Aqoonsiga SSC-Khaatumo: Maxaa Puntland La Gudboon?

25-kii Agoosto 2023-kii, kadib toddobo bilood oo dagaal culus oo sababay khasaare naf iyo maalba leh, SSC-Khaatumo ayaa ku guuleysatay in ay ciidamada maamulka Somaliland ka saarto gobolka Sool, kaasoo ay Somaliland maamuleysay tan iyo sannadkii 2007-dii.

Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Xamse Cabdi Bare ayaa safar taariikhi ah ku tagay magaalada Laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo 12-kii April, 2025, waxaana war-murtiyeed soo baxay 15-kii April si rasmi ah loogu sheegay in SSC-Khaatumo loo aqoonsaday Dowlad Goboleed kamid ah kuwa ka jira dalka, oo xubin buuxda ka noqon doonta Golaha Wadatashiga Qaran (NCC).

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-cali ayaa si rasmi ah uga qeybgalay markii ugu horeysay Madasha Wadatshiga Qaran oo qabsoontay 6-7 bishaan May, waxaana war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkaas in golaha NCC ay aqoonsadeen in SSC-Khaatumo ay tahay xubin kamid ah dowladaha xubnaha ka ah DFS, taasoo markale rumaysay himilada dadka reer SSC-Khaatumo ee ah in ay helaan maamul iyagu leeyihiin.

Maqaalkan waxaan si kooban ugu falanqaynayaa waxa la gudboon Puntland kadib aqoonsiga SSC-Khaatumo iyo tallaabooyinka habboon ee la qaadi karo.

Puntland iyo Waqiiciga Siyaasadeed ee Cusub

Tan iyo markii dhidibada loo taagay Puntland sanadkii 1998-dii, dadka gobollada Sool iyo Cayn waxay door muhiim ah ku lahaayeen dhismaha iyo horumarka Puntland, iyagoona matalaad ballaaran ku lahaa golayaasha dowladda, sida madaxweyne-kuxigeen, xildhibaanno, wasiirro, agaasimayaal, shaqaale, saraakiil iyo ciidamo. Inkastoo qaybo kamid ah gobolka in muddo ah ay gacanta ugu jireen maamulka Somaliland, haddana masuuliyiinta deegaanaas ka soo jeeda ayaa xilal ka hayay Puntland.

Kadib kacdoonkii shacabka Laascaanood ee dabayaaqadii 2022-kii, bulshada iyo maamulka Puntland waxay si buuxda oo shuruud la’aan ah u garab istaageen dadka deegaankaas, taasoo gundhig u noqotay in shacabka Sool iyo Cayn ay dib ula soo noqdaan maamulka iyo masiirka deegaanadooda.

Haddaba, marka la eego isbeddelka siyaasadeed ee ka dhacay gobolkaas, Puntland waxaa waajib ku ah in ay si masuuliyad leh uga jawaabto rabitaanka shacabka reer SSC-Khaatumo, kuwaas oo si cad u muujiyey in ay doonayaan maamul madax-bannaan oo ay iyagu dhisteen, islamarkaana qayb ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha hadda xafiiska haya ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhowr jeer ku celceliyey in uu ixtiraamayo rabitaanka shacabkaas.

Puntland waxaa la gudboon in ay qabato shirweyne qaran oo si qoto dheer loogu falanqeeyo marxaladda cusub ee siyaasadeed ee ku aadan Puntland iyo SSC-Khaatumo, si loo helo aragti siyaasadeed oo bisil, ku saleysan wadatashi, mas’uuliyad iyo danta guud. Shirkan waa inuu noqdaa madal furan oo horseeda kala-guur nabdoon, loogana shaqeeyo dhisidda iskaashi miro dhal ah oo dhex mara labada dowlad-goboleed si loo xoojiyo midnimada, deganaanshaha iyo horumarka guud ee labada dhinac.

Talooyin ku socda Puntland iyo SSC-Khaatumo:

  1. Ka shaqeynta marxaladda kala-guurka: Puntland iyo SSC-Khaatumo waa in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan marxaladda kala-guurka iyo arrimaha siyaasadeed iyo bulsho ee ka dhalan kara, iyagoo ka duulaya danaha guud ee labada dhinac.
  2. Iskaashiga horumarka, ganacsiga, iyo ammaanka: Labada dowlad goboleed waa in ay iskaashadaan oo si wadajir ugu hawlgalaan dhinacyada horumarka, ganacsiga iyo ammaanka si loo xaqiijiyo xasilooni iyo horumar waara.
  3. Aqoonsiga SSC-Khaatumo: Puntland waa in si rasmi ah u aqbasho aqoonsiga SSC-Khaatumo, iyadoo lagu saleynayo rabitaanka shacabka ee dhinaca maamulka iyo madax-bannaanida.
  4. Ka fogaanshaha khilaafaadka: Mas’uuliyiinta labada dhinac waa in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo kala fogaansho dhexmara labada bulsho ee walaalaha ah, iyadoo la ilaalinayo wada noolaanshaha, walaalnimada, derisnimada, iyo midnimada.

Qoraaga: Sakariye Axmed Maxamed (Rabiica)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *