CAQABADAHA KU GEDAAMAN WAXBARASHADA AASAASIGA AH EE PUNTLAND IYO SIYAAABAHA LOO XALIN KARO

Hordhac

Waa arrin laysku wada raacsan yahay muhiimada waxbarashada aasaasiga ay u leedahay caruurta, taas oo ah in cunug/ilma kasta uu xaq u leeyahay in uu helo waxbarasho tayo leh oo la saanqaadaysa baahidiisa iyo nolashiisa.Iyada oo laga duulayo arrintaas, dugsiyada aasaasiga ah waxa ay maanta ka furan yihiin deegaano badan oo kuyaala Puntland iyo dhammaan deegaanada kale ee Soomaaliya, hase yeeshee waxaa dugsiyadaas ka faa’iideysta in ka yar saddex-meelood (32.97% Puntland, 31% Soomaaliya). Caruurta dugsiyada dhigata ayaan helin waxbarasho leh tayada laga filayey, oo garwadeen u noqon karta hayaanka waxbarasho ee ardayda. Akhir-qorista afka iyo aasaaska xisaabta oo saldhig u ah barashada dugsiyada hoose ayaa ah mid aad u hoosaysa, taasoo ah meelaha laga qiyaaso natiijooyinka waxbarashada. Sida ay qoreen qiimeyno lagu sameeyey waxbarashada Puntland, waxaa hoosaysa akhris-qorista af-ka iyo xisaabta aasaasiga ee ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe. Sida ay Soomaalidu ay horey u tiri, “Alif wixii ku qaloocday Al-baqra kuma toosaan” taas oo ah in loo baahan yahay in aasaaska akhris-qorista afka iyo aasaaska xisaabta ay ku toosaan fasalada hore ee waxbarashada aasaasiga ah. Waxaa jira caqabado badan oo sababay hooseynta tayada waxbarashada guud ahaan Soomaaliya, kuwaas oo qaar ka mid ah, aan kaga hadli doono qoraalkan.

Milicsiga taariikhda waxbarashada Puntland

Puntland waxay ahayd meelihii ugu horeyey ee dib looga yagleeyey waxbarashada aasaasiga, ka dib burburkii dalka, taasoo ay hormuud u ahaayeen dad iskood isku abuubulay si ay u buuxiyaan kaalinta waxbarashada ee ay bulshadu u baahnayd. Xilligaas waxa ay inta badan dugsiyadu ku koobnaayeen magaalooyinka waaweyn oo keliya. Waxbarashadu waxay ahayd mid ku salaysan xaalada degdeg ah (emergency education), madaama uusan jirin manhaj mideysan, macallin tababaran, dhisme dugsi u qaabaysan iyo waxbarasho isku xiran oo hal meel ah laga maamulo. Dugsiyadii ugu horeyey ee ilaa maanta jira waxaa ka mid ah Al-Waaxa (Garoowe), Nawaawi (Boosaaso, ka dib meelo kale) iyo Shaafici (Boosaaso), kuwaas oo la furey horaantii 90-kii. Sidoo kale waxaa iyana la furey dugsiyadii dowlada, oo maamulo ka jiray xilligaas gobolada ay garwadeen ka ahaayeen. Dugsiyadii ugu horey ee ka qayb galay imtixaanka naqliga ah ee fasalka afraad (2003), waxa ay ahaayeen Cumar Samatar (Gaalkacyo), Muuse Yuusuf (Laascaanood), Gambool(Garoowe), Shiikh Cismaan (Qardho) iyo dugsiga sare ee Boosaaso (Boosaaso). Dugsiga Al-muntada ee magaalooyinka Qardho iyo Buurtinle ayaa ka mid ah dugsiyadii sare la furay ka hor 2000. Sannadkii 1998, tirada ardayda dugsiyada hoose/dhexe, waxa ay ahayd 31, 420 arday(11%) (UNICEF 1998). Sidoo kale, 1999, gobolka Nugaal, waxaa ka furnaa 14 dusgi oo ay dhiganayeen 2,065 arday. Arrimahaasi, waxa ay muujinaysaa heerka ay waxbarashu joogtay xilligaas.

