Caqabadaha Hirgelinta Federalism-ka Soomaaliya: Falanqayn Cilmiyeed

Hordhac: Fahamka Federaalka

Federaaliisim-ku waa hannaan siyaasadeed oo awoodaha si dastuurka ku cad loogu qeybiyo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyadoo mid kastaba ay leeyihiin awoodo iyo xeerar u gaar ah, guud ahaanna labada heer waxay wadaagaan talada qaranka. Hase ahaatee, dabeecadda nidaamka federaalku waa mid qabyo ah, doodihiisuna ay furanyihiin, una baahan maan siyaasadeed oo debecsan aqbali karana isbedel lagu sameeyo markii loo baahdo. Run ahaantii, qaladka u weyn ee federaalka laga galo waa in loo arko hannaan hal-jid ah, ama hal qaab leh, iyadoo uu yahay nidaam firfircoon (Dynamic), oo u baahan hal-abuur, wada-tashi joogto ah, iyo is-bedel ku saleysan baahida dalka iyo geedi-socodka dowlad dhiskiisa.  

Dhowaan, Buug ka hadla Federalism-ka casriga ah, oo cinwaankiisu yahay ‘‘Qaab-dhismeedyada Federaalka ee Soo Baxaya Kadib Dagaalkii Qaboobaa” “Emerging Federal Structures in the Post-Cold War Era” oo la daabacay sanadkii 2022, ayna tifaftireen Soeren Keil iyo Sabine Kropp, ayaa si qoto dheer u falanqeeyey dalal kala duwan oo hannaankan qaatay sida Belgium, Spain, Russia, Ukraine, Balkans, Nepal, Myanmar, India, Iraq, Syria, Ethiopia, South Africa, Kenya, Colombia, iyo Midowga Yurub. Falanqaynta Buugu waxa ay xoojinaysaa in federalism-ku dal walba uu leeyahay wajiyo gaar ah oo la jaanqaadaya duruufaha deegaanka, dhaqanka, qowmiyadaha, iyo taariikhda. Sidaas darteed, mar walba federalism-ka waxaa la socda is-bedel, mararka qaarna waa mid aan dhammeystirneyn ama aan taabba-gal ahayn.

Buugu sidoo kale waxa uu tilmaamayaa in guusha nidaamka federaalka ay sal u tahay helitaanka hannaan ku dhisan caddaalad, khilaafaadka ka dhashana lagu xallin karo si wadar-ogol ah, isla markaana ay fududahay in dib u eegis lagu sameeyo markasta oo baahi la xiriirta soo baxdo. Wacyigelinta bulshada oo la xoojiyo iyo albaabada wada-hadallada iyo doodaha federaalka oo furan, ayaa waxtar weyn u leh hirgelinta federaal taaba-gal ah.

Federaalka Soomaaliya: Maxaa qaldan?

Haddaba, Federalism-ka Soomaaliya waa hannaan dhisme dowladeed oo la qaatay xilli ay dalka ka jireen burbur, colaado iyo kalsooni darro siyaasadeed, looguna talagalay in uu u adeego nabadda iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda. Si kastaba ha ahaatee, hirgelintiisa waxay la kulantay caqabado waaweyn oo siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale, bulsho iyo amni, iyadoo ay ka dhalatay doodo cilmiyeed oo aqoonyahanka Soomaaliyeed iyo ajaanibtuba ay si gaar ah u muujinayaan sababaha uu hanaankani uga hirgali la’yahay dalka Soomaaliya si dhamaystiran.

Ugu horrayn, caqabadaha siyaasadda ayaa noqday kuwa ragaadiyey hirgelinta nidaam federal ah oo waxtar u leh dalka. Dhib weyn ayaa ka jirta kala xadaynta awoodaha u dhexeeya dowladda dhexe ee federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyadoo aan si dhab ah looga heshiin, taasoo keenta isqabqabsi joogto ah iyo khilaafaad siyaasadeed oo aan dhammaan. Guud ahaan, xasillooni la’aanta siyaasadeed ee dalku, waa mid salka ku haysa kalsooni-darrada ka jirta heerarka kala duwan ee dowladda. Dhan markii laga eego, dowladda dhexe ayaa mamar badan u muuqata mid rabta in ay talada dalka maroorsato, halka dowlad goboleedyaduna ay dhankooda rabaan in ay u jiitaan awoodo badan oo ay leedahay dowladda dhexe. Dhabta marka loo hadlo, loolankaasi waa mid salka ku haya danaha qabaa’isha ee isdiidan, taas oo caqabad weyn ku ah wacyiga iyo hirgelinta Federaalka Soomaaliya.

Furaha xalka caqabadaha siyaasadeed ee kalsoonida abuuri kara, waa mid ku xiran in si wadar-ogol ah loogu heshiiyo hannanka awood qaybsiga heerarka kala duwan ee dowladda, kaddibna loogu qeexo dastuurka. Run ahaantii, way adagtahay in la gaaro xalkaas, haddii aan albaabada loo furin wadahadallo dhab ah iyo doodo siyaasadeed oo lagu bisleeyo heshiis siyaasadeed oo dhaqan gal ah.

Marka xigta, Soomaaliya waxay horumar ka samaysay dhismaha hay’adaha federaalka maaliyadda, laakin weli waxaa jira caqabado badan oo ay ka midtahay: qaybsiga aan caddayn ee dakhliga iyo kheyraadka, khilaafaadka siyaasadeed, iyo isku xirka liita ee dowladda dhaxe iyo dawlad goboleedyada. Tusaale ahaan, qaybsiga khayraadka dabiiciga ah, in kasta oo laga sameeyey is-afgaradyo kala duwan (sida heshiisyada Baydhabo, Shidaalka, kalluumaysiga), haddana kalsooni-darrada siyaasadeed ayaa haraysay dhaqan-gelinta heshiisyadaas. Nasiib darro, siyaasadda dalku waxa ay noqotay mid aan ku dhisnayn sharci, balse inta badan ay saamayn taban ku yeelato loolanka awoodeed ee u dhexeeya hogaamiyaasha siyaasadeed. Ma jirto aragti ama hiigsi ka dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda, ama dedaal loo dhanyhay oo lagu hormarinaayo dhaqaalaha iyo khayraadka dalka. Taas ayaa dhalisay, in aan ilaa hadda laga hirgelin dalka nidaam canshuureed iyo maamul dhaqaale oo mideysan oo la isku raacsanyahay. Fashilkaas weyn waxa uu kordhiyay ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah iyo in aan horumar muuqda laga gaarin kobcinta dakhliga dalka. Haddii aan siyaasadda laga heshiin, waa adagtahay, dhaqaalaha oo ka xasaasiyad badan in guulo laga gaaro.  

Intaas waxaa dheer, caqabad kale oo la xiriirta faham xumada federaalka oo ah mid baahsan heer bulsho iyo heer hoggaan siyaasadeedba. Dadweynaha intooda badan iyo siyaasiyiinta qaarkood kama haystaan faham dhammeystiran hanaanka federaalka. Siyaasadda iyo doodaha federaalka waxaa hareeyey laba cabsiyood oo kala ah in federaalku yahay hannan dalka kala goynaya iyo aragti oranaysa federaalku waa “hindise shisheeye”. Labadaas aragtiyoodba waxa ay caqabad ku yihiin hirgelinta nidaamkaan. Bisaylka bulsho ayaa saldhig u ah federaal hana-qaad ah. Kala qaybsanaanta bulshada iyo loolanka u dhexeeya qabaa’ilka waa khatar joogta ah, oo u baahan in la kobciyo fahamka Federaalka, si loo afjaro khilaafaadka dastuuriga ah ee dhiiri gelinaaya fahmkaan qalloocan.

Sidoo kale, amniga iyo dib-u-dhiska hay’ado amni oo mideysan ayaa ah caqabad kale oo ragaadisay hirgelinta hannaan federaal oo waxtar leh. Waxaa xusid mudan, in Qaab-dhismeedka Amniga Qaran ay si wadajir ah u saxiixeen dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka sanadkii 2017. Hase ahaatee, khalifaadka siyaasadda iyo kalsooni-darrada ka dhaxaysa hoggaamiyaasha siyaasadda dalka ayaa curyaamisay hirgelintiisa. Waxaa nasiib darro ah, in khataraha jiritaan ee ka imaanaaya kooxaha hubaysan ee argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish, aynan dardar gelin fulinta heshiiskaan muhiimka ah, balse ay fursad siisay in ay sii ahaadaan Kansar caqabad ku ah hirgelinta hay’adaha federaalka, gaar ahaan, qabashada doorashooyinka, fulinta sharciyada, iyo bixinta adeegyada bulshada.

Intaa waxaa dheer, qabyo-tirka aasaaska hay’adeed ee hannaan federaal oo hanaqaad ah. Dhismaha hay’adaha federaalka ee socda ayaa weli ah mid aan si buuxda loo dhammeystirin, mana jirto maxkamad dastuuri ah oo si madax-bannaan u xallisa khilaafaadyada ka dhasha qeybsiga awoodaha, sidoo kale, waxaan weli heshiis lagu ahayn dhamaystirka dastuurka, hay’ado badan oo federaal oo la dhisayna, waxaa caqabad ku ah isku xirka iyo wadashaqaynta heerarka kala duwan ee dowladda.

Waxaa caqabadahaas oo dhan dheeri ku ah, aragti la’aanta siyaasiyiinta heerarka kala duwan ee dowladda, siyaasadda ku dhisan rag iska dhiciska, kala shakiga, loo joojin mayo, jilbaha dhulka haloo dhigo iyo niyad xumida xanbaarsan himilooyan gurracan. Waa hubaal, in heshiiska siyaasadeed uu fure u yahay xalinta caqabadaha federaalka, laakiin kuma imaan karo geedi-socod hal dhinac ka raran, oo aan heshiis lagu ahayn. Hoggaamiyihii aragti fog ka leh dalkaan, waa midka waqti ku filan galiya midnimadiisa, wadajirka bulshadiisa, iyo hirgalinta heshiisyo siyaasadeed oo dhaxal-gal ah, waxaana saldhig u ah dastuur wadar-ogol ah, oo loo dhanyahay, lana wada leeyahay.

Gunaanad iyo Talooyin

Federalisim-ku wuxuu keenay kala duwanaansho aragtiyeed oo ballaaran, welina waa qabyo. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo dib-u-eegista dastuur loo dhanyahay, la kala qeexo awoodaha heerarka kala duwan ee dowladda, lana jaangooyo qaybsiga khayraadka, isla markaana la dhiso hay’ado federaal oo heshiis lagu yahay oo ku dhisan caddaalad.

Sidoo kale, waa in fahan la’aanta federalism-ka qaybta weyn ka qaadata sii socoshada khilaafaadka la garawsadaa, lana abuuraa kalsooni iyo wacyi siyaasadeed. Federalism-ku waa hannaan loo adeegsan karo midnimada bulshada, dib-u-dhiska iyo nabadeynta, iyadoo la mideynayo awoodaha hay’adaha dowladda, lana fududeynayo doodo iyo wadahadalo miro dhal ah.

Xagasho:

  1. Ali, A. Y. S., Dahir, A. H., & Hersi, Z. D. (2019). Federalism in post-conflict states: Assessing Somalia’s challenges and the way forward. Perspectives on Federalism, 11(2).
  2. Barre, G. S. (2024). Weaknesses of federalism in Somalia and required reforms. East African Journal of Arts and Social Sciences.
  3. Hassan, A. A., Hussein, A. M., Osman, S. A., Hussein, A. M., Ahmed, A. H., & Osman, A. M. (2025). Fiscal federalism in Somalia: Opportunities and challenges.
  4. Keil, S., & Kropp, S. (Eds.). (2022). Emerging Federal Structures in the Post-Cold War Era. Cham: Palgrave Macmillan.
Qoraaga
Cabdulaahi Faarax Mire
Cabdulaahi Faarax MireWaa aqoonyahan muddo dheer ka soo shaqeeyay arrimaha waxbarashada, xubin hore oo ka tirsanaa TPEC, haddana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link