Hordhac
Boosaaso waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu muhiimsan ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaa muddooyinkii u dambeeyay ay la kulantay isbeddello dhaqaale, bulsho iyo dhisme oo waaweyn. Isbeddelladan ayaa magaalada ka dhigay xarun ganacsi oo istaraatiiji ah oo isku xirta gudaha dalka iyo suuqyada gobolka, taasoo ay sahashay dekedda sida firfircoon u shaqaynaysa, goobta ay kutaal oo istaraatiiji ah oo kulaalaysa marinno caalami ah iyo jawiga maalgashi oo soo jiita maalgelinta gudaha iyo dibadda. Si kastaba ha ahaatee, kobocan degdegga ah waxa la socda caqabado dhowr ah oo la xiriira dhanka maamulka iyo hirgelinta qorshe horumarineed oo waara.
Caqabadaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha oo hooseeya, sida waddooyinka iyo korontada kuwaas oo aan la jaanqaadi karin baahiyaha sii kordhaya ee degmada Boosaaso. Waxa kale oo jira caqabado maamulka iyo qorshaynta la xiriira, oo ay ka mid yihiin gaabiska nidaamyada hirgelinta mashaariicda sida loo qorsheeyay iyo isku-duwid la’aanta hay’adaha kala duwan. Dhanka bulshada iyo dhaqaalaha, weli waxaa jira farqi dhaqaale oo u dhexeeya bulshada, iyadoo shaqo la’aanta dhalinyarada iyo shaqaalaysiinta aan cadaaladda ahayn ay sii xumaynayaan xaaladda. Arrintani waxay muujinaysaa baahida loo qabo siyaasad horumarineed oo dhammaystiran oo wax ka qabata caqabadahan isku xiran.
Iyadoo ay jiraan caqabadahaas aadka u badan haddana dhanka fursadaha, Boosaaso waxa ay leedahay awood weyn oo ay kaga mid noqon karto magaalooyinka ugu horumarsan Soomaaliya. Dekedda mashquulka ah iyo ku dhowaanshaha marinada ganacsiga caalamiga ah waxay fursad u siinayaan in la xoojiyo kaalinta ganacsi iyo hormarineed. Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee firfircoon ayaa sidoo kale keenaya hal-abuurnimo, gaar ahaan qaybaha gaadiidka badda, ganacsiga iyo adeegyada maaliyadeed, taas oo u fududaynaysa in la dhiso iskaashi dowladeed iyo mid ganacsi gaar loo leeyahay. Tirada badan ee dadka da’da yar ayaa iyaguna ah awood muhiim ah oo kor u qaadi karta wax-soo-saarka haddii si wanaagsan loo tababaro looguna diyaariyo suuqa shaqada.
Maqaalkaan waxaan ku falanqayn horumarka Boosaaso iyo caqabadaha iyo fursadaha jira, aniga oo soo bandhigaya faham ku saabsan xaalada hadda ay ku sugantahay, waxaana soo jeedin talo-bixino.
Maamulka Fadhiidka ah ee Golaha Deegaanka Boosaaso
Boosaaso waxay leedahay Qorshaha Horumarineed ee Degmada (DDF) kasoo si cad u qeexaya adeegyada muhiimka ah, qorshayaasha horumarineed, iyo doorka maamulka deegaanka ee hagaya qorsheynta iyo fulinta adeegyada bulshada. Si kastaba ha ahaatee, marka la eego hab-dhaqanka maamul iyo qaab-dhismeedka Golaha Deegaanka, waxa muuqata in uu jiro maamul fadhiid ah (static governance) oo aan ka jawaabin baahiyaha sii kordhaya ee bulshada iyo qorshayaasha xooggan ee ku qoran DDF-ka. Inkasta oo DDF-ku dhisay jihada saxda ah, haddana fulinteeda iyo maamulka ku hagaya ayaa weli la il daran caqabado maamulka.
DDF-ku wuxuu qeexayaa yoolal cad oo ku saabsan kor u qaadidda adeegyada caafimaadka, biyaha, waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyadoo Golaha Deegaanka laga filayay inuu kormeero, qorsheeyo oo hirgeliyo adeegyada bulshada kadib doorashooyinkii tooska ahaa ee dadwayne oo golaha deegaanka ay dadku soo doorteen. Si kastaba ha ahaatee, DDF-ka laftiisa ayaa muujinaya in maamulka degmada uu la daalaa dhacayo shaqaalaha dowladda hoose oo aan haysan xirfado ku fuilan (municipal staff capacity gap), dowladda hoose ilaheeda dhaqaale oo xadidan (limited government resources)” iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo hooseeya iyo qorshe magaalo oo daciif ah (poor infrastructure and weak urban planning)” Tani waxay muujinaysaa in Golaha Deegaanka uu ku shaqeeyo awood maamul oo hooseysa taas oo sabab u noqotay in ay ku ekaadaan kormeer aan lahayn fulin muuqata.
Golaha Deegaanka ma laha habab joogto ah oo lagu cabbiro waxqabadka, laguna qiimeeyo qorshaha DDF-ka, waxaana jira gaabis weyn oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya maamulka iyo bulshada,waxayna ka mid tahay sababaha keenay maamul fadhiid ah.
Inkasta oo DDF-ku sheegayo in bulshadu si wanaagsan uga qaybqaadatay “community consultation”, haddana qodobada bulshada ay soo jeediyeen si buuxda looma hirgelin. Arrimahan waxay muujinayaan in maamulka hoose uu lumiyey dheellitirkii u dhexeeyey baahida bulshada iyo awoodda maamulka.
Sidoo kale, ku tiirsanaanta xad-dhaafka ah ee adeegyada gaarka loo leeyahay sida biyaha, korontada, shirkadaha nadaafadda iyo caafimaadka waxay keentay in maamulka dowladda hoose uu lumiyo mas’uuliyaddii hagista adeegyada aasaasiga ah. DDF-ku wuxuu caddeeyey in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay bixiyaan dhammaan adeegyada muhiimka ah, taas oo sababtay in Golaha Deegaanka uu noqdo maamul aan firfircoonayn oo aan maamulin ama si buuxda u maamulin adeegyada bulshada.
Saamaynta maamulkan fadhiidka ahi waxay ka muuqataa meelo badan, bulshada ku nool Boosaaso waxay qabaan baahiyo badan sida korondata oo qaali ah, waddoonyinka oo ciriir ah, wadada halbowlaha u ah magaalada Boosaaso oo jajaban godad bandanna ay ka qodmeen, nadaafadda oo hoosaysa taasoo aad dareemayso marka ugu horaysa oo aad Boosaaso gelayso. Waxaana muuqata in maamulka iyo golaha deegaanka oo ay bulshado soo dooratay aysan waxba ka qaban, taas oo wiiqaysa kalsoonida bulshada iyo hufnaanta maamulka dawladda hoose ee degmada Bosaso.
Fursahaha Iyo Caqabadaha Degmo Boosaaso
Boosaaso waa magaalada ugu weyn Puntland, waana xarunta ganacsi oo sanadba sanadka ka dambeeya sii koraysa. Sidaa darteed, maamulka degmada waxaa laga filayaa inuu bixiyo adeegyo bulsho oo joogto ah, hufan, isla markaana daboolaya baahida sii kordhaysa ee shacabka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in adeeg-bixinta degmada ay wajahayso caqabado waaweyn oo saameynaya tayada adeegyada, halka dhinaca kale ay jiraan fursado muhiim ah oo ay degmadu u adeegsan karto horumar waara. Caqabadda koowaad ee degmada Boosaaso lagu arko waa hoosaynta kaabeyaasha magaalada. Kaabeyaasha sida wadooyinka, biyo-mareennada, goobaha dadweynaha, iyo dhismayaasha adeegyada bulshada ayaa si weyn u hooseeya marka loo eego koboca dadka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaalada. Wadooyin xaddidan ee burbursan ayaa adkeeya isu-socodka, iyagoo yaraynaya gaarsiinta adeegyada caafimaadka iyo nadaafadda ee xaafadaha fog, sidoo kale waxay xadidi karaan daminta marka uu dab koco. Waxaa sidoo kale jirta adeeg koronto oo qaali ah, taasoo wiiqaysa hawlaha ganacsiga, shaqooyinka maalinlaha ah, iyo howlaha xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada.
Sidoo kale, waxbarashada magaalada ayaa weli u baahan horumar ballaaran. Dugsiyo badan oo Boosaaso ku yaal ma haystaan agab iyo qalab ku filan, halka macallimiinta qaarkood ay haysato tababar la’aan joogto ah. Ardayda ku nool xaafadaha fog-fog iyo goobaha barakacayaasha mararka qaar waxay la kulmaan caqabado ku saabsan helitaanka dugsi u dhow ama dugsi leh adeegyo tayo leh. Waxaa intaa dheer, maamulka nadaafadda degmadu weli si buuxda uma dabooli karo baahida magaalada oo sii ballaaranaysa. Qashinka oo meelaha qaarkood ku urura, biyo fadhiya xilli roobaadyada, iyo la’aanta nidaam qashin-qaad joogto ah waxay khatar ku tahay caafimaadka bulshada iyo muuqaalka deegaanka.
Adeegyada caafimaadka ayaa ah kuwo aan gaarin heerkii ay ahayd inay gaaraan magaalo sida Boosaaso oo kale ah. Tani waxay ku khasabtaa dad badan in ay u safraan meelo kale si ay u helaan adeeg caafimaad oo wanaagsan. Waxaa sidoo kale jira tabar-darro muuqata oo ku saabsan helitaanka fayadhowr sax ah, gaar ahaan dadka ku nool xaafadaha danyarta ah, taas oo saamayn ku yeelata caafimaadka guud ee bulshada.
Awoodda shaqaalaha oo daciif ah waxay hoos u dhigtay tayada adeegyada lagu hirgelin karo degmada. Waxaa intaa dheer, ka-qaybgalka bulshada ee go’aan qaadashada degmada ayaa weli hooseeya, taasoo sabab u noqota in mashaariicda qaar aysan bulshada u arkin kuwo daboolaya baahidooda dhabta ah.
Dhanka fursadaha, Boosaaso waxay haysataa fursado badan oo ay ku gaari karto horumar muuqda. Midda koowaad waa fursadda lagu xoojin karo xirfadaha iyo aqoonta shaqaalaha degmada. Tababarro casri ah oo loo sameeyo shaqaalaha waxay sare u qaadi karaan qaab shaqo, maareyn xogeed, xisaabtan iyo hufnaan adeeg. Waxa kale oo jirta fursad lagu kordhin karo maalgelinta degmada, maadaama Boosaaso tahay xarunta ganacsiga Puntland. Haddii dowladda iyo hay’adaha taageera ay kordhiyaan maalgelinta, waxaa suurtagal noqon kara in la dhiso wadooyin cusub, la casriyeeyo xarumaha caafimaadka, lana ballaariyo adeegyada nadaafadda.
Fursad kale oo muhiim ah waa kor u qaadista ka-qaybgalka bulshada. Bulshada Boosaaso aad bay u firfircoon yihiin, gaar ahaan dhallinyarada, waxaana jira awood weyn oo lagu dhisi karo wadashaqeyn wanaagsan oo u dhexaysa maamulka iyo bulshada. Tani waxay horseedi kartaa in la abuuro siyaasado iyo mashaariic si dhab ah u daboola baahida shacabka. Sidoo kale, tiknooloojiyada casriga ah waxay siin kartaa degmada fursad ay ku horumariso adeeg bixinta iyadoo loo adeegsanayo nidaamyo elektaroonik ah oo fududeynaya in shacabka cabashadooda, taladooda, iyo warbixintooda la gaarsiiyo maamulka.
Talooyin
Sida aan ku sheegay maqaalka in Boosaaso leedahay fursado badan oo muhiim ah sida dekedda istaraatiijiga ah, kororka bulshada da’da yar, iyo firfircoonida ganacsiga haddana magaalada waxa hortaagan caqabado waaweyn oo la xiriira maamul fadhiid ah, kaabeyaal daciif ah, adeegyo bulsho oo aan dhammaystirnayn, iyo ka-qaybgal bulsho oo xaddidan. Sidaas awgeed, talooyinkan hoos ku qoran waxay diiradda saarayaan sidii loo abuuri lahaa xoojinta maamulka iyo awoodda shaqaalaha, kaabeyaal waara, adeegyo bulsho oo tayo leh, iyo wada-shaqeyn adag oo u dhexaysa maamulka iyo bulshada, sida darteed maqaalkan waxa u u soo jeedinayaa:-
Xoojinta Maamulka iyo Awoodda Shaqaalaha: In si buuxda loo dhiso oo loo casriyeeyo maamulka degmada, loona sameeyo tababarro joogto ah oo kor u qaada awoodda shaqaalaha, isla markaana la hirgeliyo nidaam isla-xisaabtan cad.
Dib-u-qaabaynta Kaabayaasha Magaalada: In la dayactiro lana ballaariyo kaabeyaasha muhiimka ah sida waddooyinka, biyomareennada, iyo goobaha danta guud si ay ula jaanqaadaan koboca dadka iyo dhaqaalaha.
Hagaajinta Adeegyada Bulshada (Caafimaad, Waxbarasho & Nadaafad): In la kordhiyo tayada adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada, lana casriyeeyo nidaamka qashin-gurka iyo nadaafadda si loo yareeyo khataraha caafimaad iyo wasakhowga deegaanka.
Kor u Qaadista Ka-Qaybgalka Bulshada: In la abuuro madallo rasmi ah oo bulshada ku soo gudbin karto talooyinka iyo cabashooyinka, lana xoojiyo ka-qaybgalka dhallinyarada iyo ururrada bulshada ee go’aannada degmada wax ku leh.
Sameynta Qorshe Magaalo oo Waara (Urban Master Plan): In Boosaaso yeelato qorshe horumarineed oo muddo-dheer ah oo qeexaya ballaarinta magaalada, adeegyada muhiimka ah, maareynta qashinka, goobaha danta guud iyo qorshe hawlgal oo cad.
Qoraaga

- waa Madaxa Waaxda Cilmi-baarista ee Jaamacadda Boosaaso. Sidoo kalena ah bare sare oo leh khibrad ballaaran oo macallinimo. Cabdiraxmaan wuxuu daabacay maqaallo cilmiyeedyo caalami ah, isagoo diiradda saaraya xanuunka (cancer) ka, wacyigelinta talaalka carruurta, iyo iscaabinta bakteeiya samayso oo Soomaaliya ku soo badanaya.













