Aragtida Islaamka ee Siyaasadda

Kalmadda “siyaasad” oo asalkeedu yahay Carabi (السياسة), marka loo noqdo macnaha ay kasoo jeeddo waxaa loola jeedaa: ku dadaalid iyo isku taxallujin in wax la hagaajiyo. Waxaa laga weriyay Nabi Muxammad (NNKH) inuu yiri:

“كانت بنو إسرائيل تسوسهم الأنبياء، كلما هلك نبي خلفه نبي”

Reer Banii Israa’iil waxay ahaayeen kuwo ay siyaasadeeyaan (ay hagaajiyaan oo maamulaan arrinkooda) Nabiyadii Eebbe, markuu Nabi dhintana Nabi kale ayaa beddeli jiray.

Siyaasaddu waa lafdhabar ama halbawle muhiim ah oo kamid ah caqiidada Muslimka. Culumada Islaamkuna marnaba kama doodin xiriirka ka dhexeeya Islaamka iyo siyaasadda, waxa keliya ee ay ka hadli jireen ayaa ahaa: Maxaa siyaasad la aqbali karo oo maslaxad ummadda ugu jirto oo aan shareecadda khilaafsanayn, iyo maxaa siyaasad aan la aqbali karin ah.

Marka aad akhriso taariikhda iyo kutubta culumada Islaamku ka qoreen siyaasadda, waxaad arkaysaa inay siyaasadda labo u kala qaadi jireen. Sida uu yiri taariikh-yahankii caanka ahaa ee la oran jiray Al-Maqrizi, Siyaasaddu waa labo nooc:

 (سياسة عادلة تخرج الحق من الظالم, فهي من الاحكام الشرعية علمها من علمها وجهلها من جهلها. والنوع الاخر: سياسة ظالمة فالشريعة تحرمها).

Siyaasad caddaalad ku dhisan waa mid dulmiilaha dawgiisa marsiisa, taasina waxay ka mid tahay xukunka shareecadda, inkastoo dadka qaar ka dhaga la’yihiin. Nooca kalena waa siyaasad dulmi ah, waana midda xaqsoorka Islaamku reebayo.

Culumada fiqhiga Islaamku marka ay qeexayeen siyaasadda macnaheeda guud waxay yiraahdeen:

“فعل شيء من الحاكم لمصلحة يراها وإن لم يرد به دليل جزئي.”

Siyaasaddu waa in xaakimku (madaxweyne, boqor, ra’iisul-wasaare, iwm) uu sameeyo wixii maslaxad ah ee uu arko, xitaa haddii uusan jirin daliil gaar ah oo Qur’aan ama Xadiis ah oo arrintaas ah.

Hadalkaas waxaa laga fahmayaa in siyaasaddu, marka laga eego aragtida Islaamka, ay ku qotonto ilaalinta iyo hagaajinta maslaxadda/danta ummadda, iyada oo aysan shardi ahayn in maslaxaddaas daliil gaar ah oo Qur’aan ama Xadiis ah loo helo.

Wixii maslaxad ama dan ummadda ugu jirto waxaa sheegaya dadka ku habboon ee loo yaqaan Ahlul-Xalli wal-Caqdi – kuwaas oo talada ummaddu ka guntanto ama ka go’do.

Caalimka weyn ee la yiraahdo Ibnu Caqiil waxa uu yiri:

“السياسة ما كان فعلاً يكون معه الناس أقرب إلى الصلاح وأبعد عن الفساد، وإن لم يضعه الرسول ﷺ ولا نزل به وحي. ومن قال: لا سياسة إلا بما نطق به الشرع فقد غلط على الصحابة، فقد جرى من الخلفاء الراشدين ما لا يجهله عالم بالسنن، وكفى تحريق علي للزنادقة، وتحريق عثمان للمصاحف، ونفي عمر نضر بن الحجاج.”

 “Siyaasaddu waa fal kasta oo dadka ka dhiga kuwo u dhow wanaag, kana fog xumaan, xitaa haddii uusan Rasuulku ﷺ dejin ama uusan ku soo degin waxyi. Ruuxii yiraahda: Siyaasad ma jirto aan ka ahayn waxa shareecadu si cad u sheegtay, wuxuu u gefay saxaabada. Waayo, waxaa dhacay arrimo badan oo Khulafadii Raashidiintu sameeyeen oo aan cidna ka qarsoonayn. Waxaa ku filan tusaale: Cali oo gubay zanaadiqada (mulxidiinta), Cusmaan oo gubay masaaxiftii la isku khilaafay, iyo Cumar oo masaafuriyay Nadr bin al-Xajjaaj.”

