Sheeko Qaran: Sooyaalka halgamadii gobannimo doonka Soomaaliyeed (Qaybta 1-aad)

Dadka Soomaalidu waa dad deggan qaarradan Afrika gaar ahaana Geeska Afrika, waa bulsho deggan dhul badan oo ka mid ah Geeska Afrika una yaala hab filiqsanaan ah, kuwaas oo maanta ah afar dowladdood oo ka dhisan gobolka oo kala ah Soomaaliya, Itoobiya, Kiinya iyo Jabuuti.

Si lamid ah bulshooyinka kale ee Afrika ama Aasiya, dadka Soomaalida waxaa soo maray halganno kala duwan oo ay kaga soo horjeedeen gumaystihii doolka ahaa ee rabay inuu qabsado dalka Soomaaliyeed, waa tii uu lahaa (AHN) Abwaan Aadan Af-qalooc:” Samaan laguma doonee xornimo, wa sange u fuule, sallax dakhar leh, meyd soobiriyo, seedo waran gooya, soofkoo la kala qaado, iyo siigo kor u duusha, haweenkoo gambada saydha, iyo sebi agoomooba, libintuba waxay saaran tahay, suluf coladeede”.

Marka la barbardhigo dadyawga kale ee dunida, dadka Soomaalidu kali kuma aha qaybsannaanta dhuleed ee uu gumaystihii reer Yurub qaybiyay dhulkooda, oo uu ka dhigay dalal kala duwan, ee waxaa jira qowmiyado kale oo ay saamaysay qaybintii gumaystaha reer Yurub ee dhulka Afrika, waxaana kamid ah dadka Masaayga (Masaai) oo ah dad xoolo dhaqato ah gaar ahaan lo’da ooy caan ku yihiin, tiro ahaana lagu qiyaaso sideed Malyan (8 million) oo dagan wadamadda Kiinya iyo Tansaaniya.

Sidaas si lamid ah, qowmiyada Tuwaariiqdu waxay kamid yihiin dadkii uu gumaystihii reer Yurub qaybiyay dhulkooda, uusanna jirin dal kaligood gaar u leeyihiin, waxay dadkani caan ku yihiin dhaqashada xoolaha siiba geela, waxayna deegaan ahaan dagaan dhulka saxaraha laga soo bilaabo galbeedka Liibiya ilaa koonfurta wadanka Aljeeriya, waxay ka tirsan yihiin wadmada Liibiya, Aljeeriya, Maali Nayjar iyo Burkiino-Faaso oo dhamaantood ka tirsan wiqooyiga iyo galbeedka Afrika.

Qaybsannaanta dadyawgu kuma koobna oo keliya Afrika ee waxaa jira qowmiyado dagan qaarada Aasiya oo sidaas oo kale uu gumaystuhu kala irdheeyay dadkii iyo dhulkii ay daganaayeen, laakiin waxaa jira qawmiyado badan oo tiro ahaana ka badan Soomaalida oo aan lahayna dal ay gooni u leeyihiin sida Soomaalida, dadyawgaas waxaa kamid ah qowmiyada faca weyn ee Kurdida oo lagu qiyaaso tiro ahaa afartameeyo milyan (40 milyan) oo qayb ka ah waddamada Ciraaq, Suuriya, Turkiga iyo Jamhuuriyada Iiraan.

Sidoo kale qowmiyada Malaaya (Malay) ee daggan koonfurta bari ee Aasiya, oo tiro ahaan lagu qiyaaso sideed iyo toban malyan (18 milyan) oo kala deggan dallalka Malaysiya, Burunaay (Brunei) iyo Induniisiya, waxay kamid tahay dadka uu gumaystihii reer Yurub qaybiyay dhulkoodii kuna beeray dadka kale oo aan Malaay ahayn sida Shiinayska iyo Hindida.

Dadka Soomaaliyeed gumaystaha ku soo duulay dhulkooda waxay kaga jawaabeen iska caabin iyo halgan ay ku soo ceshanayaan gobonnimadii iyo xorriyadii dhulkooda, waxay halgannadaas soo bilaabeen qarnigii 10-aad ee taariikhda miilaadiga, xilligaas oo boqortooyooyinka ka jiray ay kamid ahaayeen Adal, iyo Ifat oo ka talin jirey Zaylac ilaa Harar  ay iska caabiyeen duullaankii Boqortooyadii Abyssinia (Itoobiya) oo rabtay in ay dhulkaas qabsato, taas oo markii dambe ay halgankaas qayb ka noqdeen Imaam Axmed Guray iyo ciidankiisii oo aakhirkii ku geeriyooday halgannkaas 1543-dii. Laga soo bilaabo xilligaas dhulka Soomaalidu waxuu la kulmayay duullanno ka imaanayay gumaystihii reer Yurub iyo Boqortooyadii Abyssinia (Itoobiya).

Shirkii Berlin ee dhacay 1885-tii wuxuu ahaa shir looga tashanayay qaybsashada dhul-waynihii qaarada Afrika, dhulka Soomaaliduna waxa uu kamid ahaa goofafkaas lagu kala jarayay miisaska Yurub, waxaana loo goos goostay sidan:

Ingiriiska oo ugu tun waynaa meesha wuxuu qaatay dhulka Soomaali galbeed (Ogaadeeniya) oo isku dhan, waqooyiga Soomaaliya (British Somaliland) iyo gobolka waqooyi bari ee Kiinya (NFD), Faransiisku wuxuu qaatay dhulkii xeebta Soomaalida ee Jabuuti, halka Talyaaniguna qaatay gobolladii Koonfureed ee Soomaaliya (Italian Somaliland).

Qoraaga: Cabdirashiid Maxamed Cabdi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *