Hordhac
Qoraal uu Wasiir Cabdi Faarax Juxa soo dhigay bartiisa Facebook-ga 16-kii May 2025-ka ayuu cinwaan uga dhigay: “Dhammaadka Jamhuuriyaddii 3-aad iyo bilowga Jamhuuriyaddii 4-aad oo Confederal ah”, wuxuuna qoraalkiisa ku yiri: “Xashan Shiikh Maxamuud (XSM), wuxuu ku suntanyahay architect-ga iyo aabbaha burburinta hannaanka Federaaliga ah ee dagaalkii sokeeye kadib lagu heshiiyey. Muddo xileedkiisii 1-aad ee 2012 ayuu Madaxweyne XSM aragtida Federaal diidka ah bilaabay oo is-hortaagay dhismihii maamul goboleedka Jubbaland, waxaana halkeedii kasii waday markii dambe Madaxweyne Farmaajo 2016-2022 oo bilaabay inuu tuuro Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada xilligaas”.
Gabagabadii, wasiirku wuxuu qoraalkiisa kusoo afmeeray sidan: “Ugu dambayn, Confederal-ku waa jawaabta iyo xalka dhalashada Jamhuuriyadda 4-aad ee Dawlad-dhiska Soomaaliya, wuxuuna is waafajinayaa 3-dii aragtiyood ee doodda dawlad-dhiska Soomaaliya ee kala ahaa: A) Kala go-Somaliland B) Federal-Puntland C) Hannaan dhexe-Soomaaliya. Saddexdaas aragtiyood iyo saddexdii dhinac ee loollamayey ee Puntland, Somaliland iyo Soomaaliya waxay ku midoobi karaan hannaanka Confederal- ka oo noqon kar mid usha iyo miisaanka dhexda dhiga.”
Qoraalkaas, waxaan oran karaa waa aragti u gaar ah Wasiir Juxa oo uu in muddo ahba riixayay, goobo fara badanna uu kaga hadlay “Nuclear option” iyo erayo la mid ah, waa aragti fog oo xagjirnimo ku dahaarantahay, waana qoraal dhiirrigelinaya in Soomaali kala go’do, sii kala fogaato, Puntland oo hormuud u ahayd halgalkii gobannima-doonka, iyo gumaysiga oo laga xoroobana, ugu gacan-haatinaya inay Soomaali ka go’do oo ay gooni u baxdo.
Qoraallada noocaan oo kala ahi waxay abuurayaan dad u fakara sida Maraykanka cad oo uu Trump hor boodayo, aaminsan cunsuriyad, umana qalanto Puntland oo 27 sano jirsatay, horseedna u ahayd, dib u dhiska dowladnimada, nidaamka federaalka iyo doorashooyinka golayaasha deegaanka inay maanta kasoo ifbaxdo fikrado xagjir ah oo Soomaali sii kala fogaynaysa.
Yagleeliddii Jamhuuriyaddii 3-aad ee Soomaaliya
Jamhuuriyaddii 3-aad ee Soomaaliya, waxaa dhismaheeda loo maray dadaal dheer oo muddo 10 sano ku dhow la dhaad-dhaadayay, 14 shir oo ka dhacay dalka dibaddiisa, waxaa lagu soo afmeeray shirkii Carta oo sanadkii 2000 lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, kaasoo dhidibbada loogu taagay dowladnimadii Soomaaliya ee burburtay, waxaana saldhig looga dhigay nidaamka federaalka si laysugu hayo bulshada Soomaaliyeed oo ku kala irdhooday dagaalladii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay burburkii dowladda dhexe kadib.
Soomaalidu waxay sharci ahaan iyo siyaasad ahaan ugu heshiiyeen inay qaataan nidaam federaal ah, balse intay wada fariisteen islama ay meel dhigin qaabkii loogu dhaqmi lahaa nidaamka federaalka ah, taasoo keentay in khilaaf joogta ah yimaado. Dunida kama jiro federaal isku nooc ah ama hal qaab ah, balse qolo walba siday ugu heshiiyaan ayay ugu dhaqmaan.
Waa maxay Confederal?
Confederal waa dowlado kala madax-bannaan oo si tadawuc ah u samaysta madal ay ku midoobaan oo wax ka qabta qadayidaha muhiimka ah oo ka dhexeeya sida: difaaca wadaagga ah, xiriirka arrimaha dibadda, ganacsiga oo laysku furo, isu-socodka iwm. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa Midowga Yurub (EU) oo ah dowlado madax bannaan dhammaantood, balse wadaaga arrimaha qaarkood.
Soomaaliya maanta uma baahna in la kala gooyo, Confederal loo gacan-haatiyo, dowlad-goboleed walbaana gaar u baxdo, balse waxaa habboon in madaxda Soomaalidu ka shaqeeyaan sidii Soomaali laysugu soo dhawayn lahaa, cidda maqan loo raadin lahaa, waxa maamul ahaan iyo siyaasad ahaan ka khaldanna loo sixi lahaa; si loo taabagaliyo dowlad xooggan oo hay’adaheeda dastuuriga ahina u dhamaystiran yihiin.
Cadowga Soomaalida ee soo jireenka ah
Soomaalidu cadow badan ayay leedahay, kaasoo raadinaya inay noqoto dowlado yaryar oo si fudud loo muquunin karo, dabadeedna khayraadka iyo dalkaba loola wareego. Waxaa la wada ogsoon yahay hagardaamada gumaystihii caddaanka ahaa ee Ingiriiska iyo Talyaaniga, kaasoo dhulka Soomaalida shan qaybood u qaybiyay, labadii midowday iyo Jabuuti oo dolwad xor ah noqotay mooyee, labadii kale waxaa lagu kala daray Kiinya iyo Itoobiya.
Waxaa taariikhda ku cad in Itoobiya ay dhulka Soomaalida weligeed duullaan ku ahayd, waxay goob-joog ahayd qaybsigii Afrika ee ka dhacay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka muddadii u dhaxaysay 1884-1895-tii, waxaa gumaystaha Ingiriisku ku wareejiyey dhulka Soomaalida degto ee loo yaqaan Soomaali Galbeed sanadihii 1944-tii iyo 1954-tii.
Marwalba Itoobiya indhaha ayay ku haysay xeebaha Soomaalida, Menelik oo ahaa Boqorkii Shawa ee Itoobiya ayaa warqad u qoray madaxda Talyaaniga, Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska isagoo ka cabanaya gacan ku haynta Muslimiinta ee dhulka ku teedsan xeebta, taasoo fure u ah Marinka Babel Mandab, sida Xaafuun iyo Saylac, waxayna ka xireen in Itoobiyo hesho marin biyood ganacsigu usoo maro, wuxuuna isla warqaddaas ku beerlaxawsaday inuu yahay Kirishtaan ayaga la mid ah. (Which way to the Sea, please? Horn of Africa Journal: Oct/Dec 1978).
Damaca Itoobiya waxaa kaloo tusaya warqadda uu Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Weld Forester 10-kii bisha November 1947-dii u qoray Bevin oo ka tirsanaa madaxda dawladda Ingiriiska, asagoo leh: “Waxaan wax badan sugeyney in naloo soo celiyoo dekadahayagii qadiimiga ahaa si markale calankayagu uga babado badaha adduunka. Ilaa iyo intii shisheeyuhu qabsaday dhulkayaga Eritrea iyo Italian Somaliland, waxaan sugaynay in loo soo celiyo dalkoodii hooyo ee Itoobiya. Inkastoo la wada ogsoon yahay in labadaas gobol ay ka tirsanaan jireen Itoobiya, haddana waxay in badan ku jireen gacan shisheeye”. (Taariikhda Soomaalida iyo Tartanka Qabiilka: 2010).
Warqaddaan oo laga helay maktabadaha Ingiriiska, waxay markhaati ka tahay in Itoobiya weligeed ku taamaysey inay la wareegto dhammaan dhulka Soomaalida.
Bishii Janaayo 2024-kii, madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Itoobiya la saxiixday heshiis isfaham kaasoo Itoobiya siinaya marin badeed 20 km oo biyaha Badda Cas ee xeebaha Somaliland, taasoo dibada u soo saartay damacii mudada dheer ee Itoobiya oo ah dal aan lahayn bad (landlocked) ay ku doonaysay in ay hesho marin biyood kadib markii ay lumisay marin badeedkeedii 1993-dii markii Eritrea ay ka go’day oo ay noqotay dal madax-bannaan.
Dhinaca kale; waxaa Soomaalidu halgan dheer u galeen inay heeryada gumaysiga iska dul-qaadaan, dalkoodana cadowg ka xoraystaan, Sayid Maxamed ayaa dhammaadkii qarnigii 19-aad bilaabay halgan gobannima-doon ah oo uu doonayay in dalka looga xoreeyo gumaystaha caddaanka ah ee kusoo duulay, wuxuuna abaabulay halgamayaashii la magac baxay Daraawiish oo Ingiriiska dharbaaxooyin lama illaawaan ah gaarsiiyay.
Waxaa sidoo kale xoraynta dalka Soomaaliya naf iyo maalba u huray dhallinyaradii SYL, kuwaasoo dalka oo dhan ka abuuray dhaqdhaqaaq gobannimadoon ah oo ku baahay dhammaan deegaannada Soomaalida, wuxuuna halgankaasi socday ilaa la gaaray xornimo dhamaystiran 1-dii Luuliyo sanadkii 1960-kii.
Ugu dambayntii, aragtida cusub (Confederal) ee Wasiir Juxa soo bandhigay maaha mid u adeegaysa wadajirka, midnimada iyo isku haynta bulshada Soomaaliyeed oo ay kalsooni darrada xooggani dhextaallo, una baahan in laysku soo dhaweeyo, khilaafaadka dhexyaallana xal loo raadiyo, dowlad xooggan oo ay heshiis ku yihiinna loo dhiso.
Waxaa habboon inaan la nimaano aragti hoggaamineed oo wax dhisaysa, xoojinaysa Qarannimada Soomaaliyeed iyo nidaamka federaalka ah ee lagu heshiiyay, si cilmi ahna uga hortagaysa aragtiyaha u sacab tumaya dowlad dhexe oo awoodaha oo dhan maroorsata.
Soomaaliya ha noolaato.
Dr. Maxamed Cali Faarax