Gogosha Madaxweyne Xasan Shiikh: Ma keeni doontaa xal u helidda caqabadaha siyaasadeed ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo muddo xileedkiisii 4-ta sanno ay qiyaastii hal sanno ka harsantahay, ayaa habeenkii ay bilatay Ciidul Fitriga oo ku beegnayd 29/03/2025 jeediyey khudbad isugu jirtay hambalyada ciidda iyo fidinta gogol qaran si looga tashato xaaladda cakiran ee uu dalku marayo.

Dhawaan, saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya, gaar ahaan safiirrada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Madaxweynaha u soo jeediyay inuu tallaabo degdeg ah qaado, uuna isugu yeero saamilayda siyaasadeed si hab wadajir ah looga tashto xaaladaha loona gaaro isfaham.

Sidoo kale, Xasan Shiikh oo dabayaaqadii Maarso safar ku tegey Turkiga, oo kamid ah saaxiibada ugu weyn ee Soomaaliya, ayaa la sheegay in ay u soo jeediyeen in uu qabto shir- weyne qaran oo looga wadaxaajoonayo xaaladda dalka. Turkiga oo tan iyo 2017-dii Soomaaliya ka taageerayay dhismaha ciidamada, wuxuu bishii Diseembar ee sanadkii tagay 2024-ka dhexdhexaadiyay damacii Itoobiya ee badda Soomaaliya oo khilaaf weyn oo diblomaasiyadeed ka dhex qarxiyay labada dal ee kuyaala Geeska Afrika.

Nuxurka khudbadda madaxweynaha

Isaga oo tixgelinaya soo jeedimaha saaxiibada beesha caalamka, ayuu Madaxweyne Xasan Shiikh hambalyada ciidda ku daray hadal kooban oo uu gogol ugu fidiyay siyaasiyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed si looga wadahadlo:

  1. In loo midoobo la dagaallanka argagixisada
  2. Sidii loo heli lahaa dowlad casri ah oo dimoqraaddi ah

Labada qodob ee uu Madaxweynuhu tilmaamay waxaa laga dheehan karaa dhowr arrimood;

  1. In Madaxweynuhu xoogga saarayo in Soomaalidu u midowdo la dagaallanka argagixisada oo khatar wayn oo aan la dhayalsan karin ku ah amniga qaranka, suurtagalna aysan ahayn in la gaaro dowladnimo taabbagasha haddii aan dalka laga sifayn.
  2. Waxaa kale oo hadalka Madaxweynaha laga dheehan karaa in shirku uu noqdo mid siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay u dhan yihiin, halka uu dhinaca kalena ka tilmaamay waxgaradku inay qayb ka noqdaan sida bulshada rayidka ah, aqoonyahanka iyo dhaqankuba.
  3. Waxaa hadalka laga dheehan karaa oo kale in Madaxweynuhu uu weli ku taagan yahay qorshihiisii ahaa inuu dalka ka hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, iyadoo aysan suurto gal ahay in dowlad casri oo dimuqraadi ah la gaaro haddii aan xal laga gaarin caqabadaha waa-weyn sida dhammaystirka dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka, ka sifaynta argagixisada deegaanada ay haystaan, iyo xoojinta xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada si loo dhiso hannaan siyaasadeed oo mideysan.

Falcelinta siyaasiyiinta

Siyaalo kala duwan ayaa looga falceliyay hadalka Madaxweynaha, dhinacyo kala duwanna waa laga kala istaagay:

Siyaasiyiinta kala ah ah Shiikh Shariif, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa soo saaray qoraal ay ka muuqato inay wali taxadar ka muujinayaan in hadalka Madaxweynaha ay ka maqan yihiin qodobbo mudan in laga war sugo sida qaabka shirka, cidda ka qayb galaysa iyo ajandaha rasmiga ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa soo dhaweeyey baaqa Madaxweynaha, hase ahaatee wuxuu ka istaagay dhanka midnimada dalka, isagoo sheegay inaan talo hal dhinac ah keligeed socon karin, haddii la isku dayana ay khatar ku tahay midnimada dalka.

Dhanka kale, qoraalka Farmaajo waxaa ka muuqda inuu diidan yahay in shirkaan lagu martiqaado siyaasiyiin aan xilhayn, isagoo soo jeedinaya in wadahadalku ku koobnaado Dawladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka. Farmaajo oo xilligiisii wadahadallada siyaasaddu ay ku koobnaayeen Dawladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka, dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka ahna ay dibad joog ka ayaayeen, ayaa waxaa muuqda inuu Xasan Shiikh Maxamuud la doonayo dabinkii uu ku dhacay mid la mid ah.

Waxaa sidoo kale hadalka Madaxweynaha ka falceliyey Ra’iisul Wasaarayaal hore sida Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo Cabdi Faarax Shirdoon oo muujiyey inay soo dhawaynayaan gogosha uu Madaxweynuhu ku baaqay, balse waxay boggaadintooda raaciyeen in shirku leeyahay ajande iyo qorshe lagu wada qanacsan yahay. Shirdoon ayaa intaas raaciyay inay gogosha ka muhiimsan tahay sida ay Villa Soomaaliya uga go’an tahay in xal laga gaaro tabashooyinka arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka oo ay madaxtooyadu hore keligeed isugu cabirtay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagu dhankiisa soo dhaweeyey gogosha Madaxweyne Xasan uu fidiyay shuruud la’aan. Taliyihii hore ee Nabadsugidda Qaranka Fahad Yaasiin ayaa isna soo dhaweeyey baaqa Madaxweynaha, wuxuuna ku tilmaamay mid “macquul ah oo dhiirrigelin mudan”, wuxuuna intaas ku daray in Madaxweynaha siduu wax u rabo loogala shaqeeyo.

Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka ayaan ka hadlin gogosha Madaxweyne Xasan fidiyay marka laga reebo Axmed Madoobe oo muujiyay dareen ah in Soomaalidu xilligan u baahan tahayn isu-tanaasul, haddana kama muuqan khudbaddiisa wax soo dhawayn ah oo toos u taabanaysa soojeedintii Madaxweynaha. Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo waraysi siiyay warbaahinta maxaliga ah ayaa muujiyay in maamulka Puntland uusan xilligan diyaar u ahayn ka qeybgalka gogoshaas, isagoona ku andacooday in Puntland ay ku jirto dagaal, madaxweynaheeda Siciid Cabdullaahi Denina uusan waqti u hayn.

Filashada gogosha

Aamusnaanta qeyb kamid ah Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka iyo jawaabaha Puntland iyo Jubbaland ayaa muujinaysa shaki weyn oo laga qabi karo qabsoomista gogosha uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ku baaqay. Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka ayaa ah saamilayda siyaasadda asaasiga oo ay muhiim tahay in ay qeyb ka qaataan hanaanka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marka ay timaado arrimaha sida: dastuurka, hanaanka doorashooyinka qaranka, iyo la dagaalanka argagixisda, qodobadaas oo udub dhexaad u ah ajandaha muhiimka ay tahay in diiradda xilligan lagu saaro.

Haddii gogoshan Madaxweynaha ay dhab ka tahay oo ay ka qeybgalaan dhammaan saamilayda asaasiga ah ee siyaasadda; waxa ay noqon kartaa mid xal looga gaari karo caqabadaha taagan ama bilow u noqota wadahadallada xilliga kala guurka ah si loo samatabixiyo dalka, haddiise ay noqoto mid uu Xasan Shiikh isaga yaraynayo cadaadisyada haysta, oo aysan ka qeybgalin dhammaan Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka, waxay noqon doontaa mid aan keenin xal waara, oo keeni karta in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay ka sii darto, iyadoo la waayi karo fursado muhiim ah oo hadda jira oo xal looga gaari lahaa khilaafaadka iyo caqabadaha amni ee dalka horyaala.  

Dr. Maxamed Cali Faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *