Islaamku waa diin dhameystiran oo kulansatay dhammaan qaybaha la xiriira nolosha qofka, haba ugu badnaatee dhinacyada xiriirka uu qofku la leeyahay Rabbigiis, naftiisa, iyo bulshada uu ku dhex nool yahay. Islaamku ma ahan oo kaliya diin ku saleysan cibaadada sida salaadda iyo soonka, balse waa nidaam dhameystiran oo hagaya nolosha adduun iyo tan aakhiraba; sida uu sheegay Shiikh Xasan al-Bannaa:
“Islaamku waa nidaam dhameystiran oo koobaya dhammaan qaybaha nolosha. Waa dawlad iyo dal, ama waa xukuumad iyo ummad, waa akhlaaq iyo awood, ama waa naxariis iyo caddaalad, waa aqoon iyo sharciga, ama waa cilmi iyo garsoor. Waa hanti iyo maal, ama waa tacab iyo hodannimo. Waa jihaad iyo dacwo, ama waa ciidan iyo fikrad, iyo sidoo kale waa caqiido sax ah iyo cibaado sugan labadaba.”
Hadalkaan muhiimka ah ee Xasan al-Bannaa wuxuu ina xasuusinayaa in Islaamku yahay nidaam dhameystiran oo aan waxba ka maqneyn nolosha qofka, xitaa qaybaha ugu yar ee nolosha maalinlaha ah. Islaamku wuxuu leeyahay hannaan adag oo uu qofka ku hago hab nololeedkiisa iyo dabeecadihiisa kala duwan.
Saddexda qaybood ee Islaamku nolosha ka hagayo
- Xiriirka qofka iyo Ilaahiis:
Islaamku wuxuu dhigayaa in qofka uu leeyahay xiriir toos ah oo joogto ah oo uu la leeyahay Rabbigiis. Waa xiriir ku salaysan cibaado, oo qofka xusuusinaya jiritaanka Eebbe iyo muhiimadda ku tiirsanaanta naxariistiisa. Qur’aanka Kariimka ah ayaa sidaan noogu tilmaamaya:
“وما خلقت الجن والإنس إلا ليعبدون”[1]
“Jinni iyo insi waxaan cibaadadayda ahayn umaanan abuurin”
Cibaadada sida salaadda, soonka, sakada, iyo xajka waxay tusaale u yihiin sida Islaamku uu muhiimad gaar ah u siinayo xiriirka qofka iyo rabigiis ka dhexeeya, xiriirkaas oo ah mid toos ah oo aan cidna loo marayn, waana midda uu islaamku uga duwan yahay diimaha kale oo qofku uu ku khasban yahay in uu sii maro Raahib ama oday diimeed ku xira hadba cidda uu caabudayo.
- Xiriirka qofka iyo bulshada:
Islaamku wuxuu sidoo kale si xoog leh uga hadlayaa sida qofka muslimka ah uu ula dhaqmo bulshada uu ku dhex nool yahay. Waxaa lagu amrayaa inuu wanaag iyo caddaalad kula dhaqmo dadka, oo uu wanaag la jecleysto walaalkiis sida uu naftiisa ula jecel yahay. Nebi Muxammad (NNKH) wuxuu yiri:
“لا يؤمن أحدكم حتى يحب لأخيه ما يحب لنفسه”
“Midkiin ma rumeeyo si buuxda ilaa uu walaalkiis la jecleysto waxa uu naftiisa la jecel yahay.”
Waxaa muhiim ah in qofka muslimka ah uu wanaag u sameeyo dhammaan bulshada, iyadoon loo eegin diintooda ama haybtooda. Islaamku wuxuu farayaa in qofka laga caawiyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka bulshada soo wajaha, ha ahaato caddaalad-darro, saboolnimo, ama caafimaad la’aan.
- Xiriirka qofka iyo naftiisa:
Islaamku wuxuu sidoo kale hagaa xiriirka qofku la leeyahay naftiisa. Waa muhiim qofka inuu ku noolaado xeerarka diinta, kana fogaado waxa naftiisa dhibaya sida xumaanta, isla markaana ku tiirsanaado wanaagga iyo dhaqan wanaagga. Qur’aanka Kariimka ah wuxuu tilmaamayaa dhibaatada nafta ay keeni karto haddii aan laga taxadarin, isagoo leeyahay:
“إن النفس لأمارة بالسوء إلا ما رحم ربي”[2]
“Naftu waa farid badantahay xumaanta, naxariista Eebahay mooyee, Eebahayna waa naxariiste dambi dhaafa.”
Qofka muslimka ah waa inuu si wanaagsan ula dhaqmo naftiisa, isaga oo ka fogaanaya waxyaabaha burburin kara caafimaadkiisa, sharaftiisa, iyo noloshiisa guud ahaan. Islaamku wuxuu nafta ka ilaaliyaa xumaanta, wuxuuna ku hagaa waddada toosan ee nafta dhaqankeeda lagu wanaajinayo.
Islaamku waa Diin dhamaystiran
Diintu ma ahan oo kaliya cibaado lagu guto masaajidda oo keliya, ee waa nidaam dhameystiran oo wax ka qabta dhinac kasta oo ka mid ah nolosha qofka iyo bulshada. Islaamku wuxuu nidaamiyaa:
- Dawlad iyo hogaamin:
Islaamku wuxuu leeyahay nidaam hufan oo lagu hagayo hogaaminta bulshooyinka iyo dawladnimada. Waa nidaam ku salaysan caddaalad iyo masuuliyad, iyadoo dadka hogaamiyeyaasha ah ay laga doonayo in ay xilalkooda si wanaagsan u gutaan, taasoo Qur’aanka iyo Sunnada Nebiga (NNKH) ay si wanaagsan u sharraxaan.
- Aqoonta iyo cilmiga:
Islaamku wuxuu si weyn u dhiirrigelinayaa barashada cilmiga iyo aqoonta. Nebi Maxamed (NNKH) wuxuu yiri:
“طلب العلم فريضة على كل مسلم ومسلمة”
“Barashada cilmiga waa waajib saaran qof kasta oo muslim ah, rag iyo dumarba.”
- Caafimaadka iyo noloshaada:
Islaamku sidoo kale waxa uu muhiimad gaar ah siiyaay caafimaadka qofka iyo qiimaha uu u leeyahay nolosha; isaga oo waxkasta oo dhib ku ah caafimaadka qofka uu islaamku mamnuucay, waxkasta oo qayb ka qaadanaya wanaajinta caafimaadkana dhiiri galiyay.
- Sharciga iyo cadaaladda:
Cadaaladda iyo kala dambayntu waa mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee islaamka asaaska u ah, islaamku waxa uu jideeyay nidaam dhamaystiran oo sharci iyo kala dambayn ah, cadaaladduna asal iyo tiir dhexaad u tahay.
Gunaanad
Qormadaan waa bilowga taxane qormooyin ah oo aan kaga hadli doono sida Islaamku u nidaamiyay dhammaan dhinacyada nolosha. Qormooyinka soo socda, waxaan labadii todobaadba mar uga hadli doonnaa qayb gaar ah oo Islaamku nidaamiyay, sida dawladnimada, aqoonta, caafimaadka, iyo sharciga.
————————————————————
[1] (Suuradda Al-Dhaariyaat, 56
[2] (Suuradda Yuusuf, 53)
Qoraaga: Sakariya Axmed Maxamed (Rabiica)