Bariga Dhexe: Isbeddello Juquraafi-Siyaasadeed

Subaxnimadii Sabtida, 28/02/2026, dunidu waxay ku waabariisatay duqeymo xooggan oo lagu beegsaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. Duqeymahan waxaa fuliyay Israa’iil iyo Mareykanka, kuwaas oo muujiyay heer sare oo xoog iyo ad-adayg milatari.

Iiraan, iyada oo aan ka gaabsan, waxay si degdeg ah uga jawaabtay weerarradaas, iyadoo bartilmaameedsatay danaha Israa’iil iyo Mareykanka ee ku yaalla gobolka Bariga Dhexe. Colaaddan ma ahayn mid cusub, balse waxay soo jiitamaysay tan iyo kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979, iyadoo marar badan yeelatay wejiyo kala duwan.

Xiisadda ayaa si gaar ah cirka isku shareertay kadib dilkii Ismaaciil Haniyah, hoggaamiyihii ururka Xamaas, oo lagu khaarijiyay magaalada Tehran xilli uu marti ku ahaa dalkaas. Dilkaasi wuxuu sii huriyay colaadda, isagoo abuuray jawi cusub oo dagaal iyo iska hor imaad ah.

Intii uu dagaalku socday, xulufada weerarka qaaday waxay beegsadeen hoggaamiyeyaal sare oo Iiraani ah. Waxaa la dilay hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee dalkaas, Cali Khamenei (1939–2026), iyo saraakiil sare oo ka tirsan ilaalada kacaanka. Sidoo kale, waxaa xigay dilka xoghayihii Golaha Sare ee Amniga Qaranka, Cali Larijani (1958–2026). Ujeeddada tallaabooyinkan ayaa u muuqata mid lagu wiiqayo maskaxda hoggaamineed ee nidaamka Iiraan, inkasta oo aysan muuqan in si fudud loo burburin karo.

Dagaalkan wuxuu yeeshay saameyn ballaaran oo caalami ah. Qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay dunida, maciishaduna kor ayay u kacday. Dalalka Khaliijka Carabta, oo deris la ah Iiraan, ayaa iyaguna wajahaya duqeymo iyo khataro amni. Intaa waxaa dheer, marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz ayaa gebi ahaanba xirmay, taas oo sii xoojisay walaaca dhaqaale ee caalamka.

Waxay u muuqataa in Israa’iil iyo Mareykanku aysan gaarin yoolalkii ay ka lahaayeen dagaalka, gaar ahaan rajadii ahayd in dilka hoggaanka sare ee Iiraan uu keeni doono kacdoon gudaha ah oo nidaamka lagu rido. Aragtidaas ayaa u muuqatay mid aan dhab ahayn, maadaama aysan dhicin isbeddelladii la filayay.

Ictiraafka Humaagga ah iyo Ujeeddooyinka Israa’iil ee Geeska Afrika

Muddo ka badan soddon sano oo ay socotay raadinta aqoonsiga, waqooyi-galbeed Soomaaliya waxay 26/12/2025 heshay aqoonsi hal dhinac ah oo ka yimid Israa’iil. Tallaabadan ayaa dhalisay muran xooggan oo ka dhex aloosmay bulshada Soomaaliyeed, isla markaana wajahday diidmo caalami ah.

Su’aasha taagan ayaa ah: tallaabada Israa’iil ma waxay ahayd mid degdeg ah mise waxay ka tarjumaysaa istiraatiijiyad hore loo dejiyay?

Taariikh ahaan, madaxweynihii ugu horreeyay ee Israa’iil, David Ben-Gurion (1886–1973), wuxuu dejiyay siyaasad ku saleysan kala qaybinta dunida Muslimka iyo go’doominta dalalka Carabta, iyadoo la adeegsanayo xiriirro lala yeesho dalalka ku hareeraysan.

Sidaas darteed, tallaabada Israa’iil waxay u muuqataa mid ku dhisan qorshe istiraatiiji ah oo fog. Ujeedkeedu waa mid cad: ballaarin iyo xoojinta saameynta juquraafi-siyaasadeed. Tusaale ahaan, Falastiin weli waxay ku jirtaa gacanta Israa’iil, taasoo muujinaysa damaceeda dhuleed ee sii socda.

Gunaanad

Dagaalka ka socda Bariga Dhexe wuxuu u muuqdaa mid si weyn u beddeli doona khariidadda juquraafi-siyaasadeed ee gobolka. Saameyntiisu ma aha mid ku kooban hal dal ama gobol, balse waxay taabaneysaa dunida oo dhan.

Waxaa lagama maarmaan ah in dalalka Muslimka ahi yeeshaan siyaasad mideysan oo ku dhisan aragti fog iyo iskaashi dhab ah, si ay ula tacaalaan isbeddelladan waaweyn ee socda.

Qoraaga
Cabdifitaax Nuur Qodax
Cabdifitaax Nuur Qodaxwaa aqoonyahan haysta shahaadada PhD ee cilmiga warbaahinta, wasiir dowladeed hore oo ka soo shaqeeyay Puntland, isla markaana ah qoraa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link