Toban sano ka dib qaran-jabkii Soomaaliya 1991-dii, waxaa dalka ka hanaqaaday nidaam dowladeed oo ku dhisan habka Federaalka, kaaasoo tiirar looga dhigay wax qaybsiga beelaha ee afar-iyo-bar (4.5). inkastoo lagu soo caana-maalay, haddana waxaa soo baxay in nidaamka la qaatay ee federaalka iyo tiirarkiisuba caqabad ku yihiin dowlad-dhiska Soomaaliya.
Si faham guud looga qaato, waxaan dib u milicsanayaa waxa sababay burburkii dowladinimadii Soomaaliya. Waxaa jirey arrimo badan oo sababay qaranjabka balse waxaan ugu waa-weynaa sida cadaalad darro baahdey taasoo keentay in dad badan kalsooni-darro ka muujiyeen nidaamkii jirey, cid kasta oo ka gadoodda caddaalad-daradaasna waxaa lagu qabtay gacan bir ah iyo ciqaab aan kala sooc lahayn, taasoo ma-hadhooyinkii ay reebtay weli xasaasiyadeedii ay jirto.
Waxaa kale oo kamid ah in xukunkii keligii talis ahaa mudaddii uu xilka hayey dheeraatay, kaasoo dhamaan awoodaha dowladnimada hal gacan isugu geeyey. Waxayna sababtay in waxyaabo badan oo dhib ah laga tirsado. Dadkuna jeclaystaan dhicitaankeeda iyagoo aan ka fekerin saamaynta taban ee ka dhalan karta marka uu xukunka iyo kala damabyntu ay meesha ka baxo.
Sidoo kale, jabhadihii xukun raadiska ahaa oo qaab qabiil u abaabulnaa ayaa ka fii’iideysanayey tabashada bulshada, kuwaasoo ay hormuud ka ahaayeen shaqsiyaad xulkun doon ah. Jabhadahan ayaa dabada la galay dowlad ay cadaawad soojireen ahi kala dhexayso Soomaalida, kadibna wiiqay awooddii iyo haybaddii dowladda Soomaaliya, kuwaasoo ugu dambayntii soo dedejiyey burburkii dalka iyo dowladnimadii.
Haddaba, dib u yagleelidii jamhuuriyadda cusub ee Soomaaliya ee sanadkii 2000, waxaa dib u soo if-baxay isla cilladihihii burburiyey dalka, haddii ay ahaaan lahayd dulmigii shaatiga dowladnimada loo gelinayay, keligii talisnimadii hoggaanka xukunka jooga iyo jabhadihii oo qaab qabiil u abaabulan (dowlad-goboleed xuduud qabiil leh), dana shisheeyana fulinaya.
Xilligan hadda la joogo rajada dowladnimo ee dalku waxay maraysaa meeshii ugu hoosaysey arrimahan soo socda awgood:
- Dowlad-dhiskii dalka oo dib u dhac ku yimid, iyadoo dowlad-goboleedyadii iyo dowladdii federaalku isku fahmi la’yihiin dastuurka, xeerarka dalka, maamul-daadejinta, wadaagga hantida iyo khayraadka dalka iyo guud ahaan jihada dalku hayaanka u yahay.
- Ururrada xagjirka ee dagaalka kula jira dowladda oo si aan hore loo arag u soo xoogeystey sida ISIS-da buuraha Calmiskaad ku sugan iyo Al-Shabaab-ka koonfurta dalka ka dagaalanta. Taasoo muujinaysa in awoodda difaac iyo wardoon ee dowladdu hoos u sii socoto.
- Beeshii caalamka oo ka daashay taageerada dowlad-dhiska Soomaalida, maadaama wax horumar ah laga gaari waayey sanado badan. Taasoo keentay in ciidamadii nabad illaalinta loo waayey dhaqaale lagu masruufo, haddii ciidamada shisheeye dalka ka baxaanna waxaa dhici kara in qaar ka mid ah ururada xagjirka ahi dalka intiisa badan qabsadaan.
- Isbedelka ka dhacaya adduunka ayaa isna qayb weyn ku yeelan doona mustaqbalka dalka. Dib u doorashadii madaxweyne Donald Trump waxay adduunka u jeedisey jiho cusub. Dal walbana wuxuu u diyaargaroobayaa inuu isku tashado dhaqaale ahaan iyo cudud ciidan ahaanba, taasina waxay yaraynaysaa taageeradii amni, dhaqaale iyo bini-aadanimo ee Soomaalida la siin jirey.
- Saamaynta siyaasadda dowladaha gobolka ayaa iyaduna Soomaaliya xaalkeeda uga sii daraysa. Damaca Itoobiya ee helitaanka marin biyood iyadu leedahay ayaa ah kan ugu daran ee Soomaaliya wadajirkeeda dhuleed saamaynta xun ku yeelan doona. Waxaana jira dowlado waaweyn oo arrintaas ku taageeraya Itoobiya iyo hoggaamiyeyaal (horgalayaal) Soomaaliyeed oo arrinkaas loo adeegsan doono.
- Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo ku mashquulsan dib-isu doorashadooda, iyagoo ka shaqaynaya hanaan doorasho oo aan la isku raacsanayn ayaa aad u kordhisey raja xumaddii awalba jirtey.
- Waxaa kale oo jirta in madaxda DFS heshiisyo qarsoodi ah ay la galeen dowlado badan, sida heshiisyo amni, dhaqaale iyo istaatiijiyadeed, kuwaasoo aan u adeegeyn danaha iyo aayaha umadda Soomaaliyeed balse ku salaysan dano-khaas oo waqti kooban ah.
- Dagaalada qabaa’ilka ee ku salaysan deegaanka, daaqsinta iyo xukunka ayaa dalka oo dhan dib uga bilawday. Koonfurta, bartamaha iyo waqooyigaba waxaa ka socda dagaal beeleedyo aan wax xikmad ah ku dhisnayn. Dagaaladaas oo dalka ku celiyey saansaan u eg 1991-dii.
- Dhaqaalaha dalka ayaa xilligan wuxuu marayaa meeshii ugu hooseysey (Sagxadda), kasoo laga dareemay dhamaan dhulka Soomaalida. Waxa sababay dhaqaale la’aanta ayaa loo aananayn karaa colaadaha joogtada ah, amni xumada, qalalaasaha siyaasadeed iyo saamaynta dhibaatooyinka dhaqaale ee adduunka ka jira ee ay sababeen dagaalada Yugraayn iyo Falastiin, iyo ka soo kabashada caalamka ee cudurkii Covid-19.
- Maamulkii, xukunkii iyo hantidiiba waxay, heer federaal iyo maamul-goboleedba, ku urureen gacanta laanta fulinta, taasoo sababtay in ay meesha ka baxdo isla-xisaabtankii iyo kala-madaxbannaanidii hay’adaha dastuuriga ah ee dalka. Waxayna madaxda dowladda heer kasta u fududaysay musuqmaasuq, eex iyo xukun iyo hanti boob aan la qarsanayn.
Arrimahaas aan kor ku soo sheegnay oo dhan waxay muujinayaann in rajaddii dowlad-dhiska Soomaaliya ay gashay xaalad hubanti la’aan ah, lagana yaabo in ay kasii darto haddii aan degdeg wax looga qaban.
Haddaba, maxaa laga qaban karaa si loo badbaadiyo nidaamka dowladnimo?
- In Soomaalida loo sameeyo dhab-u-heshiisiin, madaama weli ay jirto is aaminid la’aan baahsan beelaha dhexdooda. Ma suuroobi karto in dowlad ay wadaagaan bulsho kala shakisan oo aan ka daawoobin boogihii dagaalka sokeeye, welina aan isu celin hantidii ay kala qaateen, isagana garaabin dhibtii ay isu geysteen.
- In nidaamka dowladnimo ee hadda jira dib loo fiiriyo. Federal-ka ku salaysan dowlad-goboleedyo qaab-beeleed ku dhisan iyo wax-qaybsiga kuraasta ee 4.5, ma keenayaan dowladnimo la mahadiyo. Sidaas awgeed, waa in Soomaalidu dib uga fekertaa nidaamka dowladnimo ee ku haboon ee ay qaadan karaan iyagoo duruufohooda waafajinaya.
- In madaxda dowladdu ka tanaasulaan damaca awood maroorsiga iyo raadinta doorasho aan laysla ogolayn, islamarkaasna dastuurka iyo xeerarka dalku noqdaan kuwo la isla ogol yahay, marjicna u noqda talaabo kasta oo la qaadayo.
- In madaxda dowladdu dadka u soo bandhigaan heshiisyada qarsoodiga ah ee saamaynta ku yeelanaya aayaha ummadda, loona qabto khubaro aqoonyahan ah oo ka dooda, ka dibna la mariyo habraaca sharciga ah ee heshiisyada, lagana ansixiyo golayaasha dowladda iyadoo aan galangal iyo saamayn taban xukuumaddu ku yeelanayn go’aamadooda.
Ugu dambayntii, madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxaa laga rabaa inay awoodooda isugu geeyaan difaaca dalka iyo midaynta bulshada, kana tanaasulaan waxyaalaha bulshada qaybinaya ee ay faraha kula jiraan. Maamul-goboleedyada Soomaalidana waxaa laga rabaa in ay muujiyaan tanaasul iyo wadashaqayn xilligan adag. Waana in laga hortagaa damaca shisheeyaha ee dhaawacaya midnimada dhulka Soomaaliyeed. Ugu dambayntana laysugu yimaadaa sidii dowlad Soomaaliyeed oo sal-adag oo la wada ogol yahay sees loogu dhigi lahaa.
Qoraaga: Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre)