Sidee u Kala Saarista Sayniska iyo Aartiska u Saamaysaa Ardayda Dugsiyada Sare ee Puntland?

Marxaladda dugsiga sare waaa mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee uu maro ardayga ku jira safarka waxbarashada. Sida ku xusan Siyaasadda waxbarashada ee Soomaaliya dugsiyada sare ee Soomaaliya wakhtigoodu waa afar sano. Ardayduna waxa ay qaataan maaddooyin isku dhaf ah loomana kala saaro Saynis iyo Aartis. Puntland, xagga waqtiga waa ay la wadaagtaa Soomaaliya inteeda kale, laakiin waxay uga duwantahay in ardayda loo kala saaro Saynis iyo Aartis marka ay gaaraan fasalka saddexaad ee dugsiga sare, gaar ahaan iskuullada ay dowladdu maamusho. Haddaba, waxa aan maqaalkaan ku eegi doonnaa saameynta ay kala doorashadu ku yeelato ardayda dugsiyada sare ee Puntland ee kala aada labadaas qeybood.

Si guud, kala saaridda ardayda ee dugsiyada sare waa hab waxbarasho oo jira ayna ku dhaqmaan dalal badan oo caalamka ah oo aan tusaale u soo qaadan karno dalka aan dariska nahay ee Kenya. Waxaana jira sababo dhowr ah oo loo door-bido in ardayda la kala saaro inta aysan jaamacad gaarin, waxaana ugu muhiimsan; U diyaarinta ardayga takhasuska ku habboon; Tusaale, ardayda mustaqbalka jecel in ay bartaan kulliyado Saynis ah, waxa ay ka caawinaysaa in ay xoogga saaraan maaddooyinka aas-aaska u ah Sayniska sida: Fiisikis, Baayoloji, Xisaab, Kimistari iwm. Sidaas si la mid ah qolyaha raba in ay Aartis bartaan waxa ay xoogga saarayaan inta asalka u ah kulliyadaha Aartis-ka ah.

Haddaba, si looga dhabeeyo ujeeddooyinka guud waa in uu jiraa hab-raac loo maro marxaladda kala saarka gaar ahaan marka la joogo fasalka saddexaad ee dugsiga sare oo ah halka ay ardaydu ku kala bayraan marka Puntland la joogo.

Si guud dalal badan oo ka mid ah kuwa adeegsada qaabka kala qeybinta ardayda waxa ay ka simanyihiin arrimaha soo socda xilliga kala saarista ardayda:

  1. Qiimeynta darajada ardaygu ee fasalladii hore: Doorashada ardayga waxaa qeyb weyn ka ah imtixaannadii hore ee uu galay, tusaale ahaan haddii uu ku fiicnaa Xisaab, Fiisikis, Baayoloji iyo Kimistari waxaa u furan in uu aado Saynis. Dhanka kalena haddii uu ko roonyahay maaddooyinka la xiriira Aartis-ka waxa uu dooran in uu dhankaas aado.
  2. Ogaansha xiisaha ardayga: Arday kasta waa in uu si guud u yaqaan ama loo ogaadaa waxa uu xiiseeyo ama jecelyahay si loogu saleeyo meesha uu aadi karo.
  3. Takhakhuska ardayga ee mustabalka: Waa mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee la rabo in ardaygu doorashadiisa ku saleeyo. Ardayga mustaqbalka raba in uu barto maaddo Aartis ah waa in uu hadda doortaa Aartis, kan kulliyad Saynis ah doorbidayana waxaa in uu doortaa Saynis.
  4. U jeeddo qaran: Mararka qeybtood dalka ayaa go’aan ka gaara iyadoo oo aan laga tagayn qodobbada kore inta ugu muhiimsan sida loo kala badinayo ardayda kala aadaysa labadaas qeyboood. Tusaale ahaan, haddii dalku rabo in uu sannadaha soo aaddan soo saaro dhakhaatiir iyo injineerro badan waxaa la doorbidaa in arday badan loo diro ama lagu dhiirigeliyo in ay Saynis doortaan.

Qaabka ardayda loo kala saaro Puntland

Guud ahaan ma jiraan siyaasad iyo xeer qoran oo qeexaya sababta ardayda loo kala saarayo iyo jidka ay tahay in loo maro kala saaristooda toonna. Ardaygu marka uu ka soo gudbo fasalka labaad waxa uu aadaa meeshii uu doono iyada oo laga yaabo in ay tahay mid aan ku habboonayn. Waxa aan xog ka raadiyey arday badan bal in aan ogaado waxa ugu weyn ee jiheeya maadaama aysan jirin siyaasad loo diyaariyey, waxaana ii soo baxday in ardayda waxbarshada ku liidata ama akhriska iyo dedaalka neceb ay aadaan Aartis sababtoo ah in ay maqleen waa maaddo fudud oo kaliya. Arrintaas ayaana keentay in Cumar Samatar oo ah dugsiga sare ee ugu weyn guud ahaan Puntland uguna ardayda badan sannad dugsiyeedkii 2024-2025, 8 fasal oo ka mid ah 12 fasal oo fasalka saddexaad ee dugsiga sare ay Aartis doorteen halka 4 na Saynis doorbideen.

Kaaga sii darane, haddii ardaygu ku dhaco dhammaan maaddooyinka Sayniska ah imtixaannadii fasallada koowaad iyo labaad ee dugsiga sare laakiin uu baasay celcelisan ahaan weli waxa uu haystaa fursad uu ku dooran karo Saynis oo majiro wax u diidaya. Sidaas oo kale, Aartis-ka ardayga ku dhacay maaddooyinka ugu muhiimsan,  haddana Aartis waa uu dooran karaa.

Waxaa dhaca marka ay Jaamacadda gaaraan

Guud ahaan wacyiga ardayda ka imaanaysa dugsiga sare aad buu u hooseeyaa. Wuu yaryahay arday yaqaan kulliyadda saxda ah ee ku habboon iyo sababta uu ku dooranayo. Waxaana ka qabsada jahwareer adag.

Dhanka kale, jaamacadaha badankooda waxa aad ku arkaysaa arday ka yimid Aartis oo labadii sano ee u dambeeyey uguna muhiimsanaa aan soo arag maaddo Saynis ah oo haddana dooranaya kulliyad Saynis ah, mana jirto xeer ka reebaya iyo maaddooyin laga fiirinayo. Sidaas oo kale arday ka yimid Saynis ayaa kulliyad Aartis ah aadi kara.

Qodobka la xiriira takhasuska ardayga ee jaamacadda waxa  uu ahaa kii aan soo sheegay in uu yahay midka ugu muhiimsan ee ardayda loo kala saaro, laakiin ardayda Puntland waxaaba uu ku noqdaa caqabad, waayo, ardayga Aartiska ka yimid waxa ay ahayd in uu Aartis aado, laakiin haddii uu kulliyad Saynis ah doorto waa caqabad weyn oo saameyn ku yeelanaysa hayaankiisa waxbarasho.

Gunaanad

Arrinta kala saarista ardayda waxa ay keentay jahwareer weyn. Muddo 8 sano ah oo aan bare ka ahaa waxbarashada sare inta badan waan arkayey dhibka ah ardayda oo aadaysa kulliyad aan la xiriirin wixii ay dugsiga sare ku soo barteen. Haddaba, waa in arrintaas wax laga qabtaa. Xalka ugu haboonna waxa uu noqon karaa:

  1. In gabi ahaanba meesha laga saaro kala saarista oo ardayda loo daayo in ay wada qaataan maaddooyinka dugsiga sare sida inta badan ay sameeyaan dugsiyada gaarka loo leeyahay.
  2. In saddex laga dhigo oo lagu soo daro doorasho guud oo ardaydu isku qaadan karaan maaddooyinka oo dhan kuwii rabaana ay kala bixi karaan, laakiin loo sameeyo hab-raac ardayda kala saaristooda loo maro, iyadoo ardayga go’aanka loo daynayo haddana waa in uu jiraa jid ay maraan oo aysan samayn wixii ay doonaan. Tusaale arday dhacay dhammaan maaddooyinkii Saynis-ka ma jirto sabab uu Saynis u dooran karo.
  3. Jaamacaduhuna waa in ay xeerarkooda adkeeyaan, oo maaddooyinka Saynis-ka ah aan loo oggolaan arday Aartis ka yimid oo aan labadii sano ugu muhiimsanaa dugsiga sare soo arag Saynis.

Ugu dambeyn, saameynta arrintaas ka dhalata waa dhibaato weyn oo taagan ayna walaac weyn ka qabaan guud ahaan bahda waxbarashadu, sidaas darteed waxa ay u baahantahay in si degdeg ah wax looga qabto.

Qoraaga
Bashiir Suulay
Bashiir Suulay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link