Intii uu dhisnaa maamulka Puntland, waxa jira waxyaabo badan oo laga qabtay waxbarashada, sida mideynta manhajka, qorista iyo daabacaada buuggaagta dugsiyada, samaynta siyaasadaha iyo sharciyada waxbarashada, dhismayaasha dugsiyada, xogta waxbarashada (EMIS), tababarada macallimiinta iyo waxyaabo kale oo badan. Waxyaabaha ay waxbarashada Puntland horseedka u ahayd waxaa ka mid ahaa qaadista imtixaanka fasalada sideedaad iyo 12-aad, iyo xogta waxbarashada. Dowlada Federaalka markii ugu horeysay ay bilowday imtixaanka iyo uruurinta xogta waxaa gacan ka gaystay qaar ka mid shaqaalihii Puntland ee dhinaca imtixaanka iyo xogta waxbarashada. Tirada ardayda iyo dugsiya ayaa si aad ah kor ugu kacay(31,420 arday 1998, ilaa 235,129 arday 2024) (EMIS, Puntland, 2024. Hase yeeshee, boqolayda tirada ardayda dugsiyada hoose/dhexe ayaa weli aad u hoosaysa, taas oo ahayd 32.97% sannadkii 2024 (EMIS, Puntland, 2024). Hase yeeshee, dadaalkaasi ma daboolin baahidii waxbarashada ee jirtay dhinacyada tirada iyo tayada.

Caqabadaha

Waxaa jira caqabado badan oo ka qayb qaatay hooseynta tayada waxbarashada dugsiyada aasaasiga ah oo saldhig u ah guusha waxbarashada ka dambaysa dugsiga hoose/dhexe. Qormadaan waxa aan ku soo qaadanaynaa dhowr caqabadood oo waaweyn:

