Hordhac:
Kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, awoodda hay’adaha dowliga ah si weyn ayey u tabardareeyeen. Waxa ay taasi saameysay hay’adihii loo xilsaaray horumarinta maamul-wanaagga, hufnaanta, abuurista kalsoonida bulshada, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo ilaalinta kheyraadka dalka. Isla xisaabtan la’aanta baahsan ayaa kor u qaaday heerka musuqmaasuqa, waxayna keentay in si khaldan loo isticmaalo hantida dadweynaha, taas oo ragaadisay dadaalladii dib-u-soo kabashada. Arrimahan ayaa si toos ah u nuxuusiyey awoodda hay’adaha dowliga ah ee bixiya adeegyada aasaasiga ah ee shacabka ay aad ugu baahan yihiin. Waxaa sidoo kale sabab u ahaa xaaladdan dagaalkii sokeeye, kaas oo dhaliyay baahi loo qabo dhismaha maamullada heer deegaan iyo adeegyo bulsho oo muhiim ah.
Jidka Soomaaliya ee nabadda iyo horumarinta ayaa la horjoogsaday muddooyinkii dagaalka, waxaana soo korodhey xasilooni-darrada siyaasadeed iyo caqabado hortaagan nidaam wanaagsan oo hufan. Dalka waxaa soo maray waqti dheer oo dagaal sokeeye ka socdey, nidaam maamul oo aan shaqayn, iyo burburka hay’adaha dowliga ah. Sidaas awgeed, inta badan waxaa meesha ka baxay hay’adihii dowliga ah ee loo igmaday maamul-wanaaga iyo hufnaanta, sida Xafiiska Hantidhawrka Guud, Xisaabiyaha Guud, Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa, Hay’adda Qarankae ee Wax-Soo-Iibsiga, Ururadda Bulshada Rayidka ah iyo Warbaahinta Xorta.
Maanta, Soomaliya waxay ka mid tahay dowladaha ugu nugul adduunka ee loo yaqaan (world’s most fragile states), iyadoo la tacaalaysa musuqmaasuq baahsan, qaraabo-kiil heersare ah, amni-xumo, maamul liita, iyo kalsoonida dadweynaha oo hooseysa. Isku daygii ugu horreeyay ee guuleysta ee lagu soo celinayo maamul dowlad Soomaliyeed wuxuu ahaa Shirka Carta ee sanadkii 2000, kaasoo ugu dambeyntii horseeday aasaaska Dowlad Qaran oo Ku-meelgaarka ah (TNG), oo ku saleysan qaabka awood-qaybsiga ee loo yaqaan 4.5. Si kastaba ha ahaatee, hindisahaan cusub ee dowlad-dhiska Soomaaliya waxaa dhaawacey shirciyad-la’aan, iyadoo aad looga horyimid dowladdii lagu soo dhisey Carta, maamul-xumo, hoggaamin la’aan iyo faragelin caalami ah.
Sidaas darteed, saameyntii TNG ma gaadhin meel ka baxsan magaaladda Muqdisho. Is-qabqabsi dhexdeeda ah darteed waxaa soo baxay jilayaal cusub oo ka faa’iideysanaya khilaafkaas siyaasadeed, iyagoo ka dhex arkey dantooda gaarka ah, dowladiina ka dhigtey gabbaad dano qoyseed lagu gaaro. Sanadkii 2004, waxaa la dhisey Dowladdii Federaalka Ku-meel-gaarka ahayd (TFG) oo bedelaysa TNG, iyadoo lagu yagleelay nidaam ku dhisan federaaleynta dalka iyo dib-u-habaynta hay’adaha muhiimka ah ee dowliga ah.
Dowladdii la dhisay xilligaas waxaa si weyn u saameeyey khilaaf cusub oo soo kala dhexgalay hay’adihii dowladdii federaalka aheyd iyo la dagaallanka maleeshiyaadka Al-Shabaab, oo si baahsan xakameyn buuxda ugu laheyd qaybta koonfureed ee dalka. Haddii aan hore u soo socono, qaadashada Dastuur Ku-meel-gaarka ah oo ku dhisan nidaamka federaalka ah ee 2012, ayaa calaamad u ahaa guul muhiim ah oo lagu doonayey in dib loo dhiso hay’ado dowladeed iyadoo la adeegsanayo nidaamka federaalka ah. Isla wakhtigaas, qaabkii ku dhisnaa awood-qaybsiga ee 4.5 ayaa si dhab ah loo ansixiyey.
In kasta oo horumarkaas la sameeyey, haddana waxaa jirey caqabado dhab ah oo ay ka mid tahay faragelin siyaasadeed, musuqmaasuq baahsan iyo khatarta joogtada ah oo ka imaaneysay kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab, intaas oo dhammaan saameyn ku yeeshay horumarkii dalka. Intaa waxaa dheer, hoggaaminta iyo hay’adaha daahfurnaanta oo liitey, taas oo xannibaysa waxtarkooda. Hay’adaha hufnaanta iyo maamul-wanaagu waxay muhiim u yihiin dib-u-dhiska dalka. Hay’adahani waxay muhiim u yihiin soo-celinta xukun ku dhisan xeer iyo sharci, kaasoo dalka u horseeda horumar iyo dowladnimo. Hufnaanta hay’adaha maamulka waxay door muhiim ah ka ciyaaraan hubinta badqabka dalka iyo dadka, dareenka mas’uuliyadda qaranka iyo aaminaadda tallaabooyinka ay qaadeynso dowladdu.
Maqnaanshaha ama liidashada hay’adahaan aasaasiga ah ayaa si weyn u dhaawacay maamulka dalka iyo sida wax ku oolka ah ee ay u shaqeeyaan hay’adihiisa maamul, isla-xisaabtanka heerarka dowladda federaalka ah ee dhexe (DFS) iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah (DXDF). Sidaas darteed ujeedada maqaalkan waa in la iftiimiyo saameynta hay’adaha hufnaanta iyo maamul-wanaaga ay ku leeyihiin hannaanka dowladnimada dalka iyo mas’uuliyadda dowladda Soomaaliya.
Hay’adaha hufnaanta ee Soomaaliya waxay leeyihiin taariikh adag oo marar badan caqabadooyin leh, waxaana si weyn u saameeyey xukunkii milatariga ahaa ee dalka xukumayey muddadii 21 sano aheyd iyo muddada dheer ee dalku ku soo jirey colaado iyo xasilooni-la’aan siyaasadeed xilligii dowlad-burburka. Hay’adahani waxay ujeedadoodu tahay in la hagaajiyo mas’uuliyadda iyo hufnaanta maaraynta maaliyadda iyo maamulka, si loo ilaaliyo hantida dowladda.
Hase yeeshee, waxtarkooda waxaa si weyn caqabad ugu ah dhibaatooyinka kala duwan, ee dalka ku habsadey sida kheyraadka dalka oo xaddidan, faragelin siyaasadeed oo toos ah iyo walaacyada xaga amniga. Waxtarka iyo shaqada saxda ah ee hay’adaha daahfurnaanta iyo maamul wanaaga ee muhiimka u ah mas’uuliyadaha dowliga ah iyo maamulka—sida hay’adaha dowladda ee ka mas’uulka ah xeer-dejinta (ansixinta iyo fulinta xeerarka) ee loo yaqaaan baarlamaanka, Hantidhawrka Guud, Xisaabiyaha Guud, Hay’adaha Ka-hortagga Musuqmaasuqa, Hay’adda Wax-Soo-Iibsiga Qaranka, Ururada Bulshada Rayidka ah ee firfircoon, iyo warbaahinta mas’uulka ah waxay muhiim u yihiin awoodda daahfurnaanta hay’adaha dowladda, ilaalinta maamul-wanaaga iyo hantida qaran. Howlgalka hufan ee hay’adahaasi ayaa si toos ah u saameeyaa mas’uuliyadda dowladda iyo badqabka muwaadiniinteeda.
Muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin in ay helaan macluumaad ku saabsan hawlgallada maamulka dowladda, waxayna sidoo kale xaq u leeyihiin in ay ka qaybqaataan geeddi-socodka go’aan-qaadashada dowladda ee arrimaha masiiriga ah. Haddaba, qormadaan waxaan uga hadli doonaa kuwa ugu muhiimsan hay’adaha maamul-wanaaga iyo hufnaanta.
- Laanta Xeer-dejinta (Barlamaanta):
Hay’adaha muhiimka ah waxaa ka mid ah baarlamaanka, oo ka dhigaya laanta fulinta mid lala xisaabtami karo iyada oo loo marayo baaritaanno dadban iyo su’aalo toos ah intaba. Saddexda laamood ee dowladnimada—Fulinta, Garsoorka iyo Xeer-dejinta—waa inay kala madax-bannaan yihiin, mid kastana wuxuu doorkiisa muhiimka ah ka ciyaaraa qaab hufan oo lagu ilaalinayo nidaam-maamul oo dheeli tiran oo waxtar leh. Laanta fulinta waxay mas’uul ka tahay hirgelinta iyo dhaqan-gelinta shuruucda iyo xeeraka dalka oo uu barlamaanku soo saaro. Laanta Garsoorku waxay turjuntaa oo hirgelisaa dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka, halka laanta xeer-dejintu samayso xeerarkaas.
Si loo hubiyo isu-dheelitirka laamahaas dowladda dhexdeeda, saddexda laamood waa in ay si kala madax-bannaan u shaqeeyaan. Madax-bannaanida laanta xeer-dejinta iyo ka hortagga ku-takrifaladdka awooda laanta fulinta waxay aas-aas u tahay dowladnimo iyo dimuqraadiyad caafimaad qabta, iyadoo la hubinayo nidaamka isu-dheelitirka awoodaha dowladda, kaasoo ka hortagaya in mid ka mid ah laamuhu helo awood xad-dhaaf ah, oo uu ku muquuniyo labada kale. Dastuurka Soomaaliya, sida inta badan dastuuradda dimuqraadiyada ku dhisan, waxaa loo qaabeeyey si cad in uu kala sooco awoodaha iyo hawlaha laanta xeer-dejinta iyo laanta fulinta.
Waa lagama maarmaan in la ilaaliyo madaxbannaanida laanta xeer-dejinta si loo xaqiijiyo maamulka wax ku oolka ah, oo u taagan mas’uuliyad iyo ilaalinta mabaadi’da dimuqraadiyadda. Mid ka mid ah mabaadi’da aasaasiga ah ee kala socda awoodaha dastuuriga ah ee saddexda laamood ee dowladdu ka kooban tahay waa in la mamnuuco dadka inay si isku mar ah u haystaan labadaba awoodood sida jagooyinka wasiirnimo iyo xildhibaan. Xilligan hadda ah ku dhawaad 60 ka mid ah 275 xildhibaan ee Barlamaanka federaalka ah ayaa ah xubno ka tirsan fulinta, taasoo xaddideysa awoodda laanta xeer-dejinta oo wakiil ka ah bulshada, taasina waxay wiiqeysaa kalsoonida bulshada ee hay’adaha dowliga ah.
Marka laanta fulintu ay xakameyso laanta xeer-dejinta, nidaamka maamul-wanaaga ee ah is-hubinta iyo isku dheelitirka awoodaha iyo mas’uuliyadda dowladda ayaa la burburinayaa. Mid ka mid ah tilmaamaha muhiimka ah ee maamul-wanaaga Afrika waxaa lagu soo bandhigay tilmaanta Ibrahim ee lagu qeexo maamul-wanaagga Afrika (Ibrahim Index of African Governance – IIAG), kaas oo bixiya qiimeyn ku saabsan tayada maamul ee waddamada Afrika. IIAG waxay uruurisay 81 tilmaamood iyo 265 tilmaan-isbeddel oo ka soo baxay 54 mashruuc oo xog la ururiyey ah, iyadoo ka soo xiganeysa 47 ilo-xogeed oo madax-bannaan ee Afrika iyo caalamka.
Sanadka 2022, Soomaaliya waxay ku dhacdey kaalinta 53aad markii loo eego 54-ta dal ee Afrikaan ah, taas oo la macna ah in aan liiska ka galney meel hoose. Qiimeyntani waxay iftiimineysaa xaalada hadda jirta ee xaga maamul-wanaaga dalka Soomaaliya, taasoo muujineysa in baahi degdeg ah loo qabo in aan dib u qiimeyno nidaamkeena hab-maamul iyo dhaqan-dowladnimo.
- Xisaabiyaha Guud:
Xisaabiyaha Guud, wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa maaraynta nidamka maaliyadeed iyo xisaabinta ee dalka. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa maamula xisaabaadka miisaaniyadda qaran, maareeyana maaliyadda mid kasta oo ka mid ah hay’adaha dowliga ah, iyo bixinta kharashka qaranka, ka dib marka Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo miisaaniyadda. Intaas waxaa sii dheer, waxay mas’uul ka tahay kormeerida iyo xakameynta dhammaan ballanqaadyada dowladda, iyada oo uu bixinayo tilmaamo ku saabsan nidaamka xakameynta ballanqaadka dowladda iyo korjoogteyntooda, iyo sidoo kale hubinta dukumiintiga iyo warbixinta ballanqaadyada ay sameeyeen hay’adaha dowladda.
Xisaabiyaha Guud wuxuu kormeeraa ku-dhaqanka, hay’adaha dowladda ee miisaaniyadda iyo shuruucda maaliyadeed. Sharciga Maareynta Maaliyadda Dowladda (Public Financial Management Act) ayaa maamula qaab-dhismeed loogu talagalay doorka iyo waajibaadka Xisaabiyaha Guud. Sharciyadan waxay qeexayaan awoodaha iyo waajibaadka Xisaabiyaha Guud iyo xaqiijinta madax-bannaanidiisa, oo ay ku jiraan maaraynta hantida dowladda, kormeerka warbixinta maaliyadeed iyo xaqiijinta ku-dhaqanka, shuruucda maaliyadeed.
Madax-bannaanida Xisaabiyaha Guud waxaa taageera qaab dhismeedka sharciga, si loo xaqiijiyo heerka ugu sarreeya ee hufnaanta iyo mas’uuliyadda. Xisaabiyaha Guud waa hay’ad dowli ah oo madax-banaan, waana inuu u dhaqmaa si ka madax-banaan Wasaaradda Maaliyadda, taas oo keeneysa inay si madaxbannaan u fuliso waajibaadkeeda. Si kastaba ha noqotee, dowladihii Soomaaliyeed, heer dhexe iyo maamul-goboleed, ayaan siin mudnaanta uu leeyahay xafiiskan iyo madax-bannaanidiisa, iyagoo hoos dhigtay awoodda Wasiirka Maaliyadda, taas oo ka soo horjeeda sharciga.
- Xafiiska Hantidhawrka Guud:
Xafiiska Hantidhawrka Guud, oo loo yaqaan Hay’adda Kormeerka Sare (Supreme Audit Institution), ayaa sameeya kormeer maaliyadeed iyo hantidhawr ku aadan dhammaan xisaabaha dowladeed si loo xoojiyo hufnaanta iyo masuuliyadda sida loo isticmaaley hantida dowladda. Taariikh ahaan, Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Soomaaliya waxaa la aasaasay horaantii 1960-meeyadii ka dib madax-bannaanida Soomaaliya ee 1960. Si loo xoojiyo awooda sharci ee xafiiskan, waxaa la asteeyey Xeerka Maaliyadda Dowladda oo loo yaqaan Xeer No. 2, (Public Financial Act – Law No.2) ee soo baxay 29-ka Diseembar 1961, si uu u maamulo hay’adaha maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya.
Sanadkii 1962, Xeer No. 317 ayaa dhaqan galay, si loo xadidio qaabdhismeedka maamulka maaliyadda dowladda. Burburka hay’adaha dowliga ah sanadkii 1991 ayaa keenay caqabado waaweyn oo horyaalka Xafiiska Hantidhawrka Guud (Office of Auditor General) maadaama dhammaan hay’adihii dowladu noqdeen kuwo aan jirin ama aan waxtar lahayn. Sannadkii 2012, dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa aqoonsaday madax-bannaanida Xafiiska Hantidhawrka Guud, kaasoo doonayay inuu door muhiim ah ka ciyaaro hubinta maareynta iyo hubinta isticmaalka maamliyadda dowladda Soomaaliya. Qodobka 114-aad ee dastuurku wuxuu qeexayaa madaxbannaanida la siiyay Xafiiska Hantidhawrka Guud, si loo dhiirrigeliyo hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo maamul wanaagga.
Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah caqabadaha waaweyn ee soo wajahey Xafiiska Hantidhawrka waa ku-lug-lahaanshihiisa madaxa Xafiiska ee habka ansixinta kharashyada dowladda, taasoo ka soo horjeeda madaxbannaanidiisa iyo kormeerka wax ku oolka ah ee kharashyada dowladda. Doorkan la siiyey Xafiiska Hantidhawrka Guud wuxuu khilaafsna yahay madaxbannaanidiisa iyo awoodda uu u leeyahay inuu si wax ku ool ah u kormeero kharashka dowladda, maadaama uu qeyb ka noqdey nidaamkii kharash-bixinta, ayna u muuqato in uu isagu is-baarayo (self-review).
Arrin kale oo iyagana caqabad ku ah wax-qabadkiisa ayaa ah in uusan laheyn madaxbannaani miisaaniyadeed maadaama xafiisku uusan lahayn miisaaniyad u gaar ah oo ka madax-bannaan laanta fulinta. Ku tiirsanaantani waxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ku haysaa saamayn aan habboonayn oo ka timaada dowladda, waana sida muuqata oo uu hadda la ilka-beelay xafiiskaasi, iyadoo waqtiyadii lixdamaadkii illaa tii kacaanka uu ahaa xafiis awood badan leh. Qaabka lagu magacaabo ama shaqada looga qaado Hantidhawraha Guud ayaa iyaduna keeneysa su’aal weyn xaga madax-bannaanidiisa. Arrimahaas oo dhan waxay khatar gelinayaan hufnaanta iyo madaxbannaanida xafiiska.
Dhacdo ugub ah waxaa aheyd in Ururka Horumarinta INTOSAI (INTOSAI Development Initiative) iyo AFROSAI-E ay soo saareen bayaan wadajir ah oo ku saabsan magacaabista Handidhowraha Guud ee Soomaaliya kadib markii dowladdu ay cayrisey Guddoomiyihii Xafiiska Hantidhawrka Guud ee dalka, ayna ansixisay magacaabista Guddoomiye cusub bishii Febraayo 2023 si lama filaan ah, iyagoo walaac ka muujiyey saamaynta taban ee suurtagalka ah ee ku iman karta madaxbannaanida Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Labadaan hay’adood oo aad u taageera Xafiiska Hantodhawrka Guud ayaa xaqiijiyay in habka hadda jira ee xil-ka-qaadista iyo magacaabista Hantidhawrka Guud ee Soomaaliya uu ka soo horjeedo dadaallada qaran ee lagu dhisayo xeerar sharci oo waafaqsan mabaadi’da caalamiga ah ee la aqbalsan yahay iyo kuwa la taageeray ee ku xusan Bayaanka INTOSAI Mexico (INTOSAI Mexico Declaration), kuwaasoo dhamman ku saabsan madaxbannaanida Hay’adaha Hantidhawrka Guud, iyo in laga feejignaado xaalad kasta oo khatar gelinaysaa dhisidda hantidhawrka madaxbannaan, awoodna u leh wax ka qabato caqabadaha qaran ee la xiriira isticmaalka hantida dowladda, iyada oo la xoojinayo mas’uuliyaddaas, isla markaasna lala dagaallamayo musuqmaasuqa.
- Guddiga La-Dagaallanka Musuqmaasuqa:
Guddiga La-Dagaallanka Musuqmaasuqa, wuxuu baaraa, kana hortagaa musuqmaasuqa, taasi oo kor u qaadaysa daahfurnaanta iyo hufnaanta maamulka dowladda. Doorkooda ayaa muhiim u ah si loo xoojiyo daahfurnaanta iyo hufnaanta hay’adaha kala duwan ee dowladda maadaama ay hirgelinayaan siyaasado iyo istiraatiijiyado looga hortagayo musuqmaasuqa. Sidoo kale, waxay qabtaan ololayaal wacyigelin dadweyne si loo kordhiyo fahamka saameynta xun ee musuqmaasuqa, iayagoo dhiirrigelinaya dhaqan ku dhisan anshax-wanaag.
Tusaalaha ugu wanaagsan ee muujinaya muhiimadda hay’adaha la dagaallanka musuqmaasuqa waxaa ah Guddiga Madaxa-bannaan ee La-Dagaallanka Musuqmaasuqa ee Hong Kong oo caan ku ah dadaalada ka dhanka ah musuqmaasuqa, iyagoo adeegsanaya nidaam isku-dhafka ah oo ka kooban nidaam ka-hortag, baaris, iyo dacwad-oogis, Sidoo kale, Xafiiska Baaritaanka Dhaqan-xumada ee Singapore waa tusaale kale oo guuleystay, oo si weyn u yareeyey musuqmaasuqa iyada oo loo marayo hirgelin adag iyo wacyigelin bulshadeed.
Dhanka Soomaaliya, musuqmaasuqu wuxuu noqday mid baahsan, oo si weyn u hoggaaminaya shabakadaha danleyda qabiileysan ee hogaamiya hab-siyaasadeedka dhaqan-dhaqaale ee dalka. Sanadkii 2019, Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Maxamed wuxuu saxiixay sharci ka dhan ah musuqmaasuqa. Sida la ogyahay sanadkii 2021, Soomaaliya waxay dhistay Guddiga Madax-banaan ee la-dagaalanka musuqa, oo loogu talagalay in uu hogaamiyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadaan waxaa soo wajahay dhaleecayn ka timid mucaaradka, kuwaas oo qiray in dowladda xil-gaarsiinta ah aysan lahayn awood ay ku ansixiso xubnaha guddiga. Waxaa kale oo tallaabadaan carqaladeeyay awoodda siyaasadeed ee dalka oo ku dhisan kooxo danley ah oo qabiileysan.
Nasiib-darro, Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kala direy Guddigii Ka-hortagga Musuqmaasuqa ee dalka sannadkii 2022 doorashadiisii kadib, wuxuuna amar ku siiyay Golaha Wasiirada inay sameeyaan guddi cusub, sida ku xusan Qodobka 112 ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, guddigaas weli lama magacaabin. Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay noqotay dowlad xubin ka ah Heshiiska Qaramada Midoobay ee Ka-hortagga Musuqmaasuqa (UNCAC) sanadkii 2021 xilligii dowladdii hore, iyadoo ballanqaadey inay xoojineyso oo ay kor u qaadeyso ka-hortagga musuqmaasuqa. Intaa waxaa dheer, dadaallada lagu cusbooneysiinayo nidaamka Maareynta Maaliyadda Dowladda, ayaa lagu daray Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP-9).
In kasta oo ay jiraan dadaallo badan, musuqmaasuqu wuxuu weli caqabad weyn ku yahay xasiloonida iyo horumarka dalka, waana dhaqan soo jireen ah bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda sida uu lahaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan AHUN (Musuqmaasuq Soomaali waa meheredeediiye).
Soomaaliya weli waxay la tacaaleysaa caqabadaha hirgelinta tallaabooyinka waxtarka leh ee ka-hortagga musuqmaasuqa iyo hubinta isla-xisaabtan dhab ah, sida ku xusan miqyaaska (Index) Aragtida Musuqmaasuqa ee Hay’ada Transparency International ee soo baxdey sanadkii 2023, dowladda Soomaaliya waxay heshay 11 dhibcood oo ka mid ah 100 dhibcood oo qiimeynta aasaaska u ah, taas oo ka dhigtay waddanka 180aad ee ugu hooseeya 180ka dal ee warbixinta laga qaadey. Taasi ma aha meel qurux badan oo lagu qanci karo dal ahaan iyo dad ahaanba.
Isku soo duuboo, guddiyada ka hortagga musuqmaasuqa ayaa door muhiim ah ka ciyaara difaacida daahfurnaanta hay’adaha dowladda iyo hubinta in dowladdu qaado talaabooyin cadcad oo keeni kara isla-xisaabtan dhab ah, taasoo ka qayb-qaadaneysa dhismaha dhaqan siyaasadeed oo ku dhisan daacadnimo iyo isla-xisaabtan, oo lagama maarmaan u ah horumarka guud iyo degenaanshaha dalka.
- Hay’adda Qaranka ee Wax-soo-iibsiga:
Waaxda ama Hay’adda Wax-soo-iibsiga Dowladda, waxay mas’uul ka tahay korjoogteynta habraacyada Qaranka ee Wax-soo-iibsigasa si loo helo daahfurnaanta iyo tartan cadaalad ku dhisan, loogana hortago musuqmaasuqa . Waaxda Qaranka ee Wax-soo-iibsiga waxay shaqo ahaan hoos tagtaa Wasiirka Maaliyadda.
Hawsha ugu weyn ee ay qabto waaxdu waa in ay bixiso qandaraasyada dalabyada dowladda dhexe iyo hay’adaha kale ee lagu xusey xeerka dib-u-eegista qaabka soo iibinta iyo bixinta qandaraasyadda la xiriira shaqooyinka, adeegyada, iyo alaabada loo baahan yahay, waxayna la socotaa diiwaangelinta iyo qiimaynta qandaraaslayaasha diyaar u ah inay la shaqeeyaan dowladda. Ujeedada ayaa ah in la hubiyo in mashaariicda si xaq ah loo maareeyey, lana xaqiijiyey in ay u dhiganto qiimaha la bixiyey (value for money).
Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Qaranka ee Wax-soo-iibsigu waxay wajahaysaa caqabado badan, oo ay ku jiraan faragelinta siyaasadeed iyo awood la’aan lagu maareeyo qandaraasyadda. Sidoo kale, waxaa jira arrimo la xiriira musuqmaasuq iyo eex ka jira hay’adda dhexdeeda, iyo khibrad iyo tababar la’aan haysada hawlwadeenadda hay’adda, taas oo aad u adkeysa xaaladda. Waxaa xusid mudan inay jirto taageero siyaasadeed oo aan ku filnayn dadaallada isbeddelka loo baahan yahay, taas oo hakisey xawaaraha isbeddelada ku saabsan Hay’adda Qaranka ee Wax-soo-iibsiga daka, hoosna u dhigay waxtarkeeda iyo aqbalaadda bulshada.
- Ururada Bulshada Rayidka ah:
Ururada Bulshada Rayidka ah (Civil Society Organisations – CSOs) waxay u doodaan hufnaanta, maamul-wanaagga iyo isla-xisaabtanka, marar badan waxayna ka shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa shaqadaas. Bulsho kasta, hay’adaha bulshada rayidka ah waxay ciyaaraan door muhiim u ah maamul-wanaag iyo horumarinta, waxayna u dhexeeyaan dowladda iyo muwaadiniinta.
Ururada Bulshada Rayidka ah waxay ka kooban yihiin ururo iyo hay’ado kala duwan oo u dooda danaha bulshada, kor u qaada qiyamka dimoqraadiga ah iyo talo-wadaag, isla markaana xoojiya ka qaybqadashada muwaadiniinta ee go’aanada masiiriga ah ee dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, ururada bulshada rayidka ah (CSOs) ee wax ku oolka ah ma ahan kuwa si caadi ah loo horumariyo Soomaaliya heer dowlad dhexe ama maamul-goboleed, marar badana, ururadani waxay u shaqeeyaan sidii NGOs ku tiirsan naftooda, dhaqaale-doon ah, iyaga oo aan haysan kalsoonida bulshada, taasina waxay keentay inay ku guuldareystaan inay gutaan doorkoodii ahaa “qaybta saddexaad” ee bulshada (3rd sector of society).
- Warbaahinta Xorta ah:
Warbaahintu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa wacyigelinta dadweynaha, baaritaannada iyo shaacinta musuqmaasuqa, iyo la-xisaabtanka mas’uuliyiinta dowladda, iyadoo bixineysa macluumaad waqtigiisa ku habboon oo sax ah oo ku saabsan siyaasadaha, go’aanada, dhacdooyinka iyo tallaabooyinka ay qaadeyso dowladdu. Sidoo kale, waxay bulshada ka caawisaa in ay helaan macluumaad sax ah oo ay go’aan ku salayn karaan, waxayna u tahay madal lagu muujiyo aragtida dadweynaha. Warbaahinta madaxa bannaan waxay xoojisaa xasiloonida iyo hufnaanta dowladnimo, waxayna leedahay awood ay ku hagto ama ku beddesho jihada bulsho dhan. Waxaa badanaa loogu yeeraa awoodda afraad ee dowladnimada, maadaama ay si madax-bannaan u kormeerto saddexda awoodood ee kale (sharcidejinta, fulinta, iyo garsoorka), taasoo muhiim u ah ilaalinta daahfurnaanta iyo cadaaladda.
Dowladihii is-bada jooga ahaa ee Soomaaliya illaa 1969 waxay inta badan ku dadaaleen inay xadidaan xorriyadda warbaahinta, iyagoo xakameynaya helitaanka xogta (censorship), xakameynta mucaaradka iyo xog la’aanta dadweynaha, iyagoo saxaafadda xorta ah ku soo rogaya xeerar iyo caqabado qaanuuni ah oo xaddidaya awoodooda iyo shaqadooda. Inkastoo dastuurka Soomaaliya uu dammaanad qaadayo xoriyadda hadalka iyo warbaahinta, xaaladda xorriyadda saxaafadda Soomaliya ayaa walaac leh.
Saxafiyiintu waxay wajahayaan hanjabaado, xabsi, iyo awood-sheegasho ka imaanaya labada heer ee dowlad federaalka Soomaaliyeed (dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada), iyo sidoo kale dagaalyahannada xagjirka ah sida Al-Shabaab, oo gacan weyn ku leh dilka iyo cabsigelinta warbaahinta xorta ah.
Sidoo kale waxaa saxaafadda lagu aamusiyaa xadhig, xeer-dhaqameed, cadaadis siyaasadeed iyo isku dayo in la laaluusho, iyagoo abuuraya jawi adag oo khatar ku ah saxaafadda. Intaa waxaa dheer, muuqaalka saxaafadda ee Soomaaliya waxaa si weyn u saameeya siyaasadda saldhigga qabiilka ku dhisan, taasoo keeni kartay in lagu khasbo warbixino dan laga leeyahay iyo dhiirigelin ajendayaal gaar ah. Waxaa kale oo jira dhaqaale la’aan haysta xarumaha warbaahinta Soomaaliya taasoo sababta in warbaahintu ay si fudud ugu nuglaato faragelinta siyaasadeed iyo mid ganacsi, taasoo dhaawacda madaxbannaanida iyo kalsoonida bulshada.
Dhanka kale, caqabadaha ugu waaweyn ee haysta warbaahinta Soomaaliya waxaa ka mid ah heerka hoose ee aqoonta iyo tababarka weriyeyaasha, kuwaas oo badankoodu aan helin fursado joogto ah oo ay ku horumariyaan xirfaddooda saxaafadeed, gaar ahaan dhinacyada anshaxa suxufinimo, baaritaanka xog ogaalka ah, iyo ka hortagga wararka been abuurka ah. Intaa waxaa dheer, tiknoolajiyadda casriga ah ayaa saamayn weyn ku yeelatay qaab-dhismeedka warbaahinta dalka, iyadoo ay yaraadeen xarumaha warbaahinta rasmiga ah, taasoo keentay in dad badan ay xogta iyo wararka ka helaan ilo aan rasmi ahayn, gaar ahaan baraha bulshada, halkaas oo dad aan ahayn suxufiyiin xirfadleyaal ah maamulaan. Arrintani waxay keentay in si sahlan loo faafiyo macluumaadyo aan la xaqiijin ama been abuur ah, taasoo dhaawacaysa kalsoonida iyo hufnaanta warbaahinta Soomaaliyeed.
Gunaanad:
Guud ahaan, qormadan waxay ujeedadeedu tahay inay iftiimiso sababaha ka dambeeya fashilka maamulka dowladda iyo isla xisaabtan la’aanta hay’adaha hufnaanta iyo maamul-wanaaga Soomaaliya. Dagaalkii sokeeye ee daba-dheeraadey iyo dowlad-dhiskii Soomaaliya illaa sanadkii 2000 oo aad u tag-darnaa ayaa si weyn u naafeeyey ama una burburiyey hay’adihii muhiimka ahaa ee maamul-wanaaga iyo hufnaanta, iyadoo si weyn u hor istaagtay soo-kabashada dalka oo ka socda xaalad jilicsan (fragile state). Inkasta oo uu jiro dadaal lagu doonayo in dib loogu habeeyo nidaamka maamulka dowladeed ee Soomaaliya, xukuumadihii isku xigay ayaa gabi ahaanba ku fashilmay inay si habboon oo sax ah dib ugu dhisaan hay’adahaas, taasoo waxyeello weyn u geysatay badbaadada dalka iyo badqabka shacabka.
Haddii aan la helin dadaal mug leh oo ku habboon samatax-bixinta hay’adahaas, mustaqbalka dalka ayaa u muuqda mid madow. Maamul-wanaagsan, hufnaan, musuq la’aan iyo mas’uuliyad wadareed waa aasaaska bulsho guulaysata iyo horumar waara. Arrimahaas oo dhan waxay dhisayaan kalsooni, kor u qaadayaan ka-qaybgalka bulshada, waxayna xaqiijiyaan maamul waxtar leh iyada oo la marayo dariiqa hufnaanta iyo sinnaanshaha, labadaas mabda’ ayaana abuuraya nidaam cadaalad ku dhisan, waxtar leh, oo ka jawaaba baahiyaha bulshada.
Hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee dalka ee heer gobol iyo dowlad-dhexe waa in ay kor u qaadaan dib-u-dhiska maamulka dowladda iyo daadejintiisa nidaamka federaaka illaa heer tuulo, dib-u-dhis fiicana ku sameeyaan hay’adaha mas’uul ka ah arrimaha maamul-wanaaga, hufnaanta iyo la dirirka musuqmaasuqa, si ay u suurtogasho in dalku mar dambe lugihiisa ku istaago, loona ilaaliyo madaxbannaanidiisa siyaasadeed iyo helitaanka ixtiraamka masraxa caalamiga ah.
Qoraaga: Cali Xaaji Warsame MBA MA CPA CGMA
Agaasimaha Fulinta – Machadka Hiil
Email: ali.warsame@eau.edu.so
Tel: +252 90 7792 777 (Local Tel)
Tel: +254 7 16079177 (WhatsApp)