Soomaaliya ayaa tan iyo 1991-kii waxay la dhibbaatoonaysa xaalado amni daro kadib markii dowladnimadii ay meesha ka baxday dalkuna galay burbur iyo xasilooni daro, taasoo keentay asaasmida kooxo urur diimeedyo hubaysan oo wata ajandayaal caalami ah. Kooxahan oo ay ugu weynyihiin Al-Shabaab iyo Daacish ayaa khatar weyn ku keenay dib u dhiska dowladnimada, xasiloonida guud ee dalka iyo gobalkaba.
Kooxahan oo ka faa’idaysanaya tabardarida ha’ayadaha amniga ee dalka iyo khilaafyada siyaasadeed ee jira ayaa saldhigyo ka samaystay qaybo kamid ah dalka, halkaas oo ay ka soo abaabulaan weeraro qorshaysan oo ay ku carqaladaynayaan nabadgelyada iyo dowlad dhiska Soomaaliya.
Al-Shabaab oo xiriir la leh urur weynaha Al-Qaacida, ayaa gacanta ku haysa deegaano badan oo kuyaala koonfurta Soomaaliya inkastoo sanadihii u dambeeyay laga xoreeyay dhul badan hadanna kooxdan ayaa weli khatar weyn ku ah xasiloonida dalka. Kumanaan dad rayid ah, ciidamo, masuuliyiin dowladeed iyo ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ayaa naftooda ku waayay muddadii ay halgankooda wadeen.
Dhanka kale, kooxda Daacish, oo fadhigoodu yahay deegaanada Buuralayda Caal-miskaat ee gobolka Bari, Puntland, Soomaaliya, ayaa tiro ahaan korortay sanadihii u dambeeyay kadib markii ajaaniib badan ay ku biireen, sida ay sheegeen saraakil sare oo ka tirsan waaxda difaaca Mareykanka. Kooxdan ayaa deegaanadaas muhiim weyn u aragta halkaas oo ay dhanka saadka iyo maalgelinta shabakadaha Daacish ee Afrika iyo caalamkaba ka xoojin karto.
Xaalada amni iyo halista argagixisada
Kooxahan ayaa sanadihii u dambeeyay fuliyay weeraro argagixiso oo galaaftay nolosha dad badan. 2024-kii, tusaale ahaan, Al-Shabaab ayaa 798 weerar ka geysatay gobolada Shabeellaha Hoose, Bay iyo Jubbada Hoose, sida ay diiwaangelisay Armed Conflict Location & Event Data (ACLED). Isla sanadkaas, 44% ayaa hoos u dhac ku yimid weerarada Al-Shabaab ee gobolka Banaadir kadib markii ciidamo xasilin ah oo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) la geeyay irdaha ugu waaweyn ee laga galo Muqdisho.
Tirada rasmiga ah ee dagaalyahannada Al-Shabaab weli lama oga, balse qiyaasaha hore waxay muujinayaan koror weyn. Sannadkii 2008-dii, Midowga Afrika wuxuu ku qiyaasay 2,000 dagaalyahan, halka 2011-kii ay gaareen 9,500. Sannadkii 2022-ka, laamaha amniga waxay qiyaaseen in tiradoodu tahay 4,000–7,000. Si kastaba oo ay ahaataba, warbixin ay Kooxda Kormeerka Qaramada Midoobay soo saartay Janaayo 2024-kii ayaa qiyaastay in tiradoodu gaarsiisan tahay 7,000–12,000, taasoo muujinaysa awooddooda iyo sii wadida halgankooda.
Dhanka dhaqaalaha, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa leh ilo dhaqaale oo xoogan. Inkastoo aan la ogayn lacagta saxda ah ee Al-Shabaab heshay sanadka 2024-kii, warbixinno ayaa muujinaya in kooxda ay weli ku tiirsan tahay lacagaha baada ah, canshuuraha, iyo ka ganacsiga badeecooyinka si ay u maalgeliso hawlgalladooda. Dowladda Federaalka Soomaaliya inkastoo ay isku dayday in ay joojiso ilaha dhaqaale ee kooxda, waxay weli haysataa ilo kala duwan oo dhaqaale.
Dhawaan, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bilowday dagaal ka dhan ah maleeshiyadda Al-Shabaab kadib markii uu hagad ku yimid in muddo ah, taasoo fursad u siisay maleeshiyadda in ay dib u qabsato deegaano badan oo horey looga xoreeyay oo ay kamidtahay Ceel-baraf oo kutaala Shabeellah Dhexe.
Dhanka Puntland, dabayaaqadii sanadkii 2024-ka ayaa waxay Puntland diyaarisay guluf ka dhan ah kooxda Daacish kuwaasoo sanadihii u dambeeyay si weyn isugu ballaariyay deegaanada buuralayda Caal-miskaat ee gobolka Bari. Dagaalka Puntland ku qaaday Daacish oo ilaa hadda halkaas ka socda ayaa banaanka soo dhigay inta ay la egtahay halista kooxdan oo aan awal lagu baraarugsanayn.
Waxyaabaha keenay in Daacish ay si aan la filayn u kororto ayaa waxaa kaalin weyn ka qaatay lacagaha baada ah oo ay ka qaado ganacsatada Boosaaso, oo ah xarunta ganacsiga Puntland, waxay sidoo kale lacag ka heeshaa dhoofinta qadar yar oo dahab ah oo laga qodo gobolka Bari, sida ay sheegtay warbixin dhawaan ay daabacday ha’ayadda International Crisis Group (ICJ). Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in Daacish ay tan iyo 2022-kii urursatay $6 milyan. Ganacsatada ku sugan Boosaaso oo wareysi siiyay Crisis Group ayaa sheegay in Daacish ay ka khatar badan tahay Al-Shabaab marka ay lacagaha baadda qaadayaan, iyagoo dalbanaya lacag badan oo dheeraad ah oo haddii ay waayaan ku hanjabaya in ay dhibbaato gaarsiinayaan ganacsiga.
Halista kooxahaan oo muddo sannooyin ah wada halgan ay ku doonayaan in ay kula wareegaan dalka ayaa haddii aan si dhab ah loo wajihin ciribtirkooda waxay wiiqi karaan dadaalada dowlad dhiska ee Soomaaliya. Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya heer federal iyo heer maamul goboleed oo isku haya awood-qeybsiga ayaan weli hirgelin hannaan amni qaran oo mideysan, kaasoo qeexaya qaab-dhismeedka ciidamada iyo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka markii ay timaado la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.
Qorshaha lagu xaaqiijin karo ciribtirka argagixisada
Inkastoo niyadjab deeqbixiyeyaasha ah ay jirto, Soomaaliya ayaa weli haysata fursada saaxiibo caalami ah oo taageero ka siiya dhanka ciidamada sida Maraykanka, Turkiga iyo dalal kale. Tusaale, Maraykanku, intii u dhaxaysay 2010-kii iyo 2020-kii, wuxuu bixiyay in ka badan $500 milyan oo taageero toos ah oo dhanka amniga ah oo la siiyay ciidamada Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Congressional Research Service.
Sidoo kale waxaa jira dalal badan oo uu Turkigu hormuud ka yahay oo tan iyo sanadkii 2017-kii tababar siinayay ciidanka Soomaaliya kadib markii uu saldhiga ugu weyn ee ciidan oo adduunka ku leeyahay ka samaystay Muqdisho.
Haddaba iyadoo ay Soomaaliya fursadahaas haysato waxaa la jooga wakhtigii ay ka faa’idaysan lahayd lana saamayn lahaa qorshe dhammaystiran oo lagu ciribtirayo kooxahaan argagixisada ah.
Si loogu guulaysto qorshahaas waxaa mudan in la hirgeliyo qodobadaan muhiim ka ah:
- In la mideeyo howlgalada ka dhan ah kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish iyadoo la dejinayo qorshe qaran, midaysan, oo dhammaystiran.
- In hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee heer federal iyo heer dowlad goboleed ay dhinac iska dhigaan kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed, laguna midoobo ciribtirka kooxaha argagixisada ah.
- In ciidamada la dagaallamaya kooxaha argagixisada loo helo hub casri ah, tababar sare, taageero sirdoon, daryeel caafimaad, mushahar joogto ah, sahay ciidan, iyo isku-xirnaan si ay waajibaadkooda amni u gutaan si hufan.
- In madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka Federaalka ay isugu yimaadaan shir qaran oo deg-deg ah si ay u diyaariyaan istiraatiijiyad qaran oo lagula dagaallamayo argagixisada, taasoo si cad loogu qeexayo doorka dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka.
Qoraaga: Cabdullaahi Rubaani