Puntland Maxay Maagantahay Mustaqbalka?

Sanadkii 1998-dii markii Puntland la asaasay, waxaa ujeedadu ahayd labo arrimood, tan kowaad waxay ahayd in deeganadu ay yeeshaan maamul iyo kala damayn, kana badbaadaan dagaaladdii ka socday koonfurta dalka, tan labaadna waxay ahayd,

In laga shaqeeyo in Soomaali la isugu keeno oo dib loo yagleelo qaranimadii burburtay 1991-dii. 

Shirkii Embagaati, Kiinya ee 2004-tii waxaa lagu heshiiyey in dalka Soomaaliya uu qaato nidaamka federaaliga ah ee labo gobol iyo waxii ka badan xaq u siinaya in ay noqdaan dowlad goboleed ka tirsan Dowladda Federaalka Somaaliya. Aragtidaan waxaa lahaa siyaasiyiinta reer Puntland oo uu hormuud u ahaa madaxweynihii kowaad ee Puntland, ahaana madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed. Sababaha siyaasiyiintii markaas joogey Puntland nidaamka federaalka u doorteen oo Cabdullaahi Yuusuf ugu weynaa, hadana inta nool ugu weyn yahay Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Cabdi Faarax Juxa (wallow Juxa hadda ka weecday oo konfederaal u ololeeyo, waana mawduuca gaar ah) ayaa ahayd;

  • In dowlad Soomaaliya ka dhalata aysan ku koobnaan Muqdisho keliya. 
  • In la garwaaqsaday ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya in lagama maarmaan ay tahay in deegaanada awalkiisii hore gaari waaga la oran jirey ee inta badan la cidleeyey oo Muqdisho laga aadey aan markale la cidlayn.
  • In qaxii iyo hanti beelkii lagala kulmay 1991-dii markale loo noqon.

Hadaan dib u milicsano taariikhda, maanta gobolada Puntland loo yaqaan, in badan dadkiisa hantida haystay, waxbaratay, iyo intii siyaasiyiinta ahaa waxay u guureen koonfurta. Waxaan ka dheregsanahay in gobolada dowladihii 1960-199-dii dalka xakumay aysan ka hirgelin adeeg dowladeed, mashaariic horumarineed, wershado iyo ilo dhaqaale marka laga reebo dekeda Boosaaso oo aakhirkii 80-aadkii la dhisay mudo kooban ka hor burburkii dowladii milatariga ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Bare, iyado adeegkasta oo dowladeedna loo aadi jirey Muqdisho, waxaana la oran karaa inuu ahaa dhul iyo deegaan la hagraday (neglected region). 


Ka dib in ka badan rubuc qarni ayaa kasoo wareegay asaaskii Puntland iyo curashada aragtida nidaamka federaaliga ah ee hormuudkii reer Puntland xiligaas u iba-fureen. Waxaase xaqiiq ah in aragtiyihu is bedeli karaan muddo dheer ka dib, siiba markay kacaan jiilal cusub, waxaa xaqiiq ah in fekerkii ay laahayeen foolaadka siyaasiyiinta reer Puntland weli jiro magac ahaan balse micne ahaan uusan jirin oo in badan oo ka mid ah jiilka hadda siyaasada ku jirta qiima weyn ugu fadhiyin aragtida federaalku. Taas waxaa dheer in badan dhalinyarada ka yar 35 jir ee ah tirada ugu badan ee mujtamaca aysan taariikhihii la soo maray ku bararugsanayn, waxaa intaas dheer jiilka siyaasiinta ah oo badankood aaminsanayn aragti qotodheer ee u joogaan maalin-tooxsi, iyo xil iyo xoolo ay helaan markaas, tan waxaa daliil u ah siyaasiyiinta reer Puntland markay xil ka hayaan Puntland aad ayey ugu ad-adagyihiin aragtida nidaamka federaalka ah balse markay dowladda federalka ah xil siyaasi ah ka qabtaan isla aragtidii ayey kasoo horjeedsadaan.

Waxaan shaki ku jirin waxa yar doodaha arrimaha federaalka ah oo khasbaysa in aragtidaani suuq weyso, ma jirto cid ka niqaashta faaiidada iyo khasaraheeda mudo dheer ka dib markii la qaatay fikarkaan. Dhankale, 20 sano ka hor, magalooyinka Puntland waxay ahaayeen meelaha ugu dadka badan dalka Soomaaliya sababto ah koonfurta oo dagaal ka socday awgeed, magaalada Boosaaso oo ahayd xarunta ganacsi ee dalka iyo marinka tahriibta dadka fursado shaqo iyo nololeed u raadsanaya dalalka Khaliijka Carabta. Su’aasha maanta taagan waxay tahay maxay Puntand maagantay, mustaqbalka dhow iyo kan fogba?.

Puntland ma leedahay pull factor (soo kasbasho) dhaqaale, ka dhiga gobol loo soo shaqo iyo ganacsi tago oo ka fursad fiican goboloda kale, hadaysan ahaynse malaga shaqayn karaa in ay noqoto mustaqbalka? maxaa nidaamka Puntland u diiday inuu ka fekero inuu hirgeliyo fursado ganacsi oo kumanaal dhallinyaro ah shaqo abuur u noqda?  dhalinyarada badan ee tahriibaysana xal u noqda.  Waxaa dhici karta dadka badankood in ay is dhehaan lama samayn karo shaqo abuur iyo maalgashi ganacsi taageero shisheeyela’aanteed, taasina waa dood daciif ah. Cashuurta dowladda soo gasha ayey inyar uga qoondayn kartaa in ganacsatada la daymiyo in ay qalabka wershedaha ku soo gataan, mudo 5-10 sano ahna ku baxshaan, iyo in qalabka beeraha oo beeralayda la siiyo si ay fursad ugu helaan ay ku beertaan qutul yawmka, badeecadaha dalka kasoo baxana ee dibada laga keeno cashuurta loo siyaadsho si aysan u suuq tirin waxsoosaarka degaanka. Sido kale in shacabka loo fududeeyo la soo bixida macdanta, dowladduna cashuurta ka qaadato. Dhiirigelinta xoola dhaqashada iyo hirgelinta biyo xireeno looga faaiidaysto biyaha raxmada Eebbe ee roobka. Arrimahaan waa aragtiyo dhaqaale oo cilmiyeysan sida ay qabto aragtida dhaqaale ee Keynesian Economics ama Aggregate Demand oo qabto in dowladdu kharash-garayso canshuurta soo gasha si wareega lacagtu u kordho.

Xalka dhaqaale waa fududyahay balse Puntland waxay u baahan tahay aragti siyaasadeed oo degan, deegaankana ku kalsoon (think globally, act locally). Siyaasiga reer Puntland waxaa looga baahanyahay in uu dadka iyo degaanka ku kalsoonaado, ujeedkiisa koowaad ee xil federal ah noqon markuu fursad u helo in uu Puntland ku metelo dowladda federaalka ah ee ay jiraan arragtiyo iyo mabaadi aan laga tilaabsan karin. Siyaasada Soomaaliya ee is bedbedelaysa waa in siyaasiga reer Puntland arragti cayiman ka leeyahay, dooda iyo fikradaha aan laga tanaasuli karina shacabka ku qancin karaa. Haddii ay dhici weydo in siyaasiyiinta xilka haya ee Puntland aragti waadix ah oo la wada ogyahay, fagaare kastana laga sheegi karo yeelan waayaan waxaa dhici doonta in fikarka federaalku noqdo mid waqtigiisu dhamaado oo la god gala akhyaartii lahayd fikarkiisa, jiilka cusubna ay sii wadi waayaan.

Waxaa kale oo muhiim ah in Puntland maamul ahaan aysan marnaba fursad siin in xurguf siyaasadeed dhexmarto dowladda federalka ah.  Waa daw in ay jirto kala aragti duwanaan iyo doodo taagan oo masiiri ah balse xurguf siyaasadeed wax faaiido ah ma soo kordhineyso. Taas bedelkeeda waxaa ka faaiido badan in Puntland hormuud u noqoto in Dowladda Federalka Soomaaliya hirgeliso dastuur leh dabar iyo xayndaab ibafur u noqda heshiis bulsho oo 100 sano iyo ka badan loo aayo. Scotland oo ka mid ah Boqortooyada Ingiriiska ayaa tusaale laga dhigan karaa oo iskeed isu maamusha marka la joogo qaybsiga waxsoosaarka dalka oo ay kow ka tahay shidaalka kasoo baxa gobolkeed, waxayna isticmaalaan heshiis la xadididay 1979-kii oo loo yaqaan Barnett formula. 

Puntland waa in ay hormuud u noqotaa ka shaqaynta ha’yadaha adeega baxsha ee federaalka in lagu baahsho dalka, oo xarumahooda dhexe gobolada saldhig looga dhigo si aan Muqdisho loogu soo xoomin, fursadaha shaqo dadka degaamadooda loogu geeyo, tusaale Taliska Ciidanka Badda Soomaaliya laga dhigo Boosaaso ama Caluula. Wakaalada Socdaalka iyo Jinsiyadaha xarunteeda dhexe laga dhigo Beledweyne, wakaaladaha kale ee dalkana midba gobol iyo magaalo xarun looga dhigo. In aad gudaha joogto ayaa ka faaiido badan banaan jooga (in or out), waxaana tusaale ka dhigan karnaa dalka UK oo 2016-kii ka baxay Midowga Yurub balse isbedelka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunida ka jira ayaa hada ku khasbay in ay garwaaqsadaan in Midowga Yurub heshiis horleh oo wada shaqayn lala galo. Tan waxaan ula danleeyahay adigoon ka tanaasulin aragtidaada miiska wada hadalka ka soo jeedin kartaa, markii lagu maqli waayona shacabka u gardhiiban kartaa.

Ugu dambayn, xasarada waa in lagu bedelaa xal, aamuskana lagu bedelaa dood iyo fagaare ka hadal. Mustaqbalka ay higsaneyso Puntland bulshada lala wadaaga oo ay kow ka tahay koboc dhaqaale iyo xasilooni siyaasadeed oo is-garab socda.

Qoraaga: Eng. Abshir Siciid Axmed (Abshir Raabi)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Share via
Copy link