Hadalka Ibnu Caqiil waxa uu dhaleecaynayaa kuwa ku koobay siyaasada Islaamiga ah ama u shardiyay nas (Qur’aan ama Xadiith) tilaabo kasta oo siyaasiga Muslimka ahi uu qaadayo. Ibnu Caqiil waxa uu cadeeyay in aragtidaasi ay khilaafsantahay fahamkii Saxaabadu ay siyaasada ka qabeen, waxuuna hoosta ka xariiqay in Saxaabadu ay hirgaliyeen arimo badan oo si gooni ah uusan daliil ugu soo aroorin, waxa keliya ee ay fiirinayeen waxa uu ahaa:

 “تحقيق المصالح الراجحة وإلغاء المفاسد المتوقعة”

Taas oo macnaheedu yahay: Hirgelinta wax kasta oo maslaxadiisu la hubo, iyo joojinta wax kasta oo fasaadkiisa ama dhibaatadiisa la filayo oo aan ummadda dan adduun iyo mid aakhiro ugu jirin.

Ibnu Caqiil waxa uu tusaale u soo qaatay saddex arrimood oo dhacay xilligii Khulafaa’ al-Raashidiin. (Khulafaa’ al-Raashidiin waxay ahaayeen raggii Saxaabada ugu waaweynaa ee Nabigu ﷺ yiri: ku dayda iyaga isla markaana ay ummadda Islaamka jidkiisii ku hoggaaminayeen).

  1. Cali bin Abii Daalib waxa uu gubay koox “Sanaadiqo” ahaa (mulxidiin afka Islaam ka sheeganayay) oo yiri: Cali waa Ilaah oo caabuday Cali Eebbe weyne ka sokow. Cali waxa uu sidaa u sameeyay si uu u ilaaliyo caqiidada bulshada Muslimka ah, waxaana arrintaas ku jirtay maslaxo weyn.
  2. Cusmaan bin Caffaan waxa uu gubay masaaxif Qur’aan ku qornaa oo dadku isku khilaafeen, wuxuuna bulshada ku mideeyay hal musxaf oo keliya si loo dhowro midnimada Muslimiinta iyo ilaalinta Qur’aanka.
  3. Cumar bin Al-Khattaab waxa uu musaafuriyay nin la oran jiray Nadr bin Al-Xajjaaj oo quruxdiisu fitno ku noqotay dumarka, maslaxadda uu sidaas u sameeyayna waxay ahayd in bulshada laga ilaaliyo fasaad iyo in akhlaaqda mujtamaca la dhawro.

 (اقرب الى الصلاح وابعد عن الفساد).

Oo macneheedu yahay: in lagu dadaalo hirgelinta wax kasta oo maslaxad ku jirto lagana dheeraado oo laga fogaado waxii dhib u keenaya Diinta, Nafta, Maalka, Sharafta iyo akhlaaqda qofka. Siyaasiga Muslimka ahi waa inuu Diintiisa iyo Caqiidadiisa garanayo uuna fahamsanyahay marxaladda uu marayo iyo waxyaalaha lagama maarmaanka u ah.

Axkaamta Shareecadu (Islamic Law) waa labo nooc, sida Culumadu dheheen:

  1. Nooc sugan oo aan is bedelin aanna lagu ijtihaadin, sida waxyaalaaha waajibka ah ee nala faray ama waxyaalaha xaaraanta ah ee nalaga reebay. Noocani waqtiga ama hadba marxalada lagu jiro midna iskuma bedelaan. (ثايت لا يتغير بتغير الزمان والمكان)
  2. Nooca labaad waa Axkaam is bedesha hadba sida maslaxada ummaddu ku jirto, oo lagu ijtihaadayo iyada oo la eegayo maslaxadda, marxaladda iyo meesha hadba la joogo. Noocaas danbe waxaa laga yaabaa in Culumada Islaamka ee hadda joogaa ay khilaafaan kuwii iyaga ka horeeyay, maxaa yeelay waxaa is bedelay daruufta iyo waqtiga lagu sugan yahay ama meesha iyo makaanka la joogo.

Diinta Islaamku khasab ugama dhigin Muftiga iyo siyaasiga Muslimka ah inay ku raacaan kuwii iyaga ka horeeyay wax walba, taas bedeelkeda waxaa lagu booriyay inay tix geliyaan duruufta, marxaladda iyo meesha ay joogaan oo ay marwalba aragtidooda ku saleeyaan danta iyo maslaxadda umadda iyaga oo aan khilaafayn ummadda Diinteeda iyo caqiidadeeda, ama hadaan si kale u dhahno iyaga oo aan khilaafayn Quraanka iyo Xadiiska.

Saan hore u soo sheegnay, waxii maslaxo ku jirto waxaa sheegaya oo cadaynaya dadka la yiraahdo Ahlu al-xalli wa`al-caqdi, oo ah culumada, wax garadka iyo aqoonyahanka, waxaana habboon in ayagu ay noqdaan Baarlamaanka shacabka. Sida culumadu sheegeen masaalix aan dhab ama run ahayn ayaa jira oo dadka maangaabka ahi ay is moodsiiyaan inay maslaxo ku jirto. Culumadda Islaamka ee siyaasada wax ka qoraa way cadeeyeen arrinkaas waxayna ku tilmaameen arrinkaas: مصلحة متوهمة)) Maslaxo aan dhab ahayn. Salka ay ku qotonto siyaasadda Islaamku waa: in la doorto waxii maslaxaddiisu ama faa’iidadiisu badantahay lana diido oo laga fogaado waxii dhibkiisu ama fasaadkiisu badan yahay. Hadii ay sinmaan maslaxadda iyo mafsadadu ama dhibka iyo faa’iidadu ama khayrka iyo sharka arini leedahay, culumadu waxa ay dheheen:

(تجنب المفسدة اولى من كسب المصلحة).

Oo macneheedu yahay: in fasaad, ama dhib iyo shar laga fogaado ayaa ka haboon in maslaxo la ahaysiiyo. Culumadda Fiqiga Islaamku aad ayay arrinkaas u faahfaahiyeen, oo waxayba ay ka hadleen hadii labo maslaxo iska hortimaaddo ama labo mafsado middood lahuri waayo oo ay khasab noqoto. Culumaddu waxa ay dheheen: haddii masaalixdu iska hortimaado tii faa’iidadeedu iyo nafcigeedu badan yahay ayaa la qaadan kuwa kalena waa la tuurin, hadii mafsado la huri waayana hadba tan dhibta yar ayaa la qaadan (اخف المفسدتين).

Waxaa laga maarmaan ah in siyaasiga Muslimka ahi uu aad uga fakaro tillaabo kasta oo uu qaadayo, uuna kala tashado dadka ehelka u ah arrintaas, sidoo kalena uu ka fekero cawaaqibka (consequences) ka dhalan kara go’aankiisa ama raadadka uu ku yeelan karo ummadda.

Nabi Muxammad ﷺ ma uusan dilin munaafiqiintii (kuwii afka Muslimka ka sheegan jiray balse uurka gaalnimada ku qarsanayay), inkasta oo cadowtinimadoodu cadayd Alle-na uu Nabiga u sheegay. Sababta Nabigu ﷺ uusan u dilin waxay ahayd inuu ka baqay fasaad ka weyn – oo ah in dadku yiraahdaan: “Muxammad wuxuu laayay asxaabtiisii.”  Taasina waxay keeni lahayd in dadku Diinta Islaamka soo galin oo ay ka cararaan.

Sidoo kale siyaasadda Islaamku waxa ay diiday in xadka sharciga ah lagu fuliyo qofkii ku galay jabhadda cadowga isaga oo hortaagan, maxaa yeelay waxuu halis u yahay inuu xagooda u talaabo isaga oo ciqaabta ka baxsanaya oo uu iyaga kaalmo u noqdo. Waxaa xitaa dhici karta inuu diintiisa ka baxo, taas oo sababaysa fasaad ka weyn kii hore.

Qoraaga
Marag Magazine

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link