  1. Awoodda wasaaradda: Waxbarashada oo aan si buuxda u taabo gelin: Sida caadiga ah wasaaradaha waxbrashadu waxa ay leeyihiin labo awoodood oo ay ku maamulaan tayaynta iyo taabo-gelinta waxbarashada, kuwaas oo kala ah awooda siyaasadeed ee fulinta shariciyada, halbeegyada iyo siyaasadaha waxbarashada. Tusaale, ahaan waxaa qoran halbeeg aasaasiga ah ee lagu cabiro haboonaanta goobta waxbarashada, hase yeeshee dugsiyo badan ayaan buuxin karin shuruudaha laga rabo goobta waxbarashada. Awooda kale ee ay wasaaradda waxbarashadu adeegsato waa dhaqaalaha, taas oo ah shidaalka dhaqaajinaya cududa shaqada. Labadaas awoodood ayaan si buuxda u shaqayn. Arrintaasi waa tan saldhiga u ah dhammaan caqabadaha kale oo dhan.  
  2.  Afka waxbarashada: Horey waxaa Puntland uga jiray, in ardayda dugsiyada hoose/dhexe ay wax ku bartaan saddex af oo kala ah, Soomaali, Carabi iyo Ingiriis (Medium of Instruction). Wasaaradda waxbarashada ayaa horaantii sannadkii 2015, qabatay shir ay ku doonaysay in waxbarashada aasaasiga ah lagu barto afka hooyo, hase yeeshee cadaadis ka yimi xagga dugsiyada, ayaa markii dambe keenay in wax lagu barto af Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska. Hadda, dhammaan dugsiyadii wax ku baran jiray afka Carabiga waxay u guureen afka Ingiriiska hal maalin. Tusaale ahaan arday fasalka 6-aad wax loogu dhigayey af Carabi, ayaa sannadkii xigey wax loogu dhigay afka Ingiriiska, iyadoo aysan jirin waqti kala guur, macallimiinta oo lagu tababaro afka waxbarashada iyo ardayda aan la kobcin akhris-qoraalka afka ay wax ku baranayaan. Su’aasha is weydiinta mudan, waxa ay tahay sidee ardaygu wax ugu baran karaa, af uusan wax ku qori karin, fahmi karin oo uusan akhrin karin? Waxa kale oo su’aali ka jirtay, macallinku awood ma u leeyahay in uu afka Ingiriiska wax ku dhigo, isaga oo aan la tababarin? Nin ka mid ah, kormeerayaasha dugsiyada Puntland, ayaa ii sheegay, in dugsi uu booqday, labo sanno oo isku xigta la kulmay, macallin af Carabi ku dhigaya maadada sayniska, sannadkii dambana ku dhigaya af Ingiriisi, haddana aqoonta uu u leeyahay labada luqadood aysan wanaagsanayn. Waxa kale oo lays weydiin karaa dalka ma ka jirtaa kulliyad tababarka macallimiinta afka Ingiriiska ka dhiga dugsiyada hoose/dhexe ka hor inta aysan shaqada macallinimada bilaabin? Arrintani waxa ay abuurtay in arday badani aysan fahmin waxa loo dhigay, hoosaynta dhibcaha ardayda iyo ardayda oo hardan adag ugu jira in ay wax ku bartaan af asyan garayneyn. Arrintani waxay keentay fahan ah in tayada waxbarashadu ay tahay afka Ingiriiska oo wax lagu barto, waana tan sababtay in dugsiyo tiro badan ay hal habeen ah u guuraan afka Ingiriisiga si ay u helaan arday. Ardayda aan aadka u fahmin afka ay wax ku baranayaan, waxaa ay ku keeni kartaa gaabis ku yimaada dhaqanka iyo dhugga ardayda oo xilliga caruurnimada ku kora fahanka afka, gaar ahaan afka hooyo.
  3. Macallinka:  Dhowr caqabadood ayaa ka jirta dhinaca macallinka: (i) Tan koowaad, tiro yaraanta macallinka tababar (<50%), kaas oo laf-dhabar u ah kobcinta tayada waxbarashada.  (ii) Saamiga macallinka iyo ardayga ayaa aad u badan, meelaha qaarkoodna waxa uu gaaraya 1 macallin iyo 67 arday, taasoo keenaysa in macallinku uu si wanaagsan u gudan waayo cashar gudbinta, maamulka fasalka iyo qiimeynta ardayga. (iii) Culayska shaqada ee macallinka, taas waxaa keentay macallinka oo mushahaarkiisu ku salaysan yahay xisadaha oo doonaya inuu helo xisado badan si uu helo mushahaar wanaagsan, macallinka oo labada gelinba shaqeeya, ama casharo siiya arday gaar ah. Ardayda oo tiro badan iyo macallinka oo aan waqti hayn ayaa waxa ka dhashay in aan hoos loo fiirin waxa uu fahmay ardaygu. (iv) Qaar ka mid ah macallimiinta oo dareemay heerka aqoonta maamulaha oo hosaysa ayaa si wanaagsan u gudan shaqadooda, maddaama aysan jirin isla-xisaabtan dhab ah.”Cama ayaan ka bilaabay oo yatasaa’aluuna ayaan ku geeyey!”(v) Tirada gabdhaha macallimiinta oo aad u yar(13.77%), kuwaas oo qayb lixaad leh ka qaadan lahaa tarbiyada iyo tayada waxbarashada iyo in ay si toos ah ula socon karaan baahiyaha gabdhaha.(vi) Ugu dambayntii waxa aan isku dheelitirnayn, baahida macallimiinta loo qabo iyo tababarka macallimiinta. labadii sanno ee ugu dambaysay, waxaa la tababaray in ka yar 50 macallin ee dugsiyada hoose/dhexe ee shaqada ka hor(pre-service). Tusaale ahaan, sannad dugsiyeedka 2025/2026, Puntland waxay u baahan tahay in ka badan 750 macallin oo cusub oo dugsiyadda hoose/dhexe ka shaqo gala. Arrintani waxa ay soo baxdaa marka wax lagu dhiso saamiga macallinka iyo tirada ardaya(Teacher demand= enrollment/teacher-students ratio). Haddii uusan jirin macallin tababaran, waxaa booskaas buuxinaya mid wax qora. (Meel aar fadhiyi jiray, atoor fariisay).
  4. Qabyaalada: Qabyaalada ayaa waxbarashada waayadan dambe ku yeelatay raad taban. (i) Waxa jira deegaano ay wada degan yihiin labo beelood/jilib ama ka badan, kuwaas oo qolo kasta ay dugsi furteen. Tuulo ay tirada ardayda dugsiga sare ka yar yihiin 150 arday ayaa leh labo dugsi sare. Arrintaas waxa ay keenaysaa dhaqaale burbur, kala qobqobnaan iyo dhibaatooyin kale. Sidoo kale magaalooyinka qaarkood waxa ka furan tirada dugsiyada loo baahnaa ka badan. Tuusaale ahaan, ardayda dhigta hal dugsi sare ayaa ka badan 7 dugsi sare oo hal magaalo ku yaal.Maxay tahay sababtu?  Taas waxaa keentay qabyaalada iyo furitaanka dugsiga oo aan loo marin hab-qorshaynta (school mapping). (ii) Meelaha qaarkood, dugsiyada caamka ah(Public school),  reerka uu ka dhashay maamulaha dugsiga ayaan ogolayn in dugsiga cid kale maamusho, taas oo caqabda ku noqota habsocodka dugsiga. (iii) Hardanka tirada ardayda ayaa keenayn in dadka dugsiyada ka shaqeeya qaarkood,  ay si qabyaalad ku raadiyaan ardayda.  
  5. Furitaanka dugsiyada: Furintaanka dugsiyada hoose ayaa noqday jaantaa rogan. Goobo badan oo dugsi Quraan ahaa ayaa isku rogay dugsiyo hoose, iyaga oo xiiriir la samaystay dugsiya kale, si ay ardayda ugu soo gudbiyaan, sannad ama labo ka dib. Arrintaas waxa ay keentay in dugsiyada waaweyn qaarkood ay ku bixiyaan dhaqaale iyo qalqaale kale. Sidoo kale waxa ay arrintani keenaysaa in ardaygu uusan baran wixii loogu talo galay inuu barto. Waxaa dhacda in maamulka dugsigu uusan abidkiis dugsi Quraan ka badan uusan dhigan. Arrintaas waxa ay ka jirtaa magaalooyinka waaweyn.”  Dugsiyadani ma aha kuwa loo yaqaan Dugsiyada Isku-dhafan (Integrated School).
  6. Waqtiga Wax la barto: Sida badan waxa dugsiyada wax lagu bartaa 4 saac oo keliya. Haddana inta badan waxa dhacda in ay ardaydu aad u daahan. Dugsiyada hoose, inta badan waxa qorshaysan in wax la baro 3 saac, hase yeeshee waxaa wax la bartaa in ka yar 3 saacadood. Arritani waxa ay keentay in xilli kooban ardayda loo dhigo casharo badan oo ku qoran af aysan si wanaagsan u fahmayn.
  7. Niyad-jabka ardayda: Waxaa muuqata in uu jiro niyad jab iyo jaah wareer haysta ardayda. Sidoo kale, waxa jira xiiso la’aan iyo dadaaal yaraan.  Cilmi-baarista qaarkood waxa ay sheegayaan inay jiraan niyad-jab haysta ardayga, gaar ahaan, kuwa ka soo jeeda qoysaska nugul iyo kuwo soo barakacay. Waxaa kale oo jirta raad ay isticmaalka aaladaha baraha bulshadu ku yeesheen ardayda, taas oo keentay xiiso la’aan iyo niyad jab.
  8. Dhaqaalaha: Arrinta dhaqaalaha waxa ay mid ah caqabadaha ugu waaweyn, taas oo keetay dhibaatooyin badan.(i) In ay culays ku noqoto arday badan in ay iska bixin waayeen lacagta dugsiga.(ii) Macallimiinta oo inta badan ka cabata mushahaarka.(iii) Maamulka dugsiga oo ay soo foodsaaraan culays dhaqaale, ka dib markii ay kala bateen waxa ka soo xarooda dugsiga iyo mushahaarka shaqaalaha.(iv) Dugsiga oo aan dabooli karin baahiyaha loo qabo agabka waxbarashada, sida in dugsigu yeesho shaybaar(Laboratory) iyo helitaanka aqabka waxbaritsta. Dhinaca kale, waxa kaalin mug leh ka qaata waxbarashada mashaariicda ay fuliyaan hay’adaha bah-wadaagta la ah wasaarada waxbarashada oo hadda hoos u dhac aad u weyn ku yimi. Taas oo ay keentay arrimo ay kamid yihiin deeqihii Soomaaliya la siin jiray oo yaraaday iyo is fahan la’aan u dhexaysa Dowada Federaalka Soomaaliya iyo Puntland. Arrintaas si taban ayay raad ugu yeelatay waxbarashada Puntland, gaar ahaan dhinacda dhismaha, tababarada, kormeerka iyo dhinacyo kale.

Sidoo loo xalin karaa?

Caqabadaha   kor lagu soo sheegay iyo kuwo kale waxa ay u baahan yihiin in la maareeyo, si loo helo waxbarasho tayo leh oo la wada heli karo. Xalka ugu horeeya in si buuxda loo dhaqan geliyo siyaasadaha, sharciyada iyo hab-raacyada waxbarashada. Sidoo kale, waa in ay wasaaradda waxbarashadu hesho miisaaniyad ku filan iyo qoondada mashaariicda waxbarashada ay ku leedahay Puntland. Labadii sanno ee ugu dambeeyey, wasaaradda waxbarashadu waxa ay qaaday saddex tilaabo oo wax ka taraya tayada waxbarashada, sida raad-raaca ardayda u fariisanaysa imtixaanka fasalka afraad ee dugsiga sare oo la hubinayo, in ay ugu yaraan afar sanno ka soo wareegtay markii uu dhameeyey dugsiga dhexe, taas oo keentay in arday badan loo diiday in ay galaan imtixaanka fasalka afraad. Joojinta furitaanka dugsiyada sare iyo dhibcaha lagu baaso imtixaanka naqliga ah oo kor loo qaaday. Taasi waxaa ay sababaysaa in dugsiyda sare, gaar ahaan fasalada saddexaad laga qaado imtixaan qiimeyn kara tayada ardayga oo uusan arday kasta u gudbin fasalka afraad. Dhinaca afka waxbarashada waxa loo baahan yahay in la sameeyo siyaasad cad oo ku saabsan afka waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe iyo istirajiyadii lagu hirgelin lahaa. Tusaale, aan dalka Ruwaanda, waxa ay u guurtay sannadkii 2007 in dugsiyada dhexe iyo sare wax laga barto afka Ingiriiska, iyagoo qorsheeyey mashruuc balaaran oo macallimiinta dugsiyada lagu barayo af Ingiriisiga, waxa ay ka gaareen guul la taaban karo. Waxaa la sheegaa in ay hagtay ka mid noqoshada Ururka Bulshada Afrika (oo afka Ingiriisiga looga hadlo) iyo dadka hogaanka u haya Ruwaanda oo ah dad wax ku bartay afka Ingiriisiga, si ay u riixaan siyaasiyiinta kale ee Faransiiska iyo Burtiqiiska waxa ku bartay.

Dhinaca macallimiinta, waxaa loo baahan yahay horumarinta iyo fulinta siyaasadda macallinka, dhinca shaqaalaysiinta, xaquuqta, sacadaha shaqada, dalacaada, gunnada, tababarka iyo jaangoonta inta xiso ee uu ugu badnaan bixinayo todobaadkii. In furitaanka dugsiga lagu saleeyo baahida jirta iyo sharuucaha dugsiga loo baahan yahay. Sidoo kale in is fahan iyo isku xirnaan laga dhex abuuro beelaha wada degan tuulo ama degmo, si ay u wadaagaan goobaha adeeyada bixiya (sharing resources). Jaangoonya xiliyada iyo saacada waxbarashada oo la qorsheeyo. Ardayda oo loo sameeyo barnaamijyo dhiiri-gelinta iyo niyad dhiska, si loo tirtiro niyad-jabka iyo dadaal la’aanta, loona abuuro dadaal shaqsiyeed iyo waxbarasho joogto ah. Manhajka ayaa u baahan in uu noqdo mid casri ah weliba, mahhajka kartida ku salaysan (Comptence-baseed curriculum), kaasoo oo dhiirigelinya macallinka iyo ardayda. Xilliga hadda ayaa ku haboon in dib-u-eegis lagu sameeyo manhajka, maadaama, la dhigayey muddo afar sanno ah, marka lagu daro sannadkan.

Gunaanad

Waxbarashadu waa furaha horumarka, kaas oo ka soo bilowday dhalashada, socdana inta uu qofku noolyahay. Waa arrin muuqata in hawl badan laga qabtay waxbarashada Puntland, hase yeeshee waxaa weli jira caqabado hortaagan waxbarashada sida tayada oo ka hooseysa heerkii la rabay iyo tirada ardayda dugsiyada aasaasiga ah oo aad u yar. Sida la soo sheegay, arrintaas waxaa loo tiirinayaa in ay keeneen caqabado badan oo is biirsaday, kuwaas oo qaarkood lagu soo sheegay qoraalkan. Sidoo kale waxaa la soo jeediyey xalal lagu maarayn karo caqabadaha jira. Haddaba waa arrin lama huraan ah in wax laga qabto dhammaan caqabadaha haysta waxbarashada, si caqabaha jira aysan u ragaadin horusocodka waxbarashada Puntland.

Qoraaga
Cabdiraxmaan Shiikhdoon
Cabdiraxmaan Shiikhdoon

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link