loogu diyaariyo xirfadaha loo baahan yahay. Barnaamijyada tababarka xirfadaha gacanta iyo farsamada, iyo kuwa teknolojiyada, oo ka caawin kara dhallinyarada inay helaan shaqooyin faa’iido leh.
  3. Waa in la sameeyo siyaasado taageero u ah ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexe, iyo fududeynta hababka sharci ee maalgashiga iyo ganacsiga, oo dhallinyarada ka caawin kara inay fursado shaqo abuurtaan.
  4. Waa in dowladdau ay la gaashato shirkadaha waaweyn iyo hay’adaha caalamiga ah si ay u abuuraan mashaariic waaweyn oo shaqo abuur ah, iyadoo sidoo kale la dhiirrigelinayo shirkadaha maxalliga ah inay shaqooyin cusub abuuraan.
  5. In dhallinyarada laga taageero inay bilaabaan ganacsi ama barnaamijyo hal-abuurnimo ah oo ka jawaabaya baahiyaha bulshada, taasoo abuuri karta fursado shaqo oo cusub.
  6. In la sameeyo barnaamijyo dhiirrigeliya shaqo abuurka dhallinyarada, sida deeqo iyo amaahyo fudud oo loogu talagalay inay ku bilaabaan mashaariic, waxay abuuri kartaa fursado shaqo iyo horumar.
  7. In bulshada iyo dhallinyarada si joogto ah loogu wacyigeliyo fursadaha shaqo ee jira, tusaale ahaan shaqooyinka farsamada gacanta.

Qoraaga: Siciid Abshir Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *