Dib-u-doorashadii Donald Trump waxay si xawli ah u kicisay qalalaasaha siyaasadeed ee caalamku wajahayo, waxaa markii ugu horeysay baqdin dareemay dowladaha isbahaysiga NATO ku jirey oo kor-u-qaadaya miisaaniyadooda is-hubeynta %5 sanadkan, Ingiriiskuna qudhiiso wuxuu qorsheynayaa inuu isaguna %3 uu kordhiyo, waxaana intaas dheer inuu Trump ku goodiyey shirkii ugu danbeysay ee NATO, inuu ka jarayo miisaaniyad-sanadeedka ay bixinjireen, taasoo dhaawac mug leh gaarsiin karta jiritaanka NATO, kana dhigi karta urur u nugul daandaansiga waddamada xawliga dhaqaalahoodu ku socdo sida Ruushka iyo Shiinaha.
Haddaba iyadoo xaalku halkaas marayo, qaaradda Afrika sidee bay u saamaynaysaa dhaq-dhaqaaqa shacbawiga ah ee argatida “Trumpism-gu” hoggaamineyso, se saamayn intee le’eg ayey ku yeelanaysaa waaqaca jiyo-siyaasadeed ee Geeska oo indhwaaleba aan cago adag ku taagnayn.
Afrika iyo Trump
Markii dalal badan oo Afrika ah ay xorriyadda qaateen bilowgii lixdamaadkii, ayaa John F. Kennedy dhidabada u taagay Hay’adda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga ah (USAID), 1961-dii, waxaanna loo yagleelay inay kabto waddamada soo koraya ee ku cusub dhaqanka dawladnimadda casriga ah, isla marahaantaana u baahan kab-dhaqaale ay ku xalliyaan baahiyahooda caafimaad, hormarineed, iyo bini’aadanimo. 2024-kii, Africa waxay USAID ka heshay $8 bilyan oo gargaar ah iyadoo tan iyo markii ha’yadda la asaasay heshay $2.6 tirilyan, waxayna sanadkan 2025-ka la saadaalinaayey inay gaari karto $9 bilyan. Africa waxay isku dhiibtay 64-sano oo Maraykanku quudinaayey oo waxaaba loo arkey inay tahay lacag waajib ku ah Maraykanka, iyagoo helayay inay si tartiib ah ay u yareeyaan lacagahaas loogu deeqo, waxaanna wax lala yaabo ah in qaaraddu ka sugto dal shisheeye inuu dhaqaale iyo dawo ku bixiyo cudurka AIDS-ka oo sanadkii 2021-ka ku dilay qaaradda Africa 380,000 oo qof, marka la barbardhigo 2010-kii oo uu dilay 1.2 milyan qof, iyadoo uu si xawli ah hoos ugu dhacayey sanadkasta, taasoo ay ugu wacantahay, dhaqaalaha iyo daawooyinka hormarsan ee uu Maraykanku bilaash ku siin jirey qaaradda Afrika.
Markii Trump uu yimid xafiiska, wuxuu go’aan deg-deg ah ku qaatay dabayaqaadii Janaayo 2024-ka inuu joojiyo dhammaan shaqadii ay haysay USAID, isagoo u aaneynaya, inuu yimid xilligii ay Maraykanku isku-tashan lahaa oo uu xallin lahaa dhibbaatooyinkiisa dhaqaale ee haysta, ayna soo idlaatey dhaqaalaha ay bixinjireen nus qarnigii tagay, Afrika waaga’ ayaa ku baryey!, oo maysan-ba filaneyn in sidaan oo kale ay dhici karto.
Dhanka kale marka laga eego, waxaa hubanti ah maadaama aysan Afrika u diyaarsanayn isbadalkaas xawliga ah ee ku dhacay siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka inay raadsandoonto dowlad kale oo buuxisa kaalintaas uu Maraykanku baneeyey, taasoo keeni karta in looga adkaado Maraykanka ama reer Galbeedka-ba, loollanka jiyo-siyaasadeed ee qaaradda ka jirey sanadihiii ugu danbeeyey iyadoo Shiinuhu uu dhaqaale xoog leh ku maalgeliyay Afrika, wuxuuna isku ballaarin karaa si uu u buuxiyo kaalintaas uu Maraykanku baneeyey, sidoo kale Ruushka oo dagaalka Yugrayn ku mashquulsan xilligan wuxuu si dhow ula socodaa isbaddaladaas qaaradda ka socda, marka waxay taasii haddii ay dhacdo wiiqaysaa saameynta Maraykanka ee qaaradda mustaqbalka dhow.
Soomaaliya iyo joojinta USAID
Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirtay dalalka sida weyn ugu tiirsan kaalmada Maraykanku bixiyo. Sanadkii tagay kaliya ayey heshay lacag gaaraysa; $1.5 bilyan, taasoo $870 milyan oo kamid ah lagu kharashgareeyey arrimo caafimaad, waxayna ka dhigantahay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo awalba %60 miisaaniyadeydu deeq-ku-tiirsaneed ay waayi doonto in badan oo kamid ah misaaniyad-sanadeedkeeda, taasoo si weyn ay u saameynaysa sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda DFS Biixi Cige ciidanka Danab oo si toos ah ugu tiirsanaa dhaqaalaha Maraykanka laga helo oo gaaraya $180 milyan. Bilihii tagay wuxuu Maraykanku ka walaacsanaa musuq la sheegay in uu ka jiro maamulka saadka ciidamadaas, waxaanna socday qorshe dib-u-eegis lagu sameynayo taageerida ciidan ee Maraynkanku siiyo Soomaaliya.
Culeyska dhaqaale ee soo foodsaaraya Soomaaliya iyadoo muddo dheer dagaal kula jirtay kooxo argagixiso ah wuxuu cabsi lixaadleh ku abuurayaa sida ay Soomaaliya uga badbaadi karto culayskan weyn ee wajahayso, ma waxay keeni kartaa in kooxahaan sida Al-Shabaab ay sii xoogeystaan oo ay buuxiyaan kaalinta ay baneynaayaan ciiddanka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale keeni karta in qabaa’ilku is-hubeeyaan oo awood kale oo tan dowladda u dhiganta ay meesha kasoo baxdo. Marka dhankaas amaanka laga eego, Soomaaliya waxaa la dhihi karaa waa dalka ugu saameynta badan ee wax ku weynaya wayraxsanaanta Trump, taasoo ay sii xoojinayso hay’adihii dowliga ahaa oo aan weli xoogeysan iyo dowladda oo deegaano badan oo koonfurta Soomaaliya kuyaala aan gacan ugu jirin.
Haddaba, arragtida Trumpism-ga ee sida xawliga ah looga dhaqan galinayo danaha Maraykanka ee caalamka kala dhaxeeya, iyadoo aan loo eegeyn heerka xiriir ay dalalkaas la lahaayeen Maraykanka, waxay ku tusinaysaa in adduunku u wareegay jiho cusub oo aan la saadaalin karin, oo hubanti-la’aan ah, Afrikana waxa ay ku qaadan muddo dheer in ay ka soo kabato xiritaanka USAID oo lagay yaabaa inuu ka kiciyo wahabkii iyo caajiskii saarnaa qaaradda sanadihii badnaa ee Maraykanku quudin jirey oo la arko Afrika oo isku tashanaysa oo hoos u eegaysa kheyraadka dhex ceegaaga dhulkooda.
Si kastaba ha ahaatee, Trump si aan ula kac ahayn ayuu Afrika u siiyay fursad dahabi ah. Qaaradda Afrika waxay haysataa fursad haddii ay si xirfadaysan uga faa’iidaysato.
Qoraaga: Maxamed Mire
Trumpism: Waa erey bixin siyaasi ah oo nuxurkeedu yahay; inuu Madaxweynuhu ka sarreeyo sharciga, waxayna ku soo arooraysaa aragtida “Midigta Fog” ee xagjirka ah. Ereyga-na waxaa laga soo dhanbalay magaca Trump, wuxuuna bilowday adeegsikiisu 2016